08 August, 2005

Codkaagu yaanu cadow kugu noqon

Waxa la gaadhay xili dadweyne awood leeyahy. Xili raggii aan la arki jirin fadhidiideen. Xilli wax qabad aan jirin awood loo helay. Xilli xataa Madaxweyne Riyaale gurigii ka soo baxay.Waxa la shirinayaa intii aan la arki jirin. Waxa la siraadayaa wadooyinkii madoobaa, waxa la laamiyeeyay dariiqa madaarka Hargeysa, waxa la keenay Maansha Allee Telefiishan cod iyo muuqaal ah oo Madaxweyhana sii fiican looga daawado. Awdal.Waxa iyana la dhagax dhigay garoonka Boorame, iyadoo marwada lagu ixtiraamay. Waxa Madaxweyne u socdaalayaa dhinaca bari, iyadoo markan aanu gaadhi doonin Laascaanood. Waxa iyana dhankooda ka socdaalay wasiirada debeddda iyo maaliyadda oo Jabuuti gaadhay, waxay soo wadaan balan qaad kale oo ay doorahada dadka maqashiiyaan.Waar yaa bil walba inooga dhiga doorasho.

Bal wax qabadka dawladda eeg. Haddaba dadweynaha waxa la gudboon inay arrimahan u arkaan LAALUUSH, qadyadooda lagu dabraayo. Ogow in tan oo kale hore kuu soo martay. Ogow Gabiilay iyo Oodweyne balamadii loo qaaday, xusuuso Idaacaddii dalka oo dhan gaadhi lahayd oo 3 sano ku jirta miisaaniyadda dawladda. Ogow cadaaladda weli jiifta. Xusuuso in xukunkii degdega ahaa weli jiri. Ha iloobin kumaakunka maxbuus ee xukunka ku sugaaya xaaladda foosha xun ee Guurtida, Wakiilada, wasiirka Gudaha, IYo Maxkamada sare ka dayriyeen ee uu ku sugan yahay xabsiga Hargeysa.Maxaad ka filaysaa gobbalada kale marka sidaad ogeed laga soo dheegay caasimadda.Ha iloobin xabsiguu dhallinta ku dhawaaqday "waxaan rabnaa dawlad tayo leh" loogu taxaabay xabsiyada qaarna jir dil lagu sameeyey.Ma iloobi karno markii weerarka lagu qaaday xarunta Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa iyo Burco. Waa taariikh aan la iloobi karin baadhistii Radio Horyaal iyo xabsiga weriyaasha Dhuxul iyo Hoodo.

Ma xusuusataa falkii Guddoomiyaha UCID lagaga sameeyey Oodweyne iyo Burco,ee kaga timid maamulka Togdheer.Iyana miyeyna ahayn dhacdo la yaab leh, markuu dhexda loo gelay wefdigii Kulmiye ee ku socday Gabiilay.Dib u jaleec dilalka ay gaysteen boolisku. Caasimadda oo keliya maxaa ka dhacay. Sow laba nin oon hubaysnayn oo dhul dhistay rasaas laguma dilin. Sow labada Wasiir ee Gudaha iyo Hawlaha Guud midba kan kale warbaahinta dusha ugama saarin falkaas foosha xun. Khadbadii kali ahayd ee uu Madaxweyne Riyaale ka akhriyey labada Gole bishii Jeenaweri 2005, waxuu ku yidhi" Umaddaa Xaal ayaan ka siiyey eedaynta ay labada wasiir hawada isu mariyeen, anigaan hawshu ii taal iyo wax qabadkeedu". Weli waa la sugayaa wax qabadkii uu ku ballan qaaday. Maxaa se laga qabtay dilkii isna boliska dawladda hoose ku dileen arrin la xidhiidha dhulka. Maxaa se laga yeelay dilkii muwaadinka fasaxa u tegay ee ka soo jeeda Gabooye. Ma xaqbaa in la yidhaa ninka dilka gaystay waxa la xidhayaa 5 sano.

Is maan dhaafka dawladda sare iyo hoosaba, waxa ay fadhiidisay wax-qabadkeeda. Karti-darrada waxa u sal ah aqoon la'aan. Hawsha cid loo igmadaa waxa sal u ah in ciddaas tahay mid garasho u leh waxa laga sugaayo. Haddaba hab-dhaqanka dawladdani waa mid la cadow ah aqoonta, iyadoo xulka manaasiibta lagu helo....si kasta oon ahayn aqoonta. Waxa xil loo dhiibaa rag aan meesha ay fadhiyaan garasho u lahayn. Haddaad makhaayad furato, waxaad raadisaa nin cunta kariska ku fiican, u dhiibimaysid nin geel jire ah, oon weligii dheri dabka saarin.Haddii makhaayadi sidan tahay, bal ka waran xilka loo dhiibaayo wasiirka.Rag aan hor-joog meelna ka noqon,aqoontooda iyo khibradooduba bakeeri ayna buuxin, ayaa wasaarad dhan loo dhiibaa.Maxaad ka filaysaa.. oon ahayn jaahwareer, boob, iyo dhan ka dhasha kalsooni la'aanta iyo kibirka ka iman kara ninkan loo geliyey kabo aad uga weyn. Maxaa ka socda dawladda hoose ee caasimadda. Waa mayoor iyo ku xigeenkiisii oo si fiican uga dayday macalimiintooda, waa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.Somalidu waxay tidhaahdaa haddii hasha weyni durduriso, aaranka maxaad u malayn. Kolkay Madxaweynaha iyo Ku xigeenkiisu au warbaahinta isu galeen, oo ay isu dhigdhigeen.

Xaalkuna gaadhay dacwad iyo shaqo ka fadhiisi, sow ma aha inta ay madaxda u yihiin inay dariiqaas maraan.Waxa caado noqotay in nin waliba war-baahinta u sii daayo, dacaayad ka dhan ah nin ay maamulka wadaagaan. Waa dar aan wanaag laga sugayn,kuwa aan iyagu is ixtiraamin een is qadarin. Dal ma hagi karaan, kuwa aan wada shaqyn karini, kuwa midba kan kale suuqa ugu jiro, kuwashakiga kala qaba ee balaayadu u gacan haadisay.Arrinta taabatay Wasiir Abiib Timacadde oo ahaa rukun adag ee UDUB ku taagantay, waa mid u horseedaysaa guuldarro ay kaga timaado doorashada. Waxa cadaatay in maalinba maalinta ka dambeysa dalku u gacan galaayo nin keli talis ku socda.Waxa taas si toos ah uga sanqadhiyey rag badan oo ka wareegay UDUB. Xisbigii talada loo dhiibay, waxuu noqday mid nin leeyahay. Liiska kama dambaysta ah, waxa keli saxay madaxweynaha.

Taas waxa ka daran inuu Madaxweynahu dacwad u qoro maxkamadda sare uu ku dalbaayo inuu UDUB keli u helo kuraasta gobalka Sool. Taas oo toos uga hor imanaysa seexeexii Xoghayaha Guud ee UDUB kula galay xisbiyada.Waxa se maanta soo baxday inay dheeradaan taliska xisbigu oo ay wada jir Golaha Fulintu sexeexo sida ay dacwaddan uga soo horjeedaan, iyadoo waliba uu la sexeexay Madx/W-xigeenku, ogeysiisna siiyey Madax/w. Waana taas tan joojisay dacwaddii. Waana arrin ka marag kacaysa inaan UDUb ahayn xisbi talo lagu aamin karo.Waayo is-qabsigooda iyo kooxaysigooda ayaa ka horjoogo inay hawsha qaranka qabtaan.

Waxa xusid mudan dhacdadii dhex martay wasiirka warfaafinta iyo kan arrimaha debedda. Meel ka dhaca lagu sameeyey Wasiir Edna oo ah xidigta keliya ee ka dhex iftiimaysa golahan gudcurka ku jira, waa mid dadweynow ay tahay inaad wax ku qaadatid.Waxa aan jeclaa in haweenku ka tiro bato inta sharaxan, waayo waxa hubaal ah inay dhaqan doorin lahaayeen hab maamulka golaha. Waxa la xaqiijiyey in dumarku ragga kaga horeeyaan wada shaqaynta (Teamwork) isla markaas ay afka iyo aqoonta mujtamaca kaga horeeyaan. Waxa daliil u ah labada wareysi ee Radio Horyaal la yeeshay Aniisa iyo Ikraam. Waxaan si aan xisbi lahayn u rajaynayaa inay dhammaan inta dumarka ka sharaxani ku guulaystaan kuraastooda.Ma u darbantay dantaada. Ma doonaysaa cid dalka horumar u horseeda. Ma jeceshay tacliinta, ma u oomantay cadaalad, ma dannaysaa inaad afjarto musuqmaasuqa.

Miyey kula tahay in shan sano oon lahayn xisaabtan, shan sano oon cidi dawladdan Riyaale la xisaabtamin, shan sano oo sex iyo qalad dalku u xidhnaado dawlad aan dabar lahayn, lagu gaadhaayo himmilooyinkaaga.Haddaba u meel day codkaaga, oo yaanu codkaagu kugu noqon cadowgaaga, ku ciil bax codkaaga, u codee aqoonta, u hiili daacadda,ka fagow dulmiga, ka xorrow duudsiga oo gacantaada ku gooso xaqaaga.

DIID UDUB OO U DANEE DADKAAGA.
Ahmed Arwo 08 Aug, 2005
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: