02 December, 2011

Geelaha Jabuuti “..Somaliland Gooni-isu-taageeda Waa Lagu Degdegay..”

Geelaha Jabuuti oo Sheegay in Dalkiisu Aanu Weli Aqoonsan Doonin Somaliland

"..Somaliland Gooni-isu-taageeda Waa Lagu Degdegay.."

"..[Somaliland] Waa Gaadhigii oo ay Ka Hor Mariyeen Dameerkii Jiidayay.."

Jeune Afrique. Ismaciil Cumar Geelle


Jabuuti-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle ayaa wareysi uu Todobaadkan siiyay Wargeyska ku soo baxda Afka Fransiiska ee la yidhaahdo Jeune Afrique, waxa uu ku sheegay in Madaxbannaanida iyo gooni-isu-taaga Somaliland lagu degdegay, isla markaana aan dalkiisu aqoonsi u fidin doonin Jamhuuriyadda Somaliland.

Md. Geele oo Wargeysku Jeune Afrique weydiiyey sababta dalkiisu u aqoonsan waayay Somaliland oo ay Jaar yihiin, halka uu Konfurta Suudaan oo ka fog uu u aqoonsaday, waxa uu sheegay in qadiyada dalka Koonurta Suudaan ka duwan tahay mida Somaliland oo dadka Koonfurta Suudaan ay halgan dheer u soo mareen xoriyadooda, isla markaana ay wadahadal la galeen Woqooyiga, halka qadiyada Somaliland uu ku tilmaamay inay tahay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: "..Waa degdegeen, waxayna iska sameysteen Calan iyo lacag, waxay iskaga dhawaaqeen dal, waa gaadhigii oo ay ka hor mariyeen dameerkii jiidayay.." Ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, Madaxweyne Geele isagoo sii faahfaahinaya mawqifka dalkiisa ee ku aadan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in dalkiisu aanu u oggolayn Somaliland inuu ka caawiyo wax ka badan in Passport-ka Somaliland lagu soo geli karo Jabuuti iyo inay Wakiil u soo dirtaan Jabuuti. "..Waxaanu u ogolaanay in Pasaborkooda ay dalkayaga ku soo galaan iyo in ay cid metesha halkan u soo dirtaan, waxse intaa dhaafsiisan uma qaban karo..". Ayuu yidhi Md. Geelle.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti, ayaa ku soo beemay dhawr maalmood ka dib markii uu booqashada ku soo maray dalkiisa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo intii uu halkaa joogay ay kulmo kala duwan yeeshay Md. Geele iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadiisa. Geesta kale, Madaxweynaha Jabuuti oo isagu muddo Sannad ah-ba muuqday Nin wax weyni iska bedeleen mawqifkiisii hore ee ku wajahnaa qadiyada Madaxbannanid Somaliland, ayaa waxa mar kale dhawaaqiisu xaqiijinayaa sida ay uga go'an tahay Md. Geele dagaalka uu kula jiro in aan Somaliland Caalamka aqoonsin ka helin.

Dhinaca kale, hadalka Madaxweyne Geele, ayaa waxa loo fasiran karaa inuu yahay mid uu ku fashilinayo Madaxwweyne Siilaanyo oo horeba l;oogu xamanayey inuu siyaasad ahaan gacanta ku hayo Madaxweynaha Jabuuti, isla markaana uu ku amray in markstoo uu dibedda u baxo inuu Jabuuti ku soo danbeeyo kahor inta aanu ku noqon Somaliland, sidii dhowaan dhacday oo kale. Arintaasoo sida Wargeyska "Yool" ay u sheegeen ilo-ku-dhow-dhow Madaxtooyadda Jabuuti uu ka diiday Madaxweynihiio hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, taasoo sida ilahaasi tibaaxeen noqotay mid wax weyn ka bedeshay cilaaqaadkii u dhexeyey Geele iyo Rayaale, oo iyagu muddooyinkii u danbeeyey oo dhan aan isu san-banaanayen.

Yool

No comments: