09 May, 2010

UDUB waxaan hubaa in ay iska iimaansatey mucaaridnimada oo ay bilowdey dhagaxtuur!!


Haddii aad siyaasadda sideedaba ka soo raacdo Aw Barkhadleh, habaas weyn ama gadhka yogolka oo intuba hargeisa dusheeda ah, way kugu balladhaneysaa marka aad isdhex-taagto caasimadda oo gees aad u raacdo ma garatid. Sidoo kale, Maamulkii askarta dhegeystaha u badnaa ee riyaale waxa sugantay in uu ku haftey hollinta siyaasadaha looga fadhiyey in uu ku dhaqo Dalka, waana ninka aan sheegayo in uu siyaasadda magaalada duleedkeeda kaga soo biirey!!
 
Burco iyo ceerigaboba waxa ay ka sameeyeen rabshado dhagaxtuur ah udub, iyaga oo oga jeeday in ay ku hor joogsadaan wafdi uu hoggaaminayey Dr, Dr. Gabboose, UDUB way ku jabtey loolankii siyaasadeed oo muruqa ayey aamintay inay maasho. Waxa kale oo jira inay ku eedeysey rag aan Rinjigu qaban karin oo mas'uuliin sare ka ah xisbiga kulmiye inay yihiin al Qaacida, taas oo ay ku weydey wax ay ku hesho daayo, Guddoomiyeheedi xidhiidhka gobollada, waana hoggaan ka tirsanaa Guddiga fulinta ee UDUB.
 
Sidan oo jirta, ayuu ma xishoode cisman Hindi, madaxa ololaha UDUB uu ku macneeyey
wax aann ilmaha yarina ku hadleen wixii ka dhacay burco iyo Ceerigavo. Cisman ha sheego waxa u geeyey UDUB xisbiga kulmiya xarumaha uu leeyahay? Baadhitaanka socda awgeed ayaan u dhaafayaa inaan wax ka idhaahdo, mid baanse u sheegi lahaa in ay eersadaan waxqabad la'aantooda ee aanay ku waalan Xisbiga kulmiye iyo taageerayashiisa. Ciyaari waa gelin dambe jaalle!!
 
Iska aamina , mucaaridnimada aad bilowdeen imika, xilku waa meerto'e!!
 
Dr. Cali  Cabdi Muxumed.


No comments: