Showing posts with label TACSI. Show all posts
Showing posts with label TACSI. Show all posts

23 December, 2017

Mustashar Axmed Carwo waxuu dhambaal tacsi ah ka dirayaa geerida Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale


Mustashaar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 21/12/2017, Dalka Ingiriiska.

 Marxuum Maxamed Yoonis waxuu ahaa saxiib qaali ah oo uu na walaaleeyey mabda siyaasi ah anaga oo ilaa aasaaskii xisbiga Kulmiye aan maalina ka nasan dhismihiisa iyo horumarkiisa duruufo kasta oo naga soo martay. Rag xisbinimada aaminsan, oo u dhabar adeegay duufo qalafsan oo in yari u adkeysan karto.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigii dawladii Madaxweyne Silaanyo, waxaanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga Kulmiye isagoo noqday gudoomiyihii u horeeyay ee xisbiga Kulmiye u magacaabo UK, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golihii dhexe ee xisbiga, waxaanu kasoo qayb qaatay halgankii dib u xorreynta dalka, Marxuumku wuxuu in muddo ah u jiifay xanuunkan uu u geeriyooday xalay. Waxa kale oo uu ahaa guddoomiyaha Radio Horyaal, idaacaddii guusha xisbiga qaybta libaax ka ahayd doorashadii Madaxtooyada 2010,

 Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Qoyskii, eheladii, qaraabadii, xigto iyo xigaal, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna waafajiyo Samir iyo duco.Aamiin

Mustashar Axmed Xasan Carwo

17 December, 2017

TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM XASAN YAASIIN

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, tafiirta, xigto iyo xi gal,  iyo asxaabta Marxuum Xasan Yaasiin Maxamed oo maanta 17/12/2017 lagu aasay Hargeysa. 
Xasan waxuu ahaa oday ka mid ah tiirarka ka hadhsanaa raggii ilaa gumeysigii ka mid ahaa  haldoorka ummadda.Waxuu ahaa nin ehlu kheyr ah oon cidi ka caban, nin af gaaban oo cibaado badan. Waxuu ka mid ahaa odayadii qaybta libaax ka qaatay nabadeenta iyo la soo noqoshada qarannimada 
Somaliland.
Marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu Qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo,  ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Ehel iyo asxaabna in Alle waafajiyo samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

01 December, 2017

TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED XASAN CARWO GEERIDA CABDIRISAAQ JAAMAC CUMAR.. INA CIYAALE

TACSI KA TIMID MUSTASHAR AXMED XASAN CARWO GEERIDA CABDIRISAAQ JAAMAC CUMAR.. INA CIYAALE

Waxaan Tacsi u dirayaa ehelkii,tafiirtii,iyo asxaabtii Marxuun Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ina Ciyaale, oo shalay 30 November 2017, lagu aasay magaalada Hargeysa. Cabdirisaaq waxuu ahaa nin bulshaawi ah oo dad wadeen ah. Nin kaftan badan, oo laab furan. Waxuu ku suntanaa dhismaha dimuquraadiyadda dalka heer kasta ooy soo martay, min xiligii nabadeenta iyo aasaaskii qaranka Somaliland, iyo xiligii dhismaha xisbiyada. Waxuu ahaa Guddoomiyaha Komishanka Ilaalinta Xisbiyada iyo Ururada.

Alle ha u naxariistee, waxaa inaga baxay haldoor aan wax badan wadaagnay. Alle ha u naxariisto Cabdirisaaq qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannatul fardaws. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo duco..

Mustashar Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

28 May, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO,GEERIDA ISMAAIL XUSEEN (XIIN-JAAN)


 DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO,GEERIDA ISMAAIL XUSEEN (XIIN-JAAN)


Anoo ku hadlaaya afkayga iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta, ehelka, qaraabada, asxaabta, xigto iyo xigaalka marxuum Ismaaciil Xuseen  Xandule, oo ku geeriyooday shalay 1da Ramadaan 1438 magaalada Hargeysa.  

Ismaaciil waxuu ahaa nin aan ilaa yaraantii aqaanay tolniimo iyo saxaabnimaba, inaadeer tol jecel. NIn taariikh yahan ah oo aqoon badan wax badana aan ka faa'iday. Nin cibaado badan oo ehelu taqwa ah, bulshaawi farxad dadka ku qaabila, ubadkiisa iyo xaaskiisa ehelnimada ay u raacday saaxiibnimo oo aad ula kaftami jiray, taas oo dadkeena ku yar. Waxuu ahaa nin run ku nool oon xaqqa baal marin, nin xalaal quute ah oon xaaraan ag marin.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro, u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Ehel, asxaab, xaas, uabad iyo tafiirna waafajiyo samir iyo duco

Mustashar Axmed Carwo
00252 424 2077 

http://samotalis.blogspot.com/

08 May, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO GEERIDA MARXUUM MAXAMUUD CABDILAAHI JAAMAC (SIFIR)


La-taliyaha Madaxweynaha JSL  Mudane, Mustashar Axmed Carwo, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05.05.2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York City.



Marxuumka waxuu ahaa oday ka baxay dhamaan ummadda ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii u danbeeyey ee uu Qaranka somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya u fadhiya.


Mustashar Axmed Carwo waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


Mustashar Axmed Carwo
0252 63 4242 2077


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

http://samotalis.blogspot.com/

DHAMBAAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO GEERIDA MARXUUM KEENADIID C/KARIM JAAMAC

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, asxaabta, qaraabada iyo xisbiga Kulmiye U.K, ee uu ka baxay

Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac oo 7/05/2017 ku geeriyooday dalka Ingiriiska ee U.K. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa gobalka Sool ee ay xuduntiisu ku aasnayd.

Keenadiid waxuu xisbiga Kulmiye si xamaasad leh oo niyad ah ugu soo biiray socdaalkii kal hore Guddoomiye Muuse Biixi oon la socday ku tegay U.K. Waxa xusid mudan inuu ku biiristiisa ku sababeeyey murashaxnimda Muuse.
Marxuum Keenadiid waxuu ahaa nin aftaham ah oo wadaniyad lexaad lihi qalbigiisa fadhido, nin qarannimo ka door biday qabiil, nin mabda' ka raacay mansab. Intaan London joogay qayb ka mid ah socdaalka waxaa si joogto ah wehel ii ahaa Keenadiid oon ka helay xogo badan oo Sool iyo duruufaheeda ah. Nin hammo dheer lahaa ooy u muuqatay Somaliland oo mustaqbal wacan ka soo ifaayo. Nin diyaar u ahaa ololaha doorashooyinka oo uu tabaabushaha ugu jirtay imaatinka dalka iyo inuu qayb libaax ka qaato ololaha KULMIYE.

Waxaan si gaar ah u xusuustaa qudbadii uu ka jeediyey kulankii Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK kana dhacday London iyo tii la midka ahyd ee Murashax Muuse loogu qabtay isla London..qudbad quluubta dadka gashay, oo si xirfad leh oo xikmad, waayo-aragnimo iyo taariikh ka buuxdo uu madasha si heer sare ah uga akhriyey. Waxay ahyd qudbad si cad u bayaamisay shakhsiyadda marxuum Keenadiid.

Alle ha u naxaraiisto Marxuum Keenadiid, qabriga ha u nuuro, hana u waasiciyo, oo ha uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardaws. Ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo duco iyo samir.

Inaa Lillaah wa inaa illeyhi raajacuun.

Mustashar Axmed Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
00252 63 424 2077

http://samotalis.blogspot.com/

26 April, 2017

Dhambaal Tacsi ah oo ka timid Mustashar Axmed Carwo geerida Ruun Haybe Jire


Mustashar Axmed Xasan Carwo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan reer Cabdi Carwo, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee
Ruun Haybe  Jire  oo London ku geeriyootay shalay 25/04/2017. Waxaan Ilaahay ugu baryayaa inuu u naxariisto inagana ina waafajiyo samir iyo duco. Aamiin

31 March, 2017

DHAMBAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO..LABADA MARXUUM...AXMED FARAH JIRE IYO CABDIKARIM XAASHI CILMI



Mustashar Axmed Xasan Carwo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan reer Cabdi Carwo, waxa uu tacsi u qoysaska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Farax Jire iyo Mujaahid Cabdikarim Xaashi Cilmi oo ku kala geeriyooday Sacuudiga iyo Hindiya. Laba nin oo taariikhda halganka midba si ugu suntanaa. Mujaahid Cabdikarim waxuu ahaa hogaamiye kaalin mug weyn ku lahaa dib u soo celinta qaranimada dalka isagoo safka hore ee dagaalka kaga jiray halganka, qayb laxaad lehna ka qaatay dhismaha qaranka isaga oon marna ka maqnaan hogaaminta qaranka  haddana ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaan-dhiga.

Axmed Faarax Jire waxuu hogaamiye safka hore kaga jiray taakuleynta SNM ee dhaqaale isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay guddiyadii SNM ee Sacuudiga, waxuuna ka mid ahaa raggii ugu horeeyey ee dalka u soo hiloobay una yimid maalgashi iyo dhismaha qaranka, mey dhicin oo waxa haleeley xanuun uu muddo dheer la jiifay oo dib ugu celiyey Sacuudiga. Axmed waxuu ka mid ahaa ragga aan kaga deydo maskax furnaanta iyo hadal caddaanta. Nin isku kalsoonaa oo qalbigiisa iyo afkiisu wada socdeen. Waxuu ii ahaa saxiib weyn oo hiil iyo hooba naga dhexeeyey. Waxaan tacsida si gaar ah ugu dirayaa reer Faarax Jire, iyo ehelkooda ballaadhan ee habarwadaag iyo ilmaabti leh, abti iyo habaryar leh. aan si gaar ah u magacaabo Faysal Cali Waraabe oo uu marxuumku abti u ahaa.Waa reer aan saaxiibtinimo iyo tolnimo gaar ah la leeyahay.

Waxaan labada marxuum Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, ehel iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco.


Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maal gashiga

samotalis@gmail.com

00252 424 2077


http://samotalis.blogspot.com/


http://samotalis.blogspot.com/

05 March, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM SULDAAN JAAMAC CISMAAN AADAN


Mustashar Axmed Xasan Carwo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan reer Cabdi Carwo, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ku geeriyooday 04/03/2017 Dalka Jabuuti.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ahaa suldaan ummadda u dhex ah oo horumarka dadkiisa iyo dalkiisaba, ka horumariya arrimaha kale, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo nabad kuwada nolanshaha beelaha Somaliland.

Suldaan Jaamac waxaan ku bartay arrimo badan oo xasaasi ah, sida uu marwalba u agtaagnaa xaqqa iyo sida degan ee uu ku talin jiray. Marxalado badan ayuu beesha ku hoggaamiyey go'aamo waxtar u leh midnimada iyo wadajirka guud. Waxuu ahaa nin aad u afgaaban, muumin aan cidna dhibin.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, ehel iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco.


Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maal gashiga

samotalis@gmail.com

00252 424 2077


http://samotalis.blogspot.com/

16 February, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM CABDALLA AXMED CABDI DHEERE




INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. , waxaan tacsi u dirayaa waalid, walaal, ehel iyo asxaabta marxuum Cabdallah Axmed Cabdi Dheere oo ku geeriyooday dalka Jarmanka, gaar ahaan aabbo Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye,  iyo reer Cabdi Dheere. 

Marxuumku waxuu ahaa nin dhalinyaro ah, aad wax u bartay, mustaqbal wacan hiigsanaaya baari waalideen ah, degan oo aad uga weynaa jiilkiisa. Waa geeri oo qofba da'da Alle u qoray ayuu dunida ka dheelmanayaa. 

Waxaan Alle uga baryayaa dambi dhaaf, naxariis iyo inuu qabriga u waasiciyo, u nuuro ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, waalid, walaal, ehel iyo asxaabna uu waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,

samotalis@gmail.com

00252 634242077


http://samotalis.blogspot.com/

01 February, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM MUSTAFE CALI OBSIYE


INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. , ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii,  
Marxuum Mustafe Cali Obsiye oo ku geeriyooday London, U.K 31 January 2016.
 Waxaan tacsida si gaar ah ugu dirayaa aabihi Xildhibaan Cali Obsiye Diiriye (Cali Gabiilay)

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077

http://samotalis.blogspot.com/

29 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM SAED AXMED GUULEED


INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum SAED AXMED GUULEED. Si gaar aha waxaan u tacsiyadeynayaa Danjire Cabdifataax Saed iyo reer Axmed Guuleed, Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo Gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday.
 
Marxuum Saed Axmed Guuleed, waxuu ahaa nin aan ka daalin taakuleynta reer Soomaliland gudo iyo debedba, isagoo ahaa oday ka hawl gala isku-xidhka bulshada iyo ka odayeynta arrimaha jaaliyadda. Waxuu ahaa nin af gaaban, qunyar socod ah, oon cidna dhibin. Nin Alle ka cabsi badan oo masjidka ku xidhan.

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077

http://samotalis.blogspot.com/

23 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM XUSEEN CALI XIRSI


INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum Mujaahid Xuseen Cali Xirsi Carwo 
Marxuum Muj. Xuseeni, waxuu ahaa nin naftiisa u huray qaranka, isaga oo ilaa xiligii gumeysiga ahaa shaqaale dawladeed, isla markaasna qayb libaax ka qaatay halgankii SNM isaga oo dhammaan guddoomayaashii SNM la shaqeeyey oo u ahaa Chief of Staff, isla markaasna la soo shaqeeyey seddexda Madaxweyne ee Cabdirahmaan, Cigaal iyo Riyaale, kaalin talo bixin ahna la lahaa Madaxweyne Siilaanyo kolkan oo uu da' ahaa. Nin firfircoon oo ka dhaqdhaqaaq badan dadiisa, waayo arag aan afkiisa xumaan iyo xajiimeyn  ka caaganaa, siyaasi danta guud ku hawlanaa oon marna ku danaysan. Waxuu ahaa aasasayaashii xisbigii UDUB

Oday dhaqan iyo siyaasadda casriga ah isku si u yaqaanay, dhalin iyo waayeel yaqaanay sida uu ula hadlo. Nin aan wax badan ka kasbaday taariikh iyo aqoon dad iyo dalba ah.

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077


http://samotalis.blogspot.com/

16 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM PROF. XUSEEN MAXAMUUD AADAN (XUSEEN TANZANI)

INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum Prof. Xuseen Tanzani, 

Marxuum Prof. Xuseen Tanzani, waxuu ahaa laambad aan cidi labeen oo ka iftiimeysa degaanada Soomaaliyeed, gaar ahaan dalka Somaliland ee uu ka soo jeeday. Wxuu ahaa nin aqoontiisa ula soo guuray Soomaalida si uu u horo aqoontiisa horumarka iyo kor u qaadka garaadka Soomaaliyeed. Waxuu ahaa muwaadin aan qabiilkiisu yahay Soomali, abtirsiintiisu ka bilaabanto Soomali kuna dhammaato Somali.
Waxuu qoray buugag badan oo uu kaga hadlaayo marxaladii Soomaalidu soo martay ilaa dagaalkii SNM iyo xukuumaddii keli-taliska ahyd, taas oo uu ku cadeeyey sida kaacnku u lumiyey kalsoonidiisa iyo khasaarinta juhdigii uu galiyey qoomiyadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku xusuustaa, doodihii iyo workshoyadii uu 70naadka abaabuli jiray ee uu kor ugu qaadi jiray qarannimada iyo dal jaceylka qoomiyadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogtaba,

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077

http://samotalis.blogspot.com/

15 January, 2017

TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

15/01/2017
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Aadan  (Tanzania) oo ku geeriyooday dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Boston taariikdu markay ahayd 15/01/2016.
Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey Aqoonyahan taariikh facweyn ku leh guud ahaan soomaalida iyo aduunka, kana mid ahaa Aqoonyahanadii u horeeyey ee aduunku u aqoonsado Professor-nimadiisa, isagoo aqoon gaara u lahaa Culuunta Siyaasada (Political Science) ahaana aas-asihii unkay "Somali Studies International Association". Marxuumku waxa uu tusaale u ahaa aqoonyahanka dalka, waana tiir ka baxay dalka iyo dadka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Attachments area


http://samotalis.blogspot.com/

11 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM ANIIS SAALAX XAAJI XASAN


DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM  ANIIS SAALAX XAAJI XASAN



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa meel kasta ooy degan yihiin.Sidoo kale ayaan tacsida la wadaagayaa qaranka Soomaliland ee uu muddo dheer u shaqeeyey shacbi iyo xukuumadba, gaar ahaan GOBALKA SANAAG, ee uu muddo dheer ka ahaa isuduwaha Waxbarashada.
 Marxuum Aniis waxuu ahaa nin muwaadin ah oo hawlaha qaran muddo dheer ku jiray isla markaasna ahaa xisbiyahan ka hawl galay xisbiga Kulmiye xiligii doorashooyinka Madaxtooyada 2010, oo aanu meelo badan ku kulnay.


Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.









Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga



http://samotalis.blogspot.com/

06 December, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM AXMED AADAN CALI (GOODIR)


DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM  AXMED AADAN CALI (GOODIR)



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa meel kasta ooy degan yihiin.Sidoo kale ayaan tacsida la wadaagayaa qaranka Soomaliland ee uu muddo dheer u shaqeeyey shacbi iyo xukuumadba, gaar ahaan xisbiga Kulmiye oo uu ahaa musdambeedka amran.

 Marxuum Axmed waxuu ii ahaa aabbo oo kale nin aad u yaqaanay aabahay oo wax badan iiga sheegay, anna aan fursad u helay inaan la shaqeeyo. Waxuu ahaa nin talooyin badan i siiyey xili aan u baahnaa, nin wax badan oon ku dhaqaaqi lahaa iga qabtay, ii sheegay in siyaasaddu tahay samir iyo dulqaad. Waxuu ahaa nin ila jecel meel weyn iyo xil culus tamartiina xaawilay. Waxuu ii sheegay in kolka wax culus iyo meel adag arrin kaa galo inaan dagaal la qaadin iyo inaan laga cararin ee la xamilo, lana sugu fursad guul lagu gaadho. Waa talo aan ku dhaqmo wanaagna aan ku gaadhay. Waxuu ahaa siyaasi hadal cad oo geesi ku ah fikirkiisa, yaqaanay xiliga weydha la rito iyo xiliga aamuska yahay tabta ugu fiican.

Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) waxa uu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo taariikh wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shaqooyin iyo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray dalka, waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood ee Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland, waxaannu hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dawladaha hoose, waxa kaloo uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, waxa uu doorka wayn ku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee waddanka iyo dadaalladii dawlad dhiska Qaranka Somaliland.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

http://samotalis.blogspot.com




http://samotalis.blogspot.com/

26 October, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM COL FAYSAL KAAMIL

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM COL FAYSAL KAAMIL


 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan REER KAAMIL, Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa. 

Col Faysal  waxuu ahaa Sarkaal ciidanka ah, isagoo ahaa muddo dheer Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, oonu aad isagu baranay. Nin xarogo badan, dad aqoon ah, kaftan badan, bulshaawi aan cidna ka weji dedbin xitaa kuwa ay siyaasadda meelo kala fog kala joogaan.

Col Faysal Kaamil waxaan tacsida la wadaagayaa ciidanka qaranka, ciidanka madaxtooyada ee uu hoggaanka u hayey mudada dheer, shaqaalaha Madaxtooyada ee uu ku laha asxaab badan ooy ugu horeeyaan La-taliyaasha, waxaan sidoo kale la wadaagayaa Gobalka Gabiley ee uu ka soo jeedey, iyo xididkiisa Burco Bari.

Col Faysal  waxa iigu dambeysay bishan October horaanteed oo aanu salaadda Maqrib iyo Cishaba ku wado tukan jirnay Masjidka Hotel Gulaid, nin caafimaad qaba oon in yar oo xanuun ihi ka muuqan ayuu ahaa. Naftu meel ma jirto, oo ruux waliba wuu dhadhamin geerida iyo xiliga Alle u qoray.

 Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto wanaaga uu la jeclaa ummadiisa.

Col Faysal Kaamil waxa lu geeriyooday maanta 26/10/2018 iyo magaalada Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/


http://samotalis.blogspot.com/

22 October, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM PROF AXMED CABDI DACAR


Displaying FB_IMG_1477089019141.jpg
DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM PROF AXMED CABDI DACAR.



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa degan dalka Sweden iyo reer Cabdi Dacar meel kasta ooy joogaan.

 Marxuum Prof Axmed waxuu ahaa macalin debed iyo gudaba Somali iyo Ajanabiba wax baray. Aqoonyahan aan kala masuugin dalkiisa ka qayb qaadashada horumarkiisa fikir iyo maadiba. Waxuu hirgeliyey Kuliyadda Macalimiinta xili ayna jirin Jamacad iyo waxbarasho sare, isagoo aqoon sanaa sida loogu baahan yahay macalimiin tayeysan.

Proff Axmed oon muddo dheer aqiinay waxaan ku xasuustaa hadal caddaan, mabda adeeg, aftahan si hawl yar wax kaaga dhaadhicin kara, mufakir aaminsanaa cadaaladda bulsho, neceb musuqa, jecel dimuquraadiyadda iyo talo wadaaga, nin aad u aaminsanaa qarannimada Somaliland oo mararka qaar aanu ku doodnay mustaqbalka doorashooyinka dhowaan, oo xataa aaminsanaa in haddii nabad lagu helaayo lagu laaluusho hoggaanka cidda nabad diidka ah. Waxuu wax walba ka hor marinaayey wadajirka iyo midnimda Somaliland.

Marxuum Prof Axmed waxa iigu dambeysay bishan October horaanteed anagoo fadhi iyo qadaba ku wadaagnay hotel Gulaid. Waxuu u eekaa nin ka soo bogsoonaayey xunuun muddo hayey. Rajadiisa iyo ka fakirka mustaqbalka dalka sida uu uga hadlaayo umaad arkeen nin xanuunsan.

 Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto wanaaga uu la jeclaa ummadiisa.

Proff Axmed Cabdi Dacar waxa lagu aasay 21/10/2018 xabaalaha Naaso Hablood ee caasimadda Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com

08 October, 2016

Dhambaal Tacsi ah oo uu diraayo Mustashaar Axmed Carwo, geerida Marxuum Ibraahim Maxamed I Cigaal


Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xito iyo xigaal Marxuumka Ibraahim Maxamed Ibraahim Cigaal.
Marxuum Ibraahim waxa iigu horreysay aasaaskii SNM 1981 iyo London; waxuu ahaa nin yar oo aad ula socday dhacdooyinkii foosha xumaa ee abuuray halganka. Nin af tahan ah oo si qoto dheer u bartay afka Ingiriska.

Waxaa isaga iyo walaaladii reer Somaliland ku qiimeeyaan sida ay uga maqnaayeen awood sheegashada wiilasha Afrika ee aabahood madaxda yihiin looga bartay. Waana sunnaha ay jeexeen ee  Ilmo Madaxweyne Riyaale iyo Ilmo Madaxweyne Siilaanyo raaceen.
Marxuum Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa lagu aasay  Jimce 07/10/2016 caasimadda Hargeysa.
Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duc

Mustashaar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha JSL ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

samotalis@gmail.com