06 August, 2009

Tix gaaban oo loogu baroordiiqayo Cali maarshaal

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Tix gaaban oo gabay ah oo loogu baroordiiqayo Marxuum Cali Xaaji Muxumed Guuleed, Waxaa tirinaya Mubarak Mohamed Nur qoorubaxay  Halkan ka dhegayso Tixdaas gaaban ee baroordiiqda ah
 
Hadii mawdku ruux daynayoo dunidu waarayso
ambiyadii ayaan laga dileen laysu soo diraye
In dadoow la wada mootan yahay waa daliil dhaba'e
hadbase taw danbaysaa Nafluhu dib u xasuustaa!
 
Hadii maanta duug lagu hubsaday Dirici Maarshaalba
halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay
dun wanaag daryeelkiyo xaquu abid la duubnaado
salaadaan daayicin waqii duug intuu jiraye
allaylehe nin damaluu ahaa  Daacada ilaahe,
 
Duco iyo waxaan marinayaa diin intaan kare
dariiqii rasuulkiyo kuwaad siisay derajaadka
Janadaada doorka ah kuwaad daarta uga yeeshay
ee naarta laga dayray iyo diga kulaylkeeda,
adaa daayinow kara waxaan cidina diidayne
Naxariista duugmada markaa laga dareerayo
malagyada la soo diray midkaad dowga garansiiso
dibnihiisa tawxiid midkii kara dabuubtaada
ee aan dariiqii ka lumin dawyada siraadka
Allaha daayinow inaad janada meelsan uga doorto
Oo fardawsa uu dego ayaan kaa duraansadaye,
 
dayartiyo agoontuu ka tegay daa'imiyo maato
samir aan ka duugoobin iyo doobi naxariisa
iyagana docdoodii ka yeel daawa lagu raysto
Anaguna diwaanada tacsida waa u diraynaaye
Kulmiye iyo dadweynuhaba waw maalin dayra ahe
damiirkiyo caqliga iyo jidhkaa noo dubaaxsamaye
Xusuustiisa baan naga damayn boqol diraacoode
Allahayoow digniin noogu filan duubigaa jabay

No comments: