15 October, 2008

Sudan oo u yeertay safiirada Kenya iyo Ethiopia

Farhan Mohamed JimaleBBC London
Markabka Ukraine waxaa saarnaa qalab militeri
Dowladda Sudan ayaa u yeertay safiirada dalkeeda u jooga dalalka Kenya iyo Ethiopia, taasoo ku aadan hub si sharci daro ah la sheegay in loogu gudbinayay ismaamul goboleedka koonfurta dalka. Safiiradda Kenya iyo Ethiopia, ayaa u yeeridoodu ay timid kadib markii burcad badeed Soomaali ah ay qabsadeen markab Ukrain laga leeyahay bishii hore, kaasoo ay saarnaayeen ilaa 33 Tanki iyo noocyo kale oo hub ah.
Warbixinta Sudan guji sidaad u dhegaysato

Dukumintiga sheegeya waxyaabaha saaran markabkaasi ayaa muujinayay in taangiyada ku raran markabka iyo qalabka kale ee militeriba inay u socdeen Koonfurta Sudan, walow taasi dowladda Kenya beenisay.
Wakaaladda wararka ee Sudan ee la yiraahdo Suna ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibedda ee Sudan in sidoo kale ay cabasho ka bixisay diyaarad hub siday oo ka tagtay waddana Ethiopia.

Hubkaasi ay diyaaradda sidayna waxa laga dejiyay magaalada Jubba ee caasimada u ah Koonfurta Sudan sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Sudan.
Laakiin saraakiil ka tirsan Ethiopia iyo Jabhadda koonfurta Sudan ee SPLA ayaa waxa ay sheegeen in hubkaasi uu micnihiisu ahaa mid horey loogu qorsheeyay carwo ganacsi.
Heshiiska labada dhinac. Marka la eego qoddobada heshiiskii dhexmaray Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan sanadkii 2005, kaasi oo soo gabagabeeyay dagaaladii sokeeye ee waddankaasi oo mudddad 23 sano ah ka socday, ayaa waxa uu qorayaa heshiiskaasi in wixii qalab militeri ah ee lagu dhisayo awoodda Koonfurta inay wada ansixiyaan goloha difaaca ee isku dhafka ah ee Koonfurta iyo Waqooyiga.

Wakaaladda wararka ee Suna waxa ay sheegtay in iyadoo la tixraacayo arrintaasi gudbinta hubka ah, in wasaaradda arrimaha dibedda ee Sudan ay u yeertay Safiirada Ethiopi iyo Kenya ee Khartoum, oo ay weydiisatay inay ku aqbaar geliyaan sida ay Sudan uga soo horjeedo dhacdooyinkaasi xad gudubka ah.

Tartan siyaasadeed
Maamulada Koonfurta iyo Waqooyiga Sudan ayaa lagu soo waramay inay dhisayaan ciidamadooda ka hor inta aan la gaarin codbixinta la xiriirta in madaxbanaani la siiyo iyo in kale
Koonfurta sanadka 2011.
Qunsulka Guud ee Ethiopia Negash Legesse ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qaar ka mid ah hubka laga soo keenay Ethiopia loogu qaaday SPLA inay iska eegaan.
Waxa uu sii raacayay waxay ahaayeen qoryo tijaabo ah, qaar Kalashnikovs nooca la yiraahdo ah iyo qaar ah kuwa ay soo saarto Ethiopia.
Dhinaca kale warqadda markabka hubka sida ee ay heystaan burcad badeeda Soomaalida oo BBC ay heshay nuqul ka mid ah ayaa waxa ku qor Erayada GOSS oo loo soo gaabiyo Dowladda Koonfurta Sudan. Warar diblomaasi oo kale ayaa iyaguna sheegaya in hubka markabka saaran loo gudbin lahaa Koonfurta Sudan. Laakiin wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa isna xarfahaasi ku fasiray micno kale oo ah addeegga guud ee caadiga ee nabadgalyada oo uu sheegay in yihiin xarfo si gooni ah ay u isticmaalaan wasaaradooda gaashaandhiga.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: