“Habeenkii Seemaal Dilku ka dhacay inankaygu Hooyadii oo Bugta ayuu Hargeysa Keenay aniguna Reerkii Miyiga…” Daahir Cali Cige (Yabaal).
Hargaysa (Gabiley News):- Salaadiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha Beesha Reer Xareed ee Jibriil Abokor ayaa Shir Jaraa`id oo ay Maanta qabteen Magaalada Hargeysa ku sheegay inaanay la shaqayn doonin Wasiirka Arimaha Gudaha iyagoo eedeyn ba`an u soo jeediyey Wasiirka, kuna eedeeyay inuu ka shaqaynaya isku dir uu ka dhex abuurayo labada beelood ee deegaanada Dila iyo Gabiley. Odayaasha Shirka Jaraa`id qabtay ayaa Kala ahaa Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Caaqil Maxamed Cige Geele, Caaqil Nuur Cilmi Samatar, Caaqil Farxaan Muxumed Taani, Oday Cuma Muxumed Sanyare, Daahir Cali Cige (Yabaal), Cumar Barkhad Bulaale.
Odayaasha ayaa shirkooda jaraa,id ku tilmaamay in wasiir Duur uu ka shaqaynayay sidii uu iskugu diri lahaa labada beelood ee shaqaaqadu ka dhex dhacday, iyagoo halkaasina ku cadeeyay inaanay kula shaqaynayn iskudirka iyo colaada aan waligeed dhamaanayn ee uu ka dhex wada beelaha deegaanada Dila iyo Gabiley.
Suldaan Xuseen Aw Muuse oo Shirkaasi jaraa,id ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Wasiirku Waxa uu tagay Gabiley wuxuu Yidhi waxaan Hayaa 9 Nin Dhanka Kala waxaan u hayaa 4 nin Arrinta Seemaal Maxaad ujeeday ma Reeraha ayaad isku gubaysay ma dan kalaad ka lahayd ma caqliyan ayaanad Arintan xilkasnimadeeda u fahmin“
“Habeenkii Seemaal Dilku ka dhacay inankaygu Hooyadii oo Bugta ayuu Hargeysa Keenay aniguna Reerkii Miyiga ayaan Joogay aniga oo aan Dilkaa aan qabin Inankayguna aanu Qabin ayaad i soo eedeysay adiga oo Nin Madax ah kuma garanayo adna i garan maysid dee danbi aanan gelin baad i saartaye Sacaadatul Wasiir ka noqo balaayaa kuu warantee dee kii kuu waramay ka daba tag“ Waxaa sidaasi yidhi Daahir Cali Cige (Yabaal).
Cumar Barkhad Bulaale oo ka mid ahaa odayaasha shirka jar,aaid ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Hadaad Jeelasha oo dhan aad faaruqiso oo Toban kun naga soo xarayso qaar kale ayuun baa baaqi ah ilaa mandheera Xoog waxba laguma Qabto Dawladina Haybad bay ku shaqaysaa Qorigu Meel walba wuu yaala “
Dadwaynaha reer Somaliland ayaa mudooyinkan danbe si wayn u hadal hayay wasiirka Arimaha gudaha oo ay ku eedaynayeen inuu nimanka uu warbaahinta ka yeedhiyay ee aanu waxba ku hayn u abuuray colaad waligeed taagnaata iyo iyadoo la bartilmaameedsan doono inta noloshooda ka hadhay.
Gabiley News Office
Hargeisa Somaliland.
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment