06 April, 2009

[GARGAAR] Madaxeyne Rayaale oo Kulan Gaar ah la Yeeshay Hogaamiyayaasha Ciida...

Madaxeyne Rayaale oo Kulan Gaar ah la Yeeshay Hogaamiyayaasha Ciidammadda iyo Baabuurtii xalay soo G
Monday, 06 April 2009

Madaxeyne Rayaale oo Kulan Gaar ah la Yeeshay Hogaamiyayaasha Ciidammadda iyo Baabuurtii xalay soo Galaysay Hargaysa oo la is hortaagay

 

Xukuumadda oo bilawday dhaqdhaqaaqyo tuhuno badan huwan iyo Rayaale oo wasiiradiisa ku amray in midkastaaba deegaankii uu u dhashay tago

 

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo waqtigii halka sanno ahaa ee loo kordhiyey uu ku eegyahay 6 April 2009 oo ku beegan Isniinta berri, balse Golaha Guurtidu ugu daray muddo-kordhin lix bilood ah oo muran abuurtay, ayaa bilowday dhaqdhaqaayo xooggan oo ay kaga hortagayso isku dayo xisbiga mucaaridka ee KULMIYE ku soo bandhigaan mudaharaado lagaga soo horjeedo muddo-kordhinta khilaafka xooggani ka dhashay ee Guurtidu lixda bilood ugu kordhiyeen xilka madaxweynaha, iyada oo xisbiyada mucaaridkuna ku dhawaaqeen in wixii ka dambeeya 6 April aanay u aqoonsanayn Rayaale inuu yahay madaxeweynaha Somaliland.

 

Majiro war rasmi ah oo xukuumaddu ka soo saartay qorshayaasha ay damacsantahay in ay ku waajahdo go'aanka xisbiga ugu weyn mucaaridku ku qaadaceen in ay aqoonsadaan Madaxweyne Rayaale marka muddadii halka sanno ahayd ee loo kordhiyey ka dhamaato 6 April, hasayeeshee sida ilahaasi tibaaxeen waxa uu Madaxweyne Rayaale amar ku siiyey Golaha Wasiirradiisa in wasiirkastaaba uu tago deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, si uu uga hortago abaabulo iyo mudaharaado mucaaridku kaga soo horjeedsanayaan muddo kordhinta guurtida, iyada oo wasiiradaasina ay shalay ilaa maanta u ku sii qulqulayaan deegaanada ay ka soo jeedaan ee gobolada Somaliland oo dhan.

 

Waxa kale oo ilahaasi caddeeyeen in kulan saacado badan qaatay uu xarunta madaxtooyada Jimcihii ku dhex maray Madaxweyne Rayaale iyo taliyayaasha ciidammada qaranka iyo booliiska, Nuux Taani iyo Maxamed Saqadhi Dubad, mana cadda waxyaabaha kulankaas lagaga wada hadlay, haseyeeshee waxa la tuhunsan yahay in kulankaas gaarka ah dulucdiisu qorsheyaal ku wajahan xaaladda ammaanka iyo amarro ku saabsan marxaladda cusub ee dalku madaxa la galay iyo waxa laga yeelayo dhaqdhaqaaqyada xooggan ee mucaaridku ku diidan yihiin muddo-kordhinta madaxweyne Rayaale ay guurtidu u samaysay.

 

Waxayna wararku xusayaan in Madaxweyne Rayaale oo isla markaana ah taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida uu maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa kulano iyo wada tashiyo uu kaga arinsanayo waxa uu ka yeelayo dhawaaqa xisbiga KULMIYE ee ku waajahan in aanay madaxweyne u aqoonsanayn wixii ka dambeeya 6 April 2009, iyadoo horena madaxtooyadu mawqifka KULMIYE ku tilmaantay mid baalmarsan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal, isla markaana aanay cidna ka oggolaanayn in uu ku kaco falal ku lidi ah shuruucda dalka.

 

Waxaa kale oo xalay aad loo adkeeyey ammaanka kaantaroolada soo gala magaalada Hargeysa, iyada oo booliisku halkaa ku xanibeen baabuur fara badan oo siday rakaab isugu jira dumar iyo carruur, kuwaasi oo laga horjoogsaday in ay magaalada soo galaan, iyada oo sidaasna ay xalay Jamhuuriya u sheegeen darawaliin gawaadhidoodii lagu xanibay kaantaroolka dhinaca galbeed kaga yaala Hargeysa.

 

Cabdinaasir Daa'uud Guuleed oo ka mid ahaa darawaliinta baabuurta lagu xanibay kaantaroolka, isaga oo ka yimi dhinaca magaalada Wajaale oo Jamhuuriya la soo xidhiidhay ayaa cadeeyey in baabuur fara badan oo ay ka buuxaan dumar, carruur iyo rakaabkale lagu xanibey kaantaroolka galbeed ee Hargeysa, isaga oo xusay in ciidammada booliisku ku amreen dadkii rakaabka ahaa in aanay baabuurtooda ka soo degi karin.

"Baabuur fara badan ayaa kaantaroolka ku xaniban oo ay ka buuxaan rakaab fara badan oo isugu jira dumar iyo carruur yaryar oo aad u daranyeysan, markii aanu askarta weydiiney waxay nagu haystaana waxay noo sheegeen in wasiirka Daakhiliga iyo taliyaha booliisku soo saareen amar ah in wixii ka dambeeya 9:00 fiidnimo aanay magaalada soo gali karin wax gaadiid ahi, runtiina arintaas aad baanu ula yaabnay, manay jirin wax ogaysiis ah oo idaacadaha laga sheegay oo cadaynaya in dalku bandoo yahay," ayuu yidhi dirawalkaas lagu magacaabo cabdinaasir Daa'uud Guuleed.

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda oo muujinaya sababta loo amray in baabuurtu aanay soo gali karin Caasimadda, basle waxa la filayaa in ay arintani la xidhiidho mid lagu sugayo dhinaca ammanka iyo dhaqdhaqaaqyada muwaadiniinta reer Somaliland , maadaama dalku galay marxalad siyaasadeed oo khilaaf badani taagan yahay, isla markaana ay qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE ku baaqeen in 6 April la sameeyo banaanbaxyo salmi ah oo lagaga soo horjeedo muddo kordhinta Guurtida.

 

Source: Jamhuuriya



--
Posted By Samotalis to GARGAAR at 4/06/2009 05:56:00 PM

No comments: