26 October, 2011

Maxay sadexda xisbi qaran UCID,UDUB IYO KULMIYE ku qoonsadeen xeer No.14

Maxay sadexda xisbi qaran UCID,UDUB IYO KULMIYE ku qoonsadeen xeer No.14

Hargysa,-Hogaanaka sadexda xisbi qaran ee UDUB,UCID iyo KULMIYE, ayaa sida fiinta uga qeyliyey xeer No.14 oo dhawaan madaxweynuhu dib ugu soo celyey golaha wakiilada,xeerkaas oo hore wax ka bedel iyo kaabis ay ugu sameeyen golaha barlamaanku islamarkaana u codeeyeen amaba ansixiyeen una gudbiyeen golaha guurtida, guurtidu lafteeduna waajibaadkeedii ka gudatey ayaa haddana madaxweyne Siilaanyo mar labaad dib ugu soo celiyey golaha barlamaanka si kaabis iyo wax ka bedelis kale oo dheeraad ah loogu sameeyo.

Golaha wakiilada ayaa xeerkan ku daray qodob ay sida fiinta uga qayliyeen sadexda xisbi qaran ee Udub,Ucid iyo Kulmiye, qodobkaasi wuxuu si cad u sheegaaya in xildhibaanku ka bixi karo xisbigu ka tirsanaa ama ka soo baxay geli karana xisbi kale ama urur kale isagaan waayin xilkiisii xildhibaanimo.

Haddaba xisbiyada qaranka Udub,Ucid iyo Kulmiyeayaa ku doodaay iskuna raacsan in xildhibaanka marka hore uu soo xulo ama u ogolaado xisbigiisu inuu u metelo xisbiga degaanku doonaayo inuu ka tartamo mar labaadkana uu ku tartamaayo magaciisa iyo magaca xisbigiisa ee aanu ku tartamin magaciisa oo keliya balse magac xisbi uu huwan yahay.

Dastuurka somaliland iyo xeerka doorashadu qofna keligii uma ogola inuu si madax banana isu soo sharaxo tartanka doorashooyinka golaha degaanka,madaxtooyada iyo kan wakiiladaba,sidaas darteed maadaba xildhibaanku ku fadhiyo golaha xisbi magacii codkiisa iyo taageerayaashiisuba waa isla xisbigaa, hadd uu ka wareego ama ka tago xisbiga wuxuu luminayaa xildhibaanimadii xisbigii uu metelayeyna wuxuu xaq u leeyahay inuu soo buuxiyo jagadaas.

Xisbiyada qarankan ayaa sheegay inaanay aqbalin doonin qodobkan ogolanaaya in xildhibaanku wareegi karo isagaan lumin xubinimadiisa waxayna sheegeen inay u arkaan in golaha wakiiladu toshay shaadh le'eg,dhawaan ayaa 20 xidhibaan oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo ka soo jeeday xisbiga Ucid u digarogteen urur siyaasadeed cusb oo la yidhaahdo Wadani taas ayaana ah qadiyada keentay doodan taagan.

No comments: