30 March, 2009

XOGHAYA UDUB OO QIRAY INAY AHAYD EED CULUS HADALO UU DHAWAAN U JEEDIYEY KULMIY


Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa qiray hadalo uu dhawaan u jeediyey xisbiga KULMIYE inay ahayd eed culus balse taasi ay timid ka dib markii xisbiga KULMIYE waxkasta oo la isugu yimaado uu miiska wada hadalka ka kaco ama uu diido inuu yimaado.

Xoghayaha UDUB waxa uu sidaa ka sheegay mar uu xalay waraysi siiyey qaar ka mid ah warbaahinta, waxanu yidhi 'horta xisbiyadu inay dhib iyo shucuur colaadeed haba yaraatee abuuraan maaha, haday dhacday inaanu xisbi ahaan UCID iyo udub ahaan aanu midkaa isla ogolaanay in wixii hore-ba loo samayn waayay imikaba la sameeyo waxbana kama qabno in la sameeyo komishan saddexda xisbi ah oo ilaaliya waxa ay ka cabanayaan dee nasiib darro waxa ah in marwalba xisbiga saddexaad uu ka kacayo fadhiga ama uu diidayo inuu yimaado.

S. hore-ba go'aamadii bay ugu jirtay in la sameeyo masalan guddi hoosaadkaasi ilaaliya hantidii ummada booliiskii, warbaahintii oo la idinku eedaynayo TV-ga iyo idaacada dawlada wixii UDUB uun ah inaad ka sii daysaan ee aan laga sii dayn xisbiyada mucaaridka ah, oo hore-ba ay taa idiinku eedeeyeen inkasta oo la qoray oo aydaan fulin, maxaad ka leedahay?

J. walaahi anagu sidaanu qabno waxa weeye in markay noqoto muuqaal iyo qoraalba wixii Media-ha ku saabsan in ay xisbiga ugu cabashada badan lihi uu yahay ka ugu fadalada dhaadheer ugu muuqaalka badan laakiin haddii imikaba la yidhaahdo guddidaa hala sameeyo oo si isku miisaaman media-ha isticmaalkiisa ha loogu sinaado udub ahaan wax aanu ka qabnaa ma jirto.

S. xogahayaha guud baad tahay xisbiga kulmiye oo kale waxay dhawr jeer oo aad warsaxaafadeed aad soo saartay ay cabashooyin ka soo jeediyeen ay warsaxaafadeedyadaasi yihiin kuwo dagaalo hurinaya oo aan loo baahnayan adigoo ku tilmaamay KULMIYE ay dagaal oogayaal yihiin, taasi ka waran eedaasi miyaanay mid culus ahayn?

J. eed culus weeyaan waxana waxaa keenaya marku wax walba maya yidhaahdo aan miiska isugu nimaaadno oo wada hadalo oo wixii dhibaato ah ee jira aan xalilo la yidhahdo ee uu maya yidhaahdo, marka uu mar walba masabidaad uu sameeyo ee wax Legal Reference ah u samaynaynin.

S. laakiin gudoomiyaha KULMIYE oo aanu waraysanay idinka ayuu ku eedaynayaa masabidaad iyo hafar in aad samaysaan, mida kale haddii ay masalan ka kacaan waxay leeyihiin in la nagu yidhaahdo maaha waa dagaal oogayaal taa maxaad ka leedahay?

J. horta rag badani oo SNM- ah way ku jiraan xisbigaa kamana dhigno in aanay labada xisbi ee kale ku jirin laakiin waxa weeyey marka aad doonto wax ka baxsan sharciga mar walba oo maya uun aad la soo taagnaato oo noocas oo kale facaa'ilkaagu ku sifoobaan dee wax sharcigii iyo kala dambayntii waxyeelaya marka aad la timaado waa markaa marka jawi iyo colaadu abuurmaysaa ta aanu ku tilmaamaynaa waa taa weeye ee laakiin waanu jecelahay sida xaqiiqda ah inay ka waantoobaan waayo waa xisbi qaran sida axsaabta kale oo aanu jecelahay in uu jiritaankiisu dimoqraadiyada wadanka ay ka mid ahaato.

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac yaasiin Faarax ayaa waraysigiisani ujeedada iyo nuxurka uu xambaarsanaa aan ahayn mid cad isla markaana ahaamid aan faahfaahsanayn.
Haatuf

No comments: