01 February, 2009

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu oo lagu maamusayo Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Mars

oo caawa fantasiye balaadhan loogu qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland. Waxaana halkaas Shahaado sharftii Wariyenimo ee sanadka lagu gudoonsiyay wariye Muha Dahir Farah Jire.

Muha Dahir Farah JireWaxaa khudbad la xidhiidha munaasibada maalinta Haweenka Aduunka ka Jeedisay Marwada kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan, khudbadaas oo ay Marwadu kaga hadashay qiimaha haweenku u leeyiin guud ahaan caalamka gaar ahaana Somaliland oo ay tilmaantay in ay door laxaadle kaga jiraan kobcinta iyo horumarinta dalka. Marwadu markii ay dhamaysay khudbadeeda ayay Shahaado sharaf gudoonsiisay Muha Daahir Faarax Jirreh oo ah Suxufiyad ka shaqaysa Television-ka Qaranka taas oo ay sheegtay in ay u gudoonsiisay shahaadadan dadaalkeeda firfircoon iyo dhiiri galinta da'yarta kale ee saxaafada si ay horumarin iyo dadaal ula yimaadaan ka dibna waxaa halkaa ka bilaabmay bandhig ruwaayadeed ay xuska maalinta 8-da Mars ugu tala galeen fanaaniinta qaranka

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: