Showing posts with label new. Show all posts
Showing posts with label new. Show all posts

13 June, 2013

Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Mamnuucday Xafiiska Ergayga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay


Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Mamnuucday Xafiiska Ergayga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay Sheegtayna Inuu Lidi Ku Yahay Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Ergaygii Gaarka Ahaa Nicholas Kay Oo Socdaalkisii Soo Gebo-gebeeyey

Hargeysa -Kulan ay caawa Qasriga Madaxtooyadda ku wada yeesheen safiirka Qaramada Midoobay u soo magacawday xafiiskeeda siayaasadda Somaliya iyo Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhamaaday is af-garan waa kadib markii ay isku mari waayeen qorshayaashii ay kala wateen.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay Xukuumadda Somaliland in ay joojisaya gabi ahaanba wada shaqayntii Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, isla markaana ay ka mamnuucday dalkeeda.

Wasiirka oo warfidiyeenadda xarunta madaxtooyada Somaliland kula hadlaayey ayaa wuxuu yidhi “Waxa Madaxweynaha Somaliland iyo xubno Wasiirro ah oo aan ka mid ahaa aanu la kullanay wakiilka cusub ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Nicholas Kay oo maanta Somaliland socdaalkiisii u horeeyay ku yimid Hargeysa, waxaanu u yimid Somaliland si aanu uga wada hadalno awooda sharci, shaqo , siyaasadeed iyo qorshe ee xafiiskiisan cusub iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland waxa uu sheegay xafiiska cusub ee qaramada midoobay ee UNSOM inaanu mudnayn in lala sii shaqeeyo, isagoo ku wargeliyay Mashruuca WFP oo kali ahi in uu dalka ka shaqayn doono, kaasoo ay Somaliland shuruud ka dhigtay marka ay dalka imanayaan in ay la soo xidhiidhaan Xukuumadda, oo ay ogolaansho ka qaataan.

“Waxaanu markii aanu Xukuumad ahaan daraasad ku samaynay ee aanu si balaadhanna u eegnay waajibaadka shaqo ee xafiiskan cusub ee berigii hore la odhan jiray UNPOS imikana loo bixiyay UNSOM, waxaanu u arkaynay inuu iskugu jiro laba nooc ama shaqo oo la isku biiriyay, midi wuxuu ahaa shaqadii Ha’yadaha jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa ay wadeen ee ku wajahnaa arrimaha aadaminimo iyo horumarinta ee ay ka mid ahaayeen Ha’yadaha UNDP, WHO iyo kuwa kale ee mucaawimadda iyo horumarka bixiya. Qeybta labaadna waa qeyb cusub oo xagga siyaasadda ah oo gabi-geeduba ku wajahan sidii loo caawin lahaa, loona dhis lahaa dawladda Soomaaliya ee Federaalka ah. Haddii ay tahay dib u heshiisiintoodii, kaabis lagu sameeyo dastuurkooda iyo dhisida amnigooda. Markaa waxaanu xukuumad ahaan go’aansanay inaanu Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa kala shaqeyno wax allaale iyo wixii xaga horumarinta ku saabsan sida UNDP iyo Ha’yadaha kale ee UN-ka ee dalka degan gacanta ka geysta waxbarashadda, caafimaadka iyo arrimaha sharciga ah Somaliland kala shaqeeya. Waxaanu waliba dalbanay in mucaawimadaasi ay ku salaysnaado baahida iyo qorshaha Somaliland isla markaana la sii kordhiyo. Ergaygana waanu u sheegnay.”

Safiirka cusub ee ay qaramada midoobay u soo magacawday xafiiskeedan cusub ee siyaasadda oo ay hoos imanayaan dhamaan xafiisyada kala duwan ee qaramada midoobay ayaa manta dalka yimi hase yeeshee wax war ah saxaafadda muu siinin, inkasta oo uu booqday dhawr meelood oo ay ka mid yihiin Dugsiga tababarka shaqaalaha dawladda iyo xabaalaha xasuuqa.

Kulanka caawa ka dibna wax war ah saxaafadda muu siinin waxaana la filayaa in uu soo gaabiyo socdaalkiisa oo marka hore u qorshaysnaa in uu Somaliland ku joogo muddo laba cisho ah.

http://samotalis.blogspot.com/

11 June, 2013

Odayaal Reer Buuhoodle Ah Oo Caasimada U Yimid Xil Guurtida Laga Eryay Oo Waji Gabax La Guryo Noqday Kadib Markii Kursigiisii La Buuxiyay Iyo Mudanaha Xisaanada Laga Qaaday Oo Ka Hadlay

Odayaal Reer Buuhoodle Ah Oo Caasimada U Yimid Xil Guurtida Laga Eryay Oo Waji Gabax La Guryo Noqday Kadib Markii Kursigiisii La Buuxiyay Iyo Mudanaha Xisaanada Laga Qaaday Oo Ka Hadlay

Hargeysa, June 11, 2013 (Haatuf) – Odayaal ka soo jeeda beelaha deegaanka Buuhoodle oo dhawaan caasimada Hargeysa u yimid xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Faarax oo xisaanadii golaha guurtida laga qaaday, isla markaana kursigiisii uu buuxiyay xubin ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ayaa waji gabax kala huleelay Hargeysa todobaadkan, ka dib markii shirguudonka guurtidu ay ku adkaysteen in xubintaasi muddo dheer golaha fasax la’aan uu kaga maqnaa deegaanka Buuhoodle. Shirgudoonka golaha guurtida ayaa la sheegay inay gaashaanka ku dhufteen in xildhibaankaasi golaha guurtida laga saaray ee odayaasha beeshiisu u doodayeen aanu golaha dib ugu soo noqon doonin, isla markaana kursigiisii si rasmiya loogu buuxiyay xubin ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle. Cabdiraxmaan Cabdi Faarax oo ah xildhibaanka golaha guurtida alaga eryay, isla markaana odayaasha beeshiisa ee caasimada u yimid sidii loogu celin lahaa golaha guurtida la socday oo waji gabax kala guryo noqday, ayaa mar aanu kula xidhiidhanay shalay galab khadka tilifoonka isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in kursigiisii golaha guurtida lagu buuxiyay xubin ka soo jeeda deegaankooda Buuhoodle, isla markaana ku eedeeyay shirgudoonka golahaasi inay ka dambeeyeen talaabada erigiisa, isagoo arrinkaas aanu wax ka waydiinay erigiisa ayaa waxa uu yidhi “Aniga iyo odayaashii ila socday waxaanu ku noqonay magaalada Buuhoodle arrinkaasi golaha guurtida laygaga saarayna waxa ka dambeeyay Saleebaan iyo Siciid, kursigaygiina waxaa lagu buuxiyay nin Hargeysa iska joogay, arrinkaana waa layskaga imanayaa oo dhawaan ayaanu mar labaad ku soo noqonaynaa Hargeysa”




http://samotalis.blogspot.com/