06 September, 2011

Quruun Aan La Arkayn Oo Weerar Dhagax Ah Ku Dhaawacday 7 Qof Deegaanka Gunburaha Ee Baligubadle

Quruun Aan La Arkayn Oo Weerar Dhagax Ah Ku Dhaawacday 7 Qof Deegaanka Gunburaha Ee Baligubadle

Quruun Aan La Arkayn Oo Weerar Dhagax Ah Ku Dhaawacday 7 Qof Deegaanka Gunburaha Ee Baligubadle
Socdaalka Maamulka Iyo Talaabo Culimadda Deegaanku Ugu Baxday Deegaanka Lagu Weeraray Beeshan

Baligubadle(SAXAAFI) – Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhaawacmay weeraro sida la sheegay lagu qaaday qoysas reer Miyi ah oo degan Banka Gunburaha ee deegaanka Baligubadle ee gobolka Hawd.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee magaalada Baligubadle, Axmed Maxamed Cawaale, toddoba qof oo dhaawac soo gaadhay ayaa shalay loo daaday dhinaca magaalada Baligudbadle, kuwaas la sheegay inay ku waxyeeloobeen weeraro Lixdii caano-maal ee u dambeeyay lagu haay qoysas jees ah oo degan banka Gunburaha ee deegaanka Baligubadle. kuwaasoo ay dhagaxaan culus ku shiidayaan kooxo aan illaa hadda wax raad ah laga hayn, Islamarkaana aan la arragi.
Weriye Axmed Maxamed Cawaale oo ka mid ahaa dad badan oo booqday shalay goobta dadkani ku dhaawacmeen ayaa sheegay in ay halkaas ku arkeen dhagaxaanta ay qoysaskani sheegeen in lagu soo weeraray, waxaanay dadka qoysaskaas ka tirsani sheegeen in laba saddexdii habeen ee uu dambeeyay ay la kulmeen weerar dhagax lagu shiidayo, isla markaana aanay arkayn cidda dhagaxan ku soo tuuraysa, iyagoo intaas ku daray in xataa marka ay qayliyaan ee cid kale meel kale uga soo gurmato uu joogsanayo weerarkaasi.
Dadka weeraradan ku dhaawacmay ayaa ka kooban shan haween ah iyo laba rag ah, kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaaday shalay dhinaca Baligubadle kadib markii halkaas ay ugu gurmadeen masuuliyiin uu horkacayey Maayar-ku-xigeenka Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac iyo qaar ka mid ah mudaneyaasha golaha degaanka Baligubadle, culimaa'udiin iyo odayaal.
Goobta ay jeeskani degan yihiin oo ku taal buurta Gunburaha sinteeda ayaa waxaa ka muuqda raadadka aasaar qadiim ah oo taariikho fog-fog ka soo jeeda, hase yeeshee lama garanay cidda ay yihiin waxan dhagaxa ku weeraraya qoysaska reer guuraaga ah ee halkaas degan, waxaana ilaa shalay halkaas u gurmaday kooxo ka mid ah culimada degaankaas si ay halkaas Quraan ugu soo akhriyaan.

No comments: