02 September, 2011

Ma carruurta Muqdisho ha iska le’ato baa?!

Ma carruurta Muqdisho ha iska le'ato baa?!

"…..Hase yeeshee waxa aan wadaadka si togan ugaga soo horjeedaa is-barbardhiggiisa taban ee labada xaaladood (Saboolnimada Hargeysa iyo le'ashada carruurta Soomaaliyeed ee Muqdisho, Jawhar, Jamaame, Jilib, Bakool ama Baydhabo iyo intii la halmaasha iyo deedafayntiisa nacwaynidu ka buuxdo ee uu kaga horjeedo hawlaha Hargeysi ugu gurmanayso……."

 Dawladda iyo shacbigaba waxa uu ku halgaad-tuurayaa warmo jiidanaya eebooyin wada sun iyo waabay miidhan ah. Sheekh Aadan Siiro, isaga oo la hadlaya  boqollaal qof magaalada Hargeysa fagaaraha ku yaalla ee Xawaadle maalintii Iiddii Fitriga, ayaa waxa uu weedho cadho iyo canbaari hor socdaan ku weeraray dadka ku hawllan Somaliland gudaheeda in looga gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay tabaaleeyeen labadii is-raacooda laga ducaysan jirey: Col iyo Abaaro; naafeeyey meelo badan oo ka mid ah Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Hawlahaas beni-aadannimo oo caalamka oo dhan looga oogsaday, lagana jiifi waayey uur-ku-taallooyinkooda, ayaa gaar  ahaan waxa uu wadaadku ku cambaaraayey xukuumadda talada haysa ee Axmed Siilaanyo, isaga oo ku tilmaamaya in tallaabadaasi ka mid tahay doc-faruur badan oo beryahan lagu wadey buu yidhi "qaddiyaddii gooni isutaagga Somaliland"!

Hadalladii wadaadka waxa kale oo ka mid ahaa : "Meel u jirta madaxtooyada Somaliland 300m (oo ah buu yidhi Cusbitaalka Waallida ee Hargeysa), injir baa dadka ka dareeraysa oo waxba looma qabto, Soomaali kumannaan KM meel Hargeysa u jirta ku gaajoonaysana caawimaa loo dirayaa"!

Waa xaqiiqo aan ku raacsanahay Sheekh Aadan Siiro in saboolnimo baahsan iyo macaluuliba ka jiraan Somaliland gudaheeda iyo gaar ahaan caasimadda Hargeysa obocdeeda iyo madaxtooyada agagaarkeeda, waana sax in xukuumadda jirtaa ay arrintaas la tacaashaa. Hase yeeshee waxa aan wadaadka si togan ugaga soo horjeedaa is-barbardhiggiisa taban ee labada xaaladood (Saboolnimada Hargeysa iyo le'ashada carruurta Soomaaliyeed ee Muqdisho, Jawhar, Jamaame, Jilib, Bakool ama Baydhabo iyo intii la halmaasha iyo deedafayntiisa nacwaynidu ka buuxdo ee uu kaga horjeedo hawlaha Hargeysi ugu gurmanayso ka qayb qaadashada ugu yaraan in la badbaadiyo in ka mid ah dadkaas abaaraha iyo colaaduhu isu gees iyo gafuureen ee ay galaafanayaan.

Soomaalidaa ku maahmaahda " Haddii ay fooli timaaddo, gudo qarsi hadh-dhan". Dhiillada iyo qaylo-dhaantu ma aha saboolnimo iyo daruufo dhaqaale xumo ee waa le'asho. Waa dabar go' ummadeed! Maalin kasta waxa qabriga loo sii walwaalayaa boqollaal carruur u badan oo Soomaali ah. Saacad kasta waxaa gaajo, nafaqo la'aan, harraad iyo cudurro ka dhashay u qudh baxaya tobannaan qof oo maati iyo dhallaan u badan. Tani maaha tii hadal lagu dawayn jirey. Waa tii wixii la helaba loo fidin lahaa. Loo xaraashi lahaa dahabka ooryaha iwm.
Muxuu ka hadlayaa Sheekh Aadan Siiro; weliba maalin iideed oo bishii Ramadaan la soo waajib gutey inagu afurinayaa  oo Xaqal-ciid inooga dhigayaa?! Damiirka nooli se sidee buu odhaahda Aadan Siiro ula noolaan karayaa; uga aamusnaan karayaa?! "Yaan dadkaas loo gurman oo wax la tarin buu wadaadku" ina leeyahay!

Dunida guudkeeda qof kasta oo saaran bay waajib tahay in loo gurmadaa marka masiibadan oo kale haleesho. Waa waajib dadnimo in lagu guntadaa badbaadintiisu. Marka aad Muslim tahayna waajibaad kalaa kugu soo kordhaya, waanay ka sii xag jirtaa marka qofkaaas samata-bixinta u baahini Muslim kale yahay. Maxaynu se nidhaahnaa marka uu Soomaali sii noqdo!!! No Comment!!

Sheekh Aadan Siiro isaga oo af-diineed ku hadlaya, sheekhnimona u manno sheeganaya waxa uu baal ka dhaafay mabaadidaas iyo qawaaniintaas guud-marka ah ee Dadnimo, Muslinnimo iyo Soomaalinnimo, waxaanu u iishay u dabranaanta muhmalka dareenno siyaasadeed iyo is-diiddooyin cadaawadeed.

Haddii ay Soomaaliyi collowdey oo waalaaltinnimadoodii wiiqantay, haddii ay qurub-qurub u kala daadatay iyo haddii ay magacyo kala sheegatayba, waxa hubaal ah oo aan si fog u aaminsanahay in magaca Soomaali uu weli ka dhexeeyo, weligiina ka dhaxayn doono, mid ka dooda iyo mid ku dooda labadaba. Biri ma goyso; biyona kaama maydhaan!

Damaqu waa sokeeyennimadaas magacu saaran yahay. Malahayga dad Sheekh Aadan Siiro ka mid yahay, waxa ay damaqaas ka eeg eegi doonaan nabarradii iyo haarihii 1988 ee Hargeysa iyo Burco; ayaamihii dagaallada sokeeye iyo maato-dooxii kelitalisnimadu ka dambaysay! Hase yeeshee waa hubaal marag leh in damaqu maalintaasna jirey oo Muqdisho yaalley. Maxaa se maanta isku xidhaya murugooyinkii dhawr iyo labaatan sannadood dad qarad gaar lihi ka dambeeyeen iyo sebiga yar ee aan taaba waxba ka ogayn ee dhimanaya badbaadintiisa iyo gurmashadiisa! Maan gaajaysan iyo garasho meel la' uun dheh!
Sidaas darteed, shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodu, waxa ay hore u qaadeen tallaabo mudan, xaq se loogu lahaa, ku dhiirrashadeeduna habboonayd, loona baahan yahay in aan waxba loola kala hadhan wixii karaan ah; hiil iyo hooba; ee dadkaas le'anaya lagu badbaadinayo!

Sheekh Aadan Siiro iyo inta kale ee dareenkaas caabuqsan ee buka la qabi kartana; waxa aan leeyahay; toodu ma aha maangal ee waa caaddifad iyo xag-jirnimo siyaasadeed oo halis ah. Tan oo kale iyadaa maryaha iska dhigaysa oo nuxur ahaan is- qaawinaysa. Berrito waxa ay u kala hiilinaysaa Burco iyo Hargeysa ama Berbera iyo Boorama. Saaddambena waxa ay kala qoqobaysaa oo ay dayr naxli ah dhex dhigaysaa labada daamood ee magaalada Hargeysa (Dumbuluq iyo Laba Nuux)!!! Waa hungo oo lama dugsado.

"…Nin kastoo ganbadu saaran tahay; dunida guudkeeda

Gurmadkayga waw baahan yahay; ruux la gaasiraye

Taydana ninkii igu guntadey; waw gar leeyahaye

Marba gooha dhiillada halkii; igu galoollaata

Karaankayga waan geyn intaan; geeri moogahay…!"

*Gudgude: M.I.Warsame-Hadraawi 1990

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

 

No comments: