26 October, 2011

Rag Madaxa Soo Duubtay Oo Deegaanka Caadda Ee W/Gabiley Ku Dhacay Baabuur.....


Rag Madaxa Soo Duubtay Oo Deegaanka Caadda Ee W/Gabiley Ku Dhacay Baabuur Jaad Iyo Lacag UU Siday & Muwaadinkii Lahaa Oo Ka Hadlay
"Nimankasi Waxa Kale Oo Ay Iga Qaateen 14 Milyan Sh/S/Land, 5 Mopil, Lacago Kale Oo Aanan Tiradooda Haynin Oo Ay Lahaayeen Qolo Gabiley Lacag Ka Soo Sarifatay Oo Caadda Adhi Ka Iibsanaysay"Ibraahin Muumin Xaddi

Hargeysa, October 25, 2011 (Haatuf) – Rag Madaxa Soo Duubtay ayaa la sheegay inay deegaanka Caadda ee Waqooyiga Gabiley ku dhaceen baabuur qaad siday oo noociisu ahaa Laankuruusar, isla markaana u sii jeeday xeebta deegaanadda xeebta galbeed ee Somaliland oo Jaadkaas ku waday.
Ibraahin Muumin Xaddi oo ah Muwaadinka iska lahaa baabuurkaas iyo Shixnadda qaadka ah ee saarnayd-ba ayaa sheegay inuu gaadhigu qaadka ka soo qaaday Magaaladda Kala-baydh, una waday deegaanadda xeebta galbeed ee Somaliland, halkaas oo uu sheegay inuu ka ganacsado Jaadka, isla markaana uu Somaliland soo galiyo maalinkasta cashuur badan.
Mr. Ibraahin Muumin ayaa intaa ku daray in koox rag ah oo madaxa soo duubtay ay rasaas huwiyeen baabuurkii isaga oo maraya Buurta Mudha ee deegaanka Caadda ee waqooyiga kaga beegan Magaaladda Gabilay, kuwaas oo uu sheegay in halkaas ku dhaceen hantidii gaadhiga saarnayd oo ka koobnayd shixnad Jaad ah iyo Lacag qadar keedu dhan yahay 14 Malyan oo shilling Somaliland iyo lagac aanu tiradooda haynin oo uu sheegay inay dad lahaayeen.
Ibraahin Muumin Xadi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan Magaaladda Geerisa ee gobolka Salal, kaas oo hanjabay in hadii aan arintaas wax laga qaban in uu isagun qaadi doono talaabo uu kaga jawaabayo dhacdadaasi. Ugu horayn isaga oo arintaas ka hadlayana, waxa uu yidhi "Waa run oo waxa la dhacay baabuur aan lahaa oo noociisu ahaa Laankuruusal, Manual ah oo lamberkiisuna ahaa 30260, isla markaana Jaadka ka soo qaadi jiray Kala-baydh ilaa Gabiley, kaas oo Jaadka gayn jiray tuulooyinka xeebta oo dhan. Jaadkaygan laga cashuuri jiray Kala-baydh sanadahan u danbeeyey oo dhan wuxuu marayey deegaanadaas aan lagu dhacay, isla markaana anigu ma garanayo wax godob ah oo beelaha daga Jidkaas naga dhaxaysay manay jirin. Sida aanu warka ku hayno waxa la yidhi laba baabuur oo noocoodu yahay Surf oo cas cas ayaa joogsaday tuuladda la yidhaahdo Gari, labadaas baabuur waxa la yidhi ilaa habeen hore ayey joogtay halkaas, waxaan warkaas ii sheegay baabuur kale oo Jaad keenta oo wadada ku aragtay labada Surf ee cas-cas, markaa markii maanta ay maqleen warka ah in baabuurkaygii iyo Jaadkii saarnaaba la dhacay ayey ii sheegeen oo ay yidhaahdeen waanu aragnay baabuurta falkaas samaysay".
Ibrahin isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi "Markii afduubku dhacayey labada Surf ee cascasi baabuurkii Jaadka siday oo ka soo baxay Gabiley, isla markaana maraya baabuurkii oo jaadkii sida ay ku qabteen buurta la yidhaahdo Mudha, rasaasbay ooda kaga qaadeen iyaga oo dhamaantood nimankaasi afka wada duubtay, waxaanan u malaynayaa inay islahaayeen yaan la idin garanin wakhtiga falkaasi dhacayeyna waxa uu ahaa maanta 11-kii duhurnimo".
Mar uu ka hadlayey cida uu baabuurkiisa uga shakisan yahay inay dhaceen, waxa uu yidhi
"Waxaan u malaynayaa baabuurkaygaa inay dhaceen rag xumaan doonaya oo waxaan u arkaa beel-beel ku soo duushay, isla markaana wadada uu baabuurkaas qaadku soo maro kuma lihi wax godob ah, wadadaasna wax Ciise ah baabuurkaygaas ayuun baa mara.
Nimankan afka soo duubtay ee baabuurkayga dhacay waxa kale oo qaateen lacag dhan 14 Malyan oo S/land Shiling ah, waxa kale oo ay qaateen 5 Mopil oo ay ka qaadeen inankii dirawalka ahaa iyo Girishboygiisii iyo dadkii la socday ay ka qaadeen, waxa kale oo ay qaateen lacago kale oo aanan hada tiradooda haynin oo ay lahaayeen qolo Gabiley lacag ka soo sarifatay oo Caadda adhi ka iibsanaysay oo reer Garba-dadar ah. waxa kale oo ay qaateen baabuurka Spare part –kiisii oo waxaaba la sheegayaa inkasta oo aanan hubin inay baabuurkii meel cidlo ah kaga tageen inta ay Rasaas la dhaceen".
Ibraahin Muumin Xadi mar uu ka hadlayey dhacdadini waxa ay keeni karto, waxa uu yidhi
"Waxa keenay in Kala-baydh ilaa Lughaya inta u dhaxaysa in dadku isku dhexganacsadaan waxa ay ahayd Nabad, labada beelood ee Isaaqa iyo Ciisahana wax colaad ah oo ka dhaxeeyey oo dhexyaalay may jirin, laakiin tani waa colaad horleh oo soo cusboonaatay. Talaabadaasi waxay keenaysaa inaan aniguna dhaco baabuurta Isaaqa u marta wadooyinkan, waayo waxa Ciise u dhexmara wadadaas Gabiley waa kaygaas la dhacay oo kaliya, iyagana wadada Somaliland iyo Djibouti u dhaxaysa Kun baabur ka badan inta u martaa, markaa waxaan qaadayaa aniguna talaabo aan kaga jawaabayo dhacaas la igu sameeyey".

No comments: