Waanu gaadhnay badi wufuuddii reer Kulmiye oo ka kala yimid magaalooyinka UK oo dhan, waxa se dhacday in wafdigii ka imanaayey London ay la kulmeyn jidka oo xidhan shil ka dhacay oogeyd. Waxay ka qaadatay 7 saacadood inay na soo gaadhaan. Kolkaan oganay waxaanu bilownay shaqadii loo yimid. Ugu horreyn waxa noo bilaabmay kulan albaabadu u xidhnaayeen oon la galnay haldoorka iyo aqoonyahanka Bristol ee reer Soomaliland oo dhan. Iyagaa taas dalbaday, anaguna aqbalka ayaanu lahayn.
Waxa xigtay kulan kooban oo odayada iyo waayeelka Kulmiye Bristol ay booqasho, isbarasho iyo salaan ah, si gaar ah waxa kulan kooban nala yeeshay Haldoorka ka soo jeeda Sool iyo Buuhodleh oo noo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin wax qabadka Madaxweynha iyo xukuumadda Kulmiye si gaar ahna u taabtay doorka wacan ee Kulmiye ku lahaa diiwaangelinta goballadaas.
Qadadii oo ahayd mid boqolaal qof lagu casuumay ka dib maanu nasan ee waxa noo qorshaysanaa kulan ballaadhan oonu la lahayn Mayorka Magaalada Bristol Mr. Marvin Rees iyo boqoshada Xarunta degaanka Bristol. Waxa ballanka ka soo shaqeeyey laba hablood oo aad muhiim ugu ah Jaaliaydda Somaliland ee Bristol, waa xildhibaan Hibaaq Jaamac iyo Nuura Abbe. Waxa naloo sharxay shaqo malmeedka Golaha Degaanka, iyo miisaaniyadda Golaha. Guddoomiyahuna waxuu kala hadlay isku xidhka Bristol iyo Somaliland, iyo kaalinta ay kaga jiraan Jaaliyadda Soomaliland ee degan Bristol. Waxa kulan gaar ah dhinac socday barnaamajka mataanaynta Bristol iyo Berbera ooy si gaar ah ugu hawlantay Nuura Aabbe.
Wafdigii London ooy ka mid ahayeen Wasiir Salaymaan Xiglo-toosiye, Wasiir Cabdillaahi Cukuse, Wasiir Cali Shoombe,waxay na soo gaadheen habeenimadii iyaga oo aad u soo daalay bal se aan ka nasan hawsha sugaysa. Waxa noo bilaabantay xafladdii Bristol iyo Cardiff ay wadajirka ku soo abaabuleyn oo meel la kala fadhiisto la waayey, dad badanina ay debedda tubaayeen. Aan idinku dhaafo sawirada xafladdii oo idiin muujinaya farxadda iyo taageerda Kulmiye kala kulmay Bristol ..
Dabcan waxa ugu muhiimsan kulanka Jaaliyadda iyo Wafdigu waa xog-waranka iyo khudbadaha ay ka jeediyaan xubnaha Wadfiga. Aan idinku dhaafo linkan halkan hoose iyo khudbadihii xubnaha wafdiga;
DAAWO OO KA BOGO KHUDBADO MUHIIM AH GUJI LINKAN HOOSE:
https://www.youtube.com/watch?v=J-fw5sVgUtM
Waxa xafladda soo xidhay Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi oo kaga hadlay khudbad kooban bal se taabanaysa waayaha dalka, hiigsiga iyo himmilada Kulmiye, wax qabadkiisa, carqaladaha ina horyaal, kaalinta qurbojooga mid qaran iyo mid xisbiba. Guji linkan hoose oo ka boqo khudbad aad u qiimo badan.
DAAWO HIIGSIGA IYO HIMMILADA MURASHA MUJ; MUUSE BIIXI
https://www.youtube.com/watch?v=WOW-26Evjhs
Gun iyo gabogabo..waxa bulshada Bristol caddeysay in xisbigoodu yahay Kulmiye, inay yihiin qurbojoog qalbigoodu ku xisdhan yahay dalka hooyo.
Guul iyo Wadajir
Mustashar Axmed Carwo
samotalis@gmail.com






No comments:
Post a Comment