Showing posts with label GOOD GOVERNANCE. Show all posts
Showing posts with label GOOD GOVERNANCE. Show all posts

30 July, 2017

Lataliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee Arimaha Dhaqaalaha



Waa hadal kooban oon ka jeediyey xik-wareejintii Wasiir Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiir Axmed Xaaji Daahir, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Tiknolojiyada iyo Cilmi Baadhista....Xisbinimo qoto dheer, Kulmiyenimo dhab ah iyo arrimo xiiso badan oo Kulmiye nagu dhex martay.

http://samotalis.blogspot.com/

30 April, 2017

Madaxweynaha Oo Kulan Muhiima Isugu Yeedhay Saddexda Hay’addood Ee Kala Ah Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka, Xeer Ilaalinta Qaranka Iyo Komishanka Maamul wanaaga

Madaxweynaha Oo Kulan Muhiima Isugu Yeedhay Saddexda Hay’addood Ee Kala Ah Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka, Xeer Ilaalinta Qaranka Iyo Komishanka Maamul wanaaga

“Sida aad la socotaan, waxaan ahay Mas'uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. qarankan hoggaaminayey, waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamul-xumida iyo musuqmaasuqu” Madaxweynaha Qaranka Somaliland

“waxa iga go'an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla markaana aan naftayda u reebo taariikh duug ah…. xilliyada kala guurka marka ay dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna uu bilaabmo” Madaxweyne Axmed Silaanyo

Hargeysa()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu maanta oo ay bishu tahay 30 April 2017  kulan muhiimada isugu yeedhay Saddexda hay’addood ee kala ah Hanti dhawrka guud ee qaranka , Xeer Ilaalinta qaranka iyo Komishanka Maamul wanaaga.

Nuxurka Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Saddexdan Hay’adood ee Dastuuriga wuxuu daranaa, sidii ay saddexdaa hay’adood uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga,  dabagalka iyo  xakamaynta lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka.

Iyadoo ay hay’add walba leedahay xil iyo masuuliyad uu distoorka qaranku ku waajibiyey hadana madaxweynuhu wuxuu lagama maarmaan u arkay, sidii ay saddexdan hay’adood uga wada hawl geli lahaayeen in hantida qaranka la lunsado maadaama mudo xileedkii xukuumadani uu dhamaad ku dhawdahay.

Hanti dhawrka qaranka, Hay’adda Maamulka wanaagga iyo Xeer ilaalinta Qaranka wuxuu Madaxweynuhu si addag u faray in Hay’add walba ay masuuliyada qaranka u hayso uga soo baxdo sidii ay ahayd.

Baadhista iyo dabagalka lunsiga hantida qaranka waa masuuliyad saaran hanti dhawrka guud ee qaranka. Sidoo kale oogista danbiyada laga galo qaranka ee la xidhiidha lunsiga hantida umadda waxaa u xilsaaran  xeer ilaalinta qaranka, Komishanka maamul wanaaggu iyaga xilkoodu waa baadhis xaga maamulka ah iyo toosin iyo tayeynta maamulka dawliga ah, si loo helo maamul hufan oo wanaagsan. Kulankaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka madaxtooyada,Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda warfaafinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiir ku xigeenka madaxtooyada, MudaneAxmed Xaashi Cabdi, madaxda hay’addaha saddexda ah.

Dhammaan saddexdaa hay’addood ee madaxweynuhu la kulamy waxay si buuxda oo mugleh u ayideen  hadalkii waayeelnimo iyo dardaarankii madaxweynuhu uu usoo jeediyey, waxaanay saddexdan hay’adood balan qaadeen inay dardar gelin doonaan hawlaha ay qaranka u ahyan islamarkaana ay laba jibaari doonaan wada shaqaynta u dhaxaysa dhexdooda si looga hortago lunsiga iyo ku takrifalka hantida qaranka.
Hadalkii uu Madaxweynuhu u jeediyey saddexdan Hay’addood waxa  uu u dhigaa sidan:-

Mudanayaal iyo Marwooyin Aad baan ugu farax-sanahay sida aad u soo ajiibteen kulankan saaka aan idiinku yeedhay.
Ugu horreyn, waxaan jecelahay in aan idinku bogaadiyo gudashada waajibaadkiina shaqo, taasoo qayb weyn ka ah hab-sami-u-socodka hawlaha qaranka. Sida aad la socotaan, waxaan ahay Mas'uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. Muddadii aan qarankan hoggaaminayey, waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamul-xumida iyo musuqmaasuqu.
Sidaa darteed, waxa iga go'an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla markaana aan naftayda u reebo taariikh duug ah.
Mudanayaal,
Sida aad dareensan tihiin, xilliyada kala guurka marka ay dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna uu bilaabmo. Haddaba, si aynu uga hortagno arrimahaa, waxaan idin farayaa in aad laban laabtaan dedaalkiinna, isla markaana xilkiina u gudataan si karti iyo hufnaan leh.

Waxa reebban, ku tagri falka hantida ummadda nooc kasta oo ay tahay, waxaanan idin farayaa in aad feejignaan joogta ah u yeelataan ilaalinta hantida ummadda. Cid kasta oo ay ku caddaato lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa. Waxaan idiin cadaynayaa in aanay jirin cid sharciga ka saraysaa oo aanu xeerku qabanayn.  Waxaan idinka doonayaa, warbixin joogta ah iyo hawlgallo dhab ah, oo lagu ilaalinayo hantida ummadda.



http://samotalis.blogspot.com/

01 May, 2015

Workers’ Day: Wamakko Promises Quality Legislations To Boost Good Governance—


Workers’ Day: Wamakko Promises Quality Legislations To Boost Good Governance—

Gov. Aliyu Wamakko of Sokoto State on Friday promised to ensure that the 8th National Assembly will enact quality laws to enhance good governance and living standard of Nigerians.

The News Agency of Nigeria ( NAN) reports that Wamakko, who is also the Senator-elect to represent the Sokoto Central Senatorial District, made the pledge at the celebration of the 2015 Workers’ Day in Sokoto.

” We will make sure that laws are made to enhance good governance and the living standard of the generality of Nigerians.

” We will take the entire country as our entire constituency and we shall focus on ensuring probity and accountability in all government activities.

” We will also ensure that issues of welfare of Nigerian workers and all the citizens are effectively addressed.

” We will also work to ensure a harmonious relationship between the executive and the legislative arms of government for the betterment of Nigerians,” he said.

Wamakko also maintained that his outgoing APC-led administration in the state had tried its possible best to meet the yearnings and aspirations of the workers, as well as the entire people of the state.
The governor commended the workers and the people of the state for their maximum support to his administration.

Earlier, the state chairman of the Nigeria Labour Congress, Mr Aminu Umar, had lauded the state government for according top priority to issues of welfare of workers and citizens.
Umar also promised to sustain the tempo of excellent relations between the union and the state government with a view to providing more efficient services to the people of the state. (NAN)

http://leadership.ng/news/430029/workers-day-wamakko-promises-quality-legislations-to-boost-good-governance

http://samotalis.blogspot.com/

Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 2







Waxaad jeceshay ood muddo ku dadaalaysay kolka la helo waa mahad Alle iyo guul. Muddo dheer ayaan ka talinaayey oon ka hawl galay in Zaadka iyo iibsiga suuqu noqdaan lacagta dalkeena. Hanbalyo ayaan leeyahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee arrintan muddada taagnayd ku dhaqaaqay.

Waxay wax weyn ka tari doontaa la dagaalanka sicir bararka oo hore aan ugu jirin gacanta xukuumadda. Waxayna karaamadu u soo noqon doontaa lacagteena ajanabiga ku ahayd dalkeeda.

Waxa iyana u baahan wax qabad degdeg ah isku xidhka telefoonada oo lid ku ah suuqa xorta ah iyo ikhtiyaarka macaamiisha. Waana mid muddo dheer taagnayd una baahan dhaqaajin dhab ah. Khasaare weyn ayaa bulshada iyo xukuumaddaba arrintan ugu jira. Ha loo eego danta guud

http://samotalis.blogspot.com/

27 March, 2015

Cardiff becomes only second UK council to recognise the Republic of Somaliland


Cardiff becomes only second UK council to recognise the Republic of Somaliland


20:53, 26 March 2015
By Ruth Mosalski

Cardiff council approved a motion to endorse recognition of Somaliland during a meeting at City Hall, following in the footsteps of Sheffield council

Members of the Somaliland community before the Cardiff council meeting



Cardiff has become the second local authority in the UK to recognise the Republic of Somaliland.

The council approved a motion to endorse recognition of Somaliland during a meeting at City Hall, following in the footsteps of Sheffield council.


While the motion did get cross-party support and passed with 45 votes in favour, members of the Independent group left the council chamber, saying they did not believe they had enough information to support it.

Members of the Somaliland community celebrated outside City Hall dancing and cheering after the vote was passed.

The motion, proposed by Labour councillor Lynda Thorne, called on the council to represent concerns of the city’s vast Somaliland community at Welsh and UK government and Commonwealth level.
Historic links

It said Somaliland communities have lived here since the 1850s and play a huge part in the life of the city.

“Many Somaliland citizens remain concerned about the international status of Somaliland and are asking the Cardiff Council in its civic role as the capital city of Wales and as part of its duties under the Equalities Act and as gesture of friendship to this Cardiff community to represent their concerns to the Commonwealth, UK and Welsh Governments.

Related: International community must recognise Somaliland, says Wales-based former refugee

“As such this Council resolves to endorse the recognition of the Republic of Somaliland, which has now operated peacefully with democratic elections for nearly 25 years as an independent republic.

“We respect the UN concept that recognition should start with the Regional Government body but notes that the African Union has for many years failed to act on its own report recommending recognition.

“We therefore call on the UK and Welsh Governments to recognise Somaliland as a sovereign state and in the meantime resolve to fully acknowledge the ties of friendship with Somaliland.”

Liberal Democrat councillor Judith Woodman offered her support.

Cardiff's Liberal Democrat leader Judith Woodman



She said: “I know the Somaliland community very well having worked with them for a number of years. I know how much they care for their community and want this motion to be passed.

“I will be supporting this motion today because I know the level of feeling of the majority of the Somaliland community.”

Labour councillor Ashley Govier also backed the motion. “I don’t profess to understand all the issues this country faces. I support this motion because I believe in peace, equality and fairness.”
City's Somaliland community welcomes vote

A statement from the Independent group read: “The Independent Group have decided to leave the Chamber when the motion is debated.

“The Group Leader wrote to the proposer and seconder of the motion asking for them to withdraw the motion, and produce a report which members could consider outlining all the issues. Unfortunately this was not accepted.

“We understand today that supporters of the Notice of Motion have an opportunity to speak to councillors from 3pm, but we haven’t been advised if the same courtesy has been extended to people who have concerns about the Motion.

“Members have received representations from a number of members of the Somali community in Cardiff with very differing views.

“This motion shouldn’t be on the order paper today as it is not in the council’s remit. A number of members will be raising this through the usual channel arrangements to discuss any future similar motions of the same vain.”

Spokesman Ali Abdi, Member of Wales Somaliland Recognition Taskforce, said the Somaliland community were delighted with the result. “Today’s vote means a huge lot to the Somaliland community in Cardiff and those living back in Somaliland.

“For over 100 years Somalilanders have contributed to Welsh Society and today’s endorsement by Cardiff council to recognise Somaliland will help our international efforts to convince other nations and councils to do as Cardiff Council has done today,”




http://samotalis.blogspot.com/

18 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin- 14



Marka laguu marag furo maragaa ha jiro ayaa la yidhaahdaa. Waxa wiigan la ansixiyey ajandihii kalfadhiga Golaha wakiilada ooy kow ka yihiin laba qodob oo toos ula xidhiidha doorashooyinka si gaar ah kan Golaha wakiilada. Dahowr qaybood oo taxanahan ka mid ah ayaan idiinku sheegay inaan sharcigii doorashada wakiiladu aanu jirin. Haddaba muwaadin ma kuu cadaatay sababta ugu weyn ee dib u dhacu inay tahay sharciga oon dhisnayn. Maanta aynu dhammaan ka hawlgalno oo ha la baahiyo sharciga yaan inta la qarsado kolka la ansixiyo laga hadlin, xiliga laga doodaa waa imika, cid hadal haysaana ma jirto.awoowgay Faarax Nuur ayaa laga hayaa Arab sidaan ka wado weynahaan wax ugu sheegaa, ana ummaddeena waxaan wax ugu sheegaa sidaan keli waalid u ahay. Ma shaqaynayso ee aarimahani ma kala leh muxaafid iyo mucaarid ee badka ha la soo dhigo oo aan ka doodno, si waafaqsan dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadinks. Waa sharcigaan tobanka sano sugaynay ee aan saxno oon ka dhigno mid dhaxal gal ah oo dhammaan ina anfaca

http://samotalis.blogspot.com/

07 March, 2015

Waa Taxanihii, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin - 13







Waa siyaasiin waa weyn oo emailo ii soo qoray taageero ah...waxaan leeyahay hadday idinka dhabtay warbaahinta geliya, ma aha waxaan soo jeediyey wax ii gaar ah waa dan guud iyo mustaqbalka ummadda sidaan u arko, mana aha Quraan ee waa ra'yi qof, dhaliil iyo diidmo bedel wadata waa wax loo baahan yahay. Keena fikir kan ka duwan amba igu raaca oo muujiya, laga yaaba in fikirka kaleba aan anigu idinku raaco..saxaafaddu ha ka korto nin ammaan, nin ceebeyn, qof tooxsi iyo hebel iyo heblaayo oo afkaar ha keento oo doodo midho dhal ah ha abuurto..su' aalahu ha noqdaan maxaad arrintan ka tidhi, maxaad fikir haysaa, sideed wax u bedeleysaa, maxaad ka aaminsantay arrintan.. ee yey noqon hebel maxaad ku tidhi, hebel ma jeceshay, ma hebel ayaad diidantay, heblaayo miyaad u dhowdey ee wax khaas ah oon dadweynha waxba uga shan iyo toban ahayn....Daawo oo dhegeyso tafaasiil..

http://samotalis.blogspot.com/

03 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin- 11







Dad islaam ah ayeynu nahay risiqa iyo shaqada waxay ku yimaadaan qadarka Alle.Aqoonsiga arrintani waa rukun ka mid ah arkaanta iimaanka. Damac iyo dadaal ayeynu la nimaadnaa, iyo talada oon Alle u deynu. Laakiin waxii qadarka Alle amro ayuu qalinku qabtaa. Waa gef inaad qof ku nacdo waxaan Alle kuu qorin...... Qabyaaladu waa geed jirid keliya ayaa laamo badan leh laan walibana waxay leedahay caleemo ka sii badan, kolkaad badisaba inta baahan ayaa badanaysa oo cid kuma raaligelin kartid kuraas la kordhiyo, adoo jirid jirid u qaybiya oo soo yareeya ayaa ka hadal yar.



Waxaan qabaa cidda keliya ee ay ahyd in Wasiir la siiyaa inay ahayd beesha Gabooye. Waanan ka xumay in saaxiibkey La-taliye Barkhad is-casilo, waxay ahyd inuu gudaha nala joogo oo halganka uu gudaha ka wado, samir iyo dhabar-adeeg ayaa guusha dhaliya.

http://samotalis.blogspot.com/

28 February, 2015

Liiska isku-shaandheynta xukuumadda.

 WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3002/022015 uu xilka qaadis, magacaabid, iyo isku bedel balaadhan ku sameeyey golaha wasiirada,w/kuxogeenada, Agaasimeyaasha guud qaar ka mida, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Hay'adaha Madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:​Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:​Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:​In baahi loo qabo buuxinta jagadaWasiirada Wasaaradda dalka iyo W/ku-xigeenada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:​Kartidooda, aqoontooda iyohufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:​In ay hanan karaan xilalkanloo magacaabay;

Wuxuu go'aansaday


LIISKA WASIIRADA CUSUB IYO KUWA LA ISKU BEDELAY
1
In Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/xanaanada Xoolaha)
2
In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo Cayaaraha)
3
In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
4
In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Maaliyada)
5
In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda eeJamhuuriyadda Somaliland (hore W/Waxbarashada)
6
In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland


LIISKA WASIIR KU XIGEENADA LA ISKU BEDELAY IYO KUWA CUSUB
1
In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
2
In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

3
In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
4
In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
5
In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
6
In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland
7
In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
8
In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
9
In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
10
In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
11
In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland
12
In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
13
In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
14
In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
15
In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland
16
In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
17
In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
18
In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
19
In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
20
In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland


LIISKA TALIYEYAASHA CIIDADAMADA $ AGAASIMEYAASHA GUUD
1
In General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Taliyaha Asluubta)
2
In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland
3
In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
4
In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee JSL
5
In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
6
In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
7
In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
8
In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland


LIISKA HAY'ADAHA MADAXA BANAAN
1
In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
2
In Mudane, Siciid Xasan Cabdilaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay'adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL


LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL
1
In Mudane, Cabdoo Axmed Aayir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
2
In Mudane, Maxamed Ibraahim Qabo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka

Xilka Qaadista Masuuliyiintii Hore
Ujeedo:​Xil-ka Qaadis

Mudaneyaal,

Waxaan aad iduunku mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad qaranka u hayseen , masuuliyiinta aan xilalkaa u soo igmaday.

LIISKA XILKA QAADISTA
1
Ku:​Mudane, Maxamuud Axmed Barre (Garaad),  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
2
Ku:​Mudane, Xuseen Axmed Cabdille,  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha      
3
Ku:  Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, Wasiiru-dawlihii hore ee W/Xanaanada Xoolaha JSL
4
Ku:​General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Badda JSL
5
Ku:​Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL
6
Ku:​Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada


7
Ku:​Mudane, Nuux Sh. Muuse Ducaale, Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda

ALLAA MAHAD LEH
                                  Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
5
Ahmed Arwo
063 4242077
Sent from my iPhone 

25 February, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan , Tusaale, iyo Toosin -10- Ahmed Arwo



Shantii doorasho ee dalka ka dhacay 3 ayaa ku qotomay dastuurka dalka ee sinaanta codbixiyaasha labada kale wey ka soo hor jeedeen.. Haddaynu sharcigii doorashada ee 2005 ku geleyno maxaa 10ka sano aynu u sugaynay..waa in la saxaa oo la waafajiyaa dastuurka dalka iyo sinaanta muwaadinka..Wakiiladu haddayna korodhsiimo doonayn kol hore ayey sharciga dhammeystiri lahaayeen..Yaa gabay hawshooda. Yaa oggol in dulmigii 2005 uu sii jiro..waa maxay waxaynu qarinaynaa ee ina qarsaday..Daawo oo dhegeyso dhabta ku duugan arrimaha doorashada.

http://samotalis.blogspot.com/

24 February, 2015

DAAWO Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale, iyo Toosin 9....Ahmed Arwo







Dhego Buro dhibooga ayuu ka dhacay waxuuna noqday diploomaasi France fadhiya....Waxuu yidhi shaqo ayaa ley qoray shaqana leygama rabo...waxa lagu mashquulaa raaligelinta booska soo dhoweyntiisa sogaatintiisa, farxadiisa iyo murugadiisa bes...taas ayaa muhiim ah..Daawo oo Dhegeyso tafaasiisha...

http://samotalis.blogspot.com/

14 February, 2015

Talo,Tilmaan, Tusaale iyo Toosin 6





DHALINYARADA SOOMAALIYEED XIL QABASHO DUNIDA IYAGAA KOW KA AH. Taariikhda lama bedelo ee sidey tahay inta loo sheego ayaa qaladka laga faa'iidaa. Taariikh been ah lama sexi karo. Markaad qaladkaaga aqoonsato ayaad wax hagaajin kartaa.

Nimanka israaca shuruud la'aanta keenay waxay ahaayeen dhalinyaro 25 ila 30 jir ah. Degdeg, kursi jaceyl iyo waayo-aragnimo la'aan ayey ka ahyd. Waxii qalad dhacay dhalinyaro ayaa geesatay..



http://samotalis.blogspot.com/