01 April, 2009

Kulmiye oo Diiday Go'aankii Guurtida ee

Wednesday, April 1st, 09] :: Kulmiye oo Diiday Go'aankii Guurtida ee Xilli Kordhinta
news image

Dhegayso iyadoo cod ah: Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa ku gacan-sayray go'aankii Sabtidii hore uu Golaha Guurtida Jamhuuriyadda iskeed isu taagtay ee Somaliland ku gaadhay in ay muddo-kordhin u sameeyaan maamulka madaxwayne Daahir Rayaale ee xisbiga UDUB.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in xisbigiisu aanu aqbalayn go'aanka Golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay in uu yahay sharci-darro.

Axmed Siilaanyo oo la hadlay maanta oo Isniinta Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa Golaha Guurtida ku eedeeyay in iclaaminta xilliga doorashada ayan ahayn mid sharciyan iyagu leeyihiin, balse waxa uu sheegay in kaliya laga sugayay in ay xukuumadda xilli mucayn ah u kordhiyaan.

Go'aanka xaddidida xilliga la qabanayo doorashada ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in ay tahay mid u taal guddiga doorashooyinka.

Guddoomiye Siilaanyo ayaa ku dooday in Somaliland ayan ka jirin dhibaato ammaan oo sababi karta in aan la qaban doorashooyinka lagu ballansanaa.Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya 6-da April ayan aqoonsanayn sharciyadda xukuumadda madaxwayne Daahir Rayaale.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa sheegay in sababo farsamo iyo kuwo dhaqaale dartood ayan doorashadu ku dhici karin xilligii markii hore loo asteeyay oo ku beegnayd shalay 29-kii March ee shalay ahayd.Taa badalkeeda ayuu guddigu soo jeediyay in la qabto doorasahda madaxwaynenimada31-ka bisha May ee sannadkan 2009-ka.Si kataba ha ahaatee, Golaha Guurtida ayaa ugu dambayn xilliga Doorashada u asteeyay 29-ka September ee sannadkan 2009-ka.

Somaliland ayaa Soomaaliya inteeda kale gooni isaga taagtay sannadkii 1991-kii, inkasta oo ayan wax aqoonsi ah ka helin caalamka.Tan iyo intii la dhisay Somaliland waxa laga hirgaliyay dhowr doorasho oo isugu jira kuwo dhaqan iyo kuwo waafaqsan nidaamka dimuqraadiga ah ee ay ku tartamaan xisbiyada tiradada badan.

Waraysiga Siilaanyo iyo warbixinta Sahra Ciiddle
Dhegayso (MP3)

Waraysiga guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Somaliland iyo hayaankii dimuqraadiyaddeeda

No comments: