21 July, 2011

Todobada Danbi Ee Wax Halaaga

Todobada Danbi Ee Wax Halaaga

Nabiguna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa haka yeelee wuxu yidhi:-      "Salaadaha shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimce, waxay kafaarogud (Dambi ka tirtirid) u yihiin inta u dhaxaysa, haddii aan la tiimban kabaa'irta (dambiyada waawayn) " xadiiskan waxa wariyay [Muslim]. Markaa waxa inala gudboon in aynu hoos ugu daadegno dambiyada waawayni maxa ay yihiin. si uu qofka Muslinka ahi uga fogaado.

Todobada danbi ee waaweyn Waxana markhaati u ah Xadiiskii uu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa haka yeelee uu ku yidhi:- " Ka fagooda toddobada wax halaaga-markaasuu sheegay- Shirkiga (Cibaadada oo Eebbe cid kale lala wadaajiyo), Sixirka, naf la dilo (xaq darro lagu dilo), cunista xoolaha agoonta, cunista Ribada (kor socodka), dhabar jeedinta maalinta duulaanka (jidka Ilaahay loo dagaalamayo) iyo ku been abuurka dumarka muslimiinta ah (iyada oo laga sheegayo hadalo been abuur ah oo dumarnimadooda iyo sharaftooda lagu ceebaynayo) xadiiskan waa la isku waafaqsan yahay  waxana uu ku jiraa kitaabka Bukhaari, tirsigiisa 2766 iyo kitaabka  Muslim tirsigiisa 89

No comments: