08 August, 2009

Marxuum Cali-Maarshaal oo si heer Qaran ah loogu aasay Hargeysa....

BubbleShare: Share photos - Find great Clip Art Images.

Hargeysa - Madaxii Ololaha Gobollada Galbeedka Somaliland ee Xisbiga Kulmiye Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Marshaal) ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada Kulmiye, UDUB iyo UCID, Shirguddoonka Baarlamaanka, Xukuumadda, Salaadiin, Culima'udiin iyo boqollaal dadweyne ah, ayaa maanta ka dhacay Xabaalaha Boqol JIre ee Magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo dhaawac shalay ka soo gaadhay Shil Baabuur ugu geeriyooday Cusbatalka guud ee Magaalada Berbera, ayaa Munaasibadda Aaskiisa waxa ka hadlay Masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiy-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiiro, Sh. Aadan Muxumed Xiirey (Sh. Aadan Siiro), Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir iyo qaar kale oo badan. Kuwaas oo dhammaantood tacsi tiiraanyo leh u diray Guud ahaan Shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye, taageerayaashiisa iyo eheladii Marxuumka. Waxaanay Ilaahay Marxuumka uga baryeen in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Marshaal) oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Kulmiye, ayaa geeriyooday shalay ka dib markii meel duleedka Berbera ah uu kula guddoomay Gaadhi ay wateen Masuuliyiin uu ka mid ahaa oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo u socday soo dhawaynta Guddoomiyaha Kulmiye oo ka soo laabtay Socdaal uu Kenya ku tegay, kaas oo ka soo degayay Madaarka Berbera.

Geerida Marxuumka waxa tacsi ka diray Madaxweyne Rayaale, Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan iyo Siyaasiyiin kala duwan. Waxaanay Ilaahay uga baryeen in uu samir iyo Iimaan ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii Marxuumka.http://samotalis.blogspot.com/

No comments: