19 August, 2005

CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (2)

Inta aanan maqaalka labaad u gelin, aan dib u jaleeco kii hore. Waxa ila soo xidhiidhay rag dhowr ah oo qaarkood aanu saaxiib nahay, .Nin aanu aad u saxiib nahay oo UDUB ka sharaxan ayaa ka damqaday maqaalka. Waxuu ii sheegay inuu dhammaan arko dhaliisha UDUB leedahay. Isla markaas uu isu sharaxay si uu u baajiyo in la soo sharaxo nin kale oo ah nooca farta loogu yeedho. Isaga iyo rag uu ku tilmaamay tobaneeye ay is arkeen,ayna noqon doonaan qaar aan dhaameel loo ruxin,inta badana la codeen doona mucaaradka, kolka ay dawladdu qaldan tahay.

Waa nin aan ku kalsoonay inuu sidaas yeeli doono, mase aha aqlabiyadda UDUB qaar sidan u dhaqmi doona. Waana taas tan aanu dadweynaha uga digaynaa inay codkooda ka fiirsadaan oo ay soo saareen barlamaan xakamayn kara dawladdan sida foosha xun ugu takri fashay awoodii loo igmaday.Haddaba bal aan u degno maqaalka maanta.

DORASHADA IYO WASIIRADA,SHAQAALAHA DAWLADDA IYO KOMISHANKA
Hab dawladeedka dunida dimuquraadiga ahi, waxuu u qaybsamaa laba nidaam. Midi waa kan wasiiradu ka soo baxaan barlamaan la doorto, waana kan lagu tilmaamo Parliamentary System, kaaso oo inta badan leh Raisul Wasaare awood leh, iyo madaxweyne hab-maamuus leh. Nidaamkaas waa kan dunida inta badani ku shaqayso. Waana mid ku salaysan awoodda bulsho weynta dalka. Waayo barlamanka ayey ka soo dhex baxayaan wasiiradu. Taas oo ka dhigaysa inay yihiin qaar ku yimi doonista dadweynaha.Raggaasi waa rag siyaasiin ah, awood lexaad leh leh. Oo kolka Wasiirnimada laga qaado, ku noqonaaya barlamaanka.Taas darteedna aan u habran Madaxweynha amba Wasiirka Koowaad (Prime Minister). Nidaamkani waxuu ka dhigayaa Wasiirada qaar xisbi ka soo jeeda oo doorashada si toos ah u galaaya.

Haddaba xilliga lagu dawaaqo in olalahu bilaabmay, waxa laga joojiyaa awoodooda oo dhan, waxa xataa laga xidhaaya emailka xafiiskooda, waxa laga qaadaa baabuurta dawladda, waxay noqdaan tartamayaal caadi ah, iyadoo laga xayuubinaayo magaca wasiirka, waxay isticmaalaan magaca Tartame (Candidate). Xilku waxuu ku wareega Agaasimayaasha Guud, iyagoo aan qabanayn wax ka baxsan hawsha caadiga ah. Waxii culus ee dalka ku yimaada, waxa u xil saaran guddi ay ku jiraan Madaxda Xisbiyada ugu Waawaayn dalka. Matalan dalkan Ingiriiska waa madaxda Labada Xisbi Mucaarid, Raiisal Wasaaraha, dhowr wasiir iyo Boqoradda oo Guddoominaysa. Taas ayaa ka dhigaysa tartanka mid xalaal ah, oon la isticmaalin awoodda dawladda maal iyo noolba
Nooca kale ee dawlad dimuquraadi ahi ku timaadaa waa kan la yidhaahdo jamhuuriga ( Presidential System), waxa toos loo doortaa madaxweynaha oo shacabku si toos ah oo gaar ah ay u igmadaan madaxweyne.
Waxa madaxweynahu dhisaa dawlad aan Raisul Wasaare lahayn,taas oo ka dhigaysa isagu inuu yahay Madaxa qaranka iyo Dawladda. Waxuu dhisaa wasiiro aqoon sare iyo khibrad balaadhan leh, oo ka fog xisbiyada,oon ahayn siyaasiin la doortay oo golaayasha Sharci-dejinta ku jira. Waxaana la horkeena Golaha barlamaanka oo guddi u saara soo baadha taariikhda nin waliba leeyahay, ka dibna soo bandhiga warbixin balaadhan, deedna inta loo yeedho ayaa maalmo su'aalo iyo baadhis lagu wadaa. Ka dibna amba la ansaxiyaa amba la diidaa.

Wasiirka habkan lagu doortaa waa mid ka baxsan xisbi, lamana ogola inta uu xilka hayo inuu xisbina u ololeeyo, ma sheegan karo, lama shiri karo, mana maamule karo xisbi. Waa nin aan doorasho xisbi iyo mid dadweyne midna ku iman. Kolka doorashadu socoto iyo mar kale midna uma ololayn karo xisbi. Haddaba iyadoo aynu leenahay waxa aynu qaadanay noocan jamhiuuriga aha, ayaad arkaysaa sida meel ka dhaca lagu hayo dimuquraadiyada. Nimankan wasiirada sheeganayaa goormay xisbi ka soo baxeen oo dadweynu u fooday. Miyeyna ahayn in cid kasta oo xisbi sheeganaysaa noqoto mid ku timaada doonista dadweynaha.Maanta waxaad arkaysa iska daa xisbi ee wasiiro shirinaaya beelo, oo si toos ah ugu ololaynaaya qabiilkooda. Waa ayaan darro in wasiir loo dhiibay hawsha qaranku uu yidhaahdo reerkeena waxaa u fiican sidan. Sidee hawsha qaranka uu u fulin karaa kol haduu talada ku eegeeyo indho qabiil. Maanta waxa qiimo dhac aan la arag lagu sameeyey mansaabkii wasiirka. Waxa loo magacaabay rag aqoon iyo khibrad ka madhan, rag garaadkoodu aanu dhaafsanayn aflagaado iyo dhooqo is marin.

Dar aan cadaalad meelna u soo marin, qaar dadweynaha u yaqaan addoon ay leeyihiin, qaar hantida ay dan yartya ka soo uruuriyeen u isticmaala maal ay gaar u leeyihiin. Qaar sharciga aan ka xishoon, Illaahayna ka baqan.Dar ku xaragooda waxii laga xishoon jiray. Xataa xiligii Inna Barre wasiir shir jaraaid ku qirta oo ku qayliya, beeshayada ayaan u ololaynayaa, iyo qabiilkayga lama maqal. Waa ayaan darro in waxii taliskii macangaga ahaa ka xishooday lala shir yimaadaa.
Bal markaad wasiirada ka timaado eeg. Waa badhasaab, waa taliyaha ciidanka, waa horjoogaha boliska, waa agaasimaha guud waa nin kasta oo hawl qaran haya. Waxa lagu amray ooy si nacasnimo ah u qaateen inay yihiin xisbiga talada haya. Kolka sharciga doorashooyinka Idaacadda maalin kasta looga digaayo inay dhex ka noqdaan doorashada ooy danbi tahay u ololayn xisbi, ayaa rag madax ihi kaba tirsan yihiin golaha dhexe ee xisbiga UDUB. Komishanka waxaa la gudboon inay arrintan baadhaan ooy gacan bir ah wax ku saxaan intaan doorasho dhicin.

Waxa haddaba arrintaba isku fuuqsaday, kolka nin ka tirsan komishanku leeyahay xaq ayaan u leeyhay inaan beeshayda ka dhex ololeeyo.GOODIR waa nin weyn. Waxaan laba sano ka hor ku arkay Birmingham, waxuu iila eekaa nin xishood leh oo af gaaban. Maanta arrinta ka soo yeedhay waa af kala qaad. Hadday garasho la'aan ka tahay waa hoog, hadday badheedh ka tahayna waa ba. Sinaba arrintani ma aha mid la yaraysto. Ma aha mid lagu helaayo doorasho xalaal ah. Waa in si dhakhso ah loo guda galaa oo waajibkeeda la mariyaa.
Dhinaca kale LAALUUSHKAN Madxweynahu hadhka cad sheegeeyo sidee lagu joojiyaa?.Dunida dimuquraadiga ah hawlaha aan ahayn caadiga, wey joogsadaan kolka doorashadu soo dhowaato.Haddaba magacaabista ragii murashaxnimada waayey halkay kaga taalaa dimuquraadiyada.

Sow ma aha laaluush toos ah. Meeday cadaaladi.Maantana waa sheeko kale waa xubin sharafeed. Dal dimuquraadi ah kama dhacdo in madaxweyne keli iska magaabo ciddii uu doono. Waxa la dhisaa nidaam iyo guddi soo bandhigta cidda sharaf dheeraad ah dalka ka mudan, deedna inta la soo koobo, ayaa loo gudbiyaa guddi kale oo sii shandhaysa, deedna magacayo gaaban iyo tilmaamo kooban loo gudbiyaa Madaxweynaha deedna ka soo dhex saara qofkuu la garto gudiyada soo shaandheeyey. Anigaa iska magacaabiya, waa mid ku salaysan nidaamka keli-taliska, oo si toos ah uga soo horjeeda kan aynu qaadanay.
Haddba naf la caariga Riyaale ma la tahay in beelaha uu xaqooda doorasho yaraystay, inuu ku kasbi doono rag marba meel ku magacaabo, Aw Nur iyo Dhoore se mey noqon doonaan daabka gudinta dadkooda lagu dilaayo. Waa arrin labada oday la gudboon inay ka tashadaan, dadkoodana la tashadaan.

Ha ogaadaan sidii uu shalayto uga tegay inuu maantana awrkiisa ku kacsanaayo, kolka ay hawsha dulmiga dadkooda fuliyaana uu debedda dhigi doono. Waxay haystaan fursad dahab ah oo ay ku kasbaan doonista dadweynaha oo aan wax loo dhigaa jirin. Talada ay maanta gaadhaan waa mid la socon doonta inta ay nool yihiin. Illaahay waxaan ka baryayaa in odayaashayda uu talada waafajiyo. Waa inay ogaadaan sidiii looga takhalusay iyo cidda meeshoodii la siiyey. Waa inayna xusuustaan arrinta degaanka ee ka taagan waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, iyadoo dhul ballaadhan oo ka tirsan degmada Hargeysa lagu wareejiyey maamulka Awdal, iyadoo weliba aan Awdal laga sharaxin cid degaamadan ka soo jeeda.
Ha la ogaado kordhinta aan xadka lahayn ee la kowsatay doorashadu inayna sumcadda dawladda waxba u tarayn.

Horeyba rag badani wey la joogaan oo magac u yaal ah. Ogow dawladdani waxay ka koobantay 55 xubnood reer walibana tira ahaan wuu ku wadhwadhay.Waa se halkii laga yidhi xerado waa wada ul oo ul la qaato ma leh. Hadday tiradaasi wax tari weyday, Riyaale laba iyo seddex lagu kordhiyaa wax bedelimaayaan, ee waxaa fiican inaad shaxda si kale u degtid.Waan qaldamay mey ahayn inaan talo dhiibto. Waxa haboon inaad khadkan aad ka baratay ku socotid.Waa inoo doorsho iyo dadweyne garaadkooda qaba, indhahood leh, dhegahooduna furan yihiin, oo la socda bayd kasta ood ciyaarta la timaado, maankoodana ayna cidina qufulan.Waa dad samir badan, kolkaay gadoodaan aan cidi joojin karin. Gadoodka maantu waa mid ku imanaaya doorashada oo ay xaqooda la soo noqdaan. Uma baahna qori iyo qax. Arrintu intaas ka sahlan, oo codkooda ayey ku tuuri doonaan heeryada duliga iyo duudsiga.
Dhinac kale waan yaabay,waan naxay waanan fajacay. Waa oday weyn oo dada ay u weheliso aqoon iyo khibrad maamul. Waan u han weynaa waxuu se u muuqdaa geed qolofi ka dhacday. Odayga waxa laga soo taagay qaylo iyo aflagaado. Adeerkay Xuseen Cali Xirsi,waxaan leeyahay maanta ma tihid ninkii mansabka aflagaadada iyo qolof-ridka sheegan lahaa. Illaahay u toobad keen,kana bari ceesh kan ka kheyr badan. Anaguna Aamiin ayaanu leenahay.Ma tihid ninkii kolba cidda la aflagaadaynaayo loo tilmaami lahaa.Haddaad hadal ka jawaabayso, maxaa u diiday horta inaad hadalka hore idaacadda ka sii dayso, si loo maqlo bal waxaad ka jawaabaysaa waxa uu yahay.

Miyey se tahay in Idaacad Qaran jawaab ay bixiso, aan la maqal waxa laga jawaabaayo. Dadweynahu waa arkaa oo wuu maqlayaa, hab xumida loo isticmaalaaya idaacadda qaranka. Kol kasta oo maamulka UDUB sidan u dhaqmo, waa guul u soo hoyanaysa Kulmiye. Maamulka dawladdan waxa ka marag ah idaacadda ka jawaabta wax ayna sii dayn. Jawaabaha idaacadda ka baxaa waa qaar ka qaawan xishmad iyo karaamo waxayna si toos ah u muujisaa foolxumada hab-u-dhaqanka taliska Madaxweyne Riyaale.OOB. Tanina waa talo kale oo iga baxsatay ee aan sidaa ku xidho waa intaasoo muftaaxi guusha aan UDUB u dhiibaaya.
Waxa Rasuuleenu ka ducaysan jiray: Illaahay danbiyadada dartood ha nagu salidin nin aan kaa baqeen anagana aan noo naxariisanayn. Waa duco fiican oo dadkeenu u baahan yahay inay badiyaan.

DIID UDUB OO U CODEE DANTA DADKAAGA. DIID MANSAB LAALUUSH AH. DIID IN MAALKAAGA LAGUGU LAALUUSHO.U DAMQO UBADKAAGA. XUSUUSO WAXII DHALIYEY DHIBAATADA INA SOO MARTAY. TOOS OO TOOSI INTA HURIDA,INTA LEEXSAN IYO INTA DHADHAAMADA DHUUNI MOODAY. DIID UDUB OO U CODEE DANTA DADKAAGA. HA KA GAABSAN INAAD BARIDO GARGAARKA EEBBE.CUSKO TIIRKA ILLAAHAY ISAGAA GUUSHA KUU HORSEEDIYE. IIMAAN XOOG AH IYO CUDUD TAMARISA.

19 Aug 2005

AHMED ARWO

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: