19 April, 2005

UMANAAN FADHIYIN...UMANAABAN FAADHIMAYSAN
Axmed Carwo
April 19, 2005

Maqaalkii hore ka dib, waxa ila soo xidhiidhay nin ka tirsan dawladda oonu saaxiib nahay. Hadal kaftan u badan ka dib, waxuu ii sheegay inaan sheego, in goobtii madaxtooyada ee Khadri ka heesaysay inaanu Madaxweynuhu joogin. Intaas waxaan u dhaafi dulucda maqaalka maanta.Cinwaanka maanta waa heestii labaad ee Khadra Daahir kaga luuqaysay Madaxtooyada Somaliland, ooy ka dambaysiisay tii hore ee ahayd RAGII MA ADIGAA KA HADHAY
Umaan fadhiyin, in nin la xidhay la weydiiyo cidduu u fooday,xisbiga uu yahay iyo qabiilkiisa in la weydiiyo 14 sano ka dib jiritaanka Somaliland.

Cunsiriyadda, kala sooca, shaanbadaynta cid kasta oo waxa xun tilmaama, waxay ahaayeen waxii laga dagaalamay, loo dhintay, loo qaxay, loo guryo beelay, lagu dhaqan guuray oo loo kale cararay. Waxa tani dhacday kolkii weriye Dhuxul la xidhay oo CIDdu weydiisay su'aalo damqaaya cid kasta oo ka naxaysa dalka iyo dadkaba.Dadweynaha Somaliland ayaa taas fijaciso ku noqotay.Haddana waxaad arkaysa in warbaahintu afka ka xidhatay.
Waxa sidoo kale la xidhay weriyahii Jamhuuriye ee Awdal waa nin dhowr jeer xabsi gardaro la geliyey. Waa geesi bustahiisa ku sita xusulka, oo diiday inuu u foorarsado awood loo sheegtay. Waxa sidoo kale la xidhay muwaadin Sacad Jamac Askar, oo lagu xidhay waxaad tidhi....KULMIYE HA NOOLAADO...Yaa u fadhiyey in dadweynaha sidan loola dhaqmo, yaa filaayey in xabsi aan maxkammadi amrin loo jiido qof muwaadin ah.

Maxaa looga aamusan yahay. Dadka waxa ku batay dhaqamo la yaab leh, ooy ka mid tahay kalmada WAA CAADI. Malaha tan lafteeda waxa lagu sifeeyaa WAA CAADI. Waxaan xusuustaa, xili Madaxweyne Anwar Saadaat, uu Masaarida qudbad u jeediyey, oo uu yidhi "Masar waxaan ka mamnuuci lahaa kalmada MAA CALAYSH WAAYO, WAXAY SUURTAGELISAY IN WAX KASTA LOO DULQAATO". Maanta aniga waxa ina dishay WAA CAADI.Waxa muuqata in dareenkii iyo damqashadii ka suurtay dadka, kolkii dhagahooda laga badiyey, WAA CAADI.
Ogow dalka iyo dadku waa u siman yahay. Degaanada u dhexeeya Ceelaabo ilaa Lowyacaddu waa dal iyo dad Somaliland ah. Beelina marti kuma aha dalka, qabiilna cid magan uma aha, qofna abaan uma baahna.Caadi ma aha meelna in qabiil iyo xisbigaaga lagugu weydiiyo. Ma aha Caadi waana xaraan lid ku ah distoorka iyo sharciyada dalka.

Waar caadi ma aha in muwaadin, gaadhi lagu afduubo, in wasiir xidho, inuu badhasaab xidho, inuu Taliye Ciidan xidhgo. Cid xaq u leh ma jirto. Dadku waa u siman yahay dalka, midba xilbuu hayaa. Madaxweyne ilaa Xamaal, midba mas'uuliyad u gaar ah ayuu ahaa. Mid waliba waa xor, sharcigana wey u siman yihiin. Qof waliba xurmad muwaadin ayuu leeyahay. Dambe uu galo, ooy maxkamadda xidho, ayaa qofka xoriyadda ka qaadi kara.Si kale ma jirto.
TANI WAA XUQUUQDA ASAASIGA EE QOFKA. CIDDA KU XAD-GUDUBTAA WAA DAMBIILE QARAN. WAA SHARCI DIID, AWOODDA LOO IGMADAY SI XUN U ISTICMAALAY. MA AHA IN LOO DUL QAATO. MA AHA CAADI.MA AHA CAADI.MA AHA CAADI. KA DHEER CAADI. DUUDSIGU MA AHA CAADI.DULMIGU MA AHA CAADI

Haddaba aan u talaabsano dhinaca siyaasadda culus, ee Sulayman iyo labada Gole ma gayaan cayda loo kiishay.Waxa habboonayd in arrimaha ay soo jeediyeen la qodobeeyo, oo sidaas looga doodo.Waxa ay ansixiyeen mushruuc weligii ina hortaagnaa oo Marxuum Cigaal iyo Riyaalaba ku noqday laf cunaha mariweyday: Waa saami-qaybsi ku salaysan tirada.
Waxa xishmad iyo maamuus mudan sida tifaftiran ee Dr. Gaboose iyo Cabdirahaman Sh Yuusuf Sh. Madar, ay uga hadlayn mawduucan. Waana qoraalo si qayaxan u caddaynaaya cidda eeda leh, ayuu halka ay ka socon weyday.

Meelaha aan ku saluugay sharciga waxa ka mid ah:
Waxa lagu eedaynayaa waa inay keeneen sharci aan suurtag ka dhigayn doorashada xiligan:
a) Tirokoob iyo diwaan-gelin lagama gaadhsiinaayo xilligii hadhsanaa.
b) Qodobadda Goballada ayna doorashu ka dhacayn, waa qalad in loo joojiyo. Waayo kuwii horeba looma joojin. Weyse habboontay in culayskooda la tilmaamo.
c) Ereyga: Khiyaamo Qaran, ee lagu xidhiidhiyey qodobka kor ku xusan, meesha ma qabto.

Sidoo kale, Sulayman waxuu ku qaldan yahay inuu meesha ka saaro maxkamad distoori ah. Maxkamadda Sare waa tii doorashada Madaxtooyada kala saartay, waana distoori, inkastoo go'aamadeedu yihiin qaar aan si faahfaahin ah oo ina qancin kartaa marna ka soo bixin. Ragga Xukaamta ah, waxay u badan yihiin kolka qof qof loo eego rag aqoon iyo sharafba leh. Haddana wadartoodu waa mid wax ka dhiman yihiin. Waxbaa ka si ah. Oo waxaad moodaa inay sharciga ku toosaan marka Madaxweynuhu kiciyo.Dacwadaha kalena ayna dheg u dhigin. Weli waxba kamay soo saarin sharcigii ay ka dacwoodeen labada xisbi ee ku saabsanaa XUKUNKA DEGDEGA AH. KAMAY HADLIN HAB MAAMULKA IDAACADDA HARGEYSA OO KA DHAN AH DISTOORKA. SOOMAY SAARIN WAR BIXIN LAGA FAA'IIDAYSAN KARO OO KU SAABSAN GO'AANKII DOORASHADA MADAXTOOYADA.

Haddaba haddaynu sii gudo gelno daahidda ku timid in la helo Doorasho Xaq ah, yaa ka masuul ah. Sida la caddeeyey, waxa loo gudbiyey Madaxweynaha talo ku saabsanayd in la sameeyo tiro koob iyo diiwaangelin,laba sano ka hor. Waa go'aan ka soobaxay Golaha Guurtida. Madaxweynuhu waxuu Yidhi isagoo cadhaysan"Waxaan ahay Madaxweyne, Golahu ima amri karo". Waxa taasi caddaynaysaa inuu taladan saxa ah u qaatay amar, dabadeedna uu canaad kala hor yimid. Ma aha mid meesha qabata.Waxay ahayd in dawladdu arrintan fuliso xilli hore, eedna kuma leha labada Gole.

Waqti lumis iyo magac xumaba waxay inaga raacday arrintii gabadha reer Boosaaso. Waxa arrintan BBCda werysi ka bixiyey M/Wene iyo Kuxigeenkiisa, wasiiro, taliyaha ciidanka.Waqti qaali ah oo arrimaha doorashada diiradda la saari lahaa ayaa lagu lumiyey arrin aan illaa maanta cidna u caddayn.Waxayna ku dambeysay weynu ognay. Malaha distoorkaa qaldan oo u baahan sixid. Waa tan la xidhiidha saamaxaadda. Awoodda madaxweynahu u leeyahay inuu cid kasta oo la xukumo saamaxaa, waa mid ka baxsan dimuquraadiyadda iyo cadaaladda. Arrintaasi ku noqosho ayey leedahay.Waxayna dunida tusaysaa, kolku Madxaweyne leeyahy awood uu cid kasta ku sii dayn karo, inayna cadaaladi jirin.
Kiiska gabadha mabuu dhaafin maxkamadda gobalka, ee maxaa cafis keenay, haddii dambi jiro, maa loo daayo racfaankii ay dalbatay.Waxa tani tusi lahayd in sharcigu ka madax banaan yahay siyaasadda. Lama yeelin. Waxa loo gacan geliyey wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadamiga. Waa maqasheen hadalkuu yidhi. May dhacdeen haddii maxkamadaha loo daayo.

Mid kale waxa iyana waqti qaatay buuxintii xubintii komishinka ka dhinayd,oo M/Weynuhu u arkay mid gobal leeyahay, waliba reer leeyahay, weliba qoys leeyahay. Waxa taas loo maamulay si fajac leh. Waxa la soo jeediyey in laba xubnood lagu kordhiyo Komishinka si loo furdaamiyo isku riixriixa. Waxa UCID la oggolaatay in Madaxweyanaha loo sii daayo, xubinta uu rabo.Golaha wakiilada waxa lagaga dooday in xubintan la soo raaciyo tu Kulmiye soo magacaabo, labada xubnoodna isla mar la ansaxiyo. Waxa Golaha laga sheegay oo la yidhi Kulmiye wuu gartay in Madaxweyha iyo UCID xubinta loo ansaxiyo, iyaguna ay soo magacaabi doonaan xubintooda. Wey magacaabayn oo M/weynaha ayey u gudbiyeen. Ilaa maanta wey laalantay. Weliba waxa laga saaray sharciga hadda horyaalaa G/Wakiilada qodobkii kordhinta komishanka. Waxa habboon in goalahu dib isugu noqdo, oo ay eegaan sidii ay u furdaamiyeen mushkuladdan.
Waxa iyana habsaan ku keenay xilligii qaaliga ahaa M/Weynuhu u dhoofay Konfur Afrika.

Xilligaas haddii hawsha uu dhowaan galay, dhaqaajin lahaa, wey qabsoomi lahayd xilligii uu isaga lafttisu jaray.May dhacdeen, in M/Weynaha iyo Gud.Guurtidu isku dhacaan. May keenteen in Cabdiqadir Jirde is casilo, mey keenteen emailkii Faysal u diray Wasiirka Warfaafinta ee lagu shaaciyey Awdalnews.com. Kaas oo Gud. UCID ku leeyahay...." Hadday Doorasho Dhici weydo M/Weynuhu joogimaayo, hadday dagaal sokeeye nagu kalifayso xataa...M/Weynaha waan ogaa inaanu daacad ka ahayn doorashooyinka...."Mey dhacdeen khilaafka dhex yaal UDUB. Mana ay timaadeen isu soo bixii KULMIYE ee ka dhacay Hargeysa iyo Burco.
Waxa iyana ka mid ah dhacdooyin dil ah oo booliska Hargeysa geystay oon weli la xalin.Waxa laba muwaadin lagu dilay si sharci darro ah, oo dambigana maalin cad ay galeen boliska Hargeysa. Sidaas oo kale ayaa nin kale isna bolisku ku dileen arrin dhul. Arrinta hore waxa warbaahinta si qalafsan isku eedeeyey laba wasiir. Madaxweynuhu bishii January, isagoo Golayaasha la hadlaaya... waxuu yidhi "Arrintaa labada Wasiir anigaa Ummadda xaal ka siiyey, anigaana wax ka qabanaaya".....Maxuu ka qabtay. Yaa war dambe ka maqlay.Hadduu

M/Weynuhu mashquul yahay, miyaanu lahayn cid xusuusisa.
Gebagebo, waxa M/Weynuhu ku soo laabtay tubtii habboonayd oo waxuu ku soo celiyey barlamaanka sharci suurtagal ka dhigaaya doorashada xilli dhow.Dacwaddii maxkamaddu waxba may tarin aan ahayn khilaaf iyo muran. Wuu mahadsan yahay madaxweynuhu. Sharcigani waa mid qurux badan, haddii loo maamulo sida ku habboon.
Waxaan qabaa in la yeelo, balse la farsameeyo arrimahan:
1-Kadhadhka seddexda xisbi, waa in mid keliya laga dhigaa. Waayo DHAQAALE AHAAN IYO SIR AHAANBA WAXA KU HABBOON INAY NOQOTO XAASHI KELIYA.
2-Waa in seddex jibaar loo kordhiyaa sanaadiiqda. WAAYO WAXA AYNU OGNAHAY IN MEELO BADAN DADKII WAQTIGU KA DHACAY. Haddaba maanta waxa dadku u codaynayaa liis dheer oo magacyo ku qoran yihiin, waxayna qaadanaysaa waqti aad u badan inuu qofku foodo.

Maqaalka ayaa iga dheeraday ee aan faallo kale arrimaha sharciga u dhigto.Haddaba iyadoo maanta la ansaxiyey sharciga doorashooyinka, waxaan u bushaaraynayaa dhammaan ummadda Somaliland, Sedexda Xisbi, M/Weynaha, Golayaasha barlamaanka iyo waxgaradka oo tusay adduun weynaha inay doodi karaan, is khilaafi karaan, heshiisna gaadhi karaan. Waana taas dimuquraadiyadu. KUWA DOONA INAAN LEYS KHILAAFIN. MARKA LABA WADO HADASHANA YIDHAAHDA DALKAA BURBURAAYA SIDAAS HA OGAADAAN.
Ahmed Arwo
Cardiff, Wales U.K.
ahmed_arwo@yahoo.co.uk


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: