02 December, 2011

Madaxweyne ku xigeenkii hore somaliland iyo sugaanyahan hiifay sacabka guulwadaynta ee loo tumo mada

Madaxweyne ku xigeenkii hore somaliland iyo sugaanyahan hiifay sacabka guulwadaynta ee loo tumo mada

Madaxweyne ku xigeenkii hore somaliland iyo sugaanyahan hiifay sacabka guulwadaynta ee loo tumo madaxda somaliland.

Hargysa,-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukumadiii Cabdiraxmaan Tuur Xasan Ciise Jaamac iyo suugan yahanka caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi )ayaa si isku mid ah u muujiyey inay jaahilnimo iyo karaahiyo tahay sacabka sida macno la'aanta loogu garaaco masuuliyiinta afika iyo Somaliland.

Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi oo ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigay buug la yidhaado suugaaneed ayaa dhibsaday sacab xoog badan oo soo dhaweyna oo goobta looga tumay wuxuuna yidhi oo ku tiraabay dhalinyarooy walaahi sacabku waxba ma macneeyo waa jahli ee inaga daaya.Wuxuu intaas ku daray inaanu qofku goobta u iman inuu sacab garaaco ee waa in waxa la leeyahay ama la soo bandhigaayo uu wax kala baxaa (wax ka faa'iideystaa).

Dhanka kale siyaasiga Xasan Ciise oo ka maqnaa saaxada siyaasada Somaliland muddo dheer oo ku dhow 17 sanadood balse hadda soo rogaal celiyay oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in hogaamiyayaasha afrikaanku aad u sacab jecel yihiin wuxuu tusaale u soo qaatay Siyaad Barre oo uu Xasan Ciise Jaamac sheegay inaanu isagu arag balse maqli jiray inuu sacabka in loo tumo jeclaa isaga laftiisuna isu sacabayn jiray marka sacabka loo tumaayo.

Xasan Ciise Jmmamac wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday markii Hadraawi naga joojiyey sacabka ayaan hoosta ka idhi malaha Hadraawi sacabkii wuu ka haqab beelaye waxaan aqaan qolooyin weli u jeelan oo aad ugu baahan in sacabka mar walba loo tumo isagoo u duurxulaayey ash-khaas ka mid ah madaxda xukumada iyo xisbiyada somaliland oo aad isu yaqaanaan.

Somaliland beryanahan danbe waxaa ku soo kordhay dhaqano cusub oo aan hore u jiri jirn balse ay abaabulaan dad la soo shaqeeyay kacaankii siyaad barre una badnaa dad hoose. dhaqanadaas waxaa ka mid ah soo dhaweyn guulwadaysan oo la buunbuuniyo iyo sacab mashxarad wata oo aan macno ku fadhiyin oo si aada loogu tumo qolyaha xukumada iyo madaxda xisbiyada oo intaas horumar u yaqaana.


No comments: