06 September, 2011

Dr. Gabboose oo Xilligii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa soo Saaray Qoraal ka Dhan ah Ammaanka Gobollada Bariga Somaliland

Dr. Gabboose oo Xilligii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa soo Saaray Qoraal ka Dhan ah Ammaanka Gobollada Bariga Somaliland-Jamhuuriya

Hargeysa-Jamhuuriya- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa la sheegay inuu soos aaray qoraal uu ku xusay in aannu aammaan ka jirin degaanno ka mid ah gobollada bariga Somaliland, isla markaana hay'aduhu wixii kaalmooyin ah u marin karaan dhulkaas dhinaca magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland.
Sida ay tibaaxeen xogo si hoose Jamhuuriya shalay u soo gaadhay, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa la sheegay inuu muddadii uu wasiirka daakhiliga ahaa soo saaray qoraal uu hay'adaha dalka, gaar ahaan UNICEF ugu fasaxay inay kaalmada loogu talogalay degaannada bariga Sanaag u soo mariyaan dhinaca magaalada Garoowe ee Puntland, isagoo arrintaasina sida la tibaaxay ku sababeeyey ammaan-darrada degaannadaasi ka jirta oo aanay suurtogel ahayn in caawimooyin looga qaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Badhtamihii bishii August ee sannadkan 2011 waxa soo baxay warar sheegaya in hay'adda UNICEF dadka ku sugan degaannada bariga Sanaag gargaar u soo marinayso dhinaca magaalada Garoowe, balse waxa arrintaas si adag uga jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo sheegay in aanay xukuumad ahaan sinaba u aqbali karin in UNICEF degaannadaas caawimooynka uga qaado xafiiskeeda magaalada Garoowe ee Maamul-goboleedka Puntland.
Haseyeeshee, sida Jamhuuriya ku helay warar xogogaal ah oo lagu kalsoonaan karo, hay'adda UNICEF ayaa qorshaheeda ku difaacday inay haysato qoraal Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ka soo baxay oo loogu fasaxay inay degaannada bariga Sanaag kaalmooyinka u mariyaan xafiiskooda magaalada Garoowe, maadaama ammaan-darrada dhulkaas ka jirta awgeed aanay suurtogal noqon karin in Hargeysa kaalmooyin looga geeyo.
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo Jamhuuriya xidhiidho kala duwan kala sameeyey si arrintan wax looga weydiiyo ayaanay suurtogal noqon in aannu telefoon ku helno.
Sidoo kale, hay'adda UNICEF ayaanay iyadana dhinaceeda noo suurtogalin in aannu helno, balse sida tibaaxuhu sheegeen waxa UNICEF eedaha loo jeediyey ay difaac uga dhigteen qoraal ka soo baxay Wasiirkii Daakhiliga Somaliland ee xilka dhowaan iska casilay, qoraalkaas oo sida la sheegay xambaarsanaa dhiilo dhinaca ammaanka oo Dr. Gabboose kaga dayriyey xaaladda nabadgelyo ee degaannada bariga Gobolka Sanaag

No comments: