Showing posts with label POLITICS. Show all posts
Showing posts with label POLITICS. Show all posts

10 December, 2017

WARAYSI GAARA LA TALIYAHA MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED XASAN CARWO - Q...







Wareysi gaar ah oon kaga hadlay arrimo badan oo muhiim ah oo hadda taagan..Qaybtii Kowaad



http://samotalis.blogspot.com/


30 September, 2017

BANDHIGA BARNAAMAJ SIYAASADEEDKA KULMIYE EE DHAQAALAHA-1

BANDHIGA BARNAAMAJ SIYAASADEEDKA KULMIYE EE DHAQAALAHA-1

Mustashar Axmed Xasan Carwo


Waxa aan si taxadir leh idiinku soo qadimi doonaa kuna qoran af iyo hab shacab weynha aan aqoon dhaqaale lahayn loo fahamsiiyo, barnaamajka Murashaxiinta Madaxtooyada ee Kulmiye ay ummadda u soo qadimayn oo noqonaysa axdi ay la galeen bulsho weynta Somaliland.
Dhaqaalahu kuma kooban hawl maalmeedka Wasaaradda Maaliyadda ee waa mid xukuumad iyo shacbiba siyaabo kala gedisan u taabanaaya. Uma jeedo cashuurta oo si dhab ah u taabanaysa ruux kasta oo dalka ku siman amba siyaaraba u yimaada muwaadin iyo ajnabiba. Waxaan u jeedaa in dhaqdhaqaaga ganacsi iyo wax soo saarkuba si toos ah u taabanaayo dhaqaalaha kordhis amba dhimisba. Si sahlan haddaan u bayaamiyo oon matal u qaadano hawlaha Wasaaradaha Wax soo saarka leh sida: Beeraha, Xoolaha, Ganacsiga iyo Wershadaha, Macdanta iyo Tamarta, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Deegaanka,Duulista iyo Dekedaha, Kaluumeysiga iyo Biyaha intaba waxay yihiin qaar si toos ah u abuura dhaqaalaha. Intaas kuma koobna ee waxaaba la yidhaahda dhaqdhaqaaq kasta oo admigu sameeyaa dhaqaalaha ayuu cilaaqaad la leeyahay. Haddaba iyada oo barnaamajku si gooni gooni ah u eegaayo Wasaaradaha wax soo saarka, aan ku bilowno sida barnaamajku u qoran yahay, qodobada ugu muhiimsan inaga oo diiradda saari doonaa doorka wasaaradda Maaliyadda.
1.       La-dagaalanka saboolnimada.
Waajibka saran xukuumad dadkeeda danaysaa, waxa kow ka ah inay nolosha dadweynha kor u qaado. Waxa safka hore ka galaaya inay danyarta noloshooda si toos ah hore u qaado inta kareenkeeda ah. Si taas loo dhaqaajiyo, waxa barnaamajku balan qaadayaa :

  • ·         Waxa kor loo qaadi doonaa dakhliga danyarta, iyadoo la siin doono awood dhaqaale oy u furtaan meherado iyo ganacsiyo yaryar.
  •       WAxuu dhiirigelin doonaa sidii loo samayn lahaa hay’ado maaliyadeed oo kaaliya bulshada danyarta ah
  • ·         Waxuu xoogga saari doonaa sidii ayna bulshadu u kala tegteen ooyna u abuurmeen dabaqado dhaqaale oo aad u kala sareeya.
Aan faalayno sida seddexdan qodob ay u hirgeli karaan. Hay’adha maaliadeed wax ka mid ah sanduuq loo xadido danyarta ooy xukuumaddu hormood ka tahay bal se ay gacan laga heli doono muwaadinka qurbo jooga ah, iyo kuwa gudahaba iyo isla markaas Xukuumadaha saaxiibka aynu nahay iyo hayadaha caalamiga ah.  Waxa la dheeri gelin doonaa abuurista iskaashatooyin iyo shuraake ay danyartu wax isku darsato, lagana caawiyo suuqaynta wax soo saarkooda miyi, beeraley iyo magaalaba. Iskaashatooyin Beero iyo Kalluumeysato. Waxa Iyana la gacan qaban doonaa in danyarta la siiyo mudnaan gaar ah dhinaca shaqaaleenta iyo bixinta waxbarasho.

Waxa jira mawaadiic si dadban u gargaaraaya danyarta sida: La dagaalanka Sicir Bararka iyo xoojinta isticmaalka shilinka, ilaalinta suuqa xorta ah iyo la dagaalanka monoboliga, iyo tan ugu weyn ee ah casriyeynta maamulka iyo yoolka cashuuraha. Dalkeena manta cashuurahu wax yar mooyee waa qaar ku dhisan Cashuurta Dadban oo u badan tan kastamka ee bedeecadaha la saaro. Taas oo culeeskeedu (Tax burden) uu si gaar ah ugu dhaco danyarta. Waxa inta awoodeena ah si joogta ah loo hore marin doonaa cashuurta tooska ah (Direct Tax) ee la saaro macaashka muwaadinka. Taas oo u dhow cadaaladda, kuna dhisan waxa ruuxu macaasho sharkad iyo fardiba. Halka manta Matalan cashuurta raashinka ay danyarta iyo qanigu isku si u sarantay. Kolka cashuurta tooska ah hore loo mariyo waxa suurtagal noqonaysa in cashuurta raashinka la dhimo amba aan marna la kordhin.
 Iftiimin yar, waxa ruuxa danyarta ihi dakhligiisa 80% ilaa 100% ku bixiyaa raashin iyo labiskiisa, kolka maal qabeenku ay tahay wax aan macno lahayn oo sifiro badani ka horeeyaan numab la soo qaadan karo. Taas ayaa ka dhigeysa in culeeska cashuurta kastamku si aad u xad dhaaf ah ugu dhacdo danyarta.
Mawaadiicdan sida dadban u taabanaaya danyarta, iyaga oo tafaasiil ah ayeynu mar kale booqan doonaa Insha Allah.
Barnaamakan oo hadafkiisu yahay inaynu si hawl yar u fahamsiino muwaadinka oo uu qiimeynteeda ku siiyo codkiisa Murashaxiinta Kulmiye ee axdigan la galay, waxaan si kookooban oo sahlan idiinku soo bandhigi doonaa silsilado maqaalo gagaaban ah iyo Video dhinaca Facebook iyo YouTube ka  ah, Insha Allah.

Halkan ka daawo video ahaan:

https://www.youtube.com/watch?v=6N-bi6X2AUg&feature=youtu.be

Tan iyo tu kale salaami korkiina ha ahaato.

U CODEE KULMIYE SI AAD U HESHO BARNAAMAJKAN NOLOSHAADA KOR U QAADAAYA.

Mustashar Axmed Xasan Carwo



http://samotalis.blogspot.com/

19 July, 2017

'So this is Africa. Don't give lectures about our elections,' Angola tells EU


'So this is Africa. Don't give lectures about our elections,' Angola tells EU

2017-07-18 12:20

Luanda - Angola has rejected conditions demanded by an EU election observer mission that had been preparing to witness next month's polls in the country, state media reported on Monday.
The European team had called for unfettered access to polling stations across the vast southern African nation during the August 23 vote.
"So this is Africa. And we do not expect anyone to impose on us their means of observing elections or to give lectures," said Foreign Minister Georges Chicoti according to the Journal de Angola newspaper.
"The invitation stands. But we do not want to have separate agreements with all of the organisations (sending observers)."
Chicoti added that the only organisations with which Angola has election observation deals were the African Union and the southern African bloc SADC.
"These are the only institutions for which Angola must abide by the electoral processes laid down in law," he said.
The foreign ministry warned that safety could be an issue if the EU observers were allowed unhindered access to polling stations in all 18 of Angola's provinces.
"The European Union has not yet decided whether it will send an observer mission or not," said the EU mission's spokesman Pablo Mazarrasa.
President Eduardo Jose Dos Santos who has ruled Angola since 1979 will not contest next month's general election, marking a historic change in the oil-rich country.
In February, the ruling MPLA named Jose Lourenco, currently defence minister, as Dos Santos' successor and he is most likely to succeed him after the August election.
Although Angola is one of the largest producers of oil in sub-Saharan Africa, it remains one of the poorest countries on the continent.


http://samotalis.blogspot.com/

15 January, 2017

WAR-SAXAAFADEED MADAXWEYNE

Taariikh: - 15/01/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017 uu Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyeyMaxkamadda Sare ee JSL, Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka. magaca Wasaraaduna uu noqon-doono “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha JSL:

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Cadaalada                                                                    
Ku:      Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna            Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda
Ku:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                                               
Og:     Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda                                                    
Og:     Xubnaha Guddida Cadaaladda                                                                 
Og:     Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada                                                             

Ujeeddo:                   Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda                              Maxkamadaha Hoose
Mudanayaal iyo Marwo,

Markaan Arkay:       Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:       Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo 108aad        ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka          Garsoorka Xeer Lr. 24/2003;

Markaan Arkay:                   Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda             Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay            hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka          madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;

Markaan  Arkay:                  Qoraalka summadiisu tahay MS/GMS/G-7/69/2016 ee ku taariikhaysan 27/01/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27/01/2016;

Markaan Arkay:                   Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee summadiisu tahay MS/GMJ/G-18/27/2016, ee ku taariikhaysan 21/02/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;

Markaan Ogaaday:             In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47/1996 kaas oo ka horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                   Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu tahay TIX/XGGQ/X/H/138/2016, kuna taariikhaysan 20/12/2016, ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka;

Markaan Tix-geliyey:         Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba Guddoomiyeyaasha                                 Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku hayso;

Waxaan soo saaray;

1.      In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka.

2.      In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

3.      In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare, nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/2003.

4.      In magaca Wasaraaduna uu noqdo “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaarada Cadaaladda in uu si dhamaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka.

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqan geliyaan Wareegtadan, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.


ALLAA MAHAD LEH




   Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Attachments area


http://samotalis.blogspot.com/

21 November, 2016

Somaliland:Barnaamijka ARRIMAHA BULSHADA Waraysi Lataliyaha Madaxweynaha...



Mustashar Ahmed Arwo oo arrimo badan ka hadlay oo muhiim ah. . Xisbiyada iyo khilaafadka shirarkooda..go'aamada Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cabdirahman maxay ku kala duwan yihiin. . Abaaraha iyo deeq uu bixiyey. ..qurbajoogu siyaasadda dalka ma xoorto ayey ku haystaan. Waa ayo qurbojoog. . .doorashada iyo abaarta culeeskooda. ..iyo...iyo..daawo oo ka bogo.

http://samotalis.blogspot.com/

10 November, 2016

Somaliland: Lataliye Axmed xasan carwo...qudbaddii Shirkii Laamaha Yurub...


Qudbaddii aan ka jeediyey Shirkii Laamaha Kulmiye ee Yurub iyo Helsinki...Xisbiyadii 60kii ee NUF iyo SNL..siday ololaha doorashada u kala duwanaayeen..Kulmiye siduu ahaa 2014...Imtixaanka Madaxweynahu ka qaaday kaadiriinta Kulmiye siday ahaayeen, yaa se ku guuleystay...Kaga boqo qudbaddan,,iyo arrimo kale oo badan...
http://samotalis.blogspot.com/

03 November, 2016

SOMALILAND: KHUDBADIHII WAFDIGA GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE BRISTOL 12/10/2016







KHUDBADIHII WASIIRADA IYO LA-TALIYAASHA LA SOCDAY GUDDOOMIYHA IYO MURASHAXA MADAXTOOYADA EE KULMIYE MUUSE BIIXI IYO BRISTOL 12 OCTOBER 2016

http://samotalis.blogspot.com/

02 November, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN..QAYBTII SEDDEXAAD..MUSTASHAR AXMED CARWO

Qaybtan seddexaad waxaan ku soo qaadan doonaa Xafladdii  Bristol iyo booqashadii la xidhiidhay. Labadii cisho ee 10ka iyo 11ka waxaan markii iigu horeysay intaan UK imid gaadhay gurigeygii iyo Cardiff, Guddoomiyahuna waxuu labdaas habeen gaadhay Birmingham. Kulanka maanta waxaanu ka soo kicitimaynaa seddex meelood, Birmigham, Cardiff iyo London oo wafdiga intiisa kale ku sugnayd. Ballanku waa 11.00 subaxnimo iyo Bristol.

Waanu gaadhnay badi wufuuddii reer Kulmiye oo ka kala yimid magaalooyinka UK oo dhan, waxa se dhacday in wafdigii ka imanaayey London ay la kulmeyn jidka oo xidhan shil ka dhacay oogeyd. Waxay ka qaadatay 7 saacadood inay na soo gaadhaan. Kolkaan oganay waxaanu bilownay shaqadii loo yimid. Ugu horreyn waxa noo bilaabmay kulan albaabadu u xidhnaayeen oon la galnay haldoorka iyo aqoonyahanka Bristol ee reer Soomaliland oo dhan. Iyagaa taas dalbaday, anaguna aqbalka ayaanu lahayn.

Waxay ahyd kulan xogwareysi ah oo su'alo iyo fikir xor ah leysku dhaafsaday. Guddoomiyahu waxuu uga jawaabay su'aal kasta si tafatiran oo saraaxad ah. Waxuu tusaaleeyey caqabadaha dalka hor taagan ee dhaqaale yari ah, ee aqoon yari ah, ee ictiraaf la'aan ah iyo haddana guulaha waaweyn ee laga gaadhay intii Kulmiye xukunka hayey iyo qorshaha cilmiyeysan ee u yaal horumarinta dalka.

Waxa xigtay kulan kooban oo odayada iyo waayeelka Kulmiye Bristol ay booqasho, isbarasho iyo salaan ah, si gaar ah waxa kulan kooban nala yeeshay Haldoorka ka soo jeeda Sool iyo Buuhodleh oo noo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin wax qabadka Madaxweynha iyo xukuumadda Kulmiye si gaar ahna u taabtay doorka wacan ee Kulmiye ku lahaa diiwaangelinta goballadaas.

Qadadii oo ahayd mid boqolaal qof lagu casuumay ka dib maanu nasan ee waxa noo qorshaysanaa kulan ballaadhan oonu la lahayn Mayorka Magaalada Bristol Mr. Marvin Rees iyo boqoshada Xarunta degaanka Bristol. Waxa ballanka ka soo shaqeeyey laba hablood oo aad muhiim ugu ah Jaaliaydda Somaliland ee Bristol, waa xildhibaan Hibaaq Jaamac iyo Nuura Abbe. Waxa naloo sharxay shaqo malmeedka Golaha Degaanka, iyo miisaaniyadda Golaha. Guddoomiyahuna waxuu kala hadlay isku xidhka Bristol iyo Somaliland, iyo kaalinta ay kaga jiraan Jaaliyadda Soomaliland ee degan Bristol. Waxa kulan gaar ah dhinac socday barnaamajka mataanaynta Bristol iyo Berbera ooy si gaar ah ugu hawlantay Nuura Aabbe.

Wafdigii London ooy ka mid ahayeen Wasiir Salaymaan Xiglo-toosiye, Wasiir Cabdillaahi Cukuse, Wasiir Cali Shoombe,waxay na soo gaadheen habeenimadii iyaga oo aad u soo daalay bal se aan ka nasan hawsha sugaysa. Waxa noo bilaabantay xafladdii Bristol iyo Cardiff ay wadajirka ku soo abaabuleyn oo meel la kala fadhiisto la waayey, dad badanina ay debedda tubaayeen. Aan idinku dhaafo sawirada xafladdii oo idiin muujinaya farxadda iyo taageerda Kulmiye kala kulmay Bristol ..

Dabcan waxa ugu muhiimsan kulanka Jaaliyadda iyo Wafdigu waa xog-waranka iyo khudbadaha ay ka jeediyaan xubnaha Wadfiga. Aan idinku dhaafo linkan halkan hoose iyo khudbadihii xubnaha wafdiga;
DAAWO OO KA BOGO KHUDBADO MUHIIM AH GUJI LINKAN HOOSE:

https://www.youtube.com/watch?v=J-fw5sVgUtM

Waxa xafladda soo xidhay Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi oo kaga hadlay khudbad kooban bal se taabanaysa waayaha dalka, hiigsiga iyo himmilada Kulmiye, wax qabadkiisa, carqaladaha ina horyaal, kaalinta qurbojooga mid qaran iyo mid xisbiba. Guji linkan hoose oo ka boqo khudbad aad u qiimo badan.

DAAWO HIIGSIGA IYO HIMMILADA MURASHA MUJ; MUUSE BIIXI

https://www.youtube.com/watch?v=WOW-26Evjhs


Gun iyo gabogabo..waxa bulshada Bristol caddeysay in xisbigoodu yahay Kulmiye, inay yihiin qurbojoog qalbigoodu ku xisdhan yahay dalka hooyo.

Guul iyo Wadajir

Mustashar Axmed Carwo

samotalis@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

01 November, 2016

Wadani Party’s Paradoxical Debates BY :Mohamed Dahir Ahmed


Wadani opposition party always puts forward contradictory and questionable debates to the electorate. One of the contradictory and questionable debates.

Wadani opposition party calls for a change in the status quo, but its chairman and presidential candidate Hon.Abdirahman Irro was the speaker and leader of Somaliland House of Representatives, which is one of the three branches of the state (The legislative branch, the executive branch and the Judiciary branch).

Somaliland electorate has every right to evaluate the history and previous engagements of any one who seeks to be elected for the president of Somaliland, It is constitutional and democratic right to shed light his personality,leadership,political orientation,integrity,decsion making,stamine,loyality,recent history and past history.

Hence, Hon, Abdulrahman Irro’s 12 year tenure as the speaker of Somaliland house of representative is sufficient enough to understand and evaluate him personally and professionally. On the other hand, how can claim to change a government you were parcel and part of. A politician failed on one branch of the government will not make sense to be awarded to lead the nation. This is one of the serious contradictory debates of Wadani opposition party.

The constitution clearly shows that the House of Representatives can initiate laws to the benefit of Somaliland citizens, without making an excuse that the executive did not bring bills to the house.

According to article 74 of Somaliland constitution bills (draft legislation may be introduced at the House of Representatives by:

1. The council of government (the cabinet).

2. The requisite number of members of the House of Representatives as laid down in rules passed by the house.

3. Except for financial bills, at least 5000(five thousand) citizens who are eligible to vote

The house of the representatives led by Hon. Abdurrahman Irro, ignored the wider interest of Somalilanders, but chose to table in acts pushed by foreign, international nongovernmental organizations and business lobbyist groups.

In light of the above background, did Abdurrahman iron failed or succeeded to exercise the constitutional powers of the house of representative to serve the interest of Somaliland citizens? , I will analyse,the bills the house should have tabled in, in the wider public interest but failed to do so, the houses check and balance apparatus, has it worked as intended or not?, as speaker of the house of representatives did he use the post for the betterment of Somalilanders or the promotion of his political agenda?, did he led the house with vision and exemplary leadership?, where his good governance and anti corruption credentials stand in light of how he managed the house and its resources?, his numerous foreign trips and quest for Somaliland recognition, can we deduce his level of patriotism in light of his leadership of the house?, is he a good decision maker and innovative leader?, Somaliland youth and the performance of the house of representative.

The legislative bills, which the house failed to bring to the table in light of Somaliland public interest includes among others:

1. Drug (medicine) administration and safety act.

2.Civilian staff rights act, since the rights of employees working in the private sector are constantly infringed such as working hours, pay scale, sick leave, annual leave, severance rights etc.

3. National security act to modernize our national security apparatus, as well as the official secrets act.

4. Public sector reform bills such as Audit reform, Tax reform, Procurement reform, financial accountability reform, justice reform, and civil service reform. For example our tax system requires reform since it is not progressive system of taxation, where the tax you pay depends on your level of income and wealth, currently the burden of taxation falls on the poor and the street dwellers, where little or none corporate and other taxes are collected from big corporations and companies making tens of millions of dollars annually as net income in various industries and economic sectors.

5. Road safety act; nowadays it is common thing to hear road deaths every day inside big cities and between towns.

6. Bills relating election of parliamentarians and district and regional boundaries demarcation bills.

7. Public asset privatization act; to make sure that the proceeds from asset disposal are kept in the government treasury.

8. Educational quality standards act.

9. Foreign and domestic investment act.

10. Public private partnership act.

11. Food security and food safety act.

12. Commercial banking act.

On the other hand, the house led by Irro, failed to follow up the acts passed by the house as far as their implementation is concerned. A case in point is the central bank act passed by the house late 2012, which plainly stipulates the powers of the central bank, its board of directors, regulation of exchange bureaus, setting up of monetary policy mechanisms. Implementation of this act would have helped us to get a solution for the conundrums of exchange fluctuations and inflation hikes. All in all, none of the acts passed by this house has been implemented and no one has followed up why it has not being implemented.

On the management of the resource of the House of Representatives, Irro failed to install an internal audit mechanism at the house, which is an international standard practice. When other parliamentarians asked him how he manages the finances of the house three years ago, he advised them to make them salary and allowances increment, which they did.

His leadership of the House of Representatives was disastrous and wasted more than a decade of Somaliland time, which he could have made a landscape legislative reform in every sector.

In conclusion, his 12 years tenure as speaker of the house of the representatives was a curse not a blessing and he can not claim that he will make a change if he becomes a president; the worthy question is why he didn’t make a change when he was the leader of the House of Representatives.

BY: MOHAMMED DAHIR AHMED,

HARGEISA, SOMALILAND





http://samotalis.blogspot.com/

24 October, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII KOWAAD..AXMED CARWO

Waxa aanu u dhaqaaqnay dalka UK, kooxdayada waxa na hogaaminaaya Madxaweyne Axmed Maxamed oo uu ku weheliyo Guddomiye Muuse Biixi. Madaxweynha oon marna ka nasan shaqo qaran xitaa xiliga uu fasax ku jiro, waxay ahayd inuu ku mashquulay isku-xidhka bulshaweynta Soomaliland gudo iyo qurbaba. Waxa aynu ognay in jaaliyadda U.K tahay halbowlaha Jaaliyadaha Somaliland oon ahayn keliya inay tahay Jaaliyadda ugu tiro iyo tayo badan, bal se ay tahay xundhurta ay soo gaadhi karaan Jaaliyadaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waa bar kulanka qurbojooga Soomaliland.

Booqashada gurigu waa joogto, waa is dabo-joog, waa rag iyo dumar, waa ciroole iyo caruur. Waxa weheliya wararkii dalka oo meesha Madaxweyne joogaba waa Madaxtooyo. Dunida maantu waa xafiis joogto ah, is gaadhsiin is haysata, talo darafka ugu fog lagu gaadho oo meel kasta gaadha isla xiligaas, oon daqiiqadi u dhexeyn. Waxa xigta shirar, muwaadinku talo ku dhiibto, iyo mid cabashaba. Waa gogol fidsan iyo dhego furan.

Tii hoos hoose waxay ku soo biyo shubatay maalintii balanka mise aan idhaahdo habeenkii iyo fagaarihii il yartu is qabatay ee London. Goobtu waa hoolka weyn ee Kensington Town Hall, waa dul iyo hoos. Waana 8deedii October 2016. Habeen ku suntan farxad iyo damaashaad.Waa madal kulmisay reer Soomaliland, gole xarago, goob muujisay jaceylka ka dhexeeya shacbi iyo madaxdood. Waa dad qalbiga ka jecel dalkooda, uga yimid meheradahoodii una huray waqti iyo maalba. Niyad san iyo shucuur aan la sifeyn karin.  
Waa badheedhihii Madaxweynha oo uu ku soo koobay qudbad aan waxba dhaafin, wax qabad, carqalado, hiigsi iyo hogo-tusaalayn, dhib iyo dheef waxa la soo maray lix sano iyo dhiidhii ee uu mindida daabkeeda hayey. Waa guulihii Kulmiye oo qodobaysan oo si kooban oo farshaxnimo leh uu Madxweynahu u soo bandhigay. Aan intiina jecel ku dhaafo inaydun gujisaan linkan ood ka bogotaan..boqol iyo kow wax qabad ee tayo iyo tiraba leh, ee taabanaysa dalka hooyo gees ilaa gees..
Dhugo oo dhegeyso....waa tan ee guji halkan:
https://www.youtube.com/watch?v=-z4YPUW0Yjk

Midh kale ayaa raacday... waa mustaqbalka iyo aayaha ummadda.. Madaxweyne waxuu si cad u tilmaamay inuu dalka u soo xulay halyeel uu la jecel yahay inuu halkuu kaga tegay ka sii ambaqaado.Waxuu tilmaamay inuu la jecel yahay guul iyo horumnar xisbigiisa uuna toojka inoogu dhiibay nin ku suntanaa guulaha Kulmiye oon ahayn barbar ka fuul bal se shukaanta muddo hayey, guushii horana ku lahaa bal dahab ah. Waa nin uu Madaxweynuhu tababaray, tijaabiyey, imtixaanay, oo muddo soddon sano ah ay wada shaqyn ka dhexeysay, nin ay qadhaadh iyo macaanba isla soo mareen. Waa nin ugu dambeyntii iyo imtixaankii ugu dambeeyey uu ku siiyey bilad dahab ah. Madaxweyne waxuu inoogu baaqay inaynu is barbar taagno ooynu doorashada Madaxtooyada u codeyno Guddoomiye Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Cabdirahmaan Saylici, si ay u sii wadaan guulaha Kulmiye, wadajirka bulshada, aayaha dalka iyo dadka oo horumar dhaqaale, iyo mid bulsho la gaadhsiiyo.. Waa dardaran waayeel iyo nin in ka badan 50 sano dalkan dantiisa guud ku hawlanaa. Nin cimrigiisa siiyey Soomaliland.



Mid kale ayaa ii raacda. Waa dareenka bulshada goob jooga ka ahyd dhacdadan taariikhiga ah. Shuucuur dal jacey, dareen ixtiraam madaxdooda, calankooda iyo carigooda. Waa dad isaga yimid meel dhadheer , in badanai waxay u soo raaceen diyaarado iyaga oo ka yimid dalalka kale ee Yurub ilaa Maraykan. Waxaa ku duxday  fariin toos ah oo Madaxweynahu u gudbiyey, waxay guntadeen wanaaga aynu ku suganay inaanu ku iman dhayal, in loo baahan yahay dhowristiisa, kobaciisa, ilaalintiisa iyo in wax walba aynu ku eegno danta guud. Yaa ina gaadhsiin kara guul hore leh, yaa inga ilaalin kara cadow iyo kuwa jecel burburkeena. Macalin weyn iyo khabiir aan la labayn ayaa inoo tilmaamay.

Dhugo sawiradan oo wax ku qaado qaran is jecel oo wadajir, hoggaamiye dadkiisa jecel iyana ay ixtiraam iyo qadarin ta ugu sareysa u hayaan.

Dhowaan dadweynha waxa hor iman maalin ay ka taliyaan masiirka mustaqbalka Soomaliland, maalinta doorashada Madaxtooyada Insha SAllah..Dadweynha ayey u taala xaqiijinta himmilada iyo hiigsiga Madaxweynahu soo bandhigay.

Guul iyo Wadajir

Mustashar Axmed Carwo
samotalis@gmail.com.

http://samotalis.blogspot.com/

11 July, 2016

LETTER I RECEIVED FROM NEW CONSERVATIVE LEADER AND MP THERESA MAY



Dear Ahmed,

I am honoured and humbled to have been chosen by the Conservative Party to become its leader.
I would like to pay tribute to the other candidates during the election campaign, and I would like to pay tribute to Andrea Leadsom for the dignity that she has shown today.
During this campaign, my case has been based on three things.
First, the need for strong, proven leadership to steer us through what will be difficult and uncertain economic and political times.
The need of course to negotiate the best deal for Britain in leaving the EU and to forge a new role for ourselves in the world.

Brexit means Brexit and we’re going to make a success of it.
Second, we need to unite our country.
And third, we need a strong, new, and positive vision for the future of our country. A vision of a country that works not for the privileged few but works for every one of us.
Because we’re going to give people more control over their lives. That’s how together we will build a better Britain.
Thank you,

Theresa May
Leader of the Conservative Party


http://samotalis.blogspot.com/

25 June, 2016

LETTER FROM DAVID CAMERON PM OF UNITED KINGDOM

Here under is a letter I received from David Cameron, British PM today, it is a lesson to those of us who want to practice democracy. The nation lost a great leader, man of his words, a rare breed among politicians, man with vision and dedicated principle.

Dear Ahmed,

The country has just taken part in a giant democratic exercise, perhaps the biggest in our history. Over 33 million people from England, Scotland, Wales, Northern Ireland and Gibraltar, have all had their say. We should be proud of the fact that in these islands, we trust the people with these big decisions. We not only have a parliamentary democracy but on questions about the arrangements for how we are governed, there are times when it is right to ask the people themselves, and that is what we have done. We not only have a parliamentary democracy but on questions about the arrangements for how we are governed, there are times when it is right to ask the people themselves, and that is what we have done.
The British people have voted to leave the European Union and their will must be respected. I want to thank everyone who took part in the campaign on my side of the argument, including all those who put aside party differences to speak in what they believed was the national interest. And let me congratulate all those who took part in the Leave campaign for the spirited and passionate case that they made. The will of the British people is an instruction that must be delivered. It was not a decision that was taken lightly, not least because so many things were said by so many different organisations about the significance of this decision so there can be no doubt about the result. Across the world, people have been watching the choice that Britain has made.
I would reassure those markets and investors that Britain's economy is fundamentally strong and I would also reassure Brits living in European countries and European citizens living here that they will be no immediate changes in your circumstances. There will be no initial change in the way our people can travel, in the way our goods can move or the way our services can be sold. We must now prepare for a negotiation with the European Union. This will need to involve a full engagement of the Scottish, Welsh and Northern Ireland governments to ensure that the interests of all parts of our UK are protected and advanced. But above all, this will require strong, determined and committed leadership.
I am very proud and honoured to have been Prime Minister of this country for six years. I believe we have made great steps, with more people in work than ever before in our history, with reforms to welfare and education, increasing people's life chances, building a bigger and stronger society, keeping our promises to the poorest people in the world and enabling those who love each other to get married whatever their sexuality. But above all restoring Britain's economic strength. And I'm grateful to everyone who has helped to make that happen. I've also always believed that we have to confront big decisions, not duck them. That is why we delivered the first Coalition Government in 70 years, to bring our economy back from the brink. It's why we delivered a fair, legal and decisive referendum in Scotland and it’s why I made the pledge to renegotiate Britain's position in the European Union and hold a referendum on our membership and have carried those things out.
I fought this campaign in the only way I know how, which is to say directly and passionately what I think and feel, head, heart and soul. I held nothing back. I was absolutely clear about my belief that Britain is stronger, safer and better off inside the European Union. And I made clear the referendum was about this and this alone. Not the future of any single politician, including myself. But the British people have made a very clear decision to take a different path. And as such I think the country requires a fresh leadership, to take it in this direction.
I will do everything I can as Prime Minister to steady the ship over the coming weeks and months, but I do not think it would be right for me to try to be the captain that steers our country to its next destination. This is not a decision I have taken lightly. But I do believe it's in the national interest to have a period of stability and then the new leadership required. There is no need for a precise timetable today, but in my view we should aim to have a new Prime Minister in place by the start of the Conservative Party conference in October. Delivering stability will be important and I will continue in post is Prime Minister, with my Cabinet, for the next three months.
The Cabinet will meet on Monday, the governor of the Bank of England is making a statement about the steps that the Bank and Treasury are taking to reassure financial markets. We will also continue taking forward the important legislation that we set before Parliament in the Queen's speech. I have spoken to Her Majesty the Queen this morning and advised of the steps I am taking. Negotiation with the European Union will need to begin under a new Prime Minister and I think it is right that this new Prime Minister takes the decision about when to trigger Article 50 and start the formal and legal process of leaving the EU. I will attend the European Council next week to explain the decision the British people had taken and my own decision. The British people have made a choice. That not only needs to be respected, but those on the losing side of the argument, myself included, should help to make it work.
Britain is a special country. We have so many great advantages. A parliamentary democracy where we resolve issues about our future through peaceful debate. A great trading nation with our science and arts, our engineering and creativity, respected the world over. And while we are not perfect I do believe we can be a model of a multiracial, multi-faith democracy where people can come and make a contribution and rise to the very highest that their talent allows. Although leaving Europe was not the path I recommended, I'm the first to praise our incredible strengths. I said before that Britain can survive outside the European Union and indeed that we could find a way. Now the decision has been made to leave, we need to find the best way. And I will do everything I can to help. I love this country, and I feel honoured to have served it. And I will do everything I can in future to help this great country succeed.
Thank you very much,
David Cameron


http://samotalis.blogspot.com/

30 May, 2016

SOCDAALKEYGII SWEDEN IYO NORWAY...MUSTASHAR AHMED HASSAN ARWO

Waxaan u boqolay Stockholm si aan uga qayb galo dabaal deggii sannad guuradii 25naad ee
qaranimada aynu la soo noqonay iyo xuska 18ka May 2016. Waxay ahayd maalin damaashaad iyo xusuus murogo iyo qiimeyn guulaha halgankii SNM ee dalka lagu xoreeyey. Maalin reer Soomaliland oon cidi ka maqnayni go' aansadeen inay ka baxaan midnimadii dulmiga iyo duudsiga, ooy noqdaan qaran iskii u madax banaan soona celiyaan qaranimadii ay shuruud la'aanta ku fool eryeen.

Waxaa maalintan noo qorsheysnaa afar dhacdo oo is daba joog ah. Kow waxaanu ku jarmaadnay inaanu warqad ka timid madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed u gudbino Wasaardda Arrimaha debedda ee Sweden. Waxa aniga, Safiirkeena Rhoda Cilmi iyo Maxamed Bidhiidh Badda oo ah Guddoomiyaha Ictiraaf Raadinta ee Sweden aan u dhiibnay warqadda Madaxweynha oo xanbaarsanayd taariikh, garnaqsi iyo dalab ictiraaf, Madaxa Wasaaradda u qaabilsan Arrimaha Afrika. Waxaanu raacsanay hadal kooban iyo shir aanu si ka fool ka fool ah uga dhaadhicinay qadyadeena.
WAxaanu kala tegnay ididiilo iyo balan qaad wacan una baahan dabogal iyo joogteyn is arag.
Daawo videogan:
https://www.youtube.com/watch?v=r9l3wKJc-zE

Waxa xigtay inaanu bulshoweynta Sweden ee reer Soomaliland oo fagaaraha Barlamaanka ee badhtanka  Stockholm oo banaan bax dhoolo tus iyo bandhig kala qayb qaadano annaga oo qudbado taariikh iyo guubaabo ka jeedinay fagaaraha. Waxaan idinku dhaafayaa intiina aan ka bogan warbaahinta dalkeen Videogan hoose ooy ku dhan yihiin barnaamajkaasi. Guji linkan oo hoos ka daawo.

https://www.youtube.com/watch?v=Pu0tx9O3T_w

Waxa xigtahy gudbin laba baaq oo midna yahay kan ay xanbaarsantay Warqadda Madaxweynha, tan kalena ay tahay mid ka timid daladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden iyo SSE oo aanu u gudbinay Guddiga Arrimaha Debedda u qaabilsan barlamaanka Sweden. Waxaana nagu weheliyey aniga iyo safiirka Guddoomiyha Daladda Zakariya Wacays iyo Xoghayaha SSE Mustafe oo banaan bixii iyo baaqaba ahaa hormoodka qabanqaabada xafladda 18ka May.


https://www.youtube.com/watch?v=eQqYrolvkIE

Waxa 7-9pm  bilaabantay siminaar iyo dood cilmiyeed ay wadeen Seddex xildhibaan oo barlamaanka Sweden ah  kana mid ahaa oo uu abaabulay Xildhibaan ka soo jeeda Somaliland Mudane Amiir Sakariye. Waxana ka soo baxay qodobo ay ku ololeyn doonaan golaha dhexdiisa.





Kow: In  la kala saaro Soomaliya iyo Soomaliland kolka la qiimeynaayo xaaladda nabad gelyo, si Soomaliland looga saaro digniinta guud ee saaran Soomaliya.

Laba: In la xoojiyo safaaradeena oo inta ictiraaf guud la gaadhaayo ay siiyaan mustawaha Falastiin.

Seddex: In La dhiso ha'yad Swedish ah oo ka hawl gasha Somaliland kalana shaqaysa mashaariicda ay Sweden wado.

Afar: In Soomaliland laga caawiyo horumarka iyo shaqa abuurka si loo joojiyo tahriibta dhalinyarada ee Yurub aad uga cabanayso.

Shan: In Somaliland laga caawiyo dhinaca dimuquraadiyadda iyo hanaan socodka doorashooyinka nidaamka xisbiyada badan iyo in toos loola yeeshi iskaashi dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Waxa fiiro gaar ah lahayd sida ay u dhammaayeen goob kasta oo xafadi ka socotay seddexda xisbi iyo taageerayaashoodu. Taas oo ka marag kacaysa sida ay qadyadda qarannimo ay uga mideysan yihiin. Inkasta ooy taas tahay mid caadi ah oo waajib dhammaan ina saaran ah, haddana kolay anigu waxaan dareemay inay si siyaada ah ay wadajir iyo midnimo uga muuqatay.


Maalin ka bacdi waxaan u boqolay Oslo iyo Norway. Waa meel aan saxiibo culculus ku leeyahay oonan muddo is arag. Dabcan maan gaadhin damaashaadkii 18ka May, laakiin waxaan ka dabo tegey farxaddii iyo reynreyntii jawiga Oslo. Soo dhoweyn heer sare ah oo uu hogaaminaayo Safiirkeen Sulub Ismaaciil Warsame, iyo Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Norway, iyo Oday Jaamac Yuusuf oo Ismaaciil Xidhinta,  dabadeed waxaan kula kulmay hool weyn bulshada Oslo oon uga xog waramay arrimaha dhaqaalaha, horumarint dalka, arrimaha siyaasadda doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyadda.



https://www.youtube.com/watch?v=aiFIpqdbhWI


Waxaan si gaar ah ugu farxay la kulanka saaxiibkey nin aanu soo wada kornay Axmed Xaaji Nuur oo ah hormoodka Jaaliyadda Oslo. Nin afafka dunida ugu adag Alle u sahlay waa afka Shiinaha iyo kan Norway dalkana ka ah Sheekha Soomaal. Kulan gaar ah oo saxiibnimo ayey habeenkaasi ahaa isaga Cumar Daarood iyo Jama Yuusuf Jamac Yare oo isna ahaa saxiib ilaa yareentii iyo Danjire Sulub. Waxa intaas weheliyey kulanka Xisbiga Kulmiye oo gole iyo gooniba aanu isu aragnay Guddoomiyaha, Xoghayaha, Guddiga kale iyo odayga xisbiga Axmed Cawad, Guddoomiyha iyo Guddiga Garabka Haweenka iyo taageerayaasha dhalin iyo waayeelba.

WAxa iyana ii xigtay kulan hoosaad hadhimo ah oon la qaatay xulka iyo hormoodka degaanka Waqooyiga Hargeysa iyo Galbeedkeeda, taas oo gunteedu ahaa taageerda xisbiga Kulmiye iyo dardar gelinta bulshada si loo dhaqaajiyo hawl galka xisbigu u baahan yahay, iyaga oo si gaar ah ula shaqaaya Guddiga Xisbiga ee Norway, soona jiita bulshoweynta Soomaliland, iyada oo la ogyahay in xisbigu yahay xisbi qaran kana furan taageero aan cidi kaga badnayna ku leh dhammaan goballada dalka, ayna tahay in sawirkaasi ka muuqdo goob kasta oo qurbaha ah, si ay isku mid u noqdaan sawirka gudaha iyo kan debedduba.

Gun iyo gunaanad. Aaan idhaahdo Iskandaniifiya waan u qushuucay dad iyo dalba. Dhul nafis ah oo nadiif ah, dad shaqaysta wax barta aad u dhex galay degaanka, haya manaasiib siyaasadeed iyo qaar maamulba haddana aan iloobin dalkooda hooyo. Dad si dhab ah u fahamsan kala duwannaanta siyaasadda oon ku coloobin xisbiyada ay kala taageeraan. Waxaan soo xaqiiqsaday taageerada Kulmiye inaan meelna lagaga horeyn.

Guul Soomaliland.

Mustashar Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maal gashiga.

samotalis.blogspot.com, /