01 April, 2009

Warsaxaafadeed Urur Suxufi oo Cusub

 
news image
HARGEISA, Urur Saxaafadeed Cusub oo magaciisa la yidhaahdo MeRiS (Media Rights Somaliland) ayaa dhawaan laga aasaasay magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland .

MeRiS waxay u taagan tahay inay dhowrto xuquuqda suxufiyiinta iyo qorayaasha. Inay tababarto dadka ku shaqeeya mihnadda Suxufinimo, aqoontoodana kor u qaado. Inay u qabanqaabiso kulamo dhaqan iyo aqoonisweydaarsiyo la xidhiidha saxaafada iyo dhaqanka.
MeRiS waxay aaminsantahay kuna dhagsan tahay qodobka 19aad ee Xeerka Xuquuqda Aadamiga ah ee odhanaya: " qof waliba wuxuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa six ah u gudbin karo, ... inuu raadsan karo helina karo kalana shaandhaysan karo warka iyo fikradaha nooca warbaanideed ee u doono tiiyoon xad loo eegayn"
MeRiS waxaa la aasaasay sannadkan 2009, waxaana aasaasay xubno ka kala kooban suxufiyiin madaxbannaan, deegaanyahhano, wargayso, websiteyo, iyo xubno kale oo ay isku keentay inay dhowraan xorritul qowlka, nabadgelyada, maamul wanaaga, dimuqraadiyadda iyo horumarka. MeRiS waa urur madaxbannaan, oo aan dawli ahayn, faa'iido doonna ahayn, waxaanu hadafkiisu yahay inuu kur u qaaddo ilaaliyana xorriyada saxaafadda iyo xoriyatul qowlka iyo hab wanaagsan oo saxaafadeed oo ka hirgala Somaliland .
MeRiS waxay la socon doontaa shaqada saxaafadda waxayna samayn doontaa tababaro iyo cilmi baadhis.
MeRiS waxay u furan tahay inay xubno ka noqdaan dhamaan suxufiyiinta khibradda ee ku jira mihnadda suxufinimo.

Xarunta MeRiS waxay ku taalaa Hargeysa, laakiin waxay xafiisyo ka furan doontaa gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan
 
 

No comments: