20 January, 2005

Miisaaniyda Sanadaka 2005

Miisaaniyda Sanadaka 2005

Dhaqaala xumida iyo gaajada Afrika ka taagan waxa ugu wacan maamul xumo, musuq, qaynuun xumo iyo dagaal joogta ah. Haddii

miisaaniyada 2005 ee Somaliland aynu metal u soo qaadano intuba way ka muuqdaan (maamul xumo’u, musuq, sharci daro iyo qaban

qaabo dagaal). Miisaaniyada haddaan loo isticmaalin sidii loogu talagalay waa denbi waxa iyana kale oo danbi ah cashuur aan

la

ansixin in la hirgeliyo. Waxa cad in labadaa denbiba laga galay ummada marka aad ka tilmaan qaadato miisaaniyadii loogu

talagalay dhameystirka shuruucda sannadkii hore (2004) oo aheyd $79,923 oo lagu edeynaayo’u in Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Qeybe uu u isticmaalay si aan qaynuu’o'onka waafqsaneyn. Sida uu isaguna wasiirka maaliyadu golaha wakiilada ka hore qirtay

cashuuur aan la ansixin ayuu hirgeleyay. Waxa weliba inta dheer in Wasiirku uu qirtay in kharashka ku qayaxan miisaaniyada

(2005) qaarkood laga been fariimaayo.

Haddaad u heysatay dawlada Somaliland in ay ku xad gudubto xuquuqol insaanka oo qudha dib isugu noqo. Distoorku ansixinta

qawaaniinta waxa uu u xil saaray baarlamanka oo qudha. Wasiir iska daayoo xataa Madaxweynuhu ma ansixin karo Haddana waxa la

ogyahay in sidii wasiirka maaliyadu (Cawil) uu ka qirtay baarlamanka in uu cashuuraha qaarna kordhiyay qaar cusubna sameeyay

soo ururintoodana hirgeliyay iyada oo aanu baarlamanku ansixin. Taasi waxa ay kuu cadeyneysaa in Wasiirku u badheedhay in uu

cashuur aan sharci ku salaysneyn hirgeliyo isaga oo aan baarlamankii waxba isaga tirineyn in uu sida uu doonnana ugu

tagrifali karo. Tani waa mid hor leh oo ay tahay in xeer ilaaliyaha guud iyo baarlamanku ay ka hawl galaan.

Nin walba halkii bugtaa isagaay belbeshaa miisaaniyadona haddi aan baahiba baahida ay ka mudantahay aan laga fuudh yeelin

amba sidee loogu tala galay loo isticmaalin waa hal bacad lagu lisay. Haddaba miisaaniyada 2005 ee baarlamanku maanta

ansixiyay waa mid sii dhid beysa siina baaheneysa baahida dhaqaale ee loogu tala galay in ay khafiifiso. Waa mid aan meel

aan baahi jirin loo bedeyay, waa mid lagu badhxay cashuur aan sharci aheyn, waana mid lagu hafraayu agoomaha iyo Naafada, waa

mid aan horumarkii wax la sheegi karo aan looga qoondeyn, waa mid Cabdi Xasan Buuni ka yeeshay boqorkii martiqaadka $7,123,

waa mid Madaxweynaha iyo Mw/kuxigeeenka ka yeeshay kuwii ugu mushahar badna Madaxda Afrika iyo Europe, waa mid dakhligee

dekkedda Berbera, dakhligee Haamaha TOTAL, kii madbacada iyo ili dhaqaali oo kalaba ka dul booday waa mid isku soo wada

duuboo himilada Somaliland soof daran habaabinaaya.

Cashuur aan la ansixin oo la hirgeliyaa waa kow. Waxa se caado noqotay in si kastaba ha lagu soo ururiyee ay in badani

khasnada dawlada garab marto qaarna loo isticmalo si aan laaqi aheyn. Farsama xumida ceynkas ihi waay ku barra kicisaa.

Waxana ka mid ah aan idiin horeyseeyo miisaaniyada Somaliland 2005 oo lagu qiyaasay ila iyo 22 milyon oo dollar ($1=6,739

S/L) boqolkiiba tobban (10%) iyo jar jar ($2,260,630) ayaa ku baxa mushaharka Madaxweynaha, Mw/ku-xigeenka iyo Madaxtooyada.

Aan ku sii bal balaadhiyo. Labbiyo toban milyan oo dollar iyo weliba jarjar $12,120,276 waa xoolo dameer gooya. Xoolaha

inta leegi marka laga shidaal qaato labbadii sanno ee u denbeeyay waxa weyaan musharka Madaxweynaha ($2,931,528), ka

MW/kuxikenka($872,038) iyo kharashka Madaxtooyada ($8,316,710) shanta sanno ee ay xukunka heynayaan.

Mushaharka intaa leeg ayo nin mar Hargeysa Mayor ka ahaan jiray madaxda UDUBna ka mid ah oo la yidhaahdo Caawl Elmi

Cabdala uu mar uu magaalada Bristol ee ingreeska ka hadlaaya shir UDUB isugu timid kaga dhawaaqay in Madaxweynaha Mushaharka

loo kordhiyo. Cawl la yaab ma laha oo markii uu Mayorka ahaa mushahar u xadidnaa ma jirin ee hadba inta kacantiiso qaado ayuu

rujin jiray

Sannadka maanta ah waxa aad moodaa in ay ka soo dhacday Madaxweynaha iyo MW/kuxigeenka waxa ay ka mushahar badan yihiin

Madaxweynaha iyo MW/kuxigeenka Maraykanka oo mushaharkoodu ka la yahay $400,000 iyo $186,320 sida awgeed Rayaale waxa uu iska

dhimay boqol kiiba labaatan (20%) MW/kuxigeenkuna boqolkiiba (5%). Taasina waxa ay mushaharkoodii hoos ugu soo riday sidan

$385,876 iyo $170,827. Hadduu Rayaale is lahaa hakaa hadho mushahar kaga oo la garab dhigo ka Madaxweynaha Mareeykanka waxa

uu iloobay in uu weli yahay Madaxweynaha ugu Mushaharka badan qaarada Africa iyo Europe ba.

Dhinac kale haddi aad ka eegto Mushaharka Madaxweynuhu ($385, 876) waxa uu ka badenyahay miisaaniyada lix wasaaradood oo

la isku darro kuwaas oo kala ah

  1. ) Xoolaha $95,656
  2. ) Beeraha $83,649
  3. ) Ciyaaraha $58,711
  4. ) Caddalada $34,994
  5. ) Macdanta iyo Biyaha $77,469 iyo
  6. ) Xidhiidinta Golayaasha $23,610.

Waxa kale oo la odhan karaa waxa ay is leeg yihiin miisaaniyada
Golaha Guurtida oo ah $399,189. Waxa aad inta ku darsataa Madaxweynuhu Kiro nal iyo biyo toona ma bixiyo. Xataa cashuurta

musharka (payrolltax/income tax)

askariga kurigeesa ilaaliya laga jarro Madaxweynaha lagama jarro. Waxa inta dheer W/Madaxtooyada oo Madaxweynaha hoos timaada

oo uu sida uu doono u isticmaalo miisaaniyadeeda oo ah $1,703,923. Taa waan u soo noqon ee aan ku horeysiiyo kharashka ku

baxa Ilaalinta Qasriga Madaxweynaha oo ah $276,297 kaas oo ka badan miisaaniyada lix (6) wasaaradood oo la isu geeyay oo kala

ah

  1. ) Qoyeska $37,004
  2. ) Ciyaaraha $58,711
  3. ) Cadaalada $34,994
  4. ) Qorsheynta $43,950 iyo
  5. ) Macdenta iyo Biyaha $77,469

Haddaad sida Cawl aaminsantahay Madaxweynaha mushahar ku in uu ku yaryahay waxa aad xisabta ku darsataa miisaaniyada

Madaxtooyado oo iyana ah $1,703,927. Taasi oo ka miisaniyad badan lix iyo toban (16) wasaradood iyo todoba hay’adood (7) oo

la isku daray miisaaniyadood oo kala ah

  1. ) Duulista $218,708
  2. ) Beeraha $83,649
  3. ) Macdanta iyo biyaha $77,469
  4. ) Xoolaha $95,656
  5. ) Reer Miyiga $98,486
  6. ) Kaluumeysiga $131,622
  7. ) Cadaalada $34,994
  8. ) Qorsheynta $43,950
  9. ) Boostada $79,673
  10. ) Diinta $61,449
  11. ) Dalxiiska $81,266
  12. ) Dib-U-dejinta $50,559
  13. ) Xidhiidhiska Golayaasha $25,610
  14. ) Qoyeska $37,004
  15. ) Ciyaaraha $58,711
  16. ) Ganacsiga $129,099 iyo
  17. ) Maxkamada Sare $66,323
  18. ) Xeerilaalinta Guud $68,733
  19. ) Hay’ada Shaqaalaha $ 76,714
  20. ) Haantidhowrka Guud $73,657
  21. ) Miina Saarka $30,928
  22. ) Qandaraaska $17,352
  23. ) N.D.C $36,846

MW/ku-xigeenku qudhidiisu dab yar shidi maayo. Mushaharka MW/ku-xigeenkuna waxa ay ka badantahy miisaaniyada afar

wasaaradood oo la isku daray oo kala ah

  1. ) Qorsheynta $43,950
  2. ) Diinta iyo Awqaafta $61,449
  3. ) Horumarinta Qoyeska $37,004
  4. ) Xidhiidinta Golayaasha $25,610.

MW/kuxigeenku talow ma og yahay in uu mushaharkiisu in ku dhow saddex (3) laab uu ka

iyo

badan yahay miisaaniyada diinta iyo aw qaafta iyo in uu saddex laab (3 times) ka badan yahay miisaaniyada Jaamacada Hargeysa,

Jamacda Camuud iyo machadka tababarka macalimiinta oo marka la isku darro isku noqonaaya $44, 520.

Waxa kale oo iyana jira wasaarada badan oo aan loo baahneyn oo ay ka mid yihiin Wasaarada Madaxtooyada, War faafinta,

Dalxiiska, Xidhiidhiska Golayaasha, Deb-u-dejinta, Duulista iyo qaar ka laba. Wasarada Dalxiiska oo kuwaa ka mid ah oo loo

qoondeeyay miisaaniyad dhan $81,266 bal aan hoos u eegno. Shantii sannadood ee u danbeeyay miisaniyada lagu qoray dalxiiska

waxa ay dhantahay $304, 081. Sida uu wasiirka dalxiisku sheegeyna shaqali ay leedahay ma jiro. Haddaba waxa la yaab leh in

wasarada ninka qudhi horfadhiyo wax dakhli ahna aanu soo gelin ay ka miisaniyada badantahay miisaniyada toddoba (7)

wasaaradood oo kala ah

  1. ) Boostada $79,673
  2. ) Macdanta iyo biyaha $77,469
  3. ) Caddaalada $34,994
  4. ) Maxkamada Sare $66,323
  5. ) Xeer Ilaaliyaha Guud $68,733
  6. ) Hay’ada Shaqaalaha $76,714
  7. ) Hanti Dhowrka $73,657.

Waxa kale oo ay ka badantahay miisaniyada laba wasaraddood oo la isku daray oo ka la ah

  1. ) Qorsheynta $43,950 iyo
  2. ) Xidhiidinta Golayaasha $25,610

Waxa sannadkan soo baxay wax been abuur ah oo lagu hafraayo Naafada iyo agoomaha. Naafada iyo Aggoomaha urur kooda sooyal

sannadkan missaniyadiisu waxa lagu qoray $22,318 oo tii sannadkii hore ka yar. Waxa kale oo aaynu ka warqabnaa in Aggoomihii

markay gaddoodeen wasiirka daakhiligu uu askar u dalbaday kuna yidhi wakhtigii SNMtu wuu dhamaaday ee miisha ka dareera.

Aggomihi sidaa loola dagaalamay ayaa hadana lagu magacaabay miisaaniyad ah $1,469, 695. Waxa se caddaan ah in ay hafar tahay

iyo been abuur. Tafaasiishiidona waa sidan

  1. ) Raashin $266,235
  2. ) Staioneryga $712
  3. ) Shidalka $4,541
  4. ) Musharka $1,193,668
  5. ) Habeen dhixida Naafada $1,484 iyo Naafada $3,056.

Stashonery iyo habeen dhixid Aggoomaha loogu tala galay ma jirto ee

Sua’shu se waxa ay tahay in xukuumado ay baarlamanka iyo dadkaba soof daran habaabiso ma qawaaniintaay ka mid tahay?

Waxa wasaaraduhu ka simanyihiin miisaaniyad loo qoondeeyay waxa lagu sheegay isticmaalka iyo iibsiga qalabka nalka iyo

biyaha oo marka la isu geeyo isku noqonaaya $142,552. Dosha waxa aad ka mooddaa wax la garawsan karo marka ad se u kuur gasho

waxa soo baxaya laba arin labadaba, waa mid eh wasaarad iyo wasiir bixiya biyo iyo nal midna ma jiro, waa mida kale e qalabka

biyaha iyo nalka mar uunbaa la iibsadaa ee joogto ma aha. Waxa la ug yahay in wasiirka Maaliyadu iyo wasiir hore oo arimaha

guud ahaan jiray ay ku dagaalameen kuna xagxagteen shaqaalihi biyaha.

Waxa iyana miisaniyad gaar ah leh Qareen sabool iyo markhaatiyaasha oo noqotay $9,972. Fikrado waay fiicantahay hase

yeeshe weli lama hayo qarren qudha oo ay dawladu qof sabool ah u qabatay lacagtiina u tirisay

Waxa kale oo iyana miisaaniyada ku qayaxan Kharash dhan $64,020 oo loogu tala galay Hawlaha magaha iyo xaqsiinta. Haddaba

waxa muranku ka taaganyahay ma maxkamada xukunta mise wasiirkaa ku doonana xaq siiya ku doonana daadafiiya?

Waxa kale oo jira wax dawladu ay ku sheegto Kharashka yaryar oo isku noqonaaya $42,570. Kharashkaasi waxa uu ka

badanyahay miisaaniyada saadex (3) wasaaradood oo ka la ah

  1. ) Horumarinta Qoyska $37,004
  2. ) Cadaalada $34,994 iyo
  3. ) Xiddhiidinta Golayaasha $25,610.

Xoolaha intaa leeg in lagu sheego Kharashka yar yar oo aan xisaab laheyn waa budh cadnimo.

Waxa kale oo iyana ah wax lala yaabo

  1. ) Kalmada Rugta Ganacsiga $4,748
  2. ) Martiqaadka $66,256
  3. ) Tababarka Warshedleyda $1,971 iyo
  4. ) Kharashka garsooka ciidamada $9,438.

Ugu horeeyn Rugta Ganacsiga dadka ay u adeegto oo ah ganacsatada ayaay

tahay in ay xilkiida qaadan dawladana ka madax banaanaadan. Marlabaadka ganacsatada awoodi kartay maal gelinta warshadaha

sidiibaay dawladu ugu kharash gareysaa tababar? Tababarka ay se dawlada ganacsatada siineyso maxaay tuur tiida ugu toosin

weeeyday. Lacagtan Martiqaadka ku baxaaysaa ee wasiir walba u qoran waa xad dhaaf intiida badana waa la iskaga tagrifalaa

maana jiraan dareeq (policy) loo raaci karo oo u dijisan. Ta garsoorka ciidamadu iyana wa mid kale oo lagu qoslo.

Fidinta maamulka iyo hawlaha Bariga sannadkii hore waxa loo qoondeeyay $95,238 sanadkana inka badan toban (10) laab ayo

kur u kacay $1,072,860. Markaa waxa aaynu filnaa waa in Burco iyo Borama shilnka S/L lagaadh siiyo iyo Sool iyo Sanaag oo la

soo hooyo sanadkan.

Waxa dawladu leedahay inka badan toban (10) wasiira dawle. In taas oo Wasiira dawle mid qudha ayaa leh miisaaniyad u

gaar

ah. Kaasina was wasiira dawlaha wasaarada dibeda (foreign) waxana loo qoondiiyay $10,387.

Haddaynu u soo noqono waxbarashada $1,062,928 iyo caafimaadka $650,890 marka la isku darro waxa ay u dhigmaan

miisaaniyada Madaxtooyada $1,703,927.

Waxa iyana layaab leh miisaaniyada loo qoondeeyay ciidamada Asluubta oo ku dhow hal milion oo dollar ($993,478) taas

oo ka

badan miisaniyada wasaarada caafimaadka ($650,890) laban laab in ku dhow. Waxaana la u dhan karaa waxa ay is leegyiin

miisaaniyada Waxbarashada $1,062,928. Waxa kale oo ay ka badantahay miisaaniyada shan iyo toban (15) wasaaradood oo la isku

daray kuwaas oo kala ah

  1. ) Beeraha $83,649
  2. ) Caddalada $34,994
  3. ) Qorsheynta $ 43,950
  4. ) Macdanta iyo Biyaha $77,469
  5. ) Reer Miyiga $98, 486
  6. ) Ciyaaraha $58,711
  7. ) Dib-U-dejinta $50,559
  8. ) X. Golayaasha $25,610
  9. ) Maxkamada Sare $66,323
  10. ) Xeerilaalinta Guud $68,733
  11. ) Hantidhowrka Guud $73,657
  12. ) Miino Saarka iyo $30,928
  13. ) Hay’ada Shaqaalaha $76,714

Waxa iyo wax ka daran ayay hantidii yareyd ee dumarka agoomaha kursanaaya ee koobka shaaha bacadka ku iibiya laga soo

guraayo lagu khasaariiyaa. Waxa an idiin horeysiiyay wasiirka xidhiidhinta labada goli (Xasan Cabdi Buuni) in

miisaaaniyadiisa martiqaadku dhan tahay $7,123. Marka aad eegto miisaaniyada wasarada oo dhan $25,610 martiqaadku waxa uu

noqonayaa saddex daloollow dalool.

Waxa iyana la yaab leh in miisaaniyada kala badh (50%) ay ku baxeyso ciidan iyo wixii xidhiidiya. Marka aad taa ku darto

10% ka ku baxa Madaxweynaha iyo MW/ku-xigeenka waxa miisaaniyada ka soo hadhay 40% oo qudha oo iyagona ku baxaya dalxiis iyo

martiqaad.

Walee wadanka sidaa wax u luminayaa meel ma gaadho!

Ali Gulaid, San Jose , CA

Shaxda Koobaad (1)
Soo Kubida guud EE Missaniyadda Sannaddada – 2005
Description($1 = 6,739 S/L Shilling)
S/L ShillingUS$Dollar
Qasriga Madaxtooyada
2,600,419,200
385,876
Madaxweyne Ku-xigeenka
1,151,200,000
170,827
W/Madaxtooyada
11,482,761,458
1,703,927
Golaha Guurtida
2,690,134,800
399,189
Golaha Wakiilada
2,849,863,200
422,891
Maxkamada Sare
446,948,800
66,323
Xeer Ilaaalinta Guud ee Qaranka
463,194,400
68,733
Hay’ada Shaqaalaha
516,977,600
76,714
Hanti-dhowrka Guud
496,375,200
73,657
Guddida Qandarasyada
116,932,000
17,352
Hay’da Nerad
186,780,000
27,716
W/Arimaha Dibada
1,870,580,000
277,575
Caddalada
235,824,000
34,994
Ciidanka Asluubta
6,290,707,200
933,478
Maxkamada Hoose
1,956,383,200
290,308
Arrimaha Guddaha
7,253,005,000
1,076,273
Ciidanka Booliska
15,499,411,200
2,299,957
Wafaafinta
1,120,164,000
166,221
Gaashandige
8,198,449,200
1,216,568
Ciidanka Qaranka
39,464,354,920
5,856,114
Qorshaynta
296,182,400
43,950
Maaliyada
14,795,601,571
2,195,519
Ganacsiga & Warshadaha
869,997,600
129,099
Macdanta iyu Biyaha
522,060,400
77,469
Kaluumiysikga
887,002,400
131,622
Beeraha
563,710,400
83,649
Xannanada Xoolaha
644,624,000
95,656
Boosaha & Isgaagsiinta
536,919,360
79,673
Waxbarashada
7,163,075,000
1,062,928
Caafimaadka
4,386,348,000
650,890
Diinta iyu awqaafta
414,108,000
61,449
Dalxiiska
547,649,600
81,266
Hawlaha Guud
3,229,372,800
479,207
Duulista & Gaadidka Cirta
1,473,875,200
218,708
Horumarinta reer Miyiga
663,696,800
98,486
Dib-u-dejinta
340,717,600
50,559
Hay’da N.D.C
248,302,600
36,846
Hay’ada Miina Saarka
208,425,600
30,928
Xidhiidka Golayaasha
172,588,000
25,610
Dhallinyarard & Ciyaaraha
395,652,000
58,711
Guddiga Doorashooyinka
4,752,469,000
705,219
Horumarinta Qoyska
249,368,000
37,004
Total
148,252,211,709
21,999,141
Shaxda Labaad (2)
Kharashka Naafada iyo Aggomaha
FaahfahinUS$ Dollar
Raashinka Naafada, Aggomaha H/gabka
266,235.00
Stashineriga (stationery) Naafada
712.00
Shidaalka Naafada
4,541.00
Mushaharka Naafada & Agoomaha
1,193,668.00
Habeen Dhixida Naafada
1,484.00
Naafada
3,056.00
$ 1,469,696.00
Shaxda Saddexaad (3)
Kharashka Raashinka
Raashinka Ciidanka
1,367,714.00
Rashinka Aggoomaha
3,561.00
Rashinka Cisbitaaalka
31,162.00
Rashinka Warshada
4,553.00
Rashinka Maxaabista
216,649.00
Rashinka Naafada, Aggomaha
266,235.00
Rashinka shanta Maxbuus
3,039.00
Kabka Rashinka Ciidamada
116,694.00
$ 2,009,607.00
Shaxda Afraad (4)
Miisaaniyada Hoostimaada Wasiirka Daakhiliga
Ciidanka Asluubta
933,477.85
W/Arimaha Gudaha
1,076,273.19
Ciidanka Booliska
2,299,957.14
$ 4,309,708.18
Shaxda shannad (5)
Kharashka Ciidan iyo sirdoon
W/Gaashaandhiga
1,216,568.00
Ciidanka Qaranka
5,856,114.00
Ciidanka Booliska
2,299,957.14
Ciidanka Asluubta
933,477.85
W/Gudaha
1,076,273.19
$ 11,382,390.18
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: