02 February, 2009

CODKAAGA KU CIIL BAX (2)


Qalinkii: Ahmed Arwo


Dawladii waa tee? Wanaageed waa maxay? Yaa u baahan ? Dal yaa dumiya?. Ma dawlad xumaa dal burburisa mise Mucaarad dimuquraadi ah? Dawladdu ma’iyaadaa dadka leh? Mise dadkaa dawladda leh? Waa su’aalo fudud bal se jawaabtoodu tahay mid qotodheer oo u baahan in dhab loo fahmo, si looga midho-dhaliyo dimuquraadiyadda . Waxaana laga qoray buugaag aan tiro lahayn.
Ujeedada aan u keenay waa diirinta maskaxdaada si aad iila qiimeyso teena iyo baahida ina haysata. Ma aha inaad waxaan qoroo dhan qaadato. Muhiimku waa inaad naftaada isweydiiso su’aalo u baahan jawaabo , si aad u raacdo jaangooyo ta ugu fiican eed dadkaaga ku dhiqi lahayd.
Isku dayimaayo inaan su’aalahaas manta ka wado jawaabo, xataa inaan mid qudha si habboon uga jawaabo. Ereyo kooban oo dul-xaadhis ah ayaan qaarkood ku tilmaami, qiimeynta inta badan waxaan u dhaafayaa qof iyo maankiisa.Dawladii waa maamul awood u leh inuu fuliyo barnaamaj uu ku agaasimo dadkiisa, lehna deegaan xadidan oo la yaqaan. Wanaageedu waa inay awood ka hesho dadweynaha, ay maamulayso, si daacad ahna u fuliso hawsha loo igmaday. Waana inay ku timaadaa hab doorasho xalaal ah, hufan oo loo siman yahay. Waxaa ka dhasha hoggaamiyaal kala duwan oo kala ujeedo ah.
Waxa ka mid ah nooca madaxda Afriki u badantay. Waxay ku yimaadaan doorasho mana jecla in mid kale ka dambeyso. Hadafkoodu ma dhaafsana kuleelinta kursiga inta ay noolyihiin. Wax-qabad ka aradan, cadaalad ka durugsan, naxariis kala tege, waxuu ku hawlan yahay kordinta uu ku badinaayo xabagta uu kursiga isagu dhejiyey. Talo kale ma taal
Arrinkiisu ma dhaafsana. Anigaa. Aniga,Aniga. Anigaa keenay dubaaladda, faynuuska iyo gaastaba. Anigaa nalka shida oo damiya. Anigaa ah madaxa keliya ee fakira. Anigaa dalka hooyo iyo aabbo u aha. Inta kale waa khaa,in iyo wax ma tare. La’aantay waa baaba’ iyo hoog. Waa masiibo iyo deganaansho la,aan. Madaxa taas aaminsani waxuu maalka dawladda u arkaa mid uu keli leeyahay. Waxuuna ku bixiyaa kala furka bulshada, si uu u xaqiijiyo inaan dabadii la ladin. Waxuu deeqsi ku yahay sooryada afmiinshaarada, cumaamad beenaalayaasha, iyo colka uga soo baqoola daafaha dunida. Waa qurbojooga ku xaragooda baabuur dawladeed, baansiin bilaash ah iyo jiif hudheel. Waxuu rumeystaa wax kasta oo isaga wanaag ka sheegaaya, been iyo run tay doonto ha ahaatee. Waxa uu diidaa talo kasta oo uu u arko in si dadban isaga waxqabadkiisa looga sheegaayo. Dhegahiisa waxa haysta koox, maqashiisa laxanka uu jecel yahay iyo geerarka ...adoo kale dunidaba muu iman. Haddaad Wasiir wax ka sheegto, haddaad karaani dhaliisho, iyo haddaad askari ka cabato, waxuu u arkaa inaad isaga diidan tahay ood dhaliileyso. Waa halkuu cidda laga cabanaayo, uu wax ka qaban lahaa.
Waxuu yidhi falaysuuf siyaasadeed oo ka hadlaaya dawladnimadu “Dalkaaga ka ilaali cadowgiisa. Cadowgiisa ugu weynina waa dawladiisa”. Waa hadal run ah oo biyo kama dhibcaan ah. Waxa hubaal ah in dal ay dumiso dawlad xumo. Dal mucaarid ma baa’biiyo. Waayo mucaarid sinna uma guulaysto haddayna dawlad xumo jirin. Dawlad xun ayaa laga guulaystaa, waa meesha ugu fiican ee dimuquraadiyadi ka jirto. Haddii kale arrintu ka xun oo baab’a iyo burburbay dhalisaa. Soomalina taas loo tilmaamimayo.
Markaad afkaartaas ku dul nasato, maxaa kaga soo baxaaya hoggaanka dawladeena. Ma tahay mid qaladka laga qaban karo? Ma tahay mid xisaab ogol? Ma tahay mid danyarta u naxda? Ma tahay mid cadaaladi agteeda taalo? Ogow inaan tan iyo intii Madaxweyne Riyaale xilka hayey aan marna xisaab celin Golaha Wakiilada la keenin. Waana waajib distoori ah oo sanadle ah. Miisaaniyadii sanadkan weli lama hayo. Kii horena weynu ogeen in mid kale oon la ansixin lagu dhaqmay.
Dadweynow noqo ka ku dhiirada inuu hoggaanka gees maray shaqadii ay u dhiibteen, bedeli karo oo uu eryi karo. Waa awood uu dadweynahu leeyahay, oon cidi is-hortaagi karin hadday gartaan sida loo isticmaalo.Waa ammuur hawl yar. Waa CODKAAGA OOD KU CIIL BAXDO. Waa adigoo fursad siiya wadaniga wata barnaamaj uu dalka ku dhiso, dadka cadaalad ku maamulo., kaaramadaada iyo magacaaga kor u qaado. Haa waad kartaa. Waad kartaa inaad isbedel kheyr leh sameyso. Waad kartaa inaad ka aargoosato, adoon xabbad ridin. Ka xorow ganacsi koota ah.
Tuur maamulka awoodiisu go’aan ka gaadhi weyday dhul kaabadda u saran caasimadda oo Awdal iyo Hargeysa midna raacin kari waayey, seddex doorasho gudahood, tii afraadna manta taagantay. Waa tamar daro, iyo mas’uuliyad darro markay ugu ladantay, haddayna ahayn cadownimo iyo isku-dir beelo walaalo ah, daris ah, abti, seedi,inaabti iyo wada habarwadaag ah. Waa tabtii isticmaarka ee ahayd QAYBI OO XUKUN. Ha qoomamayn, ha ciishoon, u dhaadhici garaadkaaga inaad karto isbedel. Hadii shalay CODKAAGI CADOW KUGU NOQDAY, manta ku ciil bax.
Maanta ayey mar kale kuu timid. Adigaa haysta middida daabkeedii. Waa ayaamo uun ninka nooli, berriba waxa ina hor imanaysa maalintii awoodda oo dhammi dadweynaha u noqonaysay.. Waa doorashada iyo dharaartii miskiinku taajka lahaa. Mar hore haddii lagu dagay, maanta ku hubso inaad calaamadda si xoog leh, xarago leh, geesinnimo leh aad ku xaradho warqadda cod-bixinta KULMIYE. Haa waad kartaa inaad la xisaabtanto ciddii ku dhacday, ku dishay, ku xidhay si xaq darro ah....Xusuusu Abwaan Cali Sugulle iyo heestii NIN AGOON KU XADAY QALIN QAAXO KAMA FOGAATO...Xaq ninkii lehi dabo joogaa ma baaqdo.. Noqo ka aan ka nasan, ka daalin, ka jeedsan raadinta xaqiisa. HAA WAAD KARTAA inaad samirkaaga ku guulaysato. Waa codkaaga kan kuu ah rasaas aan halaabin, mid aan yoolka lala waayin, mid iyadoon cidna ka dhiijin xaqaaga kuu soo hoyn kartaa. KU CIIL BAX CODKAAGA oo u hiili ubadkaaga, una codee isbedelka. Ha noqon kan lagu laaluusho hantidiisa. Ha macaansan xatooyo, cadaabi ka dambeyso.
Mar kale jaleec hareerahaaga.Waa isbedel kale oo mandaqadda ka dhacay dorraad waxa loo doortay Madaxweyne Sharif Sh Axmed dalka Soomaliya oo muddo dheer dhiig baxaayey. Waxa la tartamay Madaxii Dawladda ee xilka hayey RW Nuur Cadde iyo Wiilkii dawladii duntay ee Inna Barre, Labadaba waxa boodhka cunsiiyey xiinka iyo guuxa isbedel-doonka. Waana astaan kale in Soomalilandna isbedeldoonku guulaysan doono Insha Allah, Madaxweyne 12 sano ku jiray Madaxtooyada laga sugimaayo wax aan ahayn waxii muddadaas looga bartay. Dadweynahu garaadkooda wey qabaan.
Wiigan waxa dhacayaa shirkii UDUB ee labo sano muddo dhaafay. Fool raagtay iyo docasho dabadeed, ma noqon doono mid lagu tartamo oo raggu garab iyo gaashaan isula baxo oo uu ka soo baxo nin ah birlab la tumay oo la soo gubay, mise waxuu noqon mid aan waxba bedelin oo qabashadiisu tahay dhib iyo hawl la korodhsaday. Aan u daayo dhowrka berri ee soo socda. Dadweynow dhegaha furo, oo indhaha ku hay sida uu shirkaasi u dhaco, waa tilmaam cad ood mar kale u helaysaan inaad qiimeysaan wax-qabadkii aad horeyba u taqaanay. Waa fursad kale ee aan siino xisbiga xukuumadda 18toban jirsatay.


QODOBKA 88AAD
MUDDADA XILKA

1. Muddada xilka ee Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.
2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.


U fiirso ereyada Qofna .....ma qaban karo. Lama odhan Qofna looma dooran karo laba jeer wax ka badan...Madaxweyne Riyaale xilka ma qabtay laba jeer? Haa.
Aan idinku dhaafo qodabkaas, u muuqda mid la xooray. Haddii la ogyahay oo dan-guud loo tuuray waa in sidaas lagu bayaamiyaa. Hadday tahay se si kale waa ayaan darro inagu habsatay. Waxaas oo dhan ku ilow doorashada kaabadda inoo saaran oo CODKAAGA KU CIIL BAX.

Guji oo akhriso dardaarankii hore:

SAMOTALIS: CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (2)
Waa inoo qormo kale Insha Allah


No comments: