| Mid ka mid ah Xildhibaannadii ugu Miisaanka Cuslaa Golaha Guurtida oo Hargeysa Lagu Aasay Hargeysa (Jam)- Allaah ha u naxariistee marxuum Cabdisalaan Maxamed Siciid (Kalce) oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si heer qaran ah shalay loogu aasay qubuuraha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu habeen u geeriyooday xannuun uu muddo u jiifay. Marxuum Cabdisalaan oo habeen hore ku geeriyooday gurigiisa oo yaal xaafadda Dumbuluq ee magaalada Hargeysa, waxa jinaasadda aaskiisa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuummada, shirguddoonnada iyo xildhibaannada labada gole Baarkanab [Guurtida iyo Wakiillada], madaxda xisbiyada mucaaradka, madax-dhaqameedyo iyo boqollaal dadweyne ah. Allaah ha u naxariise xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid oo muddo saddex bilood ah u jiifay xannuun ka asiibay dhabarka, waxa dhowaan laga soo celiyey caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo loogu soo sameeyey qalliin caafimaad ah oo dhabarka ah. Marxuum Cabdisalaan oo da'adiisu ahay 50 jir, waxa uu ku dhashay degmada Dhahar ee bariga Gobolka Sanaag, waxaannu mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ka mid noqday sannadkii 1998-kii, waqtigaas oo uu buuxiyey xubinnimadii guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Guurtida Mr. Axmed Sheekh Saalax oo isagu ka baxay golaha. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka culus Golaha Guurtida, isla markaana codkar ah oo saamayn weyn ku lahaa dhaqdhaqaaqyada golaha, waxana si gaar ah loogu xasuusan karaa kaalintii uu kaga jiray mudanayaashii sida adag uga soo horjeeday korodhsiimooyinkii u dambeeyey ee Aqalka Odayaashu muddada xilka ugu biiriyeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa. Waxa kale oo marxuumka lagu xasuustaa dhiirranaan iyo geesinimo uu ku dhex lahaa goobaha siyaasadda ee lagu faltamayo, waxaannu had iyo jeer caan ku ahaa inuu xukuumadda Madaxweyne Rayaale si ba'an ugu eedayn jiray inay ku fashilantay qabashada doorashada madaxtooyada ee dhawrka jeer dib u dhacday. Alle ha u naxariistee marxuum xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid oo ay saaxiibtinimo aad u fog ka dhexaysay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu ahaa nin furfuran, aftaham ah, deeqsi ah, doodihiisa golaha dhexdiisuna ahaayeen kuwo si gaar ah loo xiisayn jiray. 5 |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
01 April, 2010
Mid ka mid ah Xildhibaannadii ugu Miisaanka Cuslaa Golaha Guurtida oo Hargeysa Lagu Aasay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment