25 June, 2009

Qalaawaha Beenta UDUB "GABAY " BY:- Mubarak Mohamed Qoorubaxay


Murtidu waa qayb ilaah
Yeelkeedse ninkii qaweda
Intii mawle uga qoray,
Farshaxankuna waa qiyaas
Nimuu galay qaamudkii
Qardhaasi ma baajisee
Suugaanta laguu qaridhay
Caqliga lama qaawiyee
Qisada ay daaran tahay
Fariin qaanay sidaa
Wuxuu qaradkeedu yahay
In qarankii lala ambaday
Qadyaan shacabkeenu yahay
Qiraal iyo waa cadaan,
Xilkeediyo qiimigii
Riyaale inuu qatalay
Qarqoosh xukunkiisu yahay
Masuul Nimaan qaadi karin
Bulshada uma qarin karee
Ninkii ina qoor u baxay
Qasaaraha waa ka digay
Diiwaanka ha laygu qoro.
Ninkaan weli quusanee
Qaneeco ka eegayoow
Qiyaastaadaan wacnayn,
Meelaad uga qiil daydiyo
Qormaba ma astaysan tahay.
Ileen qab qab dhaafay baa
Xornimadaan qaadaniyo
Qatalay Calankii horee
Hadaad igu qoonsataan
Qadoodigu waa hungee
Wixii hawl kaa qabsada
Qushiye waxba hayga siin
Hadhoowto ha qoomamayn
Qamuunyiyo ciil ha hogan
Qabyaaladi way xuntahay
Qabiilkuse waa jiraa
Galool uun lama qabsado.
Dhirtaa qudhac iyo qansaxa
Maansadu qaabkay lahayd
Waan kuu qodobaynayaa
Afartaa qalin iyo waraaq
Qumaati bal iigu jiid
Xusuustana iigu qabo
Kursigii Qarankani lahaa
Ninkaynu u qoofalee
U quudhnay xilkii bilaa
Qadhaab doon buu u kacay
Baloodhiyo qaydidood
Qardaas iyo kay bir tahay
Markuu wada qaatay badi
Qaraamaadkii berbera
Qaankiyo deeragii ku jiray
Kaluunkii qaadir dhigay
Heshiis qawlaysta ah
Qasnadahiisii ku shubay
Intaasuun kuma qancine
Qor weyn buu doonayaa
Malaa Total buu qawaday
Si buu u qamaamayaa
Quluubtuu caydh ka yahay
Faqriguu qooraansadoo
Quruumo dar oomaniyo
Baahidaa qol qolka ugu xidhan
Qajeeluu Ciida gaday
Qandigu waa faaruq weli .
Dadweynihi way qulbeen
Daryeel waxba looma qaban
Ka quuste cadaaladii
Qaliil weeyaan biyii
Shidaalkii qaaliyoow
Waxaa qiil qiil ku jira
Wixii dadku quudan jiray
Ma jiro qorshe caafimaad
Qofkii aan iibsan Karin
Qudhiisuun baa taqaan
Biriijyadii baa Qariban
Jidaan qardajeex ahayn
Ma ii soo qaban kartaa?
Wixii shacabkani qabsaday
Ayay iyagoon qajilin
Ku sheegtaan faan quturan.
Ninkaan weli quusanee
Qaneeco ka eegayoow
Qiyaastaadaan wacnayn,
Meelaad uga qiil daydiyo
Qormaba ma astaysan tahay.
Maansadu qaabkay lahayd
Waan kuu qodobaynayaa
Afartaa qalin iyo waraaq
Qumaati bal iigu jiid
Xusuustana iigu qabo
Waxbarashadii loo qaridhay
Markay goyn wayday qado
Dhalintii qaayaa lahayd
Wixii gabadh qurux bilayd
Shanteedii qaaradood
Qaxootay uga kaceen
Tahriibay qaayibeen
Naftoodii waa qisaas
Badwaynta laysku qubay.
Qormayn ma leh ciidamadu
Intaa qalabka u sidaa
Qaabayn iyo derajo maleh.
Hargeysaan qaybaheed
Idaacada qaar maqlaynin
Burcoo qarash loogu daray
qiimbaarkii lama qubin
Riwaayado lagu qosliyo
Qisiyo sheekay noqdeen
Abwaanada ma qadershaan
Quwayn ma leh culimadii
Quraanka alliyo xadiis
Faalkaa kala qaaya weyn
Saxaafada way qasbaan
Hadaanu la soo qaxwayn
Suldaamadu qiimigood
Xabsiga lagu quuqiyaa
Qaylada Dumarkee buladay
Qadaadiicdii yarayd
Qasriga Madaxtooyadaa
U qalin shubatays ku dhacay
Qardoofii waayo dhacay
Waxay xoqayaan qolfii
Qoomii waa hore bogsaday
Si ay qiil ugu helaan
Inay kala qabanayaan
Qabiilo utuni dhextaal
Oon qawl ku heshiin karayn
Dalkii waa qaabadaas
Qiyaamuun baan ka kicin.
Qumbacashadu waa dhibkee
Warkaan soo qaydayaa
Tixdii waxa lagu qatimay
Ninkii shalay loo qaldamay
Haduu qadaf kuugu daray
Qab iyo kibir uu is biday
Ma quudhsaa kuugu hadhay?
Qalaawada beenta UDUB
Qadhiidhkeedii dhamaa
Dadkuna quus buu ka yahay
Inuu xaqu qaalib noqon
Halyeeyadi qaadhsanaa
Sidii Qoraxda ugu dhalan
Qaabkeedii baan arkaa
Qarkaan ula saaranahay
Bulshada ku calool qubee.
Bishaariyo Qayr u sheeg.
__________________________________________
Mubarak Mohamed Qoorubaxay

No comments: