02 April, 2009

BAAQII TAAGEERADA XISBIGA KULMIYE

BAAQII TAAGEERADA XISBIGA KULMIYE
Baaq Taageero ah :- Tageerayaasha Kulmiye ee Qaaradaha Yurub Iyo W/America  Go'aanka Xisbiga Kulmiye,Kulmiyow Ku adkaysata Go'aankiinaa Maanta.
01/04/09
 
 
 
 
 
 
Anaga oo ah Tageerayaasha Xisbiga Weyn ee Kulmiye  ee Qaaradaha Yurub Iyo W/Ameerica , ka dib markii aanu shirar isugu nimi , xidhiidhna aanu wada samaynay , waxaanu isku raacnay in ay xaaraan tahay muddo kordhinta loo kordhiyey Daahir Riyaale oo loo maray  sifo aan  sharciga iyo distoorka waafaqsanayn  iyo soo jeedintii Guddida Komishanka. Waxaanu hanbalyeeynaynaa  Hogaanka guud ee xisbiga Kulmiye mawqifka adag ee uu iska taagay go'aanka ay markale mudada lixda bilood ah ugu kordhiyeen madaxweyne Riyaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana waxaanu  ugu baaqaynaa guud ahaanba bulshada Somaliland inay ku bararugan Badbaadinta masiirkooda.

Hadii aanu nahay Tageerayaasha Qurbajooga ee xisbiga Kulmiye ee Qaaradaha Yurub Iyo W/America anaga oo ku hadlayna codkayaga iyo afka guud ahaanba Taageerayaasha xisbiga ee ku nool Qaaradahaas waxaanu Taagersanahay Badheedhaha hogaanka guud ee Xisbiga Kulmiye  ee soo baxay 31/ 03/2009 ee  uu  kaga dhawaaqay  magaalada Hargeysa kaas oo uu hogaanka sare ee xisbigu ku cadeeyey:-

-          In aanu Xisbiga kulmiye marnaba ogolayn go'aanka sharci darada ah ee ay guurtidu markale mudada lixda Bilood ah ugu kordhisay Riyaale iyo kuxigeenkiisa,

-          Isla markaana aanu xisbiga kulmiye aqoonsan doonin marka la gaadho 6-da  April Madaxtinimada Riyaale iyo ku xigeenkiisa maadaama oo ay dhamaatay mudadii sharci ee Xilkoodu.

       Hadaba anaga oo ah  Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Qaaradaha Yurub Iyo W/America  waxaanu taageeraynaa kuna hanbalyeynayanaa mowqifka sharci ah ee uu hogaanka guud ee xisbigu iska taagay go'aankii afgenbiga ahaa ee Golaha Guurtida ka soo yeedhay , Bulshada Dalkana waxaanu ugu baaqaynaa in ay Badbaadiyaan Masiirkooda oo aanay dhegta ka dhegaysan ficilada  aan sharciga waafaqsanayn ee lagu wiiqayo geedi socodkii iyo dhamaystirka nidaamkii dimuqraadiyada ee Qaranka Somaliland ku hiigsanaayey inay Fure u noqoto aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland ka hesho bulshada Caalamka.Waxaanu  aanu si buuxda u taageersanahay Go,aanka xisbigu gaadhay oo ah in aan loo aqoonsanaan-doonin Riyaale iyo ku xigeenkiisa , wixii ka danbaysa 6/04/09.
waxaana aanu si xoogle u tageersanahay Go,aankaa  xisbiga ,anagoo ah Qurbajooga Yurub Iyo W/Amerika oo ay ka hayso markasta lexejecladu Somaliland.

 Waxaanu cabaaraynaynaa xubnihii guurtida ee dhuuniqatayaasha ahaa  ee sida arxandarada ah dalka u geliyey marxalada mugdiga ee uu galay , kuwaas oo dantooda gaarka  ah ka hormariyey mida qaranka, waxaanaan kaga jiraan taariikhda Somaliland  baal aad u madow oo aan ka masaxmi doonin weligeed . Waxaa xushmad iyo sharaf  naga mudan in aanu xusno wanaaga  iyo karaamada ay madashaa ka qateen xubnihii guurtida ahaa ee sida geesinamada leh u diiday muddo kordhinta xukuumada waqtigeedii maalmaaha yari ka hadhsanyihiin, waanu idiinku hanbalyeynaynaa Arinkaa Gobonimada ah ee aad samayseen waxaa idin xusi-doonta taariikhda. Waanay jirtay abidkeed in aduunyada  inay isgarabsocdaan qof gobanimo wax ku tageera iyo dabadhilif la adeegsado waxaanaad ka mudantihiin shacabka Somaliland Xushman iyo qadarin .
      Waxaanaan u sheegaynaa Shacabka Somaliland ee jecel wadankooda iyo Hogaamiyaasha Xisbiga Kulmiye , in aan laga  niyad jab xaallada siyaasadeed ee dalka la geliyey, waxa aanu si buuxda idiinku garab taaganahay,  go'aankaa aad  qaateen, waxaanu idinku  hambalyaynanaa hawsha balaadhan ee aad qaranka u haysaan iyo go'aankaa geesinimada leh ee aad gaadheen, waxaan rajeynaynaa in ay soo socdaan isbedel siyaasadeed, waana bahdilaad loo gaystay,xaqiiqadaii, nabadii iyo wada noolaashiiyihii ummada, guushana naawila .
 

              -Allaa Mahadleh-.
 Magacyada dadka qoray Baaqan  waxay ka badanyihiin 210Qof lakiin waxaan ka soo qaadanay qaar ka mida ……
 

1.       Cabdirisaaq axmed nuur.                           UK

2.      Adan Yusuf Cilmi.                                        UK

3.      Xariir Haybe Abdi  .                                 Austarilia

4.      Khaliil Cabdilaahi Maxamud              Newsealand

5.      Axmed Xasan Jaamac(Axmed Indho).   Canada

6.      Khaliif Cabdilaahi Axmed  ,                          USA

7.      Siciid Codey ,                                                     UK

8.      Diiriye Maxamuud Olol,                                 UK

9.      Caydaruus Xuseen Maxamed                      Holland.

10.  Yaasir Daahir Xasan                                      Holland.

11.   Qaalib Maxamuud Cali(Barkhadcas),        Denmark.

12.   Mustafe Adan Shanle .                                     UK,

13.   Maxamuud Cali Axmed(Jaadhi)                    UK,

14.   Cabdiraxmaan Cawil Xasan,                           UK,

15.   Omar Axmed Cali , (CumarFaryar)               UK,

16.   Maxamuud Axmed Ciise(Jeeg),                     UK,

17.  Yasiin  Keyse                                                      UK,

18.   Jaamac Heybe Galaal,                                     UK,

19.   Cabdiraxmaan Shiine,                                     UK,

20.  Cabdifataax Qaadi Maxamuud                      UK,

21.   Cabdiweli Axmed Jaamac(Berberaawi), Norway

22.  Axmed Yaasiin Cali ,                                    Norway,

23.  Xaashi Faarax Senigaal ..                               UK,

24.  Cabdilaahi Maxamed Cali                          Finland

25.    Xuseen Axmed Qaasim ,                              UK

26.  Jaamac Faarax Cali ,                                       USA

27.  Hamse Adan Jaamac                                Denmark

28.  Jamac cabdi Sugaal (Jaamac Madobe)    USA

29.  Siciid Cabdilaahi Sugaal(Siciid Bikiin)      UK

30.  Faarax Xaaji Haybe,                           Newsealand

31.   Keyse Cawil Samatar,                            Holland

32.  Omar Nuur Ducaale                                 UK

33.  Osmaan Nuur Ducaale                            UK

34.  Keysar Axmed Qaalib                              USA

35.  C/Xaliin Geedi Jaamac                       Finland

 

Adan Nuur (adanyusuf@hotmail.com)

 

 

 



 
.

__,_._,___

No comments: