04 April, 2012

Puntland Oo Cadeysay Tiradda Askarta Kaga Dhimatay Dagaalkii Maleeshiyaadka Khaatumo Cagta Lagu Mariyey

Puntland Oo Cadeysay Tiradda Askarta Kaga Dhimatay Dagaalkii Maleeshiyaadka Khaatumo Cagta Lagu Mariyey

"maaha wax qarsoon in Ciidamadayadu  dagaalka galeen oo ay difaaceen qaranka" Wasiirka Kaluumaysiga Puntland

Garoowe (Waaheen) – Maamul goboleedka Puntland oo jiritaanka iyo Madax-banaanida Somaliland lidi ku ah isla-markaana geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay Magaaladda Laascaanood u qabsan lahaayeen ayaa sheegtay inay gacan ku lahayd dagaalkii ciidamada qaranku cagta ku mariyeen maleeshiyaadka Khaatumo.

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Puntland Maxamed Aaden Faarax ayaa sheegay in ciidamadoodu ka qayb-qaateen dagaalkii ka dhacay meesha loo yaqaano Sool-joogta isla-markaana sheegay in ciidamada Puntland ee dagaalka ku jiray ay ka dhinteen 6 askari 5 kalena lagaga dhaawacay "Anaga dhinacayaga waxa dhintay 6-qof shan qofna waa naga dhaawacmeen oo uu sahlan yahay dhaawacooda, ninka dagaalka galaana wuu dhintaa oo khasaaruhu isaga ayuun-buu soo gaadhaa,  ,wey iska muuqata hal gaadhi Ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Ceyn ay lahaayeen waa lala wareegay, saddex ka mid ah Ciidanka Daraawiishta way dhinteen oo waa wax waadix ah in Ciidamadayadu ay dagaalka galeen oo ay difaaceen qaranka''ayuu yidhi wasiirka kaluumaysiga maamulkaasi.

Warka wasiirkani ka sheegay dagaalkii doraad oo ay baahiyeen saxaafada gudaha Puntland ka hawl-gasha ayaa u muuqdo mid xaqiiqadiisu aanay sugnayn, balse lagu beerlaxowsanayo siyaasiyiinta dibad-wareega ah ee Khaatumo seeg, kuwaasi oo si adag uga soo horjeeda siyaasada Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ay ku tilmaamaan mid ka soo horjeeda maamul ku sheega ay Taleex ku macmaleen.

Dhanka kale, wararka laga helayo Magaaladda Laascaanood ayaa sheegaya in shalay doraad jiidihii dagaalku ka dhacay laga soo helay maydad dheeraad ah oo yaala, kuwaasi oo aan ilaa hadda la aqoonsan cida ay ahaayeen, inkasta oo warbaahinta qaarkeed ku sheegeen in loo maleynayo dad ku sugnaa beero ku yaala meelihii lagu dagaalamay oo la isku dul-qabsaday isla-markaana ay haleeshay rasaas habow ahi.

Maydadka oo tiradooda lagu sheegay 8 iyo hal qof oo la helay isaga oo dhaawac ah ayaa dadka deegaanka laga helay geeyeen cisbitaalka Magaaladda Laascaanood si maydkana loo aaso, qofka dhaawac ahna loo daaweeyo.

Short URL: http://waaheen.com/?p=33568



No comments: