04 April, 2012

Jamaal Cali Xuseen oo Gabay kaga Jawaabay Go,aankii Daahir Rayaale ku Giriifay Musharaxnimadiisa.


Jamaal Cali Xuseen oo Gabay kaga Jawaabay Go,aankii Daahir Rayaale ku Giriifay Musharaxnimadiisa.

Gabay: Xaq-soor (Xisbiga UDUB) Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen:

Gabaygan waxa uu soo baxay March 29keedii, 2012 markii lay sheegay shirkii ay guddida fulinta ee xisbiga UDUB ku yeesheen guriga Gudoomiyaha xisbiga mudane Daahir Riyaalle Kaahin. Halkaasoo uu mudane Riyaalle uu go’aamo ugu sheegayey isagoo laalaaya go’aamaddii ka horeeyay ee guddida fulintu ay si aqbaliyad ah hore ugu gaadheen markii uu isagu dalka kaga maqnaa wadankaasi Faransiiska. Ficilkaa gudoomiyahuna waa mid ka baxsan xeerka Xisbiga oo guddida fulinta waxa laali kara go’aankooda uun shirweyne xisbi oo la sameeyo. Haddaba in badan baan ka aamusnaa khilaafkan xisbiga oo aan ixtiraam muujiyey inkastoo laygu gardarooday oo hadalo deel-qaaf ah saaxaafadda ay ka mariyeen masuuliyiinta kale hawgu horeeyo gudoomiyaha Xisbiga Mudane Riyaalle oo markaasi Paris joogay isagoo idaacaddaha siinaayey waraysiyo lid igu ah aniga runtiina fajaciso igu noqotay maadaama uu Riyaalle yahay ninkii ii soo horseeday xisbiga laftigiisa iyo arrinkan aan galayba. Shuruudo badan oo ay igu xidheen oo runtii aanan qaarkood raalli ka ahayn ayaa laygu kalifay, waxaanan dareemay inay goobtani tahay meel shacbi wanaagsan iyo gudiyo fiican haysata laakiin ay hogaankeedii u sareeyay raacaynin sharciyaddii lagu heshiiyey ee ay hore u qorteen. Kolay Gabaygani waa hor-dhac waraysigayguna wuu ka danbeeyn doonaa Inshallah anigoo si fiican u qaadaa dhigi doono xaallada taagan haddii Ilaaha awooda lihi uu igu simo. Anigoo weli wax badan xeerinaya ayaan Gabaygan ku soo hal qabsaday Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed Keyse) oo ah kusimaha xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo markaan warkaasi maqlay ka hubinaayey isaga xaqiijinta warkaasi. 

Haddaba wuxuu yidhi: 

Anoo xog badan haynin baan UDUB, xaajadeed galaye 
Waxan xalay xiddigaha tiriyoon, xeradda eegaaba 
Waxaan xilkaskii xisbiga UDUB, xaashi ku dhigaaba 
Xeer-beegtiddii xisbiga waxaan, xulafo raadshaaba 
Waxaan xasuustii Keeysoow, tallo ku xiiqaaba 
Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiye 
Xayndaab nin laga dhigtiyo adaa, xusulo dhaadheere 
Xalaawaad nin helaayabaa, xaajo meel marine 
Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xule e 
Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye, 


Xayawaankuba waxa uu gala, xaafad gooniya e 
Waa dar aan xeerar iyo lahayn, xaakim iyo sheekhe 
Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e 
Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye 
Xaajigii Rashiid iyo raggii, xukunka keenaayey 
Raggii xeel-dheeri gartaa, xarafka feeygaaray 
Gaagaaliyo xisbiyahannaddii, xididka beeraayey 
Xaqii Maxamuud Siciid yidhee, xalayto lay sheegay 
Idiris baa xasuus ka tegiyo, xaragadiisiiye 
Cumar Jaamac, Hodan iyo xulkii, xagarka diidaayey 
Xisti niman lahayniyo Abiib, xaakim ina Daahir 
Xubnihii Mingistiyo lahaa, Xaaji Ina Daa’uud 
Hindi xeegadiisiyo halkuu, xawda kaga gooyey 
Ina Cabdi Malow xalkuu waday, waa xadiis dhaba e 
Xildhibaan Ayaanliyo Jirdiyo, xulashaydeediina 
Xawaareeyiyo Ina Cigaan, weli u xiisoone, 

Cali Gurey haddalkuu xushaye, hoosta ka xariiqay 
Xaamudiyo Dabliyo Miiganiyo, Xaakim Ina Yuufle 
Barkhadiyo Tallaabiyo xertii, waa u xogogaale 
Laba Diiriyiyo xidigyaddii, xaawle Ina Qaasim 
Xildhibaan Garaadiyo Gadhweyniyo, xulufaddii Shiine 
Xeerbeegti Ina Yaasiniyo, Xasanaddii fiicnaa 
Raggii gardaradda xayndaabaye, xeerar ku wareejay 
Waxaan xasuustii Keysoow, tallo ku xiiqaaba 
Waxaan xifaallaha dareenkii, xalayto reemaaba 
Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiyey, 

Kuwii kibir xuuraamiyee, xanaf wareeraayey 
Iyo dar xariifnimo sheegtayoo, xabag sideedaa ah 
Iyo duul beerkiyo xaydhaba, xulashadeed diiday 
Xaqiiqduba uma muuqatoo, mana xishoodaane, 

Xurmo badan nimaad siisayoo, kuna xumeeynaaya 
Iyo nimay xaajo meel u taal, looma duur xullo e 
Odaytinimo xisbigaan bidayaye, xulatay laabtaydu 
Xisbigaan dartii u xiiqaye, uba xajiimoobay 
Xisbigaan xoog iyo xoolaba, xuubka ku idleeyay 
Hadday xaakimaddii hor fadhiyey, xoollo ka rabaane, 

Riyaallan xogtiisii heloo, xuurto beegsadaye 
Nimankii xisbiga laba listee, xoorka ka dhamaayey 
Xaalad abuur iyo waxay wadaan, xasaradoodiiye 
Xurguf waxay caddeeysteen bal eeg, xaqa la diidaayo 
Xinjirtii cas miyaa lagu murmaa, midabka xoogeeysan 
Xishoodku wuxuu qayb ka yahay, xididadeenaase 
Ninkaygii xisbiga u hiishaybay, ximi yidhaahdeene 
Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xullo e 
Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye, 

Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e 
Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye 
Bini aadam xad buu leeyahiyo, wuxuu u xeertaaye 
Nina keligii ma xuurteysan karo, tallo xisaabteede 
Waa in xumaanta ka dhiidhinaa, xarakadeedaase 
Nin xasanaad doonayaa si kale, uma xadreeyeene 
Ninkaa xaqaygii laalaye, xeerka jebinaaya 
Xaq-soor inuu noqdaan rabee, rag is xiniin taabay, 

Dalkii in loo xuub-siito buu, xaaji sugayaaye 
In loo xusul duubto aayahay, umaddi xiiseeyne 
Xigaalkaan kasbaday reer UDUB, xulufo weeyntiina 
Dadkii taageeradaa xasilan, xarakadaas keenay 
Salaan xushmad lehiyo iiga gee, xarafka diimeedna, 

Wa Bilaahi Tawfiiq: Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo; 

Gabayga waxa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: