04 April, 2012

DHUXUL DAMBAS HUWAN: Shirkad Australian Ah Oo Heshiis Ay Shidaal Kaga Baadhayso Dhul Somaliland Ah La Gashay Shirkad Kalle


DHUXUL DAMBAS HUWAN: Shirkad Australian Ah Oo Heshiis Ay Shidaal Kaga Baadhayso Dhul Somaliland Ah La Gashay Shirkad Kalle

   
 “Waxaanuna ku faraxsannahay inaanu shuraako kula noqono shirkadda Petrosoma oo aanu la wadaagno block-gan Somaliland…bilaha soo socda oo aanu ka wada hawl-galno” Guddoomiyaha shirkadda Jacka, Scott Spencer
Sydney (Togaherer) – Shirkad magaceeda la yidhaahdo Jacka Resources Ltd oo laga leeyahay dalka Australia, ayaa shalay ku dhawaaqday inay heshiis kula gashay shirkad kale oo magaceeda la yidhaahdo Petrosoma Ltd hawl baadhiseed la xidhiidha shidaalka oo ay ka baadhi doonto goobo ku yaal Somaliland.
Sida ay baahiyeen wakaalado kala duwan oo dunida ah isla mar ahaantaana Wargeyska Madaxa banana ee Saxafi  ku qoray cadadkiisii Maanta waxay labadan shirkadood ku heshiiyeen in shirkadda Jacka Resources ay ka hawl-gasho isla markaana 50% yeelato hawsha baadhista ee Block-yada 6,7 iyo weliba Block 10, kuwaas oo gebi ahaantoodba ku yaal dhulka beriga ah ee Somaliland, isla markaana ay dhulkan ay Block-yada ku yaalan oo hore loogu yaqaanay Block 26 ay xukuumadda Somaliland heshiis saami-qaybsi ah kula gashay shirkado kala duwan.
Dhulka ay Block-yadani ku yaalaan oo ku beegan koonfur-galbeed ee Somaliland, isla markaana ku fadhiya bed dhan 22,000 sq km, ayaa la rumaysan yahay inay la mid tahay deegaano ku yaal dalka Yemen oo laga helay shidaal xadigiisa lagu qiyaasay 9.8 bilyan barmiil.
Sida warkan lagu sheegay shirkadda Petrosoma ee ay Jacka Resources heshiiska wada galeen ayaa waxay dhawaan xafiis ka samaysatay dalka Somaliland gudihiisa, iyo weliba koox si degdeg ah u hawl-geli doona, waxaana qorshuhu yahay in rubuca dambe ee sannadkan 2012 ay bilaabanto baadhis qoto dheer oo xog-ururin isugu jirta gravity iyo magnetics.
Waxa kale oo warkan lagu faahfaahiyay nooca heshiiskan ay shirkaddan Jacka Resources la gashay Petrosoma, kaas oo dhigaya in Jacka ay hesho 50% faa’iidada (waxay ku xidhan tahay ogolaanshaha xukuumadda), iyadoo bixin doonta kharashkii ku baxay liisankii hore loogu bixiyay goobahan iyo 100% hawl-galka wejiga saddexaad ee heshiiska PSA (Saami-qaybsiga wax-soo-saarka), kaas oo ka kooban deraasado, xog-ururino iyo ugu 500kms oo baadhista nooca loo yaqaan 2D seismic.
Sidoo kale shirkadda Petrosoma ayaa iyadu ku qaybin doonta arrimaha isku-xidhka (logistics), ammaanka iyo xidhiidhka dhinaca xukuumadda ee hawshan la xidhiidha.
Waxa kale oo ay labadan shirkadood ku heshiiyeen in haddii shirkadda Jacka ay doorato inay gasho heshiiska wejigiisa afraad inay fursad u helayso inay hesho xadi kale oo faa’iidada liisanka shidaal qodista ee goobahan (iyadoo ay ku xidhnaan doonto ogolaanshaha xukuumadda iyo hadba muuqaalka ay shirkaddi la timaado), haddiise ay Jacka doorato inay ka baxdo waxay si fudud ugaga tanaasuli doontaa ka qayb-qaadashada baadhista shidaalka shirkadda Petrosoma.
Waxa kale oo ay shirkadaha Jacka iyo Petrosoma isla qaateen in Somaliland tahay goob dano sugani ku jiraan, iyadoo wixii mashaariic ah ee dalka ay ka fuliyaanba ay u qaybsan doonaan 50/50.
Guddoomiyaha shirkadda Jacka, Scott Spencer ayaa yidhi: “Maamulka Jacka waxay wakhti dheer xaqiiqsadeen in Somaliland ay leedahay khayraad qani ah, waxaanay tayada ay leedahay baadhista noocani ay ka mid tahay waxyaabaha lagu dardargelinayo qorshayaasha cusub ee mustaqbalka shirkaddani hiigsanayo in istaraatijiyadii kaga hawl-galo Bariga Afrika iyo meelo kaleba. Waxaanuna ku faraxsannahay inaanu shuraako kula noqono shirkadda Petrosoma oo aanu la wadaagno block-gan Somaliland, sidaas darteed waxaanu dhawraynaa inaanu la shaqayno Petrosoma bilaha soo socda oo aanu ka wada hawl-galno barnaamijkan baadhista shidaalka ah.”
Haddaba wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale oo aanu isku daynay inaanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhno si aanu wax uga weydiino heshiiska shirkadahan wada-galeen iyo sida ay wax uga jiraan, ayaanay noo suurto-gelin kadib markii uu telefoonka naga qaban waayey.
Inkastoo aan warkan lagu xusin cidda ka masuulka ah ama leh shirkadda Petrosoma ee heshiiska kula gashay Jacka baadhista shidaalka ee dhul ku yaal Somaliland, haddana si muuqata Block 6 iyo 7, waxay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa ayaa waxay labadaas block heshiis shidaal baadhis ah kula gashay shirkad la yidhaahdo Prime Resources oo uu guddoomiyaha ka ahaa nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, lana yidhaahdo Maxamed Yuusuf, halka Block 10 ay xukuumaddii Rayaale heshiis ku siisay shirkad la yidhaahdo ASANTE.
Warqabadka Togaherer
HArgeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

1 comment:

Anonymous said...

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Halkan waxaan ka salaamayaa bahwaynta saxaafada, gaar ahaan editorska websidada.
Ta labaad hadii Eebe Idmo waxa kale ku darsanayaa dhulkan la sheegayo oil ka laga helay. Dadka dagaanada dagan ma ogyihiin?
Haday jirtose dhibatoonyinka kala kulmi karaan malagala xajooday.
Waayo cimilada dadka ku nool dhibaatoyin badan bay kala kulmi karaan.
Sabab dhanka cafimaadka dadka maca xolaaha maxaa gaadhi kara khasarooyin kana oo kamida ila eega walaalayaal.
In my opinion aniga oo ah Caasha Maxamed Ibrahim haday dhici lahayd waxaan rajayn lahaa, inay jiri lahayd urur amase xisbi cimilada
aqoon uleh hadii siday waxyabanhan uga hor tagi lahayd. Arin ka hor tag bay leedahee ka dabatag malaha.
Wixii faahfahina link waxyeelo keeni karo ka fiirsada link gaasi walaalayaal.
Wa Bilaahi Tawfiiq: Ilaahay cimilada fiican hayna garansiiyo iyo waxay khayr ku jirto.
Caasha Maxamed Ibrahim
xabuuba@hotmail.com