02 December, 2011

Maxkamadda G/Saaxil Oo Go’aan Ka Gaadhay Mulkiyadda Kaalin Shidaal Oo Mudo Khilaaf Adagi Ka Taagnaa, Una Xukuntay Dawladda

Maxkamadda G/Saaxil Oo Go’aan Ka Gaadhay Mulkiyadda Kaalin Shidaal Oo Mudo Khilaaf Adagi Ka Taagnaa, Una Xukuntay Dawladda

Berbera, November 30, 2011 (Haatuf) - Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa xukun ka soo saartay muran adag oo ka taagnaa gacan-ku-haynta Kaalinta Cajab ee magaalada Berbera, isla markaana waxay Maxkamaddu u xukuntay Mulkiyadda Kaalintaas dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, halka ay gacan kuhaynteedana u xukuntay Marxuum Xasan Cali Cawaale oo illaa lixdankii gacanta ku hayey. Waxay Maxkamaddu gacan ku-haynta Kaalinta Cajab ee Berbera ka xukuntay qolo Dukaan Shaaha laga cabbo ku haysatay qaybta Baarka ee dhismaha Kaalintaas. Xukunkan oo shalay ka dhacay Maxkamadda gobolka Saaxil ridday oo uu Maxkamadda horteeda ka akhriyey Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Suldaan, qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Sida aad ka warqabtaanba kaalmaha shidaalka ee ay ku jirto cajab Berbera waxa la wareegtay dawladdii Soomaaliya, wixii Somaliland ku yaalla waxa dhaxashay dawladda Somaliland. Kaalinkta Cajab ee magaalada Berbera Maxkamaddu waxay u xukuntay dawladda, gacan-ku-haynteedana waxay u xukuntay ciddii gacanta ku haysay illaa 1960-kii oo ah Marxuum Xasan Cali Cawaale, oo immikana uu gacanta ku hayo 99%. Dhinaca kale, qolada hadda ku jirta qaybta Baarka ee shaaha laga cabbo iyagu waxay qabsadeen intii burburka, waxaanay haysteen hal qol oo Baar ah oo shaaha laga cabbo, Maxkamaddana may horkeenin wax marag ah oo u caddaynaya inay dawladdu u dhiibtay iyo inay cid kale ku wareejisay, sidaas ayaana lagaga xukumay”.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil isla shalay subax Maxkamadda ka hor akhriyey qoraal uu soo gaadhsiiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, kaas oo uu kaga hadlay Agaasimuhu Mulkiyadda Kaalinta Cajab oo ka mid ahayd iyo cidda ay gacan-ku-haynteeda lagu ogyahay. Qoraalka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland na soo gaadhsiiyey, waxa uu ku yidhi:- “Kaalinta shidaalka Berbera ee Cajab, waxa leh dawladda, hase yeeshee, dawladdu waxay ka kiraysay Fu’aad Muuse Cabdi oo wakiil ka ahaa Xasan Cali Cawaale, Warqaddaas oo ka soo baxday Agaasimaha guud ee Wasaaradda ganacsiga, oo isaguna caddaynaya in meeshaa kiraynteeda iyo gacan ku haynteeda uu masuul ka ahaa marxuum Xasan Cali Cawaale oo ah ninka gacan ku haynteeda loo xukumay”. http://samotalis.blogspot.com/

No comments: