24 September, 2011

Aroos Wadareed Loo Sameeyay 30 Lamaane Oo Caawa Ka Dhacay Hargeysa

Aroos Wadareed Loo Sameeyay 30 Lamaane Oo Caawa Ka Dhacay Hargeysa, Dareenka Dadkii Munaasibada Ka Soo Qayb-galay Iyo Muuqaalka 15-ka Aroos Oo Loogu Labisay Direys Isku Mid Ah

Hargeysa (Ramaas) Sept 23,2011 – Huteelka Maasnoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa caawa waxa lagu qabtay munaasibad nooc cusub ah, taas oo ahayd munaasibad aroos ah oo mar kaliya ay wada aqal galeen 30 lamaane.
Aroos-wadareedkan oo ahaa mid aad uga duwanaa aroosyadda caadiga ah ee maalin walba ka dhaca Somaliland iyo dunida dacaladeeda ayaa guud ahaan dadkii ka soo qayb-galay oo isugu jiray masuuliyiin, aqoonyahan, culimo iyo dhalinyaro faro badan oo la dareen ah 15 dhalinyaro ah (Rag) oo inta dhar isku eg loo xidhay madal qudha la wada fadhiisiyey, isla-markaana dadka madasha joogay ay koox koox u salaamayeen, iyagga oo ku boorinaya aqal-galkoodan u dhacay sida yaabka leh.

Munaasibada aroos-wadareedka ah oo ay soo qaban-qaabisay shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel ayaa waxa ka ka soo qayb-galay ka mid ahaa abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, culimo iyo iyo shakhsiyaad kale oo muhiim ah, kuwaas oo aad u xiisanayey hadalada kaftanka u badnaa ee halkaa laga yidhi.

Cumar Xaaji Xuseen oo ka mid ah hawl-wadeenadda shirkadda xawilaada lacagaha ee Dahabshiil oo ay shirkadda Somtel ka farcantay oo halkaa ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedada laga leeyahay aroos wadareedkan, waxaanu tilmaamay inay tahay sidii loo xoojin lahaa isla-markaana loo fududeyn lahaa guurka oo wakhtigan aad u adag “Ujeedada aanu  ka leenahay Guur-wadareedkani waxa ka mid ah sidii loo fududayn lahaa guurka, dhalinyaradana looga bad baadin lahaa cudurada ka dhasha guur la’aanta” ayuu yidhi Mr Cumar, waxaanu intaa ku daray “Dhalinyaradii maanta waad ogtihiin oo waxay ka soo qaylinayaan Liibiya iyaga oo dhoof doonayey, markaa waxaa ka horeeya dhoofkooda in loo diyaariyo guur xalaal ah
Mr Cumar Xaaji Xuseen waxa kale oo uu tilmaamay in guurku daawo ka yahay ama yaraynayo shaqo la’aanta dalka taala “Dhalinayarada haddii loo guuriyo dalka waxa ku yaraanaysa shaqo la’naata” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Siyaasiyiinta waxaan xasuusin lahaa haddii ay doonayaan inay cod naga helaan waa inay qorshahooda siyaasadeed ku darsadaan fududaynta guurka  dhalinyarada”
Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Sheekh Barbaraawi) oo isna ka mid ahaa culimada aroos wadareedkan ka hadashay ayaa tafaaiil dheeraad ah ka bixiyay guurka iyo halka Diinta Silaamku dhigtay, isaga oo cida aroos wadareedkan soo qaban-qaabisay ILAAHAY uga baryey inuu halkii wax ka khayr roon ugu badalo halkii ay ka soo saareen dhaqaalaha ay dhalinyaradan isugu dhiseen “Guurku waxa uu qofka Muslimka ah ku caawinayaa inuu idhihiisa ka laabo qofka dumarka ah ee aan ooridiisa ahayn” ayuu yidhi Sheekh Barberaawi.
Madasha aroos-wadareedkani ka dhacay oo ahayd huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa caawa isu badashay goob farxad iyo damaashaad ah, iyadda oo guud ahaan dadkii huteelka deganaa iyo kuwii munaasibada yimidba ay arintan aad u soo dhaweeyeen.
Dhaqaalaha ku baxay aroos-wadareedka 15-ka wiil iyo 15-ka hablood ayaa waxa bixisay shirkadda Somtel, iyadda oo sidoo kalena u qalabeysay guryaha ay gali doonaan lamaanayaashani is-calmaday.
Kalmadihii masuuliyiinta iyo suugaanyahanadu munaasibadaasi kala soco Ramaas iyo wakhti dhow.

Ramaasnews Desk
Hargeisahttp://samotalis.blogspot.com/

No comments: