06 August, 2009

“Halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay, Allaylehe nin damaluu ahaa Daacada ilaahe” Baroordiiq Mubaarik Qoorubaxay u tiriyay Marxuum Ali Gulaid Ali Marshal

"Halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay, Allaylehe nin damaluu ahaa Daacada ilaahe" Baroordiiq Mubaarik Qoorubaxay u tiriyay Marxuum Ali Gulaid Ali Marshal

Cali-Maarshaal (Bidix- Marxuumka dhintay) iyo Guddoomiye-xigeenka 2aad ee dhaawacmayCabdiraxmaan cabdiqaadir"

 

TACSI GEERI NAXDIN LEH

Waxaa maanta oo ah Khamiis bishan August na tahay 6 2009 ku geeriyooday shil baabuur,  Alle naxariistii jano haka waraabshee Marxuum Ali Gulaid Ali Marshal". Mujaahidkan Ali, oo maamus iyo magacba ku leh ummada Somaliland, waxaa uu ka mid ahaa assaasayaashii SNM, aqoon yahayn kasoo shaqeeyay wadamo faro badan oo caalamka ka tirsan, iminkana ku sagnaa dalka Somaliland mudo lixbilood ah. Wakhtigan oo uu hay'ay xilka Gudoomiyaha  olalaha doorashada ee Xisbiga Kulmiye, ee gobolada galbeedka. Marxuumkan ayaa maanta kula qalibmay gaadhigii uu la socday isaga oo ka hortagaya Gudoomiyahii Xisbiga Kulmiye oo isagu kasoo dagayay magaalada Berbera, Somaliland.

Marxuum Ali Gulaid, waxa aanu eebe uga baryaynaa in uu qabriga u nuuro, eheladii, asxaabta iyo dhamaan ummada Somaliland na waxa aanu leenahay samir iyo iimaan ilaahay ha idinka wada siiyo.

Waxa aanu jecelnahay in qoraalkan aanu ku soo gunaanadno baroordiiqdan, oo manta ka tarjumaysa warkaa naxdinta leh, ee naloo soo sheegay.

Gabay Tacsiyeed

Abwaan Axmed Maxamed Nuur-dhako

 

 

Warka sida jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay,

Ee maanta dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay,

Jariidaadku goortay qoreen amase joornaalku,

Judhii ay maqleen bay dadkii wada jareeyeene,

Nin waliba halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye,

Jariiradda iyo oohintiyo jiibta iyo taaha,

Iyo qaar iyaga oo aan jug qabin juuqba laga waayay,

Badhna jiifka aamine wadnaha jararacdiisiiye,

Mooraalka jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya,

Jawigoo beddelan bay dadkii jidadka buuxsheene,

Allahayow jannee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

                                Aamiin

Heduse way jirtaye geeriyaha midiba waa jaade,

Haddii ruux jacayl loo qabaa dunida joogaayo,

Oo malag arwaax uu jar yidhi jamasho ay baajin,

Jaliilkeenu kuu soo diray ayaa iilka jiifsadaye,

Ambiyaalihii lama jareen jawharta ahayde,

Dhammaanteen jidkaa geeridaa jaa'is loo yahaye,

Ninba inuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,

Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,

Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,

Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

                           Aamiin 

Jeedaalo goortaan ku dayo jabadkii aan aallay,

Ee uu jarmaadiyo kallaho igaga soo jiiday,

Jidkii uu dadweynaha la maray jaranjartii dawga,

Jilbis iyo abees iyo wuxuu halaq la soo jiidhay,

Jiidh debecsanaantuu bulshada kula hejaan-qaaday,

Uu kala jihaynaayay iyo nabad jacalkiisii,

Jambaynkii iyo hoguu kala bixiyo jar iyo laalaadka,

Haddii aan distoor jirin dadyahow tala majoogteene,

Jidkuu sii banneeyay anfacay maamulkoo jiray,

Markuu tiirar aan naga jabayn jooji yuu tegaye,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa,

                                Aamiin

Jisaskii Qur'aanka oo dhan lagu jaan-gooyo,

Jaliilkaan baryanaa inuu naga ajiibaaye,

Jirabkiyo ciqaabtiyo raboow jaynafkiyo oonka,

Jahanama kuwaa lagu guray ee jixijix loo diiday,

Ilaahay kuwaa jabay adiga kulama soo joojo,

Jamhuuriyadda Somaliland shacab wixii jooga,

Ubadkaaga kuu jeelan iyo jaanka ahalkaaga,

Iyana samiir jamiilbay naftii ugu jawaabeene,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa.

                           Aamiin

No comments: