04 April, 2012

Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Miisaanayada Sanadda 2012


Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Miisaanayada Sanadda 2012

   
Hargeysa/ToggaHerer 03 April 2012
Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisanayada Jamhuuriyadda Somaliland ee Sanadda 2012.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo hadal Ka jeediyey Fadhiga Golaha Wakiilada ayaa sheegay In Markii ay eegeen Qodobada53, 54 , 55 waxa Golaha u muuqday in aan Xukuumadu wada Fulin soo jeedimihii sanadkii hore eek u saabsanaa Miisanayada Qaranka sanadka 2011.
Gaar ahaan Soo Dhamaystirkii Shuruucda Hayadaha waxa kale oo Muuqata in Aanay Xukuumadu hore u soo gudbin Miisaaniyada sandka waxa uu Golaha u soo jeediyey in Xukuumada hadda Ka dib ay miisaaniyada sanadka la keeno Bisha December ama January .
Marka la Tixgeliyo Dooda Hufan  ee Golaha Wakiiladu ka yeeshay Miisaaniyada Sanadka 2012 markii aanu Tixgelinay in lagu jiro Bishii Afaraad ee Sanadka 2012 wuxuu Goluhu Iclaamiyey in la guda galo Ansixinta Miisaaniyida sanadka 2012 oo cadadkeedu yahay 886 Bilyan 496 Milyan 529 Kun 980 Shilling ka Somaliland ah una Dhiganta 147 Milyan 7 Boqol 49 Kun Afar Boqol iyo Laba Iyo Labaatan USD .
Fadhigan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro waxa ka soo xaadiray 57 Xildhibaan.
Xildhibaanada Haa ugu Codeeyey Miisanayada ayaa ahaa 36 Mudane, 19 Xildhibaana way ka Aamuseen Hal Xildhibaana wuu diiday Gudoomiyuhuna Muu codayn, Waxayna Dhaqan gelaysaa Miisaaniyadu Marka uu Madaxweynuhu Saxeexo..
Kalfadhigii ay lahaayeen Golaha Wakiiladu ayaa Maanta Dhamaaday Mudanayaashuna waxay Galeen Fasax laba Bilood ah.
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: