26 May, 2010

Hargeysa: Shil Baabuur oo dhimasho iyo dhaawac keenay

Hargeysa: Shil Baabuur oo dhimasho iyo dhaawac keenay

Shilkaas oo ka dhacay meel u dhow tuulada Diinqal oo ilaa 33 Km u jirta Hargeysa, waxa ku dhintay marxuum Yoonis Xuseen Cabdi, sida uu xaqiijiyay Bashiir Axmed Cabdi oo ka tirsan waaxda gargaarka degdega ah ee Cusbatalka guud ee Hargeysa oo dadkaas la dhigay.

Shilkaas oo ka dhashay ka dib markii laba baabuur oo Waaraad iyo nooca Dhaynaha loo yaqaanaa isku dhaceen, waxa uu dhaawac ka soo gaadhay ugu yaraan sideed qof oo saarnaa.

Dadka shilkaas ku dhaawacmay waxa ka mid ah kuwo xaaladoodu culus tahay oo xaalad miyir-doonsoon ku jira, jajab iyo dhaawacyo kale, waxaana ka mid ah Sharmaarke Cabdi Yuusuf oo da'diisu 12 tahay oo xalay cawayskii xaaladiisu cuslayd.

Baabuurtaas waxa uu midkood ka yimi dhinaca magaalada Berbera, halka ka kalena u socday degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Magacyada dadka shilkaas ku dhaawacmay waxay kala yihiin; Sharmaarke Cabdi Yuusuf, Xaliimo Xaaji Maxamuud, Saadaam Daahir Cumar, Aadan Sidiiq Axmed, Mahdi Haybe, Maxamed Haybe Cali, Deeqa Aw Nuur iyo Axmed Cawil Xirsi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: