06 April, 2009

Kulmiye oo Dibadbaxay iyo Rasaas Ka Dhacday Hargaysa

Kulmiye oo Dibadbaxay iyo Rasaas Ka Dhacday Hargaysa
By VOA News
Washington
06-April-2009

Doorashooyinka Somaliland
Khilaf ka jira Doorashooyinka Somaliland
Ciidamada ammaanka Jamhuuriyadda iskeed isku magacoowday ee Somaliland ayaa maanta rasaas ku furay taageerayaasha xisibiga Kulmiye, kadib markii ay socod dibad-bax ah ku mareen waddooyinka magaalada.Wax khasaare ah illaa iyo hadda lama soo tabin.

Sida ay ku soo waraymayso wariyaha VOA-da ee magaalada Hargyasa, rasaasayntan ayaa timid kadib markii taageerayaal ka tirsan  xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) socod ku mareen waddada isku xirta hoyga guddoomiyaha iyo xarunta xisbiga.Dibad-bixii xisbiga Kulmiye ayaa sidaa ku dhamaaday iyada oo la sheegayo in ay jirto xiisad kacsan iyo shirar ay dhinacyadu gooni-gooni ugu jiraan.

Axmed Siilaanyo
Axmed Siilaanyo waa uu diiday shariciyadda madaxwayne Rayaale
Dadka dibad-baxa dhigayay ayaa maanta oo Isniin ah subaxnimadii hore isugu soo baxay bannaanka hore ee xarunta xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargaysa, halkaas oo ay khudbado uga dhagaysteen mas'uuliyiinta xisbiga.Dibad-baxan ayaa ku soo beegmay 6-da April oo ah muddadii ay ku ekeeyd shariciyadda xukuumadda UDUB ee uu hogaamiyo madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, ka hor intii ayan Golaha Guurtida Somaliland u samayn muddo kordhin lix bilood ah.Golaha Guurtidu waxa kale oo ay go'aamiyeen in doorashada madaxwaynenimadu qabsoonto 29-ka September ee sannadkan 2009-ka.Labad arimoodba waxa ay xisbiyada siyaasadda Somaliland ka dhex-dhalisay buuq siyaasadeed.

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa horay u shaaciyay in aanay aqoonsanayn sharciyadda xukunka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu marka la gadho, 6-da April.Guddoomiye Siilaanyo oo maanta VOA-da la hadlayna waxa uu markale ku celiyay in ayan aqoonsanayn sharciyadda madaxwayne Rayaale.

Jamhuuriyadda Somaliland, oo ka mida meelaha ugu nabad-galyada badan Soomaaliya, ayaa iskeed isu magacoowday sannadkii 1991-kii kadib markii ay burburay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya, illaa iyo haatanna cidina ma ictiraafin jiritaankeeda. 


 

No comments: