09 May, 2010

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

 
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

KULMIYE

Bismilaahi raxmaani raxiim

Date: 09/05/2010

SHIR-JARAA'ID

Marka hore waxan u mahad-celinaynaa warbaahinta nagala soo qaybgashay shirkan jaraa'id.

Walaalayaal, waxaanu halkan ka soo gudbinaynaa dhawr qodob oo ka soo baxay wada tashi hoggaanka Xisbigu lahaa maalmahan u dambeeyey, kuwaas oo kala ah:

Ø  ISU DIYAARINTA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA EE BISHA JUNE LOO MUDDEEYEY.

Ø  SAFARKA MADAXWEYNAHA.

Ø  TABASHOOYINKA XISBIGA KULMIYE KA TIRSANAAYO XISBIGA UDUB IYO XUKUUMADDA ISKU MILMAY.

Ø  TALO SOO JEEDIN.

 

    I.        ISU DIYAARINTA DOORASHOOYINKA

Xisbiga KULMIYE isaga oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, isagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel maamul oo khayr leh, isagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, wuxuu ugu baaqayaa Ummadda reer Somaliland inay u diyaargarawdo doorashada soo socota.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku boorinayaa in shacbigu qaataan kaadhadhka cusub ee codbixinta ee komishanku soo bandhigaayo. Waxaanu codsanaynaa in loo dhabar adaygo hawshaa, in Guddiga Doorashooyinka Qaranka lala shaqeeyo, hawsha loo fududeeyo, in laysu dulqaato iyo in laga fogaado wax kasta oo nabadgelyada carqaladayn kara, isla markaana si wada jir ah looga hor tago cid kasta oo dib u dhac iyo dibindaabyo ku keenaysa geedi socodka doorashada.

Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda Somaliland u balanqaadayaa in uu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana siinayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Hay'adaha amniga. 

 

 II.        SAFARKA MADAXWEYNAHA EE MAD-MADOWGU HADHEEYEY.

Walaalayaal Madaxweynuhu muddo sideed sanadood ah ayuu safaro badan oo aan midho yeelan gaalaa bixinaayey. Madaxweynuhu safaradaa kama soo helin ictiraafkii dalkii u baahnaa. Kuma soo gelin heshiisyo dawlado ama hay'ado caalami ah oo dhaqaale u kordhiya dalka. Madaxweynuhu wuxuu in badan inoo sheegi jiray in uu heshiis la soo galay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay oo dalka ka dhisi doonna warshado, sida kuwii uu dhagax dhigay Berbera duleedkeeda.

Walaalayaal, waxa isweydiin mudan sideedaa sanadood ee Madaxweynuhu tamashlaynayey daafaha dunida, maxa faa'iido ah ee la taaban karo ee uu u soo hooyey Ummadda reer Somaliland. Safarkan maanta uu ku maqan yahay wuxuu yaab ku leeyahay isaga oo kaga tagay Wasiirkii qudha ahaa ee Hargeysa ka raacay uu kaga tagay garoonka Dubai, waa arrin curad ah oo la ogaan doono sirta ku qarsoon.

Sida dad badani saadaalinayaan, safarkan Madaxweynaha ujeedadiisu ma dhaafsiisna danno isaga u gaar ah iyo shirkado la soo wada faqo. Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegayaa cid walba in heshiis Madaxweynuhu ajnebi la soo galo ee aan golaha baarlamaanku ansixin noqon doonin sharci meelmar ah.      

III.        TABASHADA KULMIYE EEK U WAJAHAN XISBIGA UDUB IYO

                          XUKUUMADA KU MILAN

Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmaa, xukuumadi waxay ku fadhidaa aqbalaada mucaaridku ogolaado natiijo doorasho ama heshiis la galay. Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 2003-gii, Xisbiga KULMIYE iyo UDUB mid waliba wuxuu helay 41%. Wixii la is-dheeraaday oo sida la sheegay ahaa 80 cod oo doodi ka taagnayd, ayaa Xisbiga KULMIYE isaga oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland, isagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, isaga oo eegaya mustaqbalka da'yarta dalkan curdinka ah, isagoo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Africa, ayaa wuxuu go'aansaday in uu aqbalo in UDUB soo dhisto Xukuumad, isaga oo aan KULMIYE wax shuruud ah ku xidhin.

Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib daro Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Xisbiga KULMIYE iyo shacbigii Somaliland.

Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen weerarkii hubaysnaa ee Xukuumaddu ku soo qaaday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyada oo ay joogaan Madaxda Xisbigu, waa ka daawateen TV-yada iyada oo tiknikadu ku dhex cartamayso Xarunta Xisbiga KULMIYE.

Ummadda reer Somaliland waxay u soo taagnayd Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo boolisku rasaas huwiyey isaga oo lugaynaya jidka weyn ee mara badhtamaha magaalada hargeysa, waxa marag ma doon ah in askarigii guddoomiyaha rasaasta la beegsaday si toos ah xukuumada qaar ka mid ahi  u soo amreen, sida uu ku faanayey Wasiirkii dhacdadaa ay ka waraystay BBC-du isla maalintaas.          

Walaalayaal, waxaynu wada ognahay in hantidii Qaranka, haday dhaqaale tahay, haday warbaahinta Qaranka tahay, haday awoodihii Xafiis iyo ciidanba tahay in Xisbiga UDUB si gaar ah loogu adeegayo.

Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan UDUB oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu "Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara". Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah. Walaalayaal, Soomaalidu waxay tidhaahdaa mayd maxaa ugu dambeeyey iyo kaa la sii sidaye 5 bisha May, 2010 Radio Hargeysa wuxuu baahiyey war dhiilo iyo argagax leh oo uu ku sheegay in Madaxda Qaranka qaar ka mid ahi ay gacansaar la leeyihiin Al-shabaab, hadda ogow muwaadin xukuumadu hore ayey inoogu sheegtay in Al-shabaab ay tahay cadawgii qarxiyey Qasriga Madaxtooyada, Xafiiska UNDP iyo Xafiiska Ethiopia ee Hargeysa. Haddaba miyaanay laf jab Ummada  ku ahayd in madaxda Qaran ee ay ka mid yihiin  C/casiis Maxamed Samaale, Dr. Maxamed Cabdi Gaboos iyo Maxamed Xaashi Cilmi in lagu tilmaamo cadawga Somaliland.

Bangiga Qaranka Somaliland wuxuu caadeystay ku tagri falka hantida Ummadda iyo ugu ololeynta Xisbiga UDUB lacagtii Ummaddu ku aamintay.

Todobaadkii u dambeeyey Xisbiga UDUB wuxuu weerar abaabulan ku soo qaaday Xafiisyada KULMIYE ee Burco iyo Ceerigaabo, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawacba, marka hore waxaan u diraynaa tacsi qoyskii ninkii ku dhintay Ceerigaabo, kuwa dhaawaca ahna Eebe caafimaad taam ah siiyo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa falalkan is-daba jooga ah ee ay ku kacayso UDUB inay quus ka taagan tahay codkii shacbiga Somaliland. Sidaa darteed ay UDUB carqaladaynayso doorashada soo socota.

 

 

IV.        TALO SOO JEEDIN

Xisbiga KULMIYE wuxuu kula talinayaa asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Kulmiye isaga oo ka duulaya mabda'a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, wuxuu u dhabar adaygi doonaa gardarooyinka ka imanaya UDUB intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u taagan yahay doorasho iyo nabad, wuxuu ka soo horjeedaa fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka.

Xisbiga KULMIYE, wuxuu wada shaqayn fiican la leeyahay Guddiga doorashooyinka Qaranka, waana sii adkaynayaa wada shaqayntaas. Kulmiye wuxuu ka codsanayaa KDQ inay ku dhiiradaan waajobkooda qaran ee ah kala hagida axsaabta iyo fulinta Xeerkii anshaxa.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu shacbiga ka codsanayaa inay codkooda si nabad ah ugu hiiliyaan horumarka dalka iyo mustaqal ka fiican halka aynu manta joogno, muwaadin ogow codkaaga wuxuu dhisi karaa Qaran horumara, muwaadin u dulqaado hawlaha doorashooyinka iyo codbixinta, u dhabar adayg wixii gef ah kaaga yimaada cid qaldan si aynu u gaadhno doorasho khayr leh oo nabad ku qabsoonta.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muse Biixi Cabdi

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad

ee Xisbiga KULMIYE  

No comments: