24 September, 2011

Ciidamadda Booliska Gobolka Saaxil Oo Sheegay Inay Hayaan Xubin Ka Tirsan Kooxda....

Ciidamadda Booliska Gobolka Saaxil Oo Sheegay Inay Hayaan Xubin Ka Tirsan Kooxda Xag-jirka Ah Ee Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Gobolkaas

Berbera (Ramaas) Sept 22,2011 – Ciidamadda booliska ee Magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

Ciidamadda booliska ayaa sheegay in ninka ay qabteen ay ku hayaan baadhitaan la xidhiidha ka mid ahaanshihiisa kooxda Al-shabaab isla-markaana ay dhawaan horgeyn doonaan maxkamada gobolka Saaxil ee Magaaladda Berbera, inkasta oo mar hore maxkamada la hor-geeyay, balse kiiskiisa oo aan dhamayn daraadeed jeelka dib loogu celiyay.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Saaxil Md Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Berbera inay ciidamadda booliska ee ku guuleystay qaabashada ninkan Al-shabaabta ah uu ku bogaadinayo hawsha wanaagsan ee ay qabteen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil Md Cabdiraxmaan waxa uu ka gaabsaday inuu warbaahinta u sheego magaca ninkan ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, isaga oo sheegay in maxkamadu marka ay go’aanka ka gaadho kiiskiisa ay si dhamaystiran u shaacin doonto.

Shirka jaraa’id ee taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil Berbera ku qabtay sidoo kale waxa ku wehelinayey guddoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim Daahir.

Guddoomiyaha oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadda boolisku ninkan hore ugu soo gudbiyeen balse uu dib jeelka ugu celiyey si rumaan ah, si loo dhamaystiro kiiskiisa.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidamadda Somaliland qabteen shakhsiyaad lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Ramaasnews Desk

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: