15 October, 2008

Soomaaliland oo Ka Digtay Isdiiwaangalinta Ajaanibta

By Sahra Ciidle Nuur Hargaysa15-October-2008
Warbixinta Sahra Ciidle - Soo rogo (MP3) Warbixinta Sahra Ciidle - Dhegayso (MP3)
Khariidadda SoomaalilandWasiirka arimaha gudaha ee Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland Cabdulaahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa ka digay in dadka uu ugu yeeray ajaanibta ee ku nool Soomaliland ayan isku dayin in ay isku diiwaan galiyaan doorashooyinka soo socda.
Wasiirka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargysa ayaa intaa ku daray in ciddii lagu helo in ay isdaawaan-galisay ay mutaysan doonto xarig dheer iyo ciqaab kale.

Mar uu ka hadlayay dadka reer Somaliland ee isku daya in ay is diiwaan-galiyaan mar wax ka badan ayuu iyaduna sheegay in ay mustaysan doono ciqaab taa lamida. Isdaawiingalintii cod-bixiyayaasha doorashooyinka Soomaaliland ayaa bilaabatay 14-kii bisha Oktoobar, iyada oo la filayo in la qabto doorashooyinka madaxtinimada bisha March ee sannadka 2009-ka.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: