26 May, 2010

DHAARTII WEY OOFIYEEN WELI SE MIISAANKU WAA DHEELI


DHAARTII WEY OOFIYEEN WELI SE MIISAANKU WAA DHEELI
Codkaaga Ku Ciil Bax....Qormadii 27
Ahmed Arwo

Tii hore dhammaatay qaybtii labaadna habsami iyo hanaan wacan ayey ku socotaa. Waa kaadh-bedelkii doorashada Madaxtooyada, oo komishanka doorashadu guul ka dhaliyeen. Waa loo bogay, la hanbaleeyey, lana  mahadiyey kolkaad ka reebto xukuumadda oo ay ahayd inay hanbalyada iyo bogaadinta ugu horeyso. Waxa xukuumadda min Madaxweyne,ku-xigeen ilaa shaqaalaha dawladda oo si qaldan oo sharciga baal marsan loo xisbiyeeye uga yimid hiif, aflagaado, been-abuur, dhooqeen, hanjabaad iyo hatidaad. Waxa la yaab leh in Madaxweyne Riyaale xubnihii uu magacaabay ee komishanku yihiin kuwa xilalka ugu weyn haya sida Guddoomiyaha, Afhayeenka, iyo Guddoomiyaha Diiwaaangelinta iyo Kaadh bedelka. Halkuu kaga faani lahaa wax-qabadka wacan ee bulshadu isku raacday, caalamkana u muuqda, waxuu shaki geliyey hawsha ay sida hufan u soo qabteen, isagoo weliba ku fasaxay in xukuumadda colka khubarada ku aha cayda iyo ceebeentu ay gidaar walba ku dhooqeeyaan. Waxa u raacda in warbaahinta xukuumadda looga dhigo shaqo u soo hoysa gunno dheeraad ah.
Waxa xataa loo gudbiyey warbaahinta shisheeyaha jecel xumaanta iyo qaska Somaliland.Kooxdii Yuhuudda xagjirka ahayd ee horeyna xisbiyada mucaaradka balaayada ku sheegay, oo ka buka calanka Soomaliland ee Ashahaadadu ku xardhantay, iyo dastuurka sida cad loogu sheegay inaanu sharci ahayn wax kasta oo ka hor-imanaaya diinta Islaamka, ayaa maantana loo adeegsaday komishanka. 

Waa dar ku can ah inay dab ka huriyaan meel kasta oo Muslim nabad ku haysto. Ururka carabka badan ee dhowrka magac ay hoos yimaadaan ayna ka mid tahay GIS waa kan la yidhaahdo ISSA. Waxaana ka madax ah niman Yuhuud ah oo uu ugu horeeyo ninka la yidhaahdo Yossef Bodansky oo ah: Congressional Task Force on Terrorism and Unconventional Warfare,
Director: Yossef Bodansky
"Yossef Bodansky is the Director of Research of the International Strategic Studies Association ISSA, and is also the Director of the Congressional Task Force on Terrorism and Unconventional Warfare of the US House of Representatives. He is also a Senior Editor for the Defense and Foreign Affairs group of publications. He is the author of five books (Target America, Terror, Crisis in Korea, Offensive in the Balkans, and Some Call it Peace) ..."
Waxuuna ka mid yahay raga Zioniska ah ee la dabo socdo falalkooda: booqo http://www.jewwatch.com/jew-jewishsupremacyassociationsmovements-politics.html

Waxa ah wax laga naxo in xukuumaddII dalka ka badbaadin lahayd cadowga balaayada iyo burburka la jecel inay noqoto ta amba adeegsata amba hor-booda. Reer Soomaliland waxa warbixinta halkaas ka soo baxday ee sharafta iyo maamuuska Guddiga Doorashooyinka lagu duraayo ay u arkaan in la rabo in dalkan laga dhex abuuro fidno iyo qalalaase, waxayna u arkaanin xukuumadda taageerada dadkeeda lumisay mid ay ka dhiganayso gabad ay neeftuurka iyo rafadkeeda la hoos tagto. Waa nin daad qaaday xunbo cuskay. Waa mas'uuliyad darro iyo xilkasnimo la'aan. Waxa ay yeeli karaan ma jirto sumcadda komishanka iyo himilada shacbiga ka dheregsan 13 sano oo Madaxweyne Riyaale kuududay madaxtooyada. Reer Soomaliland indhahooda ayaa u macalin ah. Amba Yuhuud yaboohso, amba cay miciinso, ciyaal iyo ciroole laaluusho, waa inoo balan iyo maalinta dadweynahu awoodda leeyahay, waa inoo doorasho iyo 26 June 2010. Insha Allah Xaqqa ayaa guulaysan.  
Iyana waxa is-weydiin leh, Madaxweynahu wuu joogay oo sartiisa ayey ahayd halkii kitaabka gacanta loo saaray xubin kasta oo komishanka ah, wuu maqlayey in loo dhariyey si ay cadaalad, sinaan iyo hagrasho la,aan u gutaan xilka ay qaadeen, oynu ogeen halka uu xaal marayey. Waxay u muuqataa in laga filayey arrin lid ku aha dhaarta iyo xilka ay qaadeen. Xaalku waxuu u muuqdaa inuu ahaa dhaarta bulshada maqashii, xaalkuna ha noqdo eex. Waa caddaaladu "waxay ku jirtaa anigoo ley eexdo" Xaquna ma aha sinaan ee waa kafadda oo dhankeyga u janjeedha"..Haddayna taasi jirin, maxaa kii hadla ee Wasiir ah, ee xisbi ah ee badhasaab ah ka dhigay kuwo cey iyo dhaliil aan jirin u bidix midigeeya. Maxaa ka yeel mas'uuliintii dalka maamulaayey qaar u gacan banaanada hawshii cuqaasha iyo ta ka sii daran inay boob iyo dhac guntiga u gabsadaan ay ku lunsadaan kaadhadhkii bedelka ahaa.

Intaanan dhacdada ugu xumeed iyo waxii laga qoray idinla wadaagin bal sawirkan ila eeg uu Dhanxiir ka baxshay rag ka mid ah colkaas.

Dhanxiir.. Wasiirada Rayaale iyo Carqaladaynta doorashada
Waaryaadhaheen nimankii wasiirada UDUB ahaa ee Warancadde iyo Aw Sulub waxa la yidhi midba meel buu sanduuq sida beedka u dillaacinayaa oo xilo fur iyo dhaar ku maray in aan la qaadayn ilaa xabada u dambaysa uu jeebada ku rito, duco qabayaashii dhaartooda kaga dhabeeyey ee Jaamacadaha tallow ma cunahay qabteen, kolhadiiba wixiiba soo xeroodeen, sanduuq iyo laba wasiiro salka saareen waxba loo noqon maayee hala kansalgareeyo.
Weger; Adeer beedku waa iska ooraydhe, waxaan ku weydiiyey Hindi BAABAA-gan UDUB ee fagaarayaasha kaga faanaya saddex kaadhbaan qaatay maxaa loo qaban waayey, mise tuug baan ahay ayaa faan noqotay, cajab!! Carqalad iyo muran sanduuq iyo kaadh la iibsadaatoona socon maayaane sideed sannaad sida Huuryada u jaqayseenee yaa UDUB 'GIIB NOOM TAANI'
Jamhuuriya Online

WELI KAFADDU DHANKA XUKUUMADDA AYEY JIRTA

Inkasta ooy dhaartii oofiyeen komishanku, waxa weli jira waxyaabo si weyn u duraaya cadaaladda iyo sinaanta doorasho. Waana dar u baahan inay dhekhso wax uga qabtaan iyaga iyo cidii kale ee xilkeed lihiba.
1-   Gaadiidka Dawladda ee hawlaha xisbiga lagu qabanaayo, waa in la joojiya
2-   Sidoo kale xafiisyada, qalabka, agabka kale ee dawladdu waa inaan xisbina si gaar ah u isticmaalin.
3-   Hawlwadeenada dawladda waa inay ku eekaadaan hawsha ay qaranka u hayaan. Nina aanu waqti iyo khrash midna ku lumin hawl ka baxsan shaqadiisa. Waxa safka hore ka boodaaya Badhasaab, Agaasimayaal, Safiiro, Xukaam, Xeer-Ilaaliyaal, Shaqaale Baan iyo Wasaarad walba.
4-   Warbaahinta Qaranka ha ahaato idaacad,TV, iyo Wargeys waa inay si siman ay waqtiga iyo ka waranka u siiyaan seddexda xisbi.
5-   Ciidanka Qaranka iyo boolisku waa inay ka fogaadaan xisbinimada

Hawlahaasi waxay u baahan yihiin in dhakhso looga hawl-galo, cid walibana ku dedaasho siday u taabogeli lahayd. Waa hawlo u baahan wacyigelin, iyo inay bulshadu si wadajir ah uga hawl gasho. Waa sida aynu ku gaadhi karno cadlaad, codka muwaadinkuna isku miisaan yahay  oynu si dhab ah ugu dooran karno cid aynu u igmano hoggaanka dalka. Waxa shaqada helaaya cidda codkeena hesha, ma aha cida loo iibiyo, ma aha cida codkeena boobta. Shaqada bulshoweynta ayaa leh, qofka ay dooratana shaqada u dhiibanaysa muddo cayiman.
Waxa iyana la yaab leh iyadoo miisaaanku dhankooda u ciirsan yahay, ayey haddana xukuumadda laga soo daayey calaacal iyo cabasho. Ma u eegtay habaas-isku qaran iyo kiis iska waal. Ma tahay hoosaasin iyo xaalad abuur lagu dambabasaayo falalka sharciga ka baxsan ee ay ku hawlan yihiin.
Kolka Wasiirku iyo saraakiisha xisbigu leeyihiin "Waxaanu ognay in 10 kaadh qof qaatay" yey tahay inay wax ka qabtaan. Inay tahay been abuur iyo carqaladeen waxa ka dhigaaya iyaga oo meel walba ka sheegaaya iyo iyadoon qof keliya lagu dacween inuu haysto hal kaadh wax ka badan.

Wey asiibeen Komishanku kolkay ka dalbadeen in ay tahay waajib saran boolisku inuu qabto ciddii hal kaadh wax ka badan haysata. Xalkuna waxa uu ku noqday amba shib dhe amba sheeg oo dacwee..Yey se dacweeyaan inaynu waxaba iyagaa sameeyey ooy gondohooda fadhidaaye.
Teeda kale haddii Kilinka Shanaad( Somali Region) ee Itoobiya laga diiwaangaliyey kana codeeyeen 2,700,000 maxaa Milyanka cod  dadka qaar u qaadan la' yihiin. Waliba ogow Itobiya waxa fooda 18 jirka ee ma aha sideena 16 jirka. Dal walba waxa badan da'da codka xaqqa u leh. Tirada dadkeena waxa laga dheehan karaa inta is-diiwaangelisay. Midna yaan leysku qaldin dadkii hore u codeeyey iyo inta-codeenta xaqa u leh. Kol walba kuwa codka bixiyaa wey ka yar yihiin.

Aan idinku dhaafo wadhii ugu xumeed iyo xaalka UDUB.Bal akhri falkan ka dhacay Ceerigaabo iyo sharci-darrado heerka ay gaadhay.

WASIIR KU XIGEENKA CADAALADA OO LA SHEEGAY INUU XABSIGA KALA BAXAY GUDDOOMIYIHII UDUB EE CEERIGAABO OO DORAAD BASTOOLAD ULA BAXAY KOMISHANKA


Aan mahad kale u gudbiyo Komishanka gartay inayna UCID u eexan, UDUB u eexan, KULMIYE u eexan, midnana ayna ka eexan, gartay inayna dhaarta iyo mas'uuliyadda xilkooda ayna u wehelin arrin kale oo miiska hoostiisa lala geli jiray. Waa wadaan ee inta idiin hadhsan sidan oo kale iyo si ka wacan u guta, ILLAAHAYNA haydiin fududeeyo.
Bulhsow waxa kula gudboon inaad xaqa ugu qaalisan ee muwaadin leeyahay aad adkeyso, aad ka dhigto mid aan lacagi jari Karin, mid aan xoog iyo tuugo lagu heli Karin, mid aanu heli Karin cid aan xaq u lahayni. Waa kaadhka ku siinaaya awodda cod-bixinta. Qaado oo ilaasho, una gudo xilkaaga si aad qaarnkaaga u doorto hoggaan Soomaliland oo wadajirta u hogaamiye horumar iyo cadaalad sinta muwaadinka. Codkaaga ku ciil bax, oo ku tuur kuwa ku faanay "Inay sida goofanaha ka soo go'een xatooyada hantida qaranka". CODKAAGA KU DOORO aqoonta, daacadda. Diid Wasiir caaqil ah, iska xoree Suldaan basaas ah. Codkaaga ku Ciil Bax oo u codee KULMIYE isagaa leh barnaamaj isbedel, ha khasaarin Codkaaga , yaanu cadow kugu noqone.

Degdeg. waxaan ka naxay warkan ay qortay Qaran ayna ka soo xigatay Waaheen oo u qornaa sidan:  

War Deg-deg ah Guddoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga UDUB oo lagu Dilay Xafiiskiisa http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=8126&Itemid=62
Anigoo naxsan ayaan gujiyey, mise waa Cismaan oo gacantu duubantay. Waxaan canbaareynayaa cid kasta oo fal noocan ah ku kacda, Cismaana waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah,sidoo kale ha laga daayo warbaahinta cinwaanda dhiilada iyo dab-hurinta wata. Websiteyada kale waxa ay qoreen waa "la dhaawacay" halka kuwan qoreen "Waa la dilay"

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah

Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:

Ahmed Arwo

JOIN SAMOTALIS Group

JOIN SAMOTALIS Page AT:


http://samotalis.blogspot.com/

--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 5/26/2010 03:46:00 PM

No comments: