09 May, 2010

Aqoonyahanka Reer Awdal Oo Soo Dhoweeyay Barnaamij Siyaasadeedka Kulmiye

Aqoonyahanka Reer Awdal Oo Soo Dhoweeyay Barnaamij Siyaasadeedka Kulmiye

Boorame, May 7, 2010-(Haatuf)-Xaflad balaadhan oo ay koox ka mid ah aqoonyahanka Gobolka Awdal ku taageerayeen barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye dhowaan soo bandhigay barnaamijkiisa.

Xafladan oo aheyd mid si heer sare ah loo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen  aqoonyahanada iyo dhalinyarada dugsiyada sare iyo Jaamacada Camuud ee reer Awdal, waxa kasoo qeyb galey Murshaxa Jagada Madexweyne kuxigeenka Xisbiga Kulmiye , C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici),xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ugu jira Gobolka Awdal, oo ay kamid yihiin Ismaaciil Muumin Aare,Axmed Xuseen Oomane Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga , Axmed Maxamed Geele,Dacar ,Ibraahim Aadan Qaalib,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, Xildhibaan Abiibakar, Garabyada dhalinyarada iyo haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, aqoonyahan iyo dhalinyaro tira badan oo taageeradooda iyo dareenkooda u muujiyay barnaamijka Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigaba.


Waxana halkaa ugu horeyn kahadley Murashaxa Jagada Madexwene kuxigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici),oo hadalo soo dhaweyn iyo dhiiri galin ah uga jeediyay aqoonyahanadaasi Reer Awdal, iyo dhalinyarada kaleba waxaanu C/raxmaan Saylici ku tilmaamey dareenka aqoonyahanadan reer Awdal in uu dabada kuhayo isbadel doonka ay bulshada reer Awdal diyaarka utahey,iyo barnaamij la,aanta Xukuumada iyaga loo tirinayo hogaankeeda, ee aan dadweynaha reer Awdal iyo kuwa reer Somalilandba u qabanin waxtar muuqda, oo laga dhaxlo.

Waxa kale oo isaguna halkaa kahadley Professor Ismaaciil Muumin Aare ,oo katirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye isagoo, Profeserku ku tilmaamey dareenka dhalinyarada iyo aqoonyahanka reer Awdal ka muujiyeen soo dhaweynta barnaamijka Xisbiga Kulmiye,dabeylo isbadel oo ay garteen maskaxaha fayow ee reer Awdal inay tusaale utahey sida loogu diyaarka yahey isbadel Caafimaad qaba oo dalka ka hirgala.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Xisbiga Kulmiye aqoonyahan Ibraahim Aadan Qaalib oo iasguna halkaa kahadley ayaa, u muujiyay ahmiyada iyo soo dhaweynta ay u hayaan aqoonyahanka iyo dhalinyarada reer Awdal ee dareenkooda ka muujiyay sida ay u soo dhaweeyeen barnaamijka Xisbiga Kulmiye , usoo bandhigay bulshada reer Somaliland.

 Waxa kale oo isaguna halkaa kahadley Axmed Muxumed Geele (Dacar),oo kamid ah xubnaha mubalaqa ah ee Gobolka Awadl ugu jira Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Ismarkaana ahaa aasaasayaashii, ugu horeeyay ee Xisbiga Kulmiye, wakhti reer Awdal Udub u badan yihiin dhidibada ka taagey Boorame, waxanu Dacar halkaa ka jeediyay khudbad aqiibo leh oo hoga tusaaleysaneysa waayaha kala duduwan ee ay Xisbiga Kulmiye kula soo muteen Gobolka Awdal isaga iyo saaxiibadii, maantana ay ku farax san yihiin in ay wada aragti noqdeen intii ugu badneyd ee Bulshada Reer Awdal.

 Sidoo kalena waxa isaguna halkaa kahadley Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Mr Xasan Siciid Axmed(dheeldheel),oo isaguna halkaa kahadley ayaa siweyn ugu mahad celiyay, aqoonyahanka iyo dhalinyarada reer Awdal ee Muujiyay dareenkooda ay kusoo dhaweynayaan barnaamijka Siyaasadeed eeXisbiga Kulmiye usoo bandhigay guud ahaanba taageerayaashiisa Gobolada iyo Degmooyinka dalka iyo guud ahaanba umada reer Somaliland ee Xisbiyadu ku loolamayaan.


Ayaanle Cabdi Meecaad oo ku hadlayey afka aqoonyahanka reer Awdal ,waxanu hadaladiisa ku laqimay in aad iyo aad ugu qanacsan yihiin barnaamijka Xisbiga Kulmiye soo dhigay maadaama lagu soo bandhigay, waxyaabo badan oo baahiyaha wadanka kajira ah ,islamrkaana ay guud ahaanba bulshadu siweyn u tabeysay.


Xafladan oo ay soo agaasimeen soona qabanqaabiyeen aqoonyahanka dugsiyada sare iyo Jaamacada Camuud ee Gobolka Awdal, waxa dhinaca kalena, kasoo qeyb galey koox dhalinyaro ah oo kakala socdey garabyada Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Gobolada dalka qaarkood.

Xafladan ay aqoonyahanka iyo dhalinyarada reer Awdal ku muujinayeen dareenkooda ay kusoo dhaweynayaan,barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye usoo bandhigay dadweynaha reer Somaliland ayaa, aheyd xaflad daah fureysay isbadel doonka reer Awdal ee Midaysan wakhtigan xaadirka ah taas, oo siweyn looga dareemay habeen hore  Magaalada Boorame,kadib markii xafladan balaadhan lagu soo bandhigay Huteelka ugu weyn Magaalada Boorame Rays, oo aan awal hore lagu qaban jirin xaflad Xisbiga Kulmiye Leeyahey.


HAATUF

No comments: