16 November, 2023

🔴 ربما لم يسمع احدكم عن هذا الفيلم الفرنسي الذي يعتبر مأخوذ عن قصة حقيقية وقعت في فرنسا لبقال تركي اسمه السيد ابراهيم وزهور القران بطوله عمر الشريف والفيلم حقق إيرادات كبيره وجوائز كثيرة وهذه الصوره مشهد من الفيلم نفسه .. العم إبراهيم 50 عام بقال تركي مسلم لا يملك إلا دكان في عمارة بها أسرة يهودية في فرنسا وذلك في عام 57 .. كل صباح ترسل الأسرة ابنها جاد 7 أعوام للشراء ولا ينسي كعادة بعض اليهود أن يسرق باكو شيكولاته من الدكان .. وفي يوم اشترى جاد البقالة و نسي أن يسرق و حين هم بالمغادرة ناداه العم نسيت أن تسرق باكو الشيكولاته يا جاد .. فزع جاد "كنت تراني كل يوم؟ نعم و هذا هو باكو اليوم .. فوعده ألا يسرق شيكولاته و لكن العم قال"عدني ألا تسرق أبدا فأصبح كل يوم يشتري البقالة ويأخذ باكو شيكولاته و يقول للعم ابراهيم "لقد أخذت الباكو "وينصرف توطدت العلاقة بينهم وأصبح جاد يحكي له أسراره و مشاكله و كان يستمع ثم يفتح الدرج و يخرج كتاب يطلب من جاد أن يمسكه ويغمض عينيه و يفتحه علي أي صفحتين فيقرأ آلعم إبراهيم في صمت و يبدأ في مناقشة جاد حتي يصلا إلى حل كبر العم 67 عام و كبر جاد 24 عام و كبرت العلاقة بينهما الي إن مات .. وفي وصيته ترك لأبنائه صندوق أمرهم أن يسلموه لجاد حينها بكي جاد و نسي الصندوق وهام علي وجهه في الشوارع حزنا وألم وفي يوم تعرض لمشكلة فتذكر "اه لو كنت هنا يا عم ابراهيم كنت ستسمعني و تفتح الدرج و تخرج الكتاب و .." فتذكر الصندوق و فتحه فوجد الكتاب فأغمض عينيه ثم فتحها فإذا بها تقع على اللغة العربية..هرع إلى صديقه التونسي و طلب منه أن يقرا الصفحتين ففعل فأخذ جاد الكتاب وبدأ يفكر في مشكلته فإذا بالحل أمام عينيه سأل جاد صديقه ما هذا الكتاب؟ فكانت الإجابة : إنه القرآن الكريم أسلم جاد و أصبح أسمه د. جاد الله القرآني أكبر داعيه إسلامي في أوروبا . و بسؤاله عن أسعد أوقاته يقول " حينما يسلم علي يدي إنسان أشعر أنني قد رددت جزء من جميل عم ابراهيم" " ظل عم ابراهيم معي 17 عاما لم يقل لي أنت يهودي و أنا مسلم.. لم يقل لي أنت كافر.. لم يقل لي حتى ربطني بالقرآن " و شعاره على العبد السعي و ليس عليه إدراك النجاح . سافر د.جاد إلي أفريقيا و بقي 10 أعوام ..أسلم على يديه أكثر من 6 ملايين شخص من قبائل الزولو و توفي عام 2003 متأثرا بما أصابه في أفريقيا من أمراض عن عمر ناهز 55 عام اترك اثر جميل ..
" إن النبي عليه الصلاة والسلام كان يأكل بأصابعه وكان يقضي الحاجة في الخلاء .. وكان يركب البغلة في تنقلاته .. وكذلك كان يفعل أهل ذلك الزمان .. مسلمين وكفره فقد كان ذلك هو العُرف .. تقليد النبي في هذه الأشياء ليس من السُنّة .. إنما السُنّة في أن تقلده فيما إنفرد به وتميز .. وقد تميز نبينا بمكارم الأخلاق .. فقال له ربه "وإنك لعلى خلق عظيم" لم يمتدح ربنا لباسه ولكنه إمتدح خُلُقه .. وهنا مناط الأُسوة والتقليد وجوهر السُنة أن نقلد النبي في أمانته وفي صدقه وفي كرمه وفي شجاعته وفي حلمه وفي ثباته على الحق وفي حبه للعدل وكراهيته للظلم .. أمّا أن نترك كل هذا ونقيم الدنيا ونُقعدها على تقصير الثوب .. ويقول الواحد منا : أقلد ولا أفكر .. فأقول له بل تفكر .. فالتفكير في الإسلام أكثر من سُنة .. التفكير فرض .. ويصف القرآن وخاصة المؤمنين بأنهم : "يتفكرون في خلق السماوات والأرض" وأنهم يتدبرون القرآن وأنهم ينظرون في كل شيء .. في إختلاف الليل والنهار وفي الإبل كيف خُلقت وفي السماء كيف رُفعت وفي الأرض كيف سطحت وفي الجبال كيف نُصبت وهُم ينظرون في أنفسهم كيف خُلِقوا ومما خُلِقوا .. وإذا جاء ذكر الثياب في القرآن فيقول ربنا " وثيابك فطهِّر ".. فالنظافة كانت نقطة لفت النظر . _ الإسلام السياسي والمعركه القادمه" د /مصطفى محمود .. رحمة اللَّه عليه

08 May, 2023

KHUDBAD-SANNADEEDKA DASTUURIGA AH EE 2023-KA

KHUDBAD-SANNADEEDKA DASTUURIGA AH EE 2023-KA

 Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka;
 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud;
 Xubnaha Golaha Wasiirrada;
 Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida;
 Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan;

As/calaykum, 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa maamuus, sharaf iyo xurmo ii ah in aan maanta Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland u jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee sannadka 2023-ka.

Hordhac

Xukuumaddu iyada oo sii ambaqaadaysa Barnaamij Siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE ee ay bilawday Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa ay dadaal badan u gashay ka-midho-dhalinta Barnaamij Siyaasadeedkii Xisbiga KULMIYE ee ku wajahnaa horumarka dalka.

Muddadii ay Xukuumaddani talada dalka haysey waxa uu dalkeenu  gaadhay guulo waaweyn oo dhinacyo badan taabanaya, sida; 

Nabadgelyada Gudaha iyo Difaaca Qarannimada Guud ahaan, Tayeynta Maamulka Hay'adaha Dawladda, Koboca Dhaqaaaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Horumarinta Adeegga Bulshada, Garsoorka, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada, iyo Horumarinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Guulahaa waaweyn ee aynu gaadhnay waxay ku yimaadeen nabadda iyo wada-jirkeenna, shacab iyo dawladba. 

Hase yeeshee mar walba waxa jiray cadawga Somaliland oo ku dedaalayey in uu xagal-daaciyo nabadda, wada-jirka iyo horumarka Somaliland.

Cadawgaas waxa ka mid ah Agagixisadda iyo Puntland oo colaad  ka huriyey Magaalada Laascaanood, iyaga oo xaalad dagaal geliyey Muwaadiniintii Reer Somaliland ee ku noollaa Deegaanka Laascaanood. 

Shacabka Reer Sool waxay kala mid ahaayeen Ummadda Somaliland nabad-gelyada iyo Horumarka adeegyada bulshada ee kala duwan.

1. DAGAALKA LAASCAANOOD
Intaanan u gudbin xaaladda maanta ee Magaaladda Laascaanood waxaan idinla socodsiinayaa in muddadii ay xukuumadaydu xilkan haysay ay dadaal badan u gashay sidii loo horumarin lahaa Gobolka Sool, waxaana wax-badan laga qabtay dhinacyada biyaha, waxbarashada, caafimaadka iy adeegyada kale ee loo fidiyo muwaadiniinta.

Ceelasha; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga qoday Gobolka Sool 28 Ceel oo dhaadheer.
CEELASHA LAGA QODAY GOBOLKA SOOL 2018 - 2022
SN Goobta Cida Fulisay  Gobolka Sanadka  Nooca Mashruuca
1 Ceelka Qoriley  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
2 Ceelka Dhumey Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
3 Ceelka Xidhxidh Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
4 Ceelka Saaxdheer  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
5 Ceelka Kalabaydh Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
6 Ceelka Bali hadhac 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
7 Ceelka Bali hadhac 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
8 Ceelka Dhabansaar Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
9 Ceelka Shululux  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
10 Ceelka Goljano  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
11 Ceelka Guumays  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
12 Ceelka Guumays  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)
13 Ceelka Yagoori 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
14 Ceelka Yagoori 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
15 Ceelka Yagoori 3 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
16 Ceelka Yagoori 4 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
17 Ceelka Canjiid  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2020 Ceel dheer (Riig)
18 Ceelka Tuulo Samakaab Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
19 Ceelka Lafaweyne  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
20 Ceelka Awrboogays 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
21 Ceelka Awrboogays 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
22 Ceelka Sarmaanyo 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
23 Ceelka Xuddun 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2020 Ceel dheer (Riig)
24 Ceelka Xuddun 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
25 Ceelka Adhicadeeye  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
26 Ceelka Geel caseeye  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)
27 Ceelka Dharkayn geeyo  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)
28 Ceelka Kacaya  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

Caafimaadka; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga dhisay Cusbitaalka Maanka, Ballaadhinta Cusbitaalka Laascaanood. Waxa kale oo la dhisay xarumo caafimaad oo tiradoodu tahay 56 Xarumood, isla markaana waxa loo iibiyey 6 Gaadhi oo ah gaadiidka gurmadka degdeg ah, kuwaas oo kala ah: 
SN Goobta Cida Fulisay  Gobolka Tirada 
1 Cusbitaalka Gobolka  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  1
2 Cusbitaalka Maanka  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  1
3 Cisbitaalada Degmooyinka  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  3
4 Xarun Caafimaad Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  36
5 Caafimaadka Aasaasiga ah  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  17
6 Ambulance  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  6
Waxbarashada; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxay Gobolka Sool ka dhistay dhismayaal waxbarasho, isla markaana waxay dayactirtay dhismayaal hore u jiray. Guud ahaan dhismayaasha cusub iyo kuwa la dayactiray waxay dhan yihiin 19.
SN Magaca Dugsiga Demada Dugsi Cusub Tirada Fasalada
1 Yaaheel Laascaanood Dugsi Cusub 3 Fasal iyo 2 Xafiis
2 Caaroole Taleex Dugsi Cusub 2 Fasal iyo 2 Xafiis
3 Horyaal KG Laascaanood Dugsi Cusub 3 Fasal iyo 1 Xafiis
4 Goljano Primary Laascaanood Qololka gabdhaha ee cusub 2
5 Carrooley Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli   1
6 Tuka-raq Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli   2
7 God-aale Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli   1
8 Laascaanood (New) Laascaanood Dugsi Cusub 9
9 Abyan Laascaanood Kordhin  2
10 Manhal Laascaanood Kordhin  2
11 Godaalo Taleex Kordhin  4
12 Karin Dabayl Weyn Laascaanood Kordhin  2
13 Lafa-weyne Laascaanood Kordhin  2
14 Hoyga Laascaanood Laascaanood Kordhin  2
15 Macalin Jaamac Laascaanood Kordhin  2
16 Xuddun  Xuddun Kordhin  2
17 Kalabaydh  Laascaanood Hoolka shirarka  1
18 Xargaga Laascaanood Kordhin  2
19 Sarmaayo  Laascaanood  Kordhin  2

Mashaariicda Wadooyinka ee la Hirgaliyey
SN Faahfaahinta 
1 Laamiga Madaarka Magaalada Laascaanood 5Km
2 Laamiga Dhakhtarka Weyn ilaa Kantaroolka  4Km
3 Laamiga Fayo ilaa Dahabshiil 1.5 Km
4 Laamiga Telesom ilaa Kantaroolkii hore 3 Km
5 Laamiga Argada Royal ilaa Qudhacda 400 M
6 Laamiga Masjid Jaamaca Laascaanood 3 Km
7 Laamiga Yagoori Cadhootay ilaa Dhakhtarka 500 M
8 Laamiga Iskoyska Manhal ilaa Dugsiga Muuse Yuusuf
9 Wadada Xargaga 
10 Wadada isku xidha Laascaanood ilaa Kalabaydh 32 Km oo caro kaawo ah.

11 Dayactirka Laamiga Adhi-cadeeyo ilaa Tuulo Samakaab
12 Dayactirka Jidka Laamiga ah ee Dhex Mara Magaalada Laascaanood
  
 
 

Dhismayaasha; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga dhisay Gobolka Sool dhismayaal dawladeed oo kala duwan, kuwaas oo dhan 31 dhisme oo kala ah.
SN Dhismayaasha
1 Dhismaha Xarunta Maamulka Gobolka Sool
2 Dhismaha Madaxtooyada Laascaanood
3 Dhismaha Baanka Laascaanood ee Socday.
4 Dhismaha Xarunta Ciidanka Dabdamiska Qaran ee Laascaanood 
5 Xarunta Ciidanka Birmadka ee Laascaanood
6 Mashruuca Qorshaha Nashqadeynta Malaagada Laascaanood (Master Plan)
7 Dhamaystirka iyo Dayactirka Garoonka Cabdi Bile Cabdi
8 Mashruuca Biyo Xidheenka Widh widh 
9 Dhismaha Korodhka Jaamacada Laascaanood 
10 Dhismaha Saldhiga Farxaskule 
11 Dhismaha Wasaaradda Xanaanada Xoolka iyo Horumarinta Kaluumaysiga ee Laascaanood
12 Dhismaha Maxadka Tababarka Diiniga ah ee Laascaanood
13 Hirgalinta Mashruuca GPLG ee Dawladda Hoose ee Laascaanood.
14 Dhismaha Boodhinka Laascaanood
15 Dhismaha Xarunta Gawraca Xoolaha ee Laascaanood
16 Dhismaha Godka Khashinka Laascaanood.
17 Xarunta Neersariga Cagaarinta Laascaanood
18 Mashruuca Soolarta Degmada Samakaab
19 Sameynta (5) Shan Barkadood Dhumay iyo Daba-taag.
20 Dayactirka Saldhiga iyo Dawladda Hoose ee Degmada Yagoori.
21 Mishiinka Kaydinta Oxygen-ta ee Laascaanood
22 Dhismaha Guriga Kaydinta Daawada
23 Dhismaha Guriga Calafka Xoolaha ee laga fuliyey Dalyare, Siindhoob iyo ooda-gooye
24 Dhismaha Xafiisyada Dekedda Qalalan ee Ganbadha.
25 Cashuur Dhaaf loo Sameeyey 655 Gaadhi ee Gobolka Sool
26 Dhismaha Saldhiga Taleex
27 Dhismaha Xafiiska Gobolka Taleex
28 Dhismaha Xafiiska Degmada Taleex
29 Dhismaha Dhaamka Taleex
30 Dugsiga Farsamada Adhi Cadeeye
31 Dhismaha Saldhiga Booliska Sarmaayo

Maxa keenay Dagaalka Laascaanood?   

Wixii ka horreeyey 1884-kii Dawladaha Xuduudaha leh ee Afrika badankooda kamay jirin xuduudo dawladeed oo qeexan (National Borders). 

Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee adduunka ka dhacayna wax badan ayey ka baddeleen xuduudihii jiray, gaar ahaan Yurub, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog. Hase yeeshee Afrika xuduudihii uu isticmaarku dhigay ayey ku fadhiyaan oo Jimciyadda Quruumaha ka-dhaxaysa iyo Midawga Afrika Aqoonsan-yihiin. 

Somaliland waa Dalkii Isticmaarku ugu yeedhi jiray Maxmiyaddii Somaliland (Somaliland Protectorate) ee xuduudaheedu ku dhisan yihiin sharciyada caalamiga ah.

Dal kasta khilaaf waa ka dhex-dhici karaa, dagaalka Laascaanoodna waxa uu ku eeg-yahay xayndaabka caalamiga ah ee xuduudaha Jamhuuriydda Somaliland.

Ciidammada ku soo duulay Laascaanood, waxa kow ka ah; Ciidammada  Puntland. Madaxweynaha Puntland Fagaare ayuu ka sheegay isaga oo dhaadanaya in ciidankiisii ka dagaalamayo Laascaanood.

Taasi waxay salka ku haysaa qorshe maamulka Puntland ilaa bilowgii dhismihiisa uu ku talo jiray in uu sameeyo xuduud beeleed.

Waxa kale oo ku soo kordhay qorshaha Puntland Argagixisada Xag-jirka ah oo muddo-dheer qorshaynayey in ay gabbaad ka helaan Deegaanka Laascaanood.

Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda laamaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee Deegaanka 

Laascaanood ee ka shaqaynayey nabadda iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood.
   
Argagixisadu waxay qorsheeyeen sidii ay iska-horkeeni lahaayeen Dadka Reer Laascaanood iyo Dawladda, iyaga oo fal kasta oo ay fuliyaan u sawiray in Dawladda Somaliland ka dembaysay. 

Qorshahaas Argixisada ayaa saamayn taban ku yeeshay caadifadda Dhallinyada Laascaanood.

Waxa kale oo jiray dad qurba-joog ah oo hab-qabiil ku taageersanaa Maamul Gobolleedka Puntland oo doonayey in xuduudaha lagu saleeyo hab-beeleed.

Haddaba, waxa is-weydiin leh isticmaarku barigaa wuxuu Soomaalida u qaybiyey 5-meelood, maanta qayb-waliba halkii isticmaarku dhigay ayey fadhidaa. 

Waa maxay sababta maamulka Puntland uu ku doonayo in uu qayb ka mid ah Shacabka Somaliland ugu sameeyo xuduud beeleed.

Jawaabta su'aashaasi Puntland ayey u taallaa. 

Waxa yaab leh in maamulka Puntland is-dhacsiiyey haddii aanu Xamar ka noqon Madaxweyne ama Raysal-wasaare in aanay jiri doonin Dawlad la yidhaahdo Soomaaliya. Sidaa darteedna uu doonayo inuu hanto Madaxtooyada Fiilla Soomaaliya.

Maanta xaaladda Puntland ka jirta iyo xabadda ay dhan walba u ridaysaa waa cadhadii ay ka qaadeen Magacaabistii Raysal-wasaaraha aan ka soo-jeedin Puntland.

Waxaan u sheegaya Maamulka Puntland in ay u-roon tahay in ay Ciidammadooda kala baxaan Deegaanka Laascaanood.

Ciidanka Dawladda Somaliland difaac mooyaane marnaba weerar kuma qaadin Magaalada Laascaanood, ilaa maantana nabad ayey ku baaqaysaa Somaliland. Dagaalka ciddii bilowday waxay fulinaysay siyaasaddii Argagixisada ee ahayd in ay abuuraan meel aan nabad ahayn oo ay ku dhex dhuuntaan.

Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaaladii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeggii caafimaadka iyo waxbarashadii. 
 

2. TAYEYNTA MAAMULKA EE HAY'ADAHA DAWLADDA

Si loo helo maamul wanaagsan oo hufan oo horumar keenna, waxa xoogga la saaray tayeynta maamulka Hay'adaha Dawliga ah.

a) Tayeynta Maamulka Dawladnimo

Si loo helo maamul dawladeed oo hufan waxay Xukuumaddu xil weyn iska saartay sidii loo horumarin lahaa Maamul-wanaagga, waxaana u qabsoomay;

1. Tayeynta Xafiiska Maamul-wanaagga, iyada oo la dhamaystiray Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka, taas oo daboolaysa guud ahaan nidaamka loo marayo maamul-wanaaga Wasaaraddaha iyo Hay'addaha Dawladda.

2. Hagayaasha Aasaaska u ah Qiimeynta Maamul-wanaagga oo sahlaya in la-qiimeeyo sida ay shaqadooda u gutaan Wasaaradaha iyo Hay'addaha Dawladdu.

3. Hagaha Xil-wareejinta Qaranka, si aanay u lumin xusuusta, iyada oo markaana ay wehelinayso masuul kasta oo nidaamka ku cusub in uu helo macluumaad dhamaystiran iyo tobabar indho-fur u ah shaqada uu qabanayo.

4. Hagaha Maamul-wanaagga Qaranka oo ka sii dhambalmay Siyaasadda Maamul-wanaagga ayaa dhamaystirmay iyada oo laga duulayo baahida iyo dar-dargalinta Xafiisyada Dawladda.

5. Iyada oo laga duulayo mihiimada xeerarka iyo dhaqan galintooda ayaa laga shaqaysiiyay Xeerka Kala-xadaynta 

Nidaamka Xukuumadda Dhexdeeda si xafiis walba u guto waajibaadkiisa shaqo. 

b) Xeerarka ay Xukuumaddu Curisay Sannadihii 2018 ilaa 2023
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xeerarku waxay kaalin mug leh ka qaataan Dhismaha Qarannimada, waxayna qeexaan hab-dhaqanka iyo masuuliyadaha Hay'adaha Qaranku ka kooban yahay ee 

la xidhiidha Koboca Dhaqaalaha, Horumarinta Adeegyada Arrimaha Bulshada, Adkaynta Nabad-gelyada iyo Sugidda Xuquuqaha Aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Haddaba, Xukuumadda JSL iyadoo ka duulaysa Qodobka 74aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka oo awood u siinaya diyaarinta iyo soo bandhigidda Mashruuc Sharcyeedyada, waxay curisay sannadihii 2018 ilaa 2023 Xeerar tiradoodu dhan tahay 42 Xeer, kuwaasi oo isugu jira 34 dhaqan-galay iyo 8 Golaha Baarlamaanka la-yaalla.
Xeerarkaasi waxay ka-qayb-qaadanayaan Koboca Dhaqaalaha, sida; 
 Xeerka Aaga Cashuuraha ka-caagan
 Xeerka Ganacsiga 
 Xeerka Dekedaha
 Xeerka Maalgashiga
 Xeerka Caymiska.
Xeerarka ka qayb-qaadanaya Sugidda Amniga iyo Xasilloonida waxa ka mid ah; 
 Xeerka La-Dagaalanka Maandooriyaha, 

 Xeerka Ka-Hortagga iyo Xakamaynta Tahriibka.
Sidoo kale, waxa ku jira Xeerarka Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ku saabsan oo uu ka mid yahay Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyaha, Xeerkaasi oo lagu mideeyay dhammaan Xeerarkii Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaangelinta Cod-Bixiyayaasha.
Waxa kale oo ay Xukuumaddu dejisay oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen Siyaasado muhiim u ah Horumarka Dalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin; Siyaasadda Maamulka Dhulka Iyo Siyaasadda Diiwaanka Sakada.
c)Wacyi-gelinta iyo Barashada Dastuurka
Dastuurka haddii dhaqankeenna loo eego; waa caynka, bayda iyo daba-geliska isku haya rarka iyo ratiga. Sidoo kale, Dastuurku wuxuu isku hayaa dadka iyo dalka, waana Saldhigga shuruucda dalku ka farcamaan.
Dastuurkeenna waxa ka reebban wixii shareecadda Islaamku ay diiday. 
Sidaa darteed, waxay xukuumaddu xoogga saartay in Bulshada la baro Dastuurka iyo Shuruucda ka farcanta, iyadoo bulshada qaybaheeda kala duwan la siiyey 42 tababar oo ka kala qabsoomay gobollada dalka. 

Sidoo kale, waxa tababaradan ka faa'iidaystay Ardayda dhigata Kulliyadda Carbiska Shaqo-qaran, Ciidammada kala duwan ee Qaranka iyo Shaqaalaha Dawladda. Waxa kale oo ka faa'iidaystay qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha oo gaadhaya 1,680 Arday.
War-baahinta dawladdu waxay wadaa muddo sannado ah Barnaamijka Waa Dantaadee Baro Dastuurka.

Waxa kale oo socda Barnaamijka Wacyi-gelinta Dastuurka ee Baraha Bulshada, kaas oo bulshada loogu gudbiyo muuqaalo iyo qoraallo ku saabsan dastuurka oo qofka ka soo dhexgelaya muuqaalada uu ka daawanayo baraha bulshada, kaasoo ay daawadeen dad gaadhaya 2.5 Milyan qof. 

d) Garsoorka iyo Cadaaladda

Muddadii Xukuumadani xilkan haysay waxa si weyn loo kordhiyay heerarka Aqoonta ee dhammaan hawl-wadeennada Garsoorka, isla markaana Adeegga Garsoorka waxa la gaadhsiiyey 30 Degmo oo aan hore u lahayn. 

Sannadkii 2022 waxa Maxkamadaha dalka soo galay 21,068 dacwadood, kuwaas oo iskugu jira Madani iyo Ciqaab. 

Waxa dhammaaday 17,680 dacwadood, halka Maxkamaduhu fuliyeen 3,884 dacwadood.

Tirada iyo noocyada danbiyada ka dhacay Dalka 2018 ilaa 2022
Sannadka Tirada Dilalka Tirada Kufsiga Shilalka Aragagixisada Khamriga liter Xashiishada KGs Iska Horimaadka dhimasho
2018 61 53 3457 Nil 7895 2600  
2019 65 40 3232 Nil 4211 28.25  
2020 53 161 4789 21 5589 270  
2021 89 232 5581 21 41000 2110 1
2022 60 266 5829 16 7066 75.5 4
Wadar 328 752 22888 58 65761 5083.75 5

e) Hay'adda Shaqaalaha Dawladda 

Barmaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda ayaa lagu guulaystay, iyada dhammaan madaxtiris lagu sameeyay shaqaalaha dawladda, si looga sifeeyo wixii madmadaw ku jiray, waxaana la sugay shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda.

Iyada oo laga duulayo in muwaadiniintu fursadaha si siman u helaan waxa meesha laga saaray in aan la shaqaalayn shaqaale aan soo marin barnaamijka shaqo-qaran. 

Korodhka Shaqaalaha ee Sannadihii 2017-2023

2017 2023 Faraq % 
14,854 26,800 11,946 80

f) Qandaaraasyada

Waxa Dib-u-casriyeyn iyo Daah-furnaan laga dhigay Hanaanka Qandaraas-bixinta Dawladda, waxaanna awood la siiyay Guddida Qandaasyada Qaranka, si ay u gutaan xilkooda. 

Muddadaas aan hoggaankan dalka hayey waxa Nidaamka Qandaraas bixinta qaranka la mariyey 1,166 qandaraas oo ku kacay lacag dhan $103,605,101.6. Qandaraasyada la bixiyey muddadaas waxay kala ahaayeen:

 418 qandaraas oo ahaa dhismayaasha cusub iyo qaar la dayactiray, kuna kacay lacag dhan $60,857,636.07.

 395 qandaraas oo ah Qalab, Miishiinno, Dawo iyo Raashin, kuna kacay lacag dhan $34,925,971.74.

 353 qandaraas oo Gaadiid ahaa, kuna kacay lacag dhan $7,821,493.83. 

3. ARRIMAHA BULSHADA

a) Waxbarashada  

Muddadii Xukuumadani xilkan haysay waxay kordhisay Miisaaniyadda Waxbarashada:

Korodhka Miisaaniyadda Waxbarashada ee 2017 – 2022

2017 2022 Faraqa %
102,615,623,952 200,626,411,498 98,010,787,546 96

Sidaa darteed, waxa si xawli ah u kordhay koboca waxbarashada dalka, tiro ahaan iyo tayo ahaanba; waxa kordhey tirada ardayda dugisyada iyo sidoo kale tirada dugsiyada waxbarshada ee dalka:
Tirada Ardayda dalka ee sannadada 2018 iyo 2022 

Heerka Waxbarasho 2018 2022 Heerka Korodhka
Barbaarinta 13,434 20,152 50%
Hoose/Dhexe 257,340 384,230 49%
Dugsiyada Sare 54,702 77,862 42%
Farsamada Gacanta 3,346 2,400 -28%
Waxbarashada Dadban 1,228 11,258 817%

Barayaasha Shaqada Aqoontooda Kor Loo Qaaday
Sannadka  2018 2019 2020 2021 2022
Bareyaasha la tababaray   400 400 400 530 981

Barayaasha Cusub Ee Lagu Tababaray Kulliyada Tababarka Macallimiinta Qaran (Preservice Teachers) 
Sannadka  2018 2019 2020 2021 2022
Bareyaasha la tababaray  - - 229 215 

Tirada Dugsiyada Cusub Ee La Dhisay (2018-2022)
  Dugiyada Cusub ee la dhisay  Rugaha Akhriska  Xafiisyada  Goobaha Nasashada Gabdhaha 
2018 39 1 6
2019 27 1 3
2020 100 2 6 5
2021 75 1 2 3
2022 15 3 0
 Wadarta  256 5 10 17

b) Caafimaadka 
Muddadii Xukuumaddu xilkan haysay waxa kordhay Miisaaniyadda Caafimaadka:
Korodhka Miisaaniyadda Caafimaadka ee 2017 – 2022

2017 2022 Faraqa %
62,249,529,774 123,834,203,231 61,584,673,457 99

Sidaa darteed, waxa si weyn u kordhay adeegga caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka degdega ah ee Caafimaadka dalka, waxaanna ka mid ah:

1. Sida ku cad daraasadihii la kala sameeyey 2016 iyo 2020, waxa hoos u dhacay tirada Hooyada Umul-raacda (geeriyoota 

xilliga dhalmada) oo 2016-kii Boqolkii Kunba ee Dumar ah ee Umulaba waxa umul-raacay 736. Halka 2020-kii Boqolkii Kunba ee Dumar ahba ee Umulaba ay umul-raaceen 396.

2. Waxa dhisme cusub oo casriya oo qalabaysan lagu kordhiyey qaybta dhalmada ee Cusbitaalka Hargeysa.

3. Waxa dhisme cusub lagu soo kordhiyey qaybta kalyaha ee Cusbitaalka Hargeysa, isla markaan la keenay mishiinnadii kalyaha sifeynayey oo cusub, oo casri ah.

4. Waxa dhismayaal cusub iyo dib-u-habayn lagu sameeyey qaybta dhimirka ee Cusbitaalka Hargeysa, isla markaana kor loo qaaday adeegga loo fidiyo dadka maanka wax-ka-qaba.

5. Waxa laga hirgeliyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa xarun lagu baadho cudurka Kansarka.

6. Waxa laba Cusbitaal oo casri ah oo dhanka maanka ah laga dhisay magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

7. Waxa Cusbitaalo cusub laga dhisay magaalooyinka Arabsiyo, Gar-adag, Garba-dadar, Oog, Yagoori, Burco iyo Berbera.

8. Waxa la kordhiyey Dhismaha Cusbitaalka Weyn ee Boorama, isla markaana waxa la geeyey Shaybaadh casri ah (PCR), Mishiinkii Ogsajiinta Dhalinayey, Mishiinnada Kelyaha Sifaynayey, waxaana la bilaabay adeeggii kalyo-sifeynta Gobolka Awdal.

9. Waxa kale oo saddex Cusbitaal oo cusub laga dhisay magaalada Hargeysa, kuwaas oo kala ah; Cusbitaalka Naasa-hablood ee bariga Hargeysa, Cusbitaalka Waqooyiga Hargeysa iyo Cisbitaalka Degmada Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

10. Waxa dhisme laba dabaq ah lagu kordhiyey Cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh ee caruurta ee Magaalada Hargeysa.

11. Waxa Magaalada Hargeysa laga dhisay Shaybaadhka Guud ee Qaranka.

12. Waxa Magaalada Hargeysa laga dhisay Xarunta Gurmadka Caafimaadka degdeg ah ee Qaranka.
 

13. Waxa Gobollada Dalka la gaadhsiiyey mishiinnada casriga ah ee lagu baadho xanuunada (PCR Machines) iyo kuwa dhalliya ogsajiinta.
 
14. Waxa kale oo dalka la keenay 61 Gaadiidka Gurmadka deg-deg ah.

15. Waxa si weyn loo kordhiyey Xarumaha Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka (MCH), iyagoo ahaa 110 Xarumood, lana gaadhsiiyey 285 Xarun caafimaad. Waxa lagu kordhiyey 175 oo u dhiganta 159%

c) Biyaha
Muddadii xukuumaddaydu xilkan haysay waxay xoogga saartay sidii shacabka Somaliland ay u heli lahaayeen biyo nadiifa oo ku filan. Wax badan way inoo qabsoomeen, waxaanna inoo hirgalay:
 Ceelasha iyo Dhamamka 
Guud ahaan Ceelasha dhaadheer ee dalku waxay ahaayeen 304 ceel. Muddadii xukuumadani xilkan haysay waxa la qoday 241 ceel, taas oo ka noqonaysa Xisaabta Boqolayda in ceelashada dhaadheer la kordhiyey 80%. 
Sidoo kale, muddada kor xusan waxa la qoday 55 dhaam biyood, isla markaana waxay xukuumaddu beddeshay nidaamkii dhaamamka loo qodi jiray oo hadda waxaa loo beddelay 

(Haffir Dhams) oo ah dhaamam waaweyn oo qaadaya ilaa 500 ilaa 600 oo kun oo foosta, halka markii hore la qodi jiray balliyo yar-yar oo aan jiilaalka waxba ka tarayn.  
Qorshahan waxaa loogu talo galay in hadii xili roobaad ama laba xili roobaad baaqdo aanu dhaamkaasi go'in.

 Magaalooyinka Biyaha La-galiyey
Waxaa kor loo qaaday biyo-gelinta magaalooyinka Boorama, Gebilay, Burco, Berbera, Caynaba, Ceerigaabo iyo Saylac. Waxa kale oo magaalooyin badan laga bilaabi doonnaa biyo gelin cusub.

 Biyo Balaadhinta Caasimadda
 
Muddadii Xukuumadani xilkan haysay waxa dadaal iyo tacab badan la-geliyey sidii qaybo ka mid ah caasimaddu ay biyo ku filan u heli lahayd. 
Horraantii sannadkii 2018-kii biyaha ay caasimaddu maalintii heli jirtay waxay ahaayeen 6,500 m3, halka maanta ay hesho 18,000 m3, waxa la kordhiyey 11,500 m3, kaas oo u dhigmaya Boqolkiiba Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan (177%). 
Muddadii u dhexeysay bishii Oktober 2022 ilaa April 2023 waxa biyo-gelin loo sameeyey in ka badan 10,000 oo Guri oo hadda hela biyaha qasabadda ee ka yimaadda Geed-Deeble. 
Hawsha Biyo Balaadhinta ee Caasimaddu may aheyn hawl sahlan, waxaana korodhka baaxaddaas leh ee la sameeyey ay ku timid ceelal cusub oo la qoday, kuwii hore oo la dayactiray, beebab cusub oo la soo dhigay oo uu ku jiro beebka weyn ee isku-xidha Geed-deeble iyo Hargeysa, dhaamam biyood dhulka hoostiisa ah. 

Biyo-xidheenka Kalqoray
Biyo xidheenkan waxa laga bilaabay dooxa Kalqoray oo ilaa 4 km bariga ka xiga deegaanka Geed-deeble. Ujeedada dhaamku waa in la qabto biyaha roobka si aynu ula jaan-qaadi karno isbeddelka cimillada dunida.
Marka la sifeeyo biyaha dhaamkan waxa biyahiisa loo soo gudbin doonaa dhinaca Caasimadda Hargeysa.
Dhaamkan waxa uu dhererkiisu dhan yahay 658m, jooggiisuna waa 10 mitir iyo 4 mitir oo uu hoos u qodan yahay, bedka uu ku fadhiisan doonaa waxa uu dhan yahay 40 hectar, waxaana lagu qiyaasay inuu hayn karo in ka badan 1 milyan oo m3.
Biyo-xidheenkan waxa maal-geliyay muwaadiniin reer Somaliland ah iyo Wakaalladda Biyaha Hargeysa.
4. DHAQAALAHA
 
Muddii aan xilkan Madaxweynaha hayey iyadoo ay inala soo gudboonaadeen duruufo adag, haddana waxaanu xukuumad ahaan ku dadaalnay kobcinta dhaqaalaheena. Sannadkii 2019 waxa uu heerka dhaqaalaha dalku (GDP) ahaa 2.346 Bilyan oo Doollar, halka sannadkii 2022 uu ahaa 2.583 Bilyan oo Doollar. Koboca wax-soo-saarka dalku waxa uu ku yimi siyaasadda dawladda ee ku wajahan furfurida dhaqaalaha, dhiirigelinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo dadaalka shacabkeenna iyo ganacsatadeena. 
Isku-duubnideenna iyo isku-tashigeenna aynu halkaa ku soo gaadhnay ayeynu ku sii gaadhi doona mustaqbal intaa ka sii wanaagsan. Isha Allah.
Sidoo kale, mudddadii xukuumaddani xilkan haysay waxa si weyn u kordhay Miisaaniyadda Dawladda. 

Korodhka Miisaaniyadda Dawladda ee 2017 - 2022

2017 2022 Faraqa %
1,553,204,022,280 2,497,612,595,220 944,408,572,940 61

Korodhkaas ballaadhani waxa uu ku yimi dadaalka ay Xukuumaddu gelisay dakhli uruurinta iyo ka-hortagga musuqmaasuqa, waxaana uu inoo suurto-geliyey in ay kordhaan Adeegyada Bulshadu.

Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyay hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyada oo xisaaabaadka wasaaraddaha iyo dhammaan hay'addaha laga dhigay mid ku dhisan nidaamka casriga ah ee (PFM), isla markaana aan kor u qaadnay hannaanka isla-xisaabtanka.
 
Waxa dib u casriyeyn iyo nidaamin lagu sameeyay nidaamka mushahar bixinta ee shaqaalaha dawladda oo laga dhigay in ay 

Akoonadooda toos uga qaataan, taas oo meesha ka saartay wax-is-dabarintii maaliyadeed.

Laga soo bilaabo bishii January 2018-ka xukuumaddu waxa ay dardargelisay dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda (PFM Reform), si loo hubiyo hufnaanta, wax-ku-oolnimada, iyo isla-xisaabtanka nidaamka loo isticmaalo khayraadka kooban ee lagu aaminay gacanta dawladda, iyada oo lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha, taas oo horseed ka noqon doonta in la hagaajiyo, lana horumariyo adeegyadda ay dawladdu bixiso. 

Hagaajinta Maamulka Maaliyaddu waxa uu wax ka taraa yaraynta lunsiga, dayaca, ka-hortagga musuqmaasuqa cashuurta kooban ee ay dawladdu ka qaado muwaadiniinta iyo in la hubiyo in khayraadkaasi loo adeegsaddo meelaha mudnaanta gaarka ah u leh qaranka.

Waxa si buuxda loo hirgeliyey Nidaamka Xogaha Maamulka Maaliyadda ee loo yaqaano "Somaliland Financial Management Information System "SLFMIS"), kaas oo qaybihiisan soo socdaa si buuxda uga hirgaleen dawladda dhexe iyo Dawladaha Hoose:
a) Qaybta Kharash Bixinta;
b) Qaybta Mushahar Bixinta;
c) Qaybta Diyaarinta Miisaaniyadda;
d) Qaybta Diiwaangelinta Hantida Maguurtada ah oo lagu tijaabiyay Wasaaradda Maaliyadda;
e) Qaybta Cashuuraha Adeegga iyo Alaabta (Goods and Services Tax) oo lagu qaban doono cashuurta iibka adeega iyo alaabta oo diyaarsan;
f) Qaybta bixinta nidaamka iibka;
g) Qaybta dawladaha hoose;
h) Qaybta shirkadaha ay dawladu saamiga ku leedahay;
i) Iyo qaybta hay'adaha dakhligooda iyo kharashkooda soo saara sida Wakaaladaha Biyaha, Dekadda iwm oo sanadkan in ay soo galaan la doonayo;
Waxa dib-u-habayn lagu sameeyey nidaamka uu u shaqeeyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku, oo markii hore baadhi jiray Arrimaha Maaliyadda, balse haatan awood u leh in uu sameeyo baadhitaano la xidhiidha:
a) Ku dhaqanka shuruucda "Compliance Audit"
b) Baadhista wax-qabadka hay'adaha Dawladda "Performance Audit"
c) Baadhista Danbiyadda laga galo maaliyadda "Fraud Investigation"
d) Baadhista Qiime-galka Lacagta "Value for Money Audit"

Baadhitaanaddan oo waafaqsan Xeerka Hanti-dhawrka, waxa loo sameeyay hagayaasha loo raacayo, waxaana lagu tababaray dhammaan shaqaalaha Xafiiska Hanti-dhawrka. 

Korodhka Dhoofka Xoolaha ee Sannadaha 2018 - 2022

2018 2022 Faraqa %
1,397,466  2,235,470  838,004 60

Wax-soo-saarka
Waxa xukuumaddu ku dedaashay sidii ay u kordhin lahayn wax soo saarka dalka, si aynu u sugno helitaanka dalag inagu filan oo aynu manaafacaadsanno. Si loo kordhiyo wax-soo-saarka Dalka waxa la tijaabiyey dalagyo cusub.  Waxa la dardar-geliyey qodaalka beeraha dawladda ee Wajaale, Xaaxi iyo Beer.
Waxa iyana wax laga qabtay dhaqaaleynta ciidda iyo biyaha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka. Sidoo kale waxa hawl weyn laga qabtay hawlaha badbaadinta beeraha iyo La-dagaalanka Ayaxa.
Waxa ay xukuumaddu gargaar u fidaysay beeralayda dalka, iyadoo laga caawiyey sacadaha qodista iyo shinida beeraha sannadihii 2021, 2022 iyo 2023. Waxa 41,000 oo qoys lagu caawiyey 134,000 oo saacadood oo qodis ah. 
Sidoo kale, waxa laga caawiyey miishannada biyaha soo-saara oo dhan 128 miishiin iyo qalabka kale ee Beeraha, sida; Tuunbooyinka, Madaraqa, Yaanbadda iyo Majarafadaha.
Kaabayaasha Dhaqaalaha:
Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxa dalka ka hirgalay mashaariic waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin; balaadhinta iyo casriyeynta Dekedda weyn ee Berbera oo hadda awood u leh inay rogto 500,000 oo kontaynar sannadkiiba, waxa dhamaatay wadada ganacsi ee Berbera - Wajaale Corridor, qaybtiisa Berbera-Halaya, waxaana la bilaabay dhismaha wadada inta hadhsan oo ah Hargeysa ilaa Kalabaydh. Waxa kale oo dhamaaday Wadada Hargeysa Bypass oo ah wada cusub oo dhareerkeedu yahay 22.5 km oo ku xidhan Berbera Corridor, isla markaana loogu talagalay in ay caasimadda ka qaado saxmadda baabuurta.
Waxa laga dhigay Madaarka Berbera mid Caalami ah, oo u adeegi kara dhammaan badeecadaha Dalalka aan Dekedaha lahayn ee Afrika, waxaanu ka mid yahay maanta madaaradda adduunka ugu casrisan, marka la eego baaxadda diyaaradaha soo fadhiisan kara. 
Wax dhamaaday oo si rasmi ah u hirgalay dhismaha wajiga kowaad ee Aaga Cashuraha ka caagan (Somaliland Economic Zone) oo dhan 54 hectors, iyadoo la dhisay 34 hectors. 
Waxa dhammaaday Dhismaha Dekedda Kalluumaysiga ee Maydh.
 

Mashaariicda Waddooyinka kale:

 Dhismaha waddada ceerigaabo oo maraysa xaal-xaalkii u dambeeyey  waxa ku baxay in ka badan $61 Milyan. 
 Dib u habaynta waddada Sheekh iyo Burco oo la dhamaystiray 40 Km iyo buundada Kalajab.

 Wadooyinka waaweyn ee ay Daraasadoodu socoto sida wadada Hargeysa-Burco, Lawyo-cado – Boroma.

 Waxa kale oo ay xukuumaddu gacan ka gaysatay dhismaha waddooyinka kale ee bulshooyinka deegaamada kala duwani ay isku xilqaameen dhisid-dooda.

Caqabadaha inala soo gudboonaaday:

Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee u dembeeyey waxa dalkeena la soo gudboonaaday caqabado waaweyn oo aan inta badan maareynay. Waxa ka mid ahaa: 

1. Aqoonsi la'aanta
In kastoo aynu tacab badan gelinay aqoonsi-raadinta, haddana dalkeena wali beesha caalamku may aqoonsanin.  Aqoonsigu waa hadafkeena, waana sii wadeynaa dadeelkeena. Aqoonsi la'aantu waa caqabad aynu kaga gudbi doono dadaalkeenna iyo kartideenna. 
2. Isbeddelka Cimillada
Isbeddelka cimilladu waa xaqiiq dhab ah, saameynteediina waynu aragnaa, dhibteeduna kuma koobna Somaliland oo qudha, balse waxay saameysay caalamka oo dhan. Dalkeena aabaraha soo noqononaya, roob yaraanta, iyo xaalufka dhulkubu waa calaamadaha isbeddelka cilmillada. Meelaha qaarna waad aragtaan roobab laxaadka leh ayey helaan oo dhibaatooyin waaweyn geysta.

Sida qudha ee looga samata bixi karo isbedelka cimilladu waa in lala qabsado oo adkeysi la yeesho.  Waxaynu og-nahay in isbeddelka cimillada ee dalkeena ka jiraa uu saameynta u weyn ku leeyahay reer guuraaga iyo beeralayda. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aynu wax ka beddelno qaab nololeedkeenna. Inta badan noolosheennu waxay ku tiirsanayd xoolo, xoolo dhaqatadiina wey sii yaraanaysaa.  
Waxa kale oo aynu og-nahay in kumanaan ka mid ah dadkeenii xoola dhaqataada ahaa ay caydhoobeen oo ay noqdeen barakacayaal ku jira Xeryo. Dadkaa Hay'adaha ayaa ku quudiya xeryaha ay degan yihiin. Waxaa ay Hay'aduhu siiyaan maaha wax u qalma sharaftooda, baahidoodana dabooli Kari. Xeryaha waxa ka abuurma in uu qofku ku tiirsanaado gacan bini'aadam, waxaana hoos u dhaca kalsoonidii qofnimo iyo u halgankii nolosha. 
Si loogu sameeyo xirfada shaqo da'yarteena ka soo barakacay miyiga iyo kuwa magaalooyinka ku noolba waxa inoo qorshaysan in ay waxbarashadeenu ay ka turjunto baahida shaqo ee dalkeena ka jirta, waxaynu xoog saaraynaa inaynu kordhinta barashada xirfadaha shaqo (technical skills), iyadoo aynu kordhin doonno goobaha lagu barto farsamada gacanta.  
Waxaynu dadaal badan ugu jirnaa sidii dhalinyarada ka soo barakacaysa noloshii reer miyiga aynu ugu sameyn lahayn fursado xirfado shaqo (technical skills), si ay uga baxaan nolasha adag ee ay ku nool yihiin, una yeesheen aqoon iyo xirfad ay ku shaqo tagi karaan. 
Sida aad la socotaan waxa dalkeena ka buuxa shaqaale ajanabi ah oo ku shaqeysta shaqooyinka farsamada gacanta oo ay qaban karaan muwaadiniinteenu haddii ay ku dadaalaan in ay bartaan aqoonta farsamada gacanta. 

Si aynu u yareyno saameynta taban ee isbeddelka cimillada waxa lagama-maarmaan ah in aynu ka faa'iidaysanno khayraadka kale ee dalkeena sida kaluumaysiga iyo dhaqaalaha ku dhisan badda (blue economy). Xukuumadda waxa ka go'an in ay dejiso qorshaha bulshadeena in ka mida loogu jihayn lahaa ka faa'iidaysiga khayraadka baddeena. Waxa ahmiyad iyo mudnaan gaar ah laga siiyey kaluumaysiga Barnaamijka Qorshaha Qaranka ee Saddexaad (2023 -2027) oo aynu dhawaan daahfurnay.
Dabkii Suuqa Waaheen
Gubashadii suuqa waaheen waxay ka mid ahayd masiibooyinka ugu waaweynaa ee inala soo gudboonaaday muddadii aan xilkan hayey. Dabkii suuqa Waaheen waxa ka dhashay hanti iyo dhaqaale burbur weyn oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaheeni. 
 Dabkaas waxa ku gubtay oo la diiwaan geliyey 3,216 meheradood.

 Guryaha dadweynaha ee khasaaraha dabku gaadheen waxay ahaayeen 211 guri, halka guryaha dawladda ee ku gubtay Suuqa Waaheen ay ahaayeen 245 qol. 

Si wax looga qabto khasaarihii ka dhashay dabkaas Dawladdu waxay qaaday talaabooyin badan oo ay ka mid ahaayeen:

 Diiwaangelinta guryaha iyo meheradaha.

 Xidhista wadooyiinka soo gala suuqa si loo ilaaliyo amaanka hantida aan waxa noqon ee wali taalay suuqa.

 Nadiifintii hadhaagii alaabtii ku gubatay Suuqa Waaheen.

 Tirada dadka wax la siiyey waxay ahayd 2,935 ganacsi.
 
 Wadarta lacagta la siiyey Ganacsatada hantidu ka gubatay oo dhami waxay ahayd $10,650,035 Doollar. Hantidii ugu badnayn ee ka gubatay Ganacsade keliya waxa ay dhammayd 

$480,000 Doollar, waxaana cawil-celin loo siiyey Boqolkiiba Toban (10%), halka Ganacsadaha ay ka gubatay hantida ugu yar ay ahayd 73 Doollar cawil-celin loo siiyey 500 oo Doollar, iyadoo la qaatay siyaasad ah in wixii ay ka gubteen wax ka yar 500 oo Doollar in la siiyo 500 Doollar.

Waxa la go'aamiyey in guryaha dadweynaha ee waxyeelladu soo gaadhay guri walba laga bixiyo 45% kharashka ku kacaya dib-u-dhisida guriga.
Waxa la diyaariyey naqshadda casriga ah ee guryaha dawladda iyo kuwa shacabka si bilicda iyo tayada guryaha suuqu u noqdaan kuwa iswaafaqsan (standard).

Guryihii dadweynaha ee waxyeelladu soo gaadhay oo ka koobnaa 24 sakadood (211 Guri) dhamaantood way bilaabeen shaqadii dhismaha, waxaanna la guddoonsiiyey 45% oo ka mid ah qiimaha lagu dhisayo guryaaha, taas oo uu dhiganta ku dhowaad 4 Malyan oo dollar, halka kuwa dawladda ay socoto hawshii u-diyaargorwaga dhismaha oo ay hadda marayso wajigii ugu danbeeyey ee qandaraas bixinta.
5. DOORASHOOYINKA

Somaliland waxa lagu majiirtaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan:

 In doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga uu Sharcigu u muddeeyo, in kasta oo ay mararka qaarkood dib ugu dhacaan duruufo adag oo ay ka mid-yihiin (Dhaqaale, Abaaro , Arrimo Bulsho).

 In Xisbiyada Qaranka oo ah hilinka ay Muwaadiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa'dii iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan.

 In dhaqaalaha Xisbigu uu ka yimaado taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta, kana fogaadaan faro-gelin shisheeye. Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada Dalkeena.  
Muddadii ay xakuumaddu xilkan haysay waxaynu guulo ka gaadhaynay dhanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.  
Waxa inoo qabsoomay labadii doorasho ee isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo midhaheedii uu yahay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee maanta halkan fadhiya iyo Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Dalka.
Muddaas waxa kale oo aynu hirgelinay laba diiwaangelin cod-bixiyayaal ah, tii hore waxa lagu galay Doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka iyo tii inoo qabsoontay 28 December 2022 ilaa 26 January, 2023 oo ay si weyn uga faa'iidaysteen da'yarteenii gaadhay da'dii ay sharciyan isugu 

diiwaan gelin lahaayeen iyo dadweynihii kala ee aan fursad u helin inay is-diiwaan-geliyaan.  
Labadii Doorasho ee isku-sidkanaa iyo labadii Diiwaan-gelinood waxa ku baxay lacag dhan $25,995,619.  
Fiira-gaara: waxa kale oo la bixin doonaa lacagta ka dhiman hawlaha kaadh-qaybta Diiwaan-gelintii dembe oo dhan $2,506,744.
Iyadoo la tixgalinayo xaqa distuuriga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ay u leeyihiin in la dooran karo, waxna dooran karaan ayaa 15 Januray 2022 ay maxkamadda dastuuriga ahi go'aamisay Furitaanka Ururrada Siyaasiga ah. 
Sidaa darteed, anigoo fulinaya Go'aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ayaan magacaabay Xubnihii Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Golaha Wakiilladuna isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ayuu isna aqlabiyad ku ansixiyey Guddidaa. 
Waxa is-diiwaangeliyey 15 Urur-siyaasadeed oo kala hufid iyo kala shaandhayn ka bacdi ay soo baxeen 10 Urur-siyaasadeed oo iyaga iyo saddexdii hore ee Xisbi Qaran ay geli doonaan tartanka loogu tartamayo saddexda Xisbi qaran ee dalku yeelan doono tobanka sanno ee soo socda.
Waxa kale oo aan magacaabay 7-dii xubnood ee Komishashanka Doorashooyinka Qaranka, Golaha Wakiilladuna uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey. 
Waxa inagu soo fool leh laba doorasho oo masiiri ah oo kala ah Doorashada ay saddex Xisbi Qaran ka soo baxayaan iyo Doorashada Madaxtooyada.

Hawlaha hoggaaminta Doorashooyinka waxa iska leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka. 
Si aynu u xaqiijinno hir-gelinta Doorashooyinka waxa la inooga baahan-yahay dhammaanteenba in aynu iska kaashanno, gacmahana is-qabsanno sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyinku.
6. SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA

Shantii sanno iyo dhawrkii bilood ee laga soo gudbay waxa mudnaanta kowaad la siiyey  helista aqoonsi caalami ah. Sida aynu la wada socono waxa gobolka ka dhacay isbeddello badan oo siyaasadeed iyo kacdoonno wata colaado, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay nabad-galyada guud ee mandaqadda. 

Xukuumaddu isbeddelladaa taban ee ka dhacay gobolka iyo kuwa ka socda caalamka intiisa badan waxa ay siyaasadda arrimaha dibaddu u la tacaashay si degan oo taxaddir leh. Dhammaan isbeddelladaas dhibkooda dal ahaan waan ka samatabaxnay. 

Dhanka kale, guulaha siyaasadda arrimaha dibadda laga sameeyey waxa ugu waaweyn sameynta xidhiidho cusub oo diblomaasiyadeed oo wax weyn ku soo kordhiyey qaddiyadda madax-bannaanida iyo horumarka dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland. 
Xukuumaddu waxa ay xil-weyn iska saartay in ay cilaaqaad wanaagsan la sameyso cid wal oo gacan innaga siin karta kobaca dhaqaalaha waddanka, sugista amniga iyo in hore loo sii wado dedaalka helista aqoonsi caalami ah. 
Tusaale ahaan; 
1. Waxa qaddiyaddeena oo tafatiran la gaadhsiiyey dalal badan oo ku yaal Qaaradda Afrika. Sidoo kale waxa qaddiyaddeenna oo cilmiyeysan la geeyey waddamo badan oo ku yaal Qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Waqooyiga Maraykanka.  

2. Waxa guulo waaweyn laga sameeyey in  xidhiidh cusub oo diblomaasiyadeed lala sameeyo dalal badan.
 
3. Waxa ay Somaliland Xafiisyo Diblomaasiyadeed ka furatay waddamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Taiwan, Turkey iyo Norway. Sidoo kale waxa dalka laga furay safaarado dhawr ah oo dhammaantood loo soo magacaabay diblomaasiyiin iyo wakiillo arrimo dibadeed, kuwaas oo wakhtigan si rasmi ah uga hawl-gala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalkaa waxa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Taiwan iyo Kenya. 

4. Waxa dalka yimi in ka badan 100 Xildhibaan oo ka kala yimi 15 dal, kuwaas oo intooda badani ay hoggaaminayeen guddi xaqiiqo raadis ah oo u kuur galayey Qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo dalka yimi in ka in badan 16 wasiir oo ka kala socda caalamka.  waxa Somaliland yimi afar Wasiir Arrimo Dibadeed oo ka kala socda dalal Afrikaan ah. Laba ka mid ah Wasiiradaa waxa ay ahaayeen ku-simayaal wasiir arrimo dibadeed. Halka labada kalena ahaayeen wasiiro buuxa. 

5. Waxaan safarro shaqo oo guulo waaweyni ka dhasheen ku tagey dalalka Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kenya, Guinea Conakary, Itoobiya iyo Jabuuti. 

6. Safarkii aan ku tagey dalka Maraykanka waxa aan kulamo la qaatay Madaxda Dawladda Maraykanka ee Arrimaha Dibadda, Guddida Difaaca ee Baarlamaanka. 

Waxa aan hadal ka jeediyey Mac'hadka Heritage Foundation oo ah mid ka mid ah xarumaha  waaweyn oo fikirka siyaasadda Maraykan lagu alifo. 
Safarkaas waxa ka dhashay in labada Aqal ee Maraykanku ay sameeyaan xeerar si cad u qeexaya in Somaliland iyo Maraykanku ay cilaaqaad rasmi ah yeeshaan. Kuwaas oo aakhirkii uu ka dhashay in taariikhda markii ugu horraysay Somaliland si toos ah loogu qoray Xeerka Difaaca Qaranka Maraykan ee loo Yaqaan National Defense Authorization Act (NDAA), kaas oo si gaar ah u xusaya in Somaliland iyo Maraykanku xidhiidh rasmi ah oo amni yeeshaan. 

7. Ka dib casuumada rasmi ah waxaan safar shaqo ku tagey dalka Kiinaya oo aan kula kulmay Madaxweynaha Dalka Kenya. Kulankaas waxa  ka dhashay in labada dal ay si rasmi ah xidhiidh diblomaasiyadeed u yeeshaan. Kenya waxa ay safarkaas ka dib Somaliland ka furatay xafiis diblomaasiyadeed, waxaana ay Somaliland u soo magacawday Wakiil iyo hawl-wadeenno diblomaasiyadeed oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya. 

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya 
Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo qaran oo aynu u dhammeyn. Mudadaa kow iyo tobanka sanno ahayd waxa la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah. Kii ugu danbeeyey ee ka qabsoomay Jabuuti 2019-kii waxa aynu fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Itoobiya, Jabuuti, iyo urur gobaleedka IGAD aynu si cad u soo bandhigay qaddiyaddeena iyo xaqa aynu u leehanay inaynu Aayaaheenna ka tashanno (Right to Self-determination).
Diyaar baynu u nahay in aynu sii wadno wada-hadallada, balse si ay wada hadalladu u noqdaan qaar midho dhal ah waxay Somaliland ku adkeysanaysaa in:
1. In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan.

2. In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen.

3. Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo.

4. In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo.

5. Waa in ay jiraan Mabaadii' guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada.

6. Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute).

7. Waa in ay wada-hadalladu yeeshan wakhti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo.

Waxaynu diyaar u nahay in la sii wado wada-hadallada oo aynu si mug leh uga qayb-galno, una soo bandhigno qadiyaddeena iyo mowqifkeenna.
 
 

7. Gebo-gebo
32-sannadood ka hor, iyadoo aan daaro inoo dhisnayn oo magaalooyinkii inaga burbureen. Inaga oo aan Iskuulo, Jaamacado iyo Cusbitaallo aanay inoo jirin. Iyada oo aan shaqo iyo mushahar la qaataa aanu jirin. Bulshadii duruufta intaa leegi haysatay ayaa inta ay isu yimaadeen go'aansaday in ay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidoodii, dalkoodiina dib u dhistaan. Dadkii duruufahaa goob-jooga u ahaa waxa ay arkayeen in jiilasha ka danbeeya ay ku naaloon-daanaan nolol ka wanaagsan tii wakhtigaa taagnayd, xoriyad iyo mustaqbal rajo leh. 

Bulshadeena maanta joogta, gaar ahaan dhalinyarada, waxa ay leeyihiin nasiib. Waxa ay joogaan xilli dalku dhisan yahay, dawladnimadii inoo adkaatay, dhaqaaleheenii wanaagsan yahay, Ciidankeenii difaaca dalka ku filan yahay, Somalilandna tahay dal caalamka la jaanqaaday, waxaana waajib inagu ah in aynu ku faro-adaygno dalkeena iyo Nabadgelyadeena.

Dhinaca kale, waxa jira dhibaatooyinka inagu gadaaman oo ay ka mid yihiin Shaqo la'aanta, Qabyaaladda, Balwadaha, Dembiyada Bulshada Dhexdeeda ka Dhaca (Social Crimes) iyo Bisayl La'aanta Siyaasadda.
Shaqo La'aantu waa dhibaatada ugu weyn ee maanta dalka ka jirta. Xukuumaddu waxay hore u qaaday tallaabooyin lagu yaraynayo shaqo la'aanta, waxaanna u qorshaysan tallaabooyin kale oo lagu yaraynayo camal la'aanta.
Haddaba, Guud ahaan dhaqaalaha dalka waxay Dawladdu ka maamushaa 10%, haddana xukuumadduwaxay kordhisay Shaqaalaha Dawladda 80%, isla markaana waxay hirgelisay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. Sidoo kale Maalgashiga Gudaha iyo Dibedda ka yimaada wax walba wey u fududaysay, si loo kordhiyo shaqo-abuurka.
Dawlad iyo Shacabba Qaran ahaan weynu haysannaa Dhaqaale aynu dalkeenna ugu samayno maalgashi iyo shaqo-abuur. 
Xukuumaddu waxay hir-gelisay shuruuc iyo siyaasado fududaynaya maalgashiga iyo shaqo-abuurka.
Haddaba, Xukuumaddu waxay qabanaysaa sannadkan gudihiisa shir ay isugu yimaadaan dhammaan wadaagayaasha dhaqaalaha dalka oo ay ku soo bandhigayso Ajandihii fursado shaqo lagu hirgelin lahaa.

Shaqo-abuurku marka uu inoo dhaqaaqo, waxaannu filaynaa in ay yaraadaan dhibaatooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay.
Si aynu u cidhib tirno dhibaatooyinka kale ee kala ah, Qabyaaladda, Balwadaha, Dembiyada Bulshada Dhexdeeda ka dhaca (Social Crimes) iyo Bisayl la'aanta Siyaasadda waxay Xukuumaddu samayn doontaa wacyi-gelin dhinacyo badan leh (Mid diimeed, Mid Sharci iyo Mid Suugaaneed).

      - - - Dhammaad - - -

17 June, 2022

Xawaaladda Qurbajooggu waxay kaalin weyn kaga jirtaa dhaqaalaha dalka JSL’

Xawaaladda Qurbajooggu waxay kaalin weyn kaga jirtaa dhaqaalaha dalka JSL'

Marka loo eego Warbixinta Socdaalka Adduunka (IOM Report 2022), dadka qurbajoogga ah ama ka maqan dalalkii ay u dhasheen ayay tiradoodu gaadhay 281 malyuun oo 3.5% ka badan intay ahaayeen 2019 una dhiganta 3.6% mujtamaca caalamka, halka xawaaladda adduunku gaadhay 702bn bilyan ka yar 2.4% 2019, gaar ahaan wadamada soo korayana ay noqotay 540bn bilyan  ka yar 1.48%  2019 saamaynta Covid-19 awgeed. Xawaaladda soo galaysa wadamada soo koraya ayaa la saadaaliyay inay gaadhi doonto $5.4 tirilyan 2030, taasoo u dhigmaysa dhaqaalaha guud ee Afrika intuu marayay 2019. Ahmiyadda ay xawaaladdani u leedahay dhaqaalaha bulshada awgeed, waxay Qaramada Midoobay asteeyeen 16-ka June "Maalinta Caalamiga ah ee Xawaaladda Qoyska" (International Day of Family Remittances) sannadkii 2015, taasoo laga xuso gaar ahaan wadamada dhaqaalahoodu aad ugu tiirsan yahay xawaaladda,isla markaana ah fursad looga faa'iidaysto in laga hadlo arrimaha khuseeya, loona mahad celiyo dadka qurbajoogga ah ee usoo xawilaya lacagta dadkooda iyo danaha guud ee dalkoodaba.

 

Somaliland waxay leedahay qurbajoog badan oo inkastoo aan tirakoob sugan laga haynin, lagu qiyaaso ku dhawaad hal malyuun qof,  badankooduna ku dhaqan yihiin Galbeedka Yurub, Woqooyiga Maraykanka, Ustaraaliya, iyo Dalalka  Iskaashiga Gacanka. Qurbajooggani waxay wakhti dheer kaalin waxku ool ah kaga jiraan dhismaha qaranka - koboca dhaqaalaha, horumarinta bulshada, siyaasadda, hannaanka dimuqraadiyadda, ictiraaf raadinta, guud ahaan geeddi socodka horumarineed iyo inay is garab taagaan dadkooda xilliyada adag sida gurmadka abaaraha iwm. 

 

Doorka qurbajoogga ee dalka waxaa ka mid ah kan xawaaladda lacagta oo aad usoo kobcaya illaa 2017 kadib, waxanay qayb weyn ka tahay (22%-50%) dhaqaalaha guud ee dalka oo lagu qiyaaso saddex bilyan ($3bn+)Waxaa hore loogu qiyaasay inta u dhaxaysa $500 malyuun illaa $900 malyuun (NDP II, 2017). Balse marka loo eego warbixinaha dambe ee Baanka Dhexe, xawaaladda soo gasha Somaliland ayaa gaadhay $1.4bn bilyan 2018, halka uu Baankudiiwaangeliyay $1.3bn bilyan 2020, taasoo ka dhigan in hoos u dhaca ka dhashay saamayntii Covid-19 ee sannadkaasi noqotay 6.8%, ahna wax aad uga yar hoos u dhicii Baanka Adduunku saadaaliyay oo ahaa 20%. Ka sokow xayiraadihii (Lockdowns) cuslaa ee waddamadu soo rogeen, waxaa hadana sidii la filayay sabab u ahaa inaan is bedel weyn oo hoos dhac ku iman nidaamka xawaaladda  Somaliland, horumarka xagga dirista lacagaha ku dhisan habka fudud ee telefoonka ama elaktarooniga ah (Digitalization system and cashless money transfers) ee shirkadaha xawaaladaha ah iyo bangiyada dalku suurtageliyeen, isla markaana ay sahlayaan internet-ka iyo isgaadhsiinta ku fidsan dalka oo dhan.  

 

Nidaamka xawaaladda ayaa ah mid soo jireen ah oo ku dhisan dhaqanka bulshada ee isku xidhnaanshaha, is xidhiidhinta iyo is taageeridda leh heer qoys iyo heer bulshaba. Waxaana xusid mudan in markasta oo si dimuqraadi iyo nabadgelyo ah ay doorashooyinku uga qabsoomaan Somaliland uu heerka imaatinka booqashada gaaban iyo soo guurista rasmiga ah, maalgashiga ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe, iibsiga dhulka, dhismaha guryaha iyo hantida kaleba aad u kordhaan Tusaale, xog ururin Xafiiska Qurbajooggu ka sameeyay 150 ganacsi kala duwan oo ku yaalla Hargeysa, ayaa lagu ogaaday in 97% ka mid ah meheradahaas la furay intii u dhaxaysay 2011 iyo 2017, si la mid ah dadka ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal 2018 ayaa gaadhay 133,798, tiradaas oo inta badan ah qurbajoogga dalka u dhashay maadaama oo qulqulka dalxiiska ajaanibku aad ugu yaryahay Somaliland, socdaalka ujeedooyinka kale lehina uu xadidan yahay ama waxyar ka noqonayo tiradaas. .

 

[[Inkastoo aan si rasmi ah loo daraasayn, waxaa lagu qiyaasaa in 30% lacagta xawaaladda loo soo diro ujeedooyin maalgashi ganacsi iyo sii-horumarin ganacsi, halka dhammaan inta kalena tahay xawaaladda qoyska ee baahiyaha nolosha sida cuntada, caafimaadka, waxbarashada iwm. magaalada iyo miyigaba. 

 

Waxaan sidoo kale la dafiri karin, in xawaaladdan qurbajooggu udub dhexaad u tahay shaqada shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada dalka oo iyaguna ah aag shaqo abuur ballaadhan oo kumanaan muwaadin ka hawlgalaan gudaha iyo debadaba.

 

Haseyeeshee, dadka ugu badan ee illaa hadda lacagtan usoo xawila ehelkooda iyo ujeedooyinka danta guud ba, waa jiilashii koowaad (1st generations) ee iyagoo dad waaweyn ah ka tegay dalka, waxay taasi markaa u baahan tahay in dadaal badan immika la geliyo jiilasha soo koraya ee qurbaha ku dhashay ama iyagoo carruur ah la dhoofiyay (2nd and 3rd generations) si loo dhaxal siiyo inay sii wadaan kaalinta waalidkood ee xidhiidhka dalka, waana masuuliyad aanay  waalidka oo kaliyi waxka qaban karin ee u baahan in laga yeesho siyaasad qaran oo la fuliyo iyo barnaamijyo ku habboon oo laga wada shaqeeyo. 

 

Sidoo kalewaxaa lagama maarmaan ah in la qorsheeyo habab faa'iido wadareed leh oo looga faa'iidaysan karo qulqulka xawaaladdani muddada ay jirto ee weli jiilashii koowaad wax soo dirayaan. Qurbajoog badan oo ay ka mid yihiin dad gaadhay xilligii hawlgabka shaqo, ayaa jecel inay usoo guryo-noqdaan dalkooda ama iyagoo maqan ba wax soo maalgashadaan, kuwaasooraadinaya fursado habaysan ama abaabulan (Well-regulated investments) oo la aamini karo, ay ku darsadaan woxoogaaga ay hayaan oo wax uga soo noqon karaan, si culayska xawaaladduna uga yaraado. Qaarbaa marar badan isku daygooda gacmo khaldan ku hagaaga oo khasaare soo gaadhaa.. Fursadihi la maalgashan lahaana way ka jiraan dalka, waxaase loo baahan yahay in la qorsheeyo, lana diyaariyo hannaan dhiirrigelinaya oo lagu kalsoonaado. 

 

Gebogebadii, waxaan hambalyo iyo bogaadin la wadaagayaa qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland iyo guud ahaan shacabka.Somaliland Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xawaaladda Qoyska 16-ka June 2022 awgeed.

Allaa Mahad Leh 

 

Xasan Axmed Yuusuf 

Xafiiska Qurbajoogga, WADIC JSL 

hassanafgaab@gmail.com   Tell: 4826155/9735372

27 May, 2022

Somaliland needs effective and independent judiciary. Legally Judiciary is indpendent however practically it is not.First and foremost due to lack of capacity and courage.Second,we need public awareness of our system of goverment. Equipping citizens with the power of their rights

18 May, 2022

Xog-Waranka Xoghayihii Shir-Weynihii Aayo Ka-Tashiga Beelaaha Somaliland Ee Burco 27 April Ilaa 5 May 1991, Xaaji Aadan Axmed


Xog-Waranka Xoghayihii Shir-Weynihii Aayo Ka-Tashiga Beelaaha Somaliland Ee Burco 27 April Ilaa 5 May 1991, Xaaji Aadan Axmed Diiriye. W/Q: Miyir Cali Xuseen

 

Shir-weynihii aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee magaalada Burco oo ahaa shirkii ugu cuslaa abid ee ay iskugu yimaadaan beelaha wada dega Jamhuuriyada Somaliland, oo magaalada Burco ka qabsoomay 27kii Abriil ilaa 5tii May, 1991kii.  Shirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhamaan madax-dhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada, siyaasinta beelaha Somaliland iyo xubnihii iyo hogaankii ururkii SNM, kaasi oo ay beel kastaaba iskeed ah isu-soo abaabushay sidii ay uga qayb noqon lahayd go'aamada iyo aayo ka-tashagii ay isugu yimaadeen guud ahaan ummadda reer Somaliland.

Shirkan Burco ayaa waxa lagu go'aamiyey qaraarkii lagu bayaamiyey in Jamhuuriyada Somaliland ka noqotey midowgii labadii dal ee Waqooyiga (Somaliland) iyo Koonfurta Soomaaliya, ee ay ku midoobeen 1dii Julaay, 1960kii. Isla markaasina waxa lagaga dhawaaqay madaxbanaanida iyo gooni isku-taagii Jamhuuriyada Somaliland.

Shirkan oo ay ka horeeyeen shirar dhawr ah oo gogol xaadh u ahaa oo ay si gaar gaara iyo si guud-ba isugu yimaadeen haldoorka iyo wax-garadka beelaha Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen shirkii deegaanka Oog, shirkii deegaanada Tulli iyo Boorama iyo shirkii walaalayn-ta iyo isa-saamaxaada beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Berbera 15-27 Feebarwari 1991kii, oo ahaa shirkii lagu go'aansaday in dhamaan beelaha Somaliland si wada-jira uga soo qayb-galaan shir-weyne balaadhan oo ay kaga tashanayaan aayahooda iyo jiritaankooda danbe oo ka dhacaaya magaalada Burco, kaasi oo ah kan la iskugu yimi.

Shir-weynaha aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee Burco ayaa waxa todobaadkii ugu horeeyey ay guurtidii metelaysay beelahu ka doodeen halka looga dhaqaaqaayo xaalada dawlad la'aaneed ee dalka ka jirtay iyo sidii beelaha Somaliland u samaysan lahaayeen nidaam maamul oo ay u dhan yihiin iyo sidoo kale sidii sees adag loogu dhigilahaa nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan guud ahaan beelaha Somaliland.

Xoghayihii shirkan Burco, Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ugu horeyn ka waramaaya abaabulkii hore ee shirankan aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee Burco iyo ajandeyaashii iyo ujeedooyinkii loo abaabulay, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

 "Markii SNM ay dalka xoraysay ee lagu guulaystay halgankii mudada badan socday ee aynu ku ridaynay rajiimkii Siyaad Barre, waxay SNM qabatay oo ay gogol u fidisay guud ahaan beelaha dega Somaliland oo qaybina SNM ahayd, qaybina aanay raacsanayn oo ay dhanka kale ahaayeen. Gogoshaa SNM u fidisay beelaha ayay isugu yimaadeen, waxgaradkii cuqaashii, Salaadiintii guud ahaan beelaha Somaliland wada dega min Ceelaayo illaa Lawyacaddo, waxaanay SNM isku dayaysay in ay ergooyinka beeluhu gaar u soo wada hadlaan oo isa soo turxaan bixiyaan, la isna saamaxo oo dib u heshiisiin ay madaxdhaqameedka iyo wax garadka beeluhu soo wada sameeyaan.

Markii ergooyinka beeluhu gaarkooda u gudo-galeen arrimaha aayo ka tashiga ummadda waa la xisaabtamay oo waxaa la is waydiiyay guud ahaan dalkii Somaliland ee Ingiriisku gumaysan jiray ay faa'iido ka hayaan midnimadii ay la galeen Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray ee ay horumar ka arkeen intii ay jirtay wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaanay noqotay   dhan kasta markii laga eegay sadex shay oo labana ay Soomaaliya ku danaysanaysay midna ay dirqi ku hirgashay.

Sadexdaa shay ee  wax faa'iido ah laga arkay waxay kala ahaayeen dhismaha dekeda Berbera oo waxa ka soo baxa ay reer Soomaaliya qaadan jireen illaa maalintii la midoobay, wadada laamiga ah ee isku xidhaysay Laas-caanood illaa Dilla oo ay boobka khayraadka reer Somaliland u soo mari jireen mida sadexaadna waxay ahayd wershadii sibidhka oo dirqi ku hir gashay Maamulkii reer Soomaaliyana ku dedaalayeen in wershadaana Koonfur laga dhiso dhagaxa sibidhkana buuraha Berbera  in laga qaado  taasoo markii dambe dirqi lagaga dhisay Berbera, waxa kaliya ee 60-kii illaa 1991-kii   innaga soo gaadhay intaasay noqotay. Waxaa kale oo wax la iska weydiiyay maxaynu dhibaato ka dhaxalay."

Xaaji Aadan Axmed oo ka waramaaya sidii shirka loogu lafo-guray khasaarihii iyo wax-qabad la'aantii shacbiga Somaliland ka dhaxleen midowgii ay Koonfurta Soomaaliya la galeen, ayaa waxa uu yidhi:

"Khasaarihii ka dhashay ee reer Somaliland midnimadii 1960-kii ka soo gaadhayna wuxuu noqday mid aan la qiyaasi karin oo dad, dal iyo duunyaba saameeyay. Waxaa la waayay gobol kaliya oo ka mid ah Somaliland oo hal mashruuc oo faa'iido leh laga hir-galiyay, waxaa laga quustay wax kaliya oo la taaban karo oo guud ahaan bulshada Somaliland ka heshay midnimadii, taas oo min Lawyacado illaa  Laas-qoray ay ka sinnaayeen dib u dhaca iyo boobka ay ku hayeen madaxdii kala dambaysay ee reer Soomaaliya. Intaa waxaa dheeraad ku sii ahaa gumaadkii iyo xasuuqii uu kula kacay qaybo ka mid ah beelaha reer Somaliland, waxaa kale oo intaa sii dheeraa in uu taliskii Siyaad Barre isagoo kursigiisa ku sii adkaysanaya in uu colaado kala dhex dhigay beelaha wada dega Somaliland"

Xaaji Aadan Axmed oo sidoo kale faahfaahinaaya sidii loogu dhawaaqay go'aankii ay bulshada reer Somaliland dib ugula soo noqonaayeen dawladnimadda iyo qaran-nimadooda Somaliland ee muddada sodonka sanadood ah kaga maqnayd midowgii lagu khasaaray ee ay dadweynaha reer Somaliland ku hoday, walaalnimo jacaylka iyo raadintii ay baadi-goobka ugu jireen in lamideeyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika ama shanti Soomaaliyeed. Isagoo faahfaahinaayana waxaa uu yidhi:  

"Markii la isla gartay in waxaas oo dhibaato ahi ay ka soo gaadheen bulshadda reer Somaliland midnimadii ay la galeen koonfurta waxaa lagu go'aansaday oo la isla qaatay in dadka reer Somaliland oo isku dhan wax garadkii beeluhuna u wada joogaan in lala soo noqdo Madaxbannaanidii 1960-kii ay reer Somaliland iska tuureen gaarkoodana isu taagaan,  markaas ayaan ku dhawaaqay  la soo noqoshada gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland in guud ahaan ergada beelaha wada dega Somaliland isla qaateen intaa ka dibna go'aankii ay ergada beeluhu isla qaateen ee aan ku dhawaaqay ayaanu u soo gudbinay shirweynihii SNM oo  markii hore intay beelaha gogosha u fidiyeen isu daayay shirkaas oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo markaa ahaa Guddoomiye ku xigeenka ururka SNM intaa ka dibna waxaa halkaa si rasmi ah lagaga dhawaaqay dawladda Somaliland."

Aadan Axmed oo hadalka sii-wata kana waramaaya, sidii uu dareenkoodu ahaa ergadii beelaha Somailand shirkan ku matalaysay maalintaa ay beeluhu isla qaateen la soo noqoshada Qarannimada Somaliland iyo wuxuu ka leeyahay hadalka   siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee ku dooda Somaliland looma dhammayn go'aanka qadiyada Somaliland ee beeshii SNM ayaa samaysatay, Xaaji Aadan oo arimahaas faahfaahinayaa ayaa waxaa uu yidhi:

"Horta SNM markii ay dalka qabteen ee ay dalka xoreeyeen waxay gogol nabadeed isugu keeneen guud ahaan beelihii Somaliland, SNM-na waxay waxgaradka beelaha u daysay in ay aayaha ummadda ka soo tallo bixiyaan dibu-heshiisiin dhab ahna ka dhex dhaliyaan beelihii colaadda laga dhex abuuray. Ergadii beelaha oo isu dhan ayaana gaadhay go'aanka Somaliland lagu dhisay SNM-na ula timi, hoggaankii SNM-na taasay nala qaateen.  Laakiin siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkan, waxaan u arkaa fikirkooda Somaliland diidka ahi  inuu  ka dhashay  oo kaliya  mansab ay dalka ka waayeen  iyo dhaqankii aynu ka dhaxalay nidaamkii aynu la midawnay oo ka shaqayn jiray oo kaliya isku dirka iyo hurinta colaadda,  laakiin waxaan odhan lahaa Somaliland qasab iyo caadifad laguma dhisin ee rabitaan dadwayne iyo is xisaabin wixii midnimada dhib iyo dheef reer Somaliland ka dhaxleen ayaa la soo noqoshada Qaranimada lagu dhisay waanan hayaa waraaqihii ay wada saxeexeen waxgaradkii beelaha Somaliland oo mid kastaba deegaanka uu  ka socdo iyo magiciisu ku saxeexan yahay"

Dood iyo falan-qayn dheer kadib waxa ay ergadii shirka ku matalaysay beeluhu isla qaateen in dib loola soo noqdo madaxbanaanidii Qaran-nimada Somaliland, isla markaasina bulshada reer Somaliland ay samaystaan nidaam dawladeed oo ay gaarkooda u leeyihiin.

Qaabkii Xaaji Aadan Axmed Ugu Dhawaaqay Go'aanadii Shir-Weynihii Beelaha Somaliland Ee Burco:

Hadaba, hadii aynu si mugle oo faahfaahsan isku dul-taagno isla markaasina ugu guda-dhacno, dulucda go'aanadii shir-weynahan aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee Burco, ee lagaga dhawaaqay gooni Isku-taaga Qaranimada Somaliland.

Si aynu aad ugu dhadhamino uguna dhuuxno dareenka fog iyo dulucda durugsan ee go'aankan masiiriga ee shirkan lagaga dhawaaqay salka ku hayo, waxa aynu dul-istaagidoonaa isla markaasina ku faahfaahinaynaa guud ahaan qaabkii uu u qabsoomay shirkani iyo dhamaan khudbadii uu madasha ka akhriyey xoghayihii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland Xaaji Aadan Axmed Diiriye, markii uu ku dhawaaqaayey ee uu shirweynaha kasoo jeedinaayey.

Furitaankii shirkan oo uu shir-guudoominaayey Gudoomiye Ku-xigeenkii ururkii SNM, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isla markaasina ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, ayaa isaga oo hadalka kusoo dhawaynaaya, Xoghayihii ama Afhayeenkii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland, Md. Xaaji Aadan Axmed Diiriye, waxa uu hadalka ku bilaabay sidan:

"Bismilaahi Raxmaani Raxiim, shirka u galimayno imika sidii shirarkii hore aynu u gali jirnay, waxaan u gud-bayaa gudidii odayaasha ahayd ee aynu u saarnay inay ka doodaan go'aanada shirka, oo ay isla, afgartaan, ka wadda tashadaan, falanqeeyaan, waxoogaana haasaawaan, dabadeetana ay inoo fududeeyaan oo ay inoo keenan wixii ay isla meel dhigeen. Odayaasha markaynu leenahay, musheekhdu way ku jirtaa, Odayaashu aad iyo aad bay u mahadsan yihiin. Qoddobaddii ay inoo soo diyaar gareeyeen, waxaa halkan ka akhriyi doona Mujaahid Aadan Axmed Diiriye, oo kamida ragii halganka, gaar ahaan xaga abaabulka aad iyo aadka uga shaqeeyey, ku soo dhawow Aadan"

Intaa kadib Xaaji Aadan Axmed Diiriye, oo hadalka qaatay ayaa waxa uu isna halkiisa ku bilaabay sidan:

"Bismmilaahi raxmaani raxiim, marka hore dadka sharafta leh, waxa aan usoo gudbinayaa, salaanta islaamku isku salaamo, Asalaama calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Marka labaad, sidaa uu sheegay, Gudoomiyaha shirku, shalayto waxay ahayd maalintii fursada laysku siiyey, inay isa-soo arkaan, oo arinta si ay usoo jilciyaan una soo sheekaystaan, Ergooyinka ka kala yimid beelaha waqooyi degen ee walaalaha ah.

Markaa kulankaa, oo ka dhacay magaaladan burco, oo ay iskugu yimaadeen Salaadiinta, Culimo Aw-diinka, iyo odayaasha waxgaradka ahi, waxa lagaga dooday oo si dheer loogu lafo guray, qodobadi, hor-yimid shirkan ee muhiimka, ahaa ee loo baahnaa. Qodobadaas oo si weyn looga dooday, wixii kasoo baxayna, halkan baan idiinka sheegi doona. Anigoo ku dadaalaya in aanan idinku dheeraynin hadalka, oo ka tix-galinaaya, bacadka la-fadhiyo, waxaan kusoo koobayaa, in aan qodobada uun soo qaato. Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo hadalka sii-wata ayaa waxa uu yidhi

1. Qodobka koobaad, qodobada la soo qaaday, qodobka koobaad wuxuu ahaa, in woqooyi gaar isku taago iyo in koonfur la-raaco baa laga hadlaayey, oo ajandaha qodobka koowaad ahaa, qodobkaa muddo dheerbaa laga dooday aad baana loo lafa-guray, Waxa laga xisaabtamay, oo dib loo mililicay, 31-kii sano ee aynu dawlada ahayn, wixii faa'iido ahaa ee aynu ka helnay, haddii aynu waqooyiga nahay iyo wixii khasaare ina soo gaadhay-baa si dhaba looga xisaabtamay. Muu ahayn shir caadifadeed, oo si shaqsi ah arimaha loo qaadanayo ama la-iskaga dul cararaayo, mana ahayn shir afduuba oo wax la kala maroor-sanaayo, wuxuu ahaa shir si dimuqraadiyada, oo cid waliba iyada oo xora codkeeda iyo fikraday qabto kasoo jeedinayso, ayuu ahaa. Arintaa markii si dheer looga xisaabtamay waxay noqotay, in 31kii sano waxa faa'iido ah oo la taaban karo, saddex qodob ayaa laga helay, oo iyaga laftoodu ku yimid, dhibaato iyo tacab, hawl badana loo soo maray oo dadka inta xog-ogaalka ahi ogtahay. Waxaana weeyi dekeda Berbera, warshadda sibidhka ee Iyana barbera ka samaysan iyo waddooyinka laamayda ah. Wax kale oo waqooyi laga sameeyey waa la waayey, kuwaasina sida ay ku yimaadeen waa la-wada og yahay.

Waxaynu og-nahay warshadda sibidhku inay mararka qaarkood gaadhay in koonfur laga sameeyo dhagaxana laga gurro halkay immika ka samaysan tahay, illaa xadkaa inay gaadhay-baa la ogyahay oo dadka xog-ogaalkii og-yahay, Wax-faa'iido, ahna intaasa laga soo qaaday. Waxa dhinaca kale ku qormay oo iyana timi, in khasaaraha aynu hada og-nahay, ee uu u weyn yahay, burburka iyo baa'ba haysta ee ka muuqda magaalooyinkeenii, ee naf iyo maalba, baaba'ay ee loo baaba'ay, inay ka yimaadeen is-raacii ay israaceen Koonfur iyo Waqooyi ayaa halkaa kasoo baxay, markaa waxay noqotay marka labadii la isku miisaamay in miisaankii u badan yahay, dhinaca khasaaraha, sida awgeed waxa la isku raacay, oo shirkii isku raacay, bal aragnay is-raacii wuxuu inoo dhalaye, inuu waqooyi gaar isku taago, oo aanu koonfur raacin, oo aynu teena kala barkhad baxno, oo teena tijaabino, oo waqooyi gaar isku taago ayaa la isku raacay, qodobkaa koobaad.

2. Qodobka labaad, wuxuu ahaa in lagu dhaqmo shareecada islaamka, qoddobkaa isaga ah ruuntii dood badan mayeelan, markii la eegay shuruucda kale, magic kastaba haloo bixiyee bili aadmku sameyo, ee aynu kusoo dhaqmi jirnay. Markii la eegay dhaqan xumadda, iyo dhaqanka ka lumay dadkii, mudadii dheeraa ee uu xukumayey daaquudki dalka laga xoreeyey, uu inagu abuuray, ee aynu gaadhnay heer xaaranta iyo xalaasha aynaan kala garanyn, ee xarantiiba la xalaashaday, markii aynu eegnay, dadkeena oo aqlabiyadiisu imika tahayba, ama xoogiisu yahay, dadkii dhashay mudadaa ama ku caqliyeystayba . Waxa laysla arkay, inaan wax kaloo inasoo dabaali karaaba jirin. Waxa kaloo lays waydiiyey wixii aynu ka dagaalanay muxuu ahaa? Waxay noqotay oo saldhig u noqotay cadaalad darro. Halkaa waxa kasoo baxay baahideena koobaad inay tahay cadaalad darro. Cadaaladu halkay ku jirtaaba markaa lays waydiiyey? Caddaaladu waxay noqotay diinta islaamka. waxa ina wadda dhibtay oo aynu ogsoo-nahay bahal la yidhaa qabyaalad, oo eex iyo imtixaan dabada kuwadata, taana waxa laysla gartay, waxa aynu kaga bixi karnaa inay tahay inagoo ku dhaqana shareecada Islaamka, ee Ilaahay inoogu talo-galay Kownkan markuu ina dhigay isagu, ee uu inagu abuuray, inaynu ku dhaqano, masaalaxeena oo cid ka taqaanaa Ilaahay jirin, oo uu ugu talo galay inaynu taas qaadano ayaa iyadana laysla gartay.

Halkaa waxa soo galaaya, qodob kii hore la xidhiidha, oo waxaynu nidhaahnaa hadaynu gaar isku taagno layna ictiraafi maayo, oo ictiraafka cida laga doonayaa waa Binu Aadam, xagee dabadeetana ictiraafka laga helayaabaa la yidhi markaa. Anagu waxaanu isla garanay oo aanu mudnaanta siinay, cidaynu raali-galinaynaa inay noqoto Ilaahay, Ilaahaybaa quluubta Binu Aadamka xukuma, isaga ayaa cid walba inoo soo khasbi-doona oo inoo fudaydin doona, hadii aynu dariiqiisa raacno oo ku toosnaano, waxaanu ku kalsoon nahay in aynaan wax dhibaato ah la kulmaynin, markaa aan sidaa aamino, aan ku kalsoonaano, aynu u wada diyaar-garowno inaynu fulino, hubaalna waxa ah hadii aynu sidaa ku toosnaano oo cagta saarno, wadadaa ilaahay, in aan wax socdaa oo inaga hor imanayaa jirin, markaa nin walowba dhinacaaga ugu diyaar garaw.

3. Qodobka saddexad-na wuxuu ahaa in la sugo nabad-galyadda waqooyi, taas waxa weeyi oon muran ku jirin inay baahidda koobaad-ba ay tahay, oo haddii aan nabadgalyo jirin waxyaabaha aynu kasoo haddalnay aanay waxba kajirin, horumar jirimaayo, dawlad jiri-mayso, walaalnimada aynu kuwada fadhinaana jirimayso. Sidaa awgeed, iyadana si wada jirra ayaa lays-kula gartay oo lays kugu waafaqay in nabadgalyada waqooyi laga shaqeeyo, Allana lala kaashaddo, ilaahay haynala qabtee.

4. Qodobka afraad wuxu ahaa in si dhakhso ah loo dhiso dawlad waqooyi, oo loogu dhawaaqo, taas iyadana waxa keenay, waxa aynu imika kusoo jirnay mudo, sadex bilood iyo dheeraad ah oo aynu xor ahayn oo aynu dalka joognay, dawlad la'aantu dhibaatada ay lee-dahay waynu soo aragnay oo waynu soo wada taabanay, markaa baahida jirta awgeed, ayaa qodobkaasna meesha loo keenay, iyadana waxa la codsanayaa oo xubnaha ururka laga codsanayaa in si dhakhso ah loogu dhawaaqo, dawlad waqooyi, kaasina qodobka afraad weeye.

5. Qodobka shanaad, waxa weeye in golayaasha ururka iyo dawladaba loogu qaybiyo beelaha waqooyi degan, sidaana diintaa ina faraysa, waxa ina faraysa shareecada islaamka ee aynu qaadanay, walaaltinimadeenaa ina faraysa, wada dhaqankeenaa ina faraaya. Ma wada dhaqnaanayno oo walaalo ahaan mayno, hadaynaan cadaalad ku wada dhaqmin oo aynaan wax ku qaybsan, waxkasta oo aynu qaybsanayno iyo waxkasta oo ina dhex yimaadaa waa inuu cadaalad ku dhisnaadaa weeye, qodobkaasina sidaasuu ku dhanyey.

6. Qodobka lixaad, waxa weeye, waa mid isaga laftiisu nabadgalyada ka hadlaaya, laakiin si gaara u taabanaaya gobol, iyadoo nabadgalayadii guud ahaan laga soo hadlay oo la go'aan saday, ayaa hadana waxa si gaara loo taabtay, in gobolka Sanaag, nabadgalyadiisa si gaar ah wax looga qabto, oo loo saaro gudi gaar ah, taa waxa keenay, waxa laga waramay, ama cabashooyin badan laga soo jeediyey in gobolka Sanaag ay wali ka jiraan dhibaatooyin, nabadgalyo la'aani, oo ay kaga duwan yihiin, gobolada kale ee dalkeenan waqooyi ka kooban yahay, oo ilaa hada dhibaatadii colaadu ay ka socoto ayaa laga waramay, sidaa awgeed waxa uu shirku markaa isla gartay, in xil gaara halkaa la iska saaro, oo gudi loo saaro, maanta oo aynu halkan iskugu wada nimi oo waqooyi dhan yahay, aynu arinteeda si fiican wax uga qabano oo ka baaraan dagno, oo aynu dadkaa walaaha ah ee isku noolka ah ee meesha wada degan, aynu iyagana nabadgalyada ay inteena kale wada dhadhamisay aynu iyagana qaybtooda ka siino, oo walaalayno, xaqiiqaduna waxa weeye soomaalidu xigtay sheegtaa, xigtadu waxa weeye, inta isku danta ah ee meel wada taala, xigtada xaqiiqada ahi taas weeye, tan aynu sheegano maaha, ee nin mashir yaala iyo nin maqrib yaala oo la leeyahay odaybaa wada dhalay, xigto iskugu sheegtaan maaha, maxay isku yihiin labadaasi, danba ma wadaagaane, xigtada dhabta ahi, waxa weeye kuwa nolosha wadaagaya ee meel wada degan, kuwaas baa loo baahan yahay, inay wax wada qabsadaan, kuwaas baa loo baahan yahay inay walaalnimadooda gartaan, in sidaa loo fahmo baa loo baahan yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana, aynu ku dhaqano, waxaynu rajaynaynaa wax wada qabsigeena iyo wax qaybsigeenuba inay noqdaan, iyo isku xidhnaanteenuba, sidaa aynu u kala degan nahay ee aynu u kala degan nahay inay noqdaan, oo in aynu taas fahano ayaa fiican. Markaa waxa anigu shirka qaybta aan anigu kulahaa ay ahayd, in aan qodobadii shirka shalayto uu isku raacay, aan halkan kasoo jeediyo oo aan shir-weynaha sharafta leh aan usoo jeediyo, qodobadiina lixdaa qodobay ku dhan yihiin, aad baanad u mahadsan tihiin, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu tawfiiq ina siiyo, barwaaqana ina siiyo, cadaalad iyo barwaaqo iyo nabadgalyo degdegana ina siiyo, guushana inoo taam yeelo, Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu." Ayuu kusoo gunaaday Hadalka Xaaji Aadan Axmed Diiriye.

Markii ergada shirkii Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay go'aamada, shirka madax-dhaqameedka, ayaa waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah, in mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xaga shaqada, kaas oo laga oggolaaday isna.

Xubnihii saxeexay go'aanka gooni-isu-taagga qaranimada Somaliland, ayaa waxa ay ka koobnaayeen 17 xubnood oo guurti ah, iyo xoghayihii shirkan oo sidaynu soo xusnay ahaa, Xaaji Aadan Axmed Diiriye.  17-kan xubnood ee saxeexay go'aanka ayaa waxa ay kala ahaayeen:-

1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye

2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed

4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi

6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye

7. Suldaan Ismaaciil Muuse

8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali

9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud

10. Axmed Sheekh Saalax

11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan

12. Axmed Xirsi Cawl

13. Suldaan Maxamed Jaamac

14. Xasan Cumar Samatar

15. Maxamed Warsame Shiil

16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac

17. Suldaan Cali Muuse iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ahaa xoghayaha shirkaasi.

 

 

Qalinkii Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com