02 September, 2011

Somaliland Iyadaa Baahane Ee Ha La'caawiyo, Adan Siiro waa saxsanyahay

Somaliland Iyadaa Baahane Ee Ha La'caawiyo, Adan Siiro waa saxsanyahay

Waxaan salaamaya dhamaan dadka Somalind ee jecel jiritaankeeda iyo horu-markeedda.
waxaan dhageystey khudbaddii ciida ee Sheekh Aadan X Maxamuud uu ku sheegey in dadka Somaliland ay baahi balaadhan jirto,ilaahayna uu amrey inaad qaraabaddada wax horsiiso.Sheekh Aadan Siiro waa halyey dhiigiisa Somaliland ku jirto,waa halyey caawiya dadka jilicsan,waa sheekha.

SOMALILAND ee ka damqadda dhibka Somaliland ilaahay abaalkeedda ha ku siiyo.
Waxaan hadaba xalkan ku soo qaadanaya in Somalia ilaahay dhibta ka saaro,se aaney Somalilana ayna waxba dhaamin oo abaar xumi ku soo dhadey,maanta ay heyso.
waxaan ogney in ay Somaliland ay ka taagan tahay ABAAR,MACALUUL,GAAJO,SIXIR BARAR,SHAQO LA'AAN,XOOLIHII NOOLA OO DABAR GO' IYO WAX QABAD IYO QORSHO LA'AAN BAAH SAN.WAANA TAN:

Dadkii ku abaarow bey waqooyiga hargeisa GOBALKA ALMIS,qobalka howd,sanaag,saaxil,lascaanood,burco, sanaag,gabily,oodweyne.Sidaan la socno xoolihii waa ka baxeen,oo maanta xoola nool ma hayaan banaan cidla ah ayay dhex joogan wax ay quutan iyo xoola ay maalan ma hayaan,oo waa ka dhinteen,cid u maqan ma hayaan,
CIIDII FIDRIGANA ee dadka ladani siin jireena waa tan Xamar loo ururinayo,iyana cid u maqan ma jirto,shaley ayay ahayd kolkii abaartu ku dhacdey.dowladdii wax u qaban lahaydna Xamar wax loo ururiyo ayay leedahay.

Magaalooyinka waa weyn waa jira dad baahi awgeed waxani ku dhacdey.
-Waxaan ogeyn in Hargeisa ay dhowr bilood ka hor dad gaajo u dhineen,qaarna macaluul awgeed dhaqterka la geeyey,oo la badbaadiyey

-Waxaa jirta in boqolaal qoys oo Somalind ay caruurtoodii markey cunto daruuri ay u waayeen ay qaybiyeen oo dadka qaateen oo maanta caruurtoodi cid kale korsaneyso,markey CUNTO DARUURI u waayeen.waayo macluul iyo dhimasho ayay uga
baqeen,sida qaar ku dhacdey ee macaluuli u dishey.

Somalind dhaqtaradeedii ayaa cudur laga qaadaya oo aaney jirin.
-Nadaafad oo uraya,oo qashinkii buuxa.

-Dadkii ku jirey ay injir,tukhaan iyo baranbaro ka buuqxda meeshey jifeen.
-Biyo iyo leydh ma jiro dhaqtaradii. Cunto ma jirto dhaqtaradda Somaliland,oo kii aan dibadda looga keenin wuu ku dhex baqtiyayaa. Maanta caalamku xamar wuu ururiyey malayiin doolar,Turkiga,Iran,Carab oo dhan ilaa Indoonisa xoolaha Somalia ayaa lugu caawinaya,Sowtii dowladdu odhan jirtey,meeshii magaca Somalia dhaqaale lagu siinayo,waan tageyna waayo anaga wali Somalia ayuu caalamku noo arkaa maxay u odhan waa yeen
SOMALIND IYANA ABAARBAA JIRTA ILEEN XAQIIQ WAA JIRTAA,MAXAA KEENEY SI AY WAX HAYSTAA ANAGUNA WAAN CAAWINEYNA SOMALIA OO SAKADDII FIDRIGA EE DADKA BAAHAN SOMALILAND AY SIIN JIREEN DADKA LADAN EE SOMALILAND AYAAN XAMAR GENEYNAA,IYADOO DADKOODI U BAAHAN YIHIIN DOWLADII WAX DULMIDEY MASAAKIINTII SOMALIND.

ILAHAY ABAARTA HA KA SAARO SOMALIND IYO WIXII MUSLINABA
AMIIN>>>>>AMIIN
Mahdi Ahmed
mahdi172@hotmail.com

No comments: