11 January, 2012

“Dhulbahante Waxay Dawladnimada La Wadaagaan Beelihii Ingiriiska Xornimada Ka Qaatay 60-Kii, Wiilkaygii Ciidanka Qaranka Ee Lagu Dilay Yagoorina Xukuumadu $100,000 Oo Maga Kamay Bixin”

"Dhulbahante Waxay Dawladnimada La Wadaagaan Beelihii Ingiriiska Xornimada Ka Qaatay 60-Kii, Wiilkaygii Ciidanka Qaranka Ee Lagu Dilay Yagoorina Xukuumadu $100,000 Oo Maga Kamay Bixin"

Kornayl C/Llaahi X. Jaamac Calas


Hargeysa, January 10, 2012 (Haatuf) – C/casiis Axmed Cabdi oo ah Muwaadin dhalinyaro ah oo naafo Curyaana ah, isla markaana ku nool Caasimada dalka ee Hargeysa ayaa ka dayriyey duruufaha nololeed ee ku gadaaman, tilmaamayna in Camal la'aan ku habsatay ay quus kaga riday sii joogitaanka dalka oo uu sheegay inuu ku talo jiro inuu beegsado Tahriib uu dalka kaga baxo.

C/casiis Axmed Cabdi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay xogwaran khaas ah Hargeysa ku siiyey Wariye ka tirsan Wargeyska Haatuf, ayaa sidoo kale sheegay inuu taageero wayn u ahaa xisbul xaakimka Kulmiye, kaas tibaaxay inuu ka rajaynayey inuu shaqo ka helo xisbigaas uu taageeraha u ahaa, isla markaana laga horaysiin doono kuwa lugaha qaba, maadaama oo uu naafo yahay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa ugu baaqay xukuumadda in hoos loo eego xaalada nololeed ee dadka naafada ah, isla markaana intii macquul ah Shaqooyin loo abuuro, kaas oo tilmaamay in xaalada nololeed ee dalku ay adkaatay, kana digay Cawaaqibka ay dhaxalsiinayso Shaqo la'aantu dhalinyarada dalka. Ugu horayna C/casiis Axmed isaga oo ka hadlaya Camal la'aanta haysata, waxa uu yidhi "Waxa maanta iigu daran ee aan codsanayo in wax la igala qabto waxa ka mid ah Shaqo, run ahaantiina waynu wada ognahay in mihiimad wayn ay noolaha u leedahay shaqadu, isla markaana aanay nolosha Binu-aadamku uga maarmi karin inay shaqayso. anigu waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii aamin-sanayd in Isbadalka ay Mahadin doonaan dhalinyarada shaqo la'aantu dalkeena ku haysato, kuwaas oo inbadan oo ka mid ahi ay hore naftooda ugu biimeeyeen, kuna kaliftay inay dalkooda ka tahriibaan oo ay badaha ku dhintaan. Marka aan eego shaqo la'aanta dhalinyarada dalka haysata ee waliba ay  u dulqaadan laayihiin dadkii laxaadkooda qabay ayaan niyad jabaa oo aan is idhaahdaa waxa shaqo la'aanta u dulqaada la kuwii cagaha qabaye maxaad u malayn qof laxaadkiisu aanay dhamayna, run ahaantii Nolasha sii adkaanaysa iyo shaqo la'aanta maanta i haysataa waxa ay igu kalifaysaa inaan aniga oo Curyaan ah oo guurguuranaya aan Tahriibo".

C/casiis Axmed Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya taageerada uu u hayey xisbiga Kulmiye iyo waxa uu filanayey, waxa uu yidhi "Xukuumadda Kulmiye ee talada dalka haysa waxaan u ahaa taageere wayn oo runtii waxaan aaminsanaa iska daa shaqo inaan waayo'e inaanay cidi iga celinayn Madaxtooyadda, taasina waa riyo aan qabay oo beenawday. Dadka naafada ah ee Somaliland ku nooli waxay u muuqdaan inay hada yihiin kuwa ugu ayaanka daran, sababta oo ah Shaxaad yar oo maalin nin siyaasi ah ama Wasiir ama nin ganacsade ahi i siiyo waxa iiga munaafacaad badan Shaqo uu isiiyo oo isaguna uu shaxaadkayga kaga raysto".

C/casiis waxa uu tilmaamay in dulmi ka jira dalka, waxaanu yidhi "Dalkeena maanta waxa ka dhacday in kuwii Cagaha Qabay Laankuruusalo loo iibiyo, isla markaana dhalinyaro badan oo Curyaamiin ahi aanay xataa Mooto ama Baaskiil yar aanay haysan taas oo noqonaysa dulmi, isla markaana ay dabada ku wada siqaan. Waxaan xukuumadda iyo dadkeena ganacsata ah ka codsanayaa inay shaqo ama Mooto yar oo aan ummadayda ku dhex xulo ay igu caawiyaan, waxaanan leeyahay Masuuliyiinta xukuumada hada talada haysaa in la idin garaacdo uun ha sugina'e garasho yeesha".

C/casiis Axmed Cabdi mar uu ka hadlayey doorka bulshada danyarta ah ay ka xaaladood ka gaysato Marwada koowaad ee dalku, waxa uu yidhi "Waxa aan amaan wayn halkan uga soo jeedinayaa Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamin Waris oo run ahaantii ah qof naxariis badan, isla markaana dadka danyarta ah wax u qabata, waxaanan ka rajaynayaa Marwada dalkana inay wax noo qabato aniga iyo inta naafada ah ee ila midka ah ee maanta dalka joogay, isla markaana ay ka qaybqaadato inaanu shaqooyin helno dhalinyarada naafada ah ee muwaadiniinta ahi".

 

No comments: