Showing posts with label AHMED ARWO VIDEOS. Show all posts
Showing posts with label AHMED ARWO VIDEOS. Show all posts

10 December, 2017

WARAYSI GAARA LA TALIYAHA MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED XASAN CARWO - Q...







Waa wareysi khaas ah oo lala yeeshay La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah, muhiim ah oo hadda taagan...Qaybtii Labaad



http://samotalis.blogspot.com/

15 November, 2017

WARKA LA TALIYAHA MADAXWAYNAHA SOMALILAND DHANKA ARIMAHA DHAQAALAHA OO W...





MUSTASHAR AXMED CARWO OO QARANKA, KOMISHANKA DOORASHOOYINKA, SEDDEXDA XISBI QARAN SIDA NABADDA AH EE NIDAAMSAN EE DOORASHADA LOO GALAY ISAGA OO KU TILMAAMAY INAY TAHAY GUUL QARAN OO MUWAADIN KASTA MUCAARID IYO MUXAAFIDBA LEEYAHAY...WAXUUNA KA HADLAY XILIGAN XASAASIGA AH ISAGA OO KU BAAQAY...



http://samotalis.blogspot.com/

30 July, 2017

Lataliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee Arimaha Dhaqaalaha



Waa hadal kooban oon ka jeediyey xik-wareejintii Wasiir Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiir Axmed Xaaji Daahir, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Tiknolojiyada iyo Cilmi Baadhista....Xisbinimo qoto dheer, Kulmiyenimo dhab ah iyo arrimo xiiso badan oo Kulmiye nagu dhex martay.

http://samotalis.blogspot.com/

03 November, 2016

SOMALILAND: KHUDBADIHII WAFDIGA GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE BRISTOL 12/10/2016







KHUDBADIHII WASIIRADA IYO LA-TALIYAASHA LA SOCDAY GUDDOOMIYHA IYO MURASHAXA MADAXTOOYADA EE KULMIYE MUUSE BIIXI IYO BRISTOL 12 OCTOBER 2016

http://samotalis.blogspot.com/

25 February, 2016

GUNNAANADKII XAFLADDII KULMIYE EE EAST LONDON





MUSTASHAR AHMED ARWO AYAA TILMAAMAY SABABTA GARABKOODII MUUSE BIIXI TAAGEERSANAA AY UGU GUULAYSTEEN  TARTANKII MUSHARAXIINTA IYADOO 2004 CARQALADO BADAN LOO DHIGAY..DAAWO OO DHEGEYSO....MADAXWEYNAHU ISAGOO OGSOON COLAYSKA HOGAAMINTU LEEDAHAY AYUU IMTIXAAN NA MARIYEY ADAG, IYANA KU JILICSAN OO KAN DUGSIGA HOOSE AH AYUU MARIYEY...WAANU GUDUBNAY IYANA MEYBAY SUGIN...!!!!



http://samotalis.blogspot.com/

20 February, 2016

CIDDA KA DAMBEYSAY WEERERKA GOOBTA DIIWAANGELINTA IYO UJEEDADABA WEYNU G...







Mustashar Axmed Carwo oo tilmaamay cidda ka dambeysay falkii argagaxa ahaa ee lagula kacay goobaha Diiwaangelinta iyo arrinta Dekedda Ceel Garde, sheegayna ujeedada laga lahaa,... Dhanka kale waxuu dhambaal baaq ah u diray Guddiga Abaaraha, Xukuumadda iyo Seddexda Xisbi, isagoo si gaar ah ula dardaarmey reer KULMIYE.  AXMED waxuu hanbalyo u diray masuuliintii isku shaandheynta xukuumadda ku soo baxay isagoo si gaar ah u bogaadiyey seddex mas' uul.

http://samotalis.blogspot.com/

31 January, 2016

Mustashar Axmed Carwo oo ku deeqay bil mushaharkeed dadka abaaruhu ku ha...







U naxariista khalqiga Alle si Alle idiinku naxariisto. Waxa la yidhi sadaqaddu xataa qadar Alle wey baajisaa Insha Allah. Xanuunka, dhibta adduunyo iyo aakhiraba waa ka daawo. Waxay xataa ay baraakeysa cimriga...Waxaan halkan ku soo jeedinayaa inaynu jeebka gacanta galino oo aynu si deeqsinimo ah ugu gurmano dadkeena aabaruhu ku dhaceen. Aan ugu horeeyee waxaan bixinayaa bil mushaharkeed, waxaanan soo jeedinayaa in qof kasta oo digriito Madaxweyne lagu magacaabay oo  Golaha Wasiiradu kow ka yihiin, La-taliyaasha, Agaasimayaasha Guud, Maareeyaasha, Badhasaabada, Ambaasadoorada, Guddoomiyaasha Hayadaha iyo  Komishinada iyo cid kasta oo digriito lagu magacaabay, iyo dabcan Madaxweynaha iyo KU xigeenka, iyo seddexda Gole ee Shacbiga matala: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo golayaasha Degmooyinka ee dhammaan ku tabarucaan bil mushaharkeed. Kolka intaynaasi oo ah hormoodka bulshadu taas yeelno waxa furmi doonta in bulshaweynta ooy kow ka yihiin ganacsatadu ay iyana gacanta fidin doonaan...Talooyin kale iyo faahfaahin ka dhegeyso videoga.

http://samotalis.blogspot.com/

28 January, 2016

KULMIYE WAA BAR KULANKA BULSHOWEYNTA SOOMALILAND







Waxa waajib ah in arrimaha qarannimada wax yeelaaya aynu iska jirno, oo siyaasadda debedda, difaaca iyo ictiraaf doonka ka mideysnaano..ma aha in mucaaridku dawladaha debedda uu ula tago arrimo doc furaaya siyaasadda khaarajika ee dalka. . Waxaan ku hanbalyeynayaa Guddoomiye Faysal sida sharafta ah ee arrimaha Qaranka u ilaaliyaa kolka uu debedda maraayo...Reer Kulmiye waxaan odhanayaa waxa galayaa tartan inaga dhexeeya xisbiyo, soo gabogabeeya loolankii dhammaaday, waa in dhammaan loo guntadaa sidii doorashada loogu guuleysan lahaa. Taasi waxay waajib ka dhigeysaa in guddiyada dib u habayn lagu sameeyo, si loo helo cidda ugu habboon ee guushaas keeni karta, ma gaadhayno wadajirka loo baahan yahay ilaa aynu dhowro nidaamka xisbiga, waa in sharciga xisbiga lagu dhaqmaa oo qofka baal marsan la mariyaa waxa inooga qoran..Waxaynu nahay xisbi curin leh oo hoggamin iyo wax qabad iibinaaya, meesha aynu marno waa leynaga daydaa, maqaaxida aynu shaaha ka cabno waa laga cabaa, geedka aynu fadhiisano waa la fadhiistaa..waa la arkaa cidda curinta leh ee wax hoggamin karta..daba socod ma noqdo hogaamiye, dadweyne wuu arkaa ee waa inaga iyo hawlgal mideysan, niyasd san iyo wadajir..Taladu dadka ayey ka go'daa waa inaynu ixtiraamnaa fikirkooda, mudnaanta baahidooda, iyo dhegeysi dhaliishooda...Kulmiye waa bar kulanka bulshoweynta Soomaliland, waxaynu nahay waayo arag dulqaad leh, soo maray mucaarid iyo muxaafidba..taariikhana waa kow xisbi sidan ihi.. ogow UDUB ma soo marin mucaarid..khibradaasi waa inoo gooni, ee waa inay inaga muuqataa..

http://samotalis.blogspot.com/

20 January, 2016

15 January 2016 SAACUUDIGA WAXA INAGA DHEXEEYA DAN MA GUURTO AH





U naxariista khalqiga Alle si Alle idiinku naxariisto. Waxa la yidhi sadaqaddu xataa qadar Alle wey baajisaa Insha Allah. Xanuunka, dhibta adduunyo iyo aakhiraba waa ka daawo. Waxay xataa ay baraakeysa cimriga...Waxaan halkan ku soo jeedinayaa inaynu jeebka gacanta galino oo aynu si deeqsinimo ah ugu gurmano dadkeena aabaruhu ku dhaceen. Aan ugu horeeyee waxaan bixinayaa bil mushaharkeed, waxaanan soo jeedinayaa in qof kasta oo digriito Madaxweyne lagu magacaabay oo  Golaha Wasiiradu kow ka yihiin, La-taliyaasha, Agaasimayaasha Guud, Maareeyaasha, Badhasaabada, Ambaasadoorada, Guddoomiyaasha Hayadaha iyo  Komishinada iyo cid kasta oo digriito lagu magacaabay, iyo dabcan Madaxweynaha iyo KU xigeenka, iyo seddexda Gole ee Shacbiga matala: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo golayaasha Degmooyinka ee dhammaan ku tabarucaan bil mushaharkeed. Kolka intaynaasi oo ah hormoodka bulshadu taas yeelno waxa furmi doonta in bulshaweynta ooy kow ka yihiin ganacsatadu ay iyana gacanta fidin doonaan...Talooyin kale iyo faahfaahin ka dhegeyso videoga.

http://samotalis.blogspot.com/

01 May, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 2







Waxaad jeceshay ood muddo ku dadaalaysay kolka la helo waa mahad Alle iyo guul. Muddo dheer ayaan ka talinaayey oon ka hawl galay in Zaadka iyo iibsiga suuqu noqdaan lacagta dalkeena. Hanbalyo ayaan leeyahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee arrintan muddada taagnayd ku dhaqaaqay.

Waxay wax weyn ka tari doontaa la dagaalanka sicir bararka oo hore aan ugu jirin gacanta xukuumadda. Waxayna karaamadu u soo noqon doontaa lacagteena ajanabiga ku ahayd dalkeeda.

Waxa iyana u baahan wax qabad degdeg ah isku xidhka telefoonada oo lid ku ah suuqa xorta ah iyo ikhtiyaarka macaamiisha. Waana mid muddo dheer taagnayd una baahan dhaqaajin dhab ah. Khasaare weyn ayaa bulshada iyo xukuumaddaba arrintan ugu jira. Ha loo eego danta guud

http://samotalis.blogspot.com/

29 April, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaaalaha- 2







Waxaad jeceshay ood muddo ku dadaalaysay kolka la helo waa mahad Alle iyo guul. Muddo dheer ayaan ka talinaayey oon ka hawl galay in Zaadka iyo iibsiga suuqu noqdaan lacagta dalkeena. Hanbalyo ayaan leeyahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee arrintan muddada taagnayd ku dhaqaaqay.

Waxay wax weyn ka tari doontaa la dagaalanka sicir bararka oo hore aan ugu jirin gacanta xukuumadda. Waxayna karaamadu u soo noqon doontaa lacagteena ajanabiga ku ahayd dalkeeda.

Waxa iyana u baahan wax qabad degdeg ah isku xidhka telefoonada oo lid ku ah suuqa xorta ah iyo ikhtiyaarka macaamiisha. Waana mid muddo dheer taagnayd una baahan dhaqaajin dhab ah. Khasaare weyn ayaa bulshada iyo xukuumaddaba arrintan ugu jira. Ha loo eego danta guud



http://samotalis.blogspot.com/

22 April, 2015

Talooyin Horumarinta Dhaqaalaha -1







Ganacsiga xorta ihi waxuu u baahan yahay suuq xor ah. Xornimada suuqu waxay u baahantay sharciyo iyo hayado ilaaliya . Dhiirigelinta suuq furan oo tartan nidaamsan leh waa furaha horumarka dhaqaale, taas waxa lid ku ah suuq in yar u xidhan oo abuura monopoly. Adeegyada daruuriga ah sida biyaha, gaasta, nalka iwm waxay u baahan yihiin qawaaniin ilaalisa xaqqa muwaadinka iyo in ayna u gacan gelin shakhsiyaad yar. Waxa ugu habboon inay noqdaan shirkado u furan dhammaan muwaadiniinta oo lahaanshahu yahay mid furan oo qof waliba inta uu doono maal gelin karo iyo xiliga uu doono.

http://samotalis.blogspot.com/

12 April, 2015

Waa Taxanihii talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin -17


Waa seddex dhacdo oon nasiib u helay inaan xubin sharafeed goobjoog ka ahaado. Waa madalo farxad reynreyn iyo hanbalyo aan lagaga masuugin. Waa barxad shacni iyo wanaag dhammeeyey, waa goobo dhalin iyo waayeel u kala hadhin. Waa fagaare rag iyo dumar kulmisay waa garoon mucaarid iyo muxaafid garbaha isku hayaan... Waa meel Soomaliland mideysay seddexda midab ee calanku meel walba ka muuqdo dhar ahaan iyo bilad ahaanba... Waa guul iyo hanbalyo.



07 April, 2015

6da April 1981 iyo taariikhda SNM -2







Mey jirin internet, FB Twitter, Tviyada tirada badan, wargeysyada iyo mobileku, telefoonka dhowr qof ayaa lahaa..dhegeyso sida aan warka u fidin jirnay..SNM cid ka cadhoota waa la wayey walow carqalado badan iyo hanti badan lagu bixiyey in la kala jabiyo...mucaarid iyo muxaafid intuba xad ayey lahaayeeen aan la dhaafin. Ninka qaldan jilibkiisa ayaa qaban jiray, xeer jajab ma shaqayn ee xeerka ayaa lagu kala bixi jiray. Shan guddoomiye ayaa 10kii sano ee halganku jiray la doortay, waana iyada tan dhabada dimuquraadiyada inoo hawl yareysay...Beesha Habar Awal sagaal ayaa London aanu ku deganayn, badina afar ayuunbaa joogtay, oo inta kale seamen bad mareen ah ayey ahaayeen, waxaanu se lahayn codka veto..kkkkk Tiradayada iyo miisanka codkayagy isma lahayn..waayo labada beelood ee ku badnaa ayaanu u ahayn cid ay ku kalsoon yihiin ee kala saarta..Gar diid muu jirin. Qaladka intaan la go'aamin ayuu ruuxu qaadan jiray...Midnimo, eex la'aan iyo xaq ku dirir ayaa jiray. Dulqaad iyo hubsiimo ayaa wax lagu maamuli jiray. Bilow wacan oo bushaare wata ayey SNM ku bilaabantay.


http://samotalis.blogspot.com/

06 April, 2015

6da April iyo Taariikhda SNM







Waa barnaamaj khaas ah oon wax yar ka iftiimin doono maalintii SNM London lagaga dhawaaqay6 June 1981, oon goobjoog u ahaa iyo midnimadii ka muuqatay ergooyinkii jaaliyadaha ka kala yimid...Taariikhda 6da April waxay tahay mid SNM ay la wadaagto maalin kale oo taariilhi ah in yar ayaa se taqaan...Hadafkii SNM wax badan waa la xaqiijiyey, waxa se maqan xubin weyn oo muhiim ah taas oo loo baahan yahay inaynu wadajir uga hawlgalno..geedigu wuu socdaa ee ha daalina, dhankuna waa soo dhow yahay ee ha niyad jabin, sahanka badiya oo beelweynta Soomaliland ha la dejiyo meel noole u wacan, nabad ah oo barwaaqo ah..Guul, midnimo  iyo nabad iyo caano.

http://samotalis.blogspot.com/

25 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin 16







Maanta laba mawduuc oo kookooban bal se muhiim ah ayaan idinla wadaagaya..horta waa mide waxaynu tabaynaa culumo ka hadashay amuuraha inagu xeeran iyo wax yaabaha dunida ka dhacaaya..waxaad moodaa inay ku hawlan yihiin xaal adduunyo iyo aragtiyo kooban oon dhaafsanayn qolqolka...Culumow miyeyna diintu inooga digin wax badan adduun jaceylka...ciddii naga waanin lahayd bal ka waran hadday iyagu inagaba jecel yihiiin...Waxa kow ka aha amuuraha ay ka seexdeen halista shiicada oo xawli weyn ku fideysa..xataa waxay tahay ayeynaan aqoon oo aqoon darrada ayey inoo soo raacda.. Culumow waajibka diiniga ah guta oo ummadda ka badbaadiya fidno leynoo soo waarido.



Tan labaad waa aqoonsiga aanu ka filayno Golaha Deegaanka Cardiff oo ah meel aan shakhsiyan magac iyo raadba aan ku leeyahay oon muddo toban sano ka badan Guddoomiyha Jaaliyadda ka haa. Hawshan oo muddo dheer noo socotay oo haddana guusheeda aanu berrito Insha Allah soo taaban doono, ha laga daayo xisbiyeynta oo dacaayadda aan dhaafno, itaal kasta ooy leedahay waa waxtar, mana aha mid iskakeyn hortaagaysa hiigsiga dhabta ah iyo ictiraaf caalami ah. Waa guul dhammaan Soomaliland u soo hoyotay. Waxtarka kiisa yar iyo kan weynba waa wax ina anfacaaya.

http://samotalis.blogspot.com/

18 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin- 14



Marka laguu marag furo maragaa ha jiro ayaa la yidhaahdaa. Waxa wiigan la ansixiyey ajandihii kalfadhiga Golaha wakiilada ooy kow ka yihiin laba qodob oo toos ula xidhiidha doorashooyinka si gaar ah kan Golaha wakiilada. Dahowr qaybood oo taxanahan ka mid ah ayaan idiinku sheegay inaan sharcigii doorashada wakiiladu aanu jirin. Haddaba muwaadin ma kuu cadaatay sababta ugu weyn ee dib u dhacu inay tahay sharciga oon dhisnayn. Maanta aynu dhammaan ka hawlgalno oo ha la baahiyo sharciga yaan inta la qarsado kolka la ansixiyo laga hadlin, xiliga laga doodaa waa imika, cid hadal haysaana ma jirto.awoowgay Faarax Nuur ayaa laga hayaa Arab sidaan ka wado weynahaan wax ugu sheegaa, ana ummaddeena waxaan wax ugu sheegaa sidaan keli waalid u ahay. Ma shaqaynayso ee aarimahani ma kala leh muxaafid iyo mucaarid ee badka ha la soo dhigo oo aan ka doodno, si waafaqsan dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaadinks. Waa sharcigaan tobanka sano sugaynay ee aan saxno oon ka dhigno mid dhaxal gal ah oo dhammaan ina anfaca

http://samotalis.blogspot.com/

07 March, 2015

Waa Taxanihii, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin - 13







Waa siyaasiin waa weyn oo emailo ii soo qoray taageero ah...waxaan leeyahay hadday idinka dhabtay warbaahinta geliya, ma aha waxaan soo jeediyey wax ii gaar ah waa dan guud iyo mustaqbalka ummadda sidaan u arko, mana aha Quraan ee waa ra'yi qof, dhaliil iyo diidmo bedel wadata waa wax loo baahan yahay. Keena fikir kan ka duwan amba igu raaca oo muujiya, laga yaaba in fikirka kaleba aan anigu idinku raaco..saxaafaddu ha ka korto nin ammaan, nin ceebeyn, qof tooxsi iyo hebel iyo heblaayo oo afkaar ha keento oo doodo midho dhal ah ha abuurto..su' aalahu ha noqdaan maxaad arrintan ka tidhi, maxaad fikir haysaa, sideed wax u bedeleysaa, maxaad ka aaminsantay arrintan.. ee yey noqon hebel maxaad ku tidhi, hebel ma jeceshay, ma hebel ayaad diidantay, heblaayo miyaad u dhowdey ee wax khaas ah oon dadweynha waxba uga shan iyo toban ahayn....Daawo oo dhegeyso tafaasiil..

http://samotalis.blogspot.com/

03 March, 2015

Waa Taxanihii Talo, Tilmaan, Tusaale iyo Toosin- 11







Dad islaam ah ayeynu nahay risiqa iyo shaqada waxay ku yimaadaan qadarka Alle.Aqoonsiga arrintani waa rukun ka mid ah arkaanta iimaanka. Damac iyo dadaal ayeynu la nimaadnaa, iyo talada oon Alle u deynu. Laakiin waxii qadarka Alle amro ayuu qalinku qabtaa. Waa gef inaad qof ku nacdo waxaan Alle kuu qorin...... Qabyaaladu waa geed jirid keliya ayaa laamo badan leh laan walibana waxay leedahay caleemo ka sii badan, kolkaad badisaba inta baahan ayaa badanaysa oo cid kuma raaligelin kartid kuraas la kordhiyo, adoo jirid jirid u qaybiya oo soo yareeya ayaa ka hadal yar.



Waxaan qabaa cidda keliya ee ay ahyd in Wasiir la siiyaa inay ahayd beesha Gabooye. Waanan ka xumay in saaxiibkey La-taliye Barkhad is-casilo, waxay ahyd inuu gudaha nala joogo oo halganka uu gudaha ka wado, samir iyo dhabar-adeeg ayaa guusha dhaliya.

http://samotalis.blogspot.com/