10 January, 2012

War Degdeg Ah: Badhasaabkii Gobolka Gabiley oo Xilkii Laga Xayuubiyay Mid Cusubna Loosoo Magacaabay.

War Degdeg Ah: Badhasaabkii Gobolka Gabiley oo Xilkii Laga Xayuubiyay Mid Cusubna Loosoo Magacaabay.

Badalka badhasaabka ayaa kusoo beegmay wakhti gobolka Gabiley ka taagan tahay...
Gabiley (Gabiley News):- Gabiley (Gabiley News):- Xuseen Cumar Magan oo ka mid ah qurba jooga reer Gabiley ayaa maanta loo soo magacaabay Badhasaabka gobolka Gabiley kadib markii xilkii badhasaabnimada laga qaaday Cali Aw Aadan Meecaad oo mudooyinkan danbe cabashooyin isdaba joog ahi kaga imanayeen degmooyinka gobolka ee uu maamulayay.

Badhasaabka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad ayaa saxaafada gobolka Gabiley u xaqiijiyay inuu jiro badalkaasi warqadana uu gacanta ku haysto, xilka uu tirin doono maalinta loo cayimo.



Badalka badhasaabka ayaa kusoo beegmay wakhti gobolka Gabiley ka taagan tahay xaalado colaadeed.

Wixii warar kasoo kordha bedelida badhasaabka gobolka Gabiley kala soco Gabiley News.

Gabiley News Office
Gabiley Somaliland
contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: